Garsoorayaal Soomaali ah oo caawa dhex dhexaadin doona Cayaar caalami ah.

Garsoorayaal Soomaaliyeed ayaa Caawa dhex-dhexaadin doona kulan ka tirsan Caf Confederations Cup oo ay wada Cayaari doonaan labada Kooxood ee kala ah Coton sports fc oo ka dhisan dalka Cameroon iyo kooxda As otoho ee ka dhisan dalka Congo iyadoo Ciyaartu ay ka dhacayso dalka Cameroon.
Garsoorayaashaani ayaa kala ah.

Omar Abdulkadir Artan
Ass1- Suleiman Bashiir sh Cabdi
Ass2 – Mahad Ali Mohamud
Reserver referee – Ahmed Hassan Hussein

Ciyaarta ay dhex-dhexaadinayaan waxay soo galaysa 10:00pm

Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal oo ka warbixiyay Shahaado siinta Xildhibaanada

Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT ayaa ka warbixiyay sida ay howsha Shahaado siinta Xildhibaanada ku socoto.                                                                        Qoraal uu guddiga soo saaray ayaa u dhignaa sida tan.Maanta oo ay ahayd maalintii labaad ee Bixinta Shahaadada Xildhibaanimo ee ka socotay Xarunta Guddiga FEIT, Waxaa qaatay Shahaadada Xildhibaanimo ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanada hoos ku qoran, kuwaas oo isugu jira Mudanayaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka sare, oo ka kala yimid; Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Galmudug, Somaliland, Puntland iyo Jubband.

1. Sheikh Adan Madoobe GSH#189
2. Shariif Abdalla GSH#085
3. Abdillahi Abdi Mohamed GSH#264
4. Hussein Mohamed Nur GSH#051
5. Ahmed Abdi Hashi (Ahmed Taajir) GSH#166
6. Mohamed Abdullahi Keyse GSH#073
7. Sadiya Yasin Haji Samatar GSH#129
8. Hassan Abdi Ismail GSH#217
9. Omar Ibrahim Hashi GSH#114
10. Roda Arab Abdi GSH#219
11. Khadra Mohamed Tukale GSH#274
12. Sahra Olad Abdi GSH#018
13. Zamzam Dahir Mohamud AS#12
14. Leila Ahmed Ismail AS#37
15. Ahmed Mohamed Ali AS#21
16. Noradin Abdullahi Olujog GSH#246
17. Zamzam Abdullahi Ahmed AS#24
18. Abdirahman Mohamed Hussein GSH#069
19. Fartun Abdikadir Farah Karama AS#19
20. Yusuf Hussein Ahmed Gama’diid GSH#031
21. Ali Shaban Ibrahim AS#23
22. Prof/Dr. Osman Mohamud Mohamed (Dufle) AS#20
23. Salah Ahmed Jama AS#34
24. Guled Bihi Abdi GSH#255
25. Ahmed Osman Dirie GSH#233
26. Abdinur Ali Aden GSH#028
27. Mohamed Sheikh Noor Osman GSH#107
28. Abas Ali Ibrahim GSH#111
29. Mohamed Abukar Ali GSH#025
30. Adar Hared Jibril GSH#132
31. Mohamed Abdurahman Nadif GSH#124
32. Bihi Iman Egeh GSH#237
33. Abdiqani Ismail Said GSH#241
34. Mohamoud Abdirahman Omar GSH#272
35. Adnan Osman Elmi GSH#236
36. Omar Yusuf Qaladid GSH#136
37. Ahmed Mohamud Jama GSH#029
38. Nasro Mahdi Arale GSH#023
39. Leylo Nur Maah AS#07
40. Sahra Jama Ali GSH#134
41. Dr. Ahmed Adam Ahmed GSH#127
42. Hassan Dahir Yarow AS#05
43. Zaynab Mohamed Amir GSH#267
44. Asad Abdirisaq Mohamed GSH#120
45. Yusuf Mohamed Ismail GSH#118
46. Ilyas Badal Gabose AS#01
47. Mohamed Hassan Adam GSH#133
48. Hamza Abdi Barre GSH#203
49. Abdi Hashi Abdullahi AS#33
50. His Hassan Adan GSH#015
51. Farhiyo Mohamud Dhakane GSH#052
52. Maryan Mohamud Isse GSH#226
53. Mohamud Abdirahman Sheikh Farah GSH#003
54. Osman Mohamed Abdi GSH#022
55. Fadumo Hassan Ali GSH#210
56. Abdi Ibrahim Warsame GSH#196
57. Abdulkadir Mohamed Wa’ays GSH#112
58. Mowlid Abdi Mohamed GSH#130
Ugu danbeyn waxaan bogaadinaynaa Xildhibaanada Labada Aqal qaatay Shahaadada, waxaana sidoo kale ku boorrinaynaa inta dhimman ee aan wali qaadan ku dedaalaan sidii ay ku qaadan lahaayeen , si aan uga dhabeyno Jadwalka Dhammeystirka.

