Ciidamo ka mid ah NISA oo fashiliyay qarax miino

Ciidanka nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ee ka howlgala Jubbaland ayaa xalay fashiliyay qarax miino ay argagixisada Al-Shabaab albaabka ugu dhajiyeen mas’uul ka tirsan maamulka goboleedka Jubbaland.

Ciidanka ayaa ku guuleystey inay miinada ka furaan albaabka, ayada oo aan wax khasaare ah ka dhalan.

Ciidamada NISA, oo kaashanaya shacabka magaalada Kismaayo ayaa ku guuleystay in la fashiliyo qaraxan miino, kaasi oo la doonayay in lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed.

Golaha shacabka oo maanta kulan ku yeelanaya Muqdisho

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11aad ayaa maanta kulan ku yeelanaya xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Agendaha kulanka ee maanta ayaa ah, hadal-jeedinta musharaxiinta u tartamaya xafiiska guddoomiye ku-xigeenada 1aad iyo 2aad ee golaha shacabka.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa shalay oo sabti ahayd dhageystay hadal jeedinta musharaxