Safaaradda Soomaaliya ee Masar oo kaalmo siiyay qoysas danyar ah

Qoysaska ka faa’ideystay deeqdaan ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin caawimaadda uu Safiirka soo gaarsiiyay ee loo sameeyay, iyagoo u mahadceliyay Danjire Ilyaas Sheekh Cumar iyo cid walba oo ka qeyb qaadatay fududeynta iyo bixinta deeqdaan.

Sidoo kale Danjire Ilyaas Sheekh Cumar ayaa Imaamka Al Azhar Al Sheikh Dr:Ahmad al Tayyib, Bankiga Cuntadda Masar iyo dowaldda aan walaalaha nahay ee Masar uga mahadceliyay garab istaaga ay u muujiyaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Masar ku nool.

Deeqdaan oo isugu jirtay Raashin iyo mid lacageed ayaa loogu talagalay in lagu afuriyo Qoysaska danyarta ah ee ku nool Qaahira, maadaama lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.