Ra’iisul wasaare Rooble oo Ganacsatada ku booriyay in ay qeyb ka noqdaan Gurmadka Musiibadii Suuqa Waaheen ee Hargeysa.

Kulan Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble uu la yeeshay ganaacsatada Soomaaliyeed oo Looga hadlayay sidii loogu gurman lahaa ganacsatadii dabkii weynaa ee baabi’iyay suuqa weyn ee Hargeysa, ayaa looga dhawaaqay lacag gaareysa 3 Milyan oo Doollar taas oo 1 Milyan oo ka mid ah ay bixineyso XFS halka 2 Milyan oo Doollar ay bixinayaan Ganacsatada Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa amray in si deg deg ah loo fasaxo lacag dhan $ 11,700,000 ( Kow iyo Toban Milyan iyo Toddobo Boqol oo Kun oo Doollar) oo ku jirta xisaabta DFS, taas oo ah deeq caalami ah oo loogu talo galay mashaariicda horumarinta Somaliland, si loogu xoojiyo howlaha gurmadka ee looga jawaabayo masiibadii ka dhalatay dabkii baabi’iyay suuqa weyn ee magaalada Hargeysa.

R/Wasaaraha Pakistan oo ku baaqay in la qabto doorasho degdeg ah

Ra’iisul wasaaraha Pakistan Imran Khan ayaa ku baaqay doorasho waqtigeeda laga soo hormariyay kadib markii codka kalsooni kala noqoshada ee looga horjeeday r/wasaaraha uu si lama filaan ah u joojiyay ku xigeenka afhayeenka baarlamaanka.

Xisbiga Khan PTI ayaa u lumiyay aqlabiyaddii uu ku lahaa Baarlamaanka Qaranka usbuucii hore markii 7 xildhibaan oo ka tirsan isbaheysiga ay go’aansadeen inay ku biiraan mucaaradka.

Khan, ayaa ku andacoonaya inuu jiro “shirqool caalami ah” oo uu Mareykanku hoggaaminaayo si xilka looga qaado,wuxuu khudbad u jeediyay shacabka, isagoo codsanaya  in la isu diyaariyo doorasho.

Mucaaradka ayaa ku adkeystay in tallaabadani  ay siisay fursad dhab ah oo ay ku ceyrin karaan Khan, oo xilka hayay tan iyo 2018-kii, laakiin ku xigeenka afhayeenka baarlamaanka Qaasim Khan Suri ayaa arrinkaa ku sababeeyay faragelin shisheeye.

Raisal wasaaraha Pakistan oo ka bad-baaday mooshin xil kaqaadis ah.

Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Pakitan ayaa hor istaagay mooshinka kalsooni kala noqosho asagoona ku tilmaamay mid aan dastuuri ahayn.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Imran Khan, oo khudbad u jeediyay shacabka maanta oo axad ah ayaa sheegay in uu kula taliyay Madaxweyne Arif Alvi “inuu kala diro golayaasha”.

Ku dhawaaqista Ra’iisul wasaaraha ayaa timid daqiiqado kadib markii guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Qaasim Suri, oo shir guddoominayay kalfadhiga maanta, uu meesha ka saaray mooshinkii kalsooni kala noqoshada ee ka dhanka ahaa Ra’iisul Wasaare Imran Khan, isagoo ku tilmaamay mid khilaafsan qodobka 5-aad ee dastuurka dalka Pakistan oo sheegaya in daacadnimada qaranku yahay waajibaadka aasaasiga ah ee muwaadin kasta.

Dawladdu waxay ku andacoonaysaa in mooshinka kalsooni-la’aanta ah ee ka dhanka ah ra’iisul wasaaraha uu ahaa “shirqool shisheeye ay maalgelisay”, iyada oo tixraacaysa ‘warqad halis ah’ oo laga helay waddan ajnabi ah oo loo soo mariyey safiirka Pakistan, oo lagu codsanayo in la rido PM Imran.

Waxaa maalmihii u danbeyay aad u kacsaneed siyaasada dalka Pakistan iyadoo magaalada islamabaad ee caasimada dalka Pakistan ay ruxayeen banaan baxyaal kala taabacsan xisbiyada mucaradka ah iyo xisbiga hada talada haya.

Shahaado siinta xubnaha cusub ee BFS oo maalintii 2-aad Muqdisho ka socota

Waxaa maalintii labaad si habsami leh xarunta dhexe ee guddiga doorashooyinka heer federaal uga socota diiwaangelinta iyo shahaado siinta xildhibaanada cusub ee baarlamaanka 11-aad.

Xubno ka mid ah kuwa Koonfur Galbeed ku metalaya Baarlamaanka oo ay  hoggaaminayaan Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe iyo Shariif Maxamed Cabdalla ayaa maanta lagu bilaabay shahaado bixinta.

“Waxaan ku boorrinaynaa mudanayaasha kale inay yimaaddaan Xarunta si looga dhabeeyo Jadwalka dhammeystirka doorashada,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay guddiga.

Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe oo ku fadhiya kursiga HOP#189 ayaa saakay lagu bilaabay shahaado siinta xildhibaanada cusub, sidoo kale waxaa qaatay Xildhibaan Shariif Cabdalla oo ku fadhiya HOP#085, Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur oo ku fadhiya HOP#051 iyo Xildhibaan Cabdillaahi Cabdi Maxamed oo ku fadhiya kursiga HOP#264 ayaa qaatay shahaadooyinka xildhibaanimo ee BJFS.

Ciidamada daraawiishta Galmudug oo gacanta ku dhigay maleeshiyaad iyo gaari ay qaraxyo ka soo buuxiyeen

Ciidamada Daraawiishta Galmudug ayaa Duleedka Deegaanka Cadalle ku qabtay Maleeshiyaadka ka tirsan Al-shabaab iyo gaari ay kasoo buuxiyeen walxaha Qarxa

Saraakisha Ciidamada Daraawiishta Galmudug ayaa ii xaqiijiyay inay Maleeshiyaadkaan iyo gaarigii ay wateen ciidanku gacanta ku dhigeen, ka dib Howlgal qorshaeysan oo laga fuliyay inta u dhaxeeysa wisil iyo Bajeela.

Saraakiisha waxay tilmaameen inay maleeshiyaadku doonayeen inay qaraxyo dhigaan wadada isku xirta magaalooyinka Gaalkacyo iyo Hobyo, balse, ciidamada oo ka war helay dhagarta nabad-diidka Al shabaab ay waqti ku bixiyeen sidii Gacanta loogu dhigi lahaa ayna Suuro-gashay

Guddiga FEIT oo shahaadada Xildhibaanno guddoonsiiyay Xildhibaanno dhowr ah

Guddiga hirgelinta doorashooyinka Heer Federaal ayaa maanta Shahaadada Xildhibaanimo guddoonsiiyay ilaa iyo 44 Xildhibaan oo ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kuwasi oo kala ah:

1. Senator Duniyo Mohamed Ali
2. Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid
3. Senator Abdi Ahmed Dhuhulow (Dhagdheer)
4. Xildhibaan Yusuf Gelle Ugaas (HoP#026)
5. Xildhibaan Mohamed Abdi Hayir-Maareeye (HoP#225)
6. Xildhibaan Mohamed Omar Aimoy (HoP#005)
7. Xildhibaan Mohamed Nur Abubakar- Shariif Mustafa (HoP#265)
8. Xildhibaan Mustafa Sheikh Cali Dhuxuloow (HoP#049)
9. Xildhibaan Mohamed Ali Omar (Caana-nuug) HoP#108
10. Xildhibaan Abdisabir Nur Shurie HoP#071
11. Xildhibaan Mahad Mohamed Salad HoP#147
12. Xildhibaan Omar Shariif Mohamed HoP#266
13. Xildhibaan Mohamud Abdulkadir Haji- Jeego HoP#084
14. Xildhibaan Abdikarim Abdow Haydar HoP#252
15. Xildhibaan Ali Mohamed Omar HoP#115
16. Xildhibaan Hussein Kasim Idow HoP#043
17. Xildhibaan Omar Ali Abdi HoP#035
18. Xildhibaan Jawaahir Mohamed Ahmed HoP#001
19. Xildhibaan Abdirahman Mohamed Mohamud HoP#095
20. Xildhibaan Zamzam Muhumed Omer HoP#243
21. Xildhibaan Mohamed Ibrahim Abdi HoP#206
22. Xildhibaan Soleyman Ali Hussein HoP#260
23. Xildhibaan Mohamed Ali Hagaa HoP#268
24. Xildhibaan Ahmed Abdi Koshin HoP#205
25. Xildhibaan Muse Said Jama HoP#263
26. Xildhibaan Ali Mohamud Adan HoP#240
27. Xildhibaan Dahir Amin Jesow HoP#030
28. Xildhibaan Dahabo Susow Mohamud HoP#088
29. Xildhibaan Maryam Aweys Jama HoP#113
30. Xildhibaan Cadar Ali Mohamed HoP#081
31. Xildhibaan Qaladla Ali Awale (HoP#017)
32. Xildhibaan Nadra Saleh Abdi (HoP#257)
33. Xildhibaan Maxamed Ibraahim Cali -Maxamed-Cajiib (HoP#064)
34. Xildhibaan Xirsi Aadan Rooble (HoP#101)
35. Xildhibaan Muuse Saciid Jaamac (HoP#263)
36. Xildhibaan Axmed Cabdi Kooshin (HoP#205)
37. Xildhibaan Nuuriya Aadan Ciise (HoP#212)
38. Xildhibaan Qaali Axmed Diiriye (HoP#096)
39. Xildhibaan Cabdirisaaq Cabdullaahi Macalin Ciid (HoP#063)
40. Xildhibaan Cabdinaasir Xaaji Shirwac (HoP#004)
41. Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed (HoP#011)
42. Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh (HoP#070)
43. Xildhibaan Cabdisalaam Xaaji Axmed Liibaan-Dhabancad (HoP#038)
44. Xildhibaan Maxamed Haaruun Cabdillaahi (HoP#208)
45. Xildhibaan khalif Cabdi Omar Hop#032

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka oo ku baaqay in loo gurmado dadkii ku hanti beelay dabkii ka kacay Suuqa ugu weyn Hargeysa

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo shir jiraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay dabkii xalay ka kacay suuqa ugu weyn magaalada Hargeysa ee Waaheen.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka ayaa cabiray dareenkiisa ku aadan khasaaraha lixaadka leh ee malaayiinka dollar ee ka dhashay dabka, isagoo ilaahey uga baryay dadkii ku hanti beelay dabkaas bedel ka kheyr badan.

Sidoo kale, Mahdi Guuleed Khadar ayaa Shacabka Soomaaliya ugu baaqay in loo gurmado dadkii uu sameynta ku yeeshay dabkaas.

“ Waxaan soo jeedinayaa in gacmaha la is qabsado, in wax laga barto ciriiriga suuqyadeena iyo magaalooyinkeenna sidii aan u habeysan lahayn iyo inaan ka gaashamano masiibooyin kale, Allaa badbaado leh,” ayuu yiri Mr. Guuleed.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo booqday Saaka goobta dabku ka kacay ayaa shacabka ugu baaqay inay gacmaha is qabsadaan sidoo kalena Beesha caalamka ugu baaqay in gurmad lala soo gaaro dadkii waxyeeladdu gaartay.

Madaxweynaya ayaa sheegay dhaawaca 28-qof oo ay ku jirto Gabar xaamilo ah, kuwaas oo hadda dhaawacooda lagu dabiibayo Cisbitaalka guud ee hargeysa.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka oo ku baaqay in loo gurmado dadkii ku hanti beelay dabkii ka kacay Suuqa ugu weyn Hargeysa

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo shir jiraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay dabkii xalay ka kacay suuqa ugu weyn magaalada Hargeysa ee Waaheen.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka ayaa cabiray dareenkiisa ku aadan khasaaraha lixaadka leh ee malaayiinka dollar ee ka dhashay dabka, isagoo ilaahey uga baryay dadkii ku hanti beelay dabkaas bedel ka kheyr badan.

Sidoo kale, Mahdi Guuleed Khadar ayaa Shacabka Soomaaliya ugu baaqay in loo gurmado dadkii uu sameynta ku yeeshay dabkaas.

“ Waxaan soo jeedinayaa in gacmaha la is qabsado, in wax laga barto ciriiriga suuqyadeena iyo magaalooyinkeenna sidii aan u habeysan lahayn iyo inaan ka gaashamano masiibooyin kale, Allaa badbaado leh,” ayuu yiri Mr. Guuleed.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo booqday Saaka goobta dabku ka kacay ayaa shacabka ugu baaqay inay gacmaha is qabsadaan sidoo kalena Beesha caalamka ugu baaqay in gurmad lala soo gaaro dadkii waxyeeladdu gaartay.

Madaxweynaya ayaa sheegay dhaawaca 28-qof oo ay ku jirto Gabar xaamilo ah, kuwaas oo hadda dhaawacooda lagu dabiibayo Cisbitaalka guud ee hargeysa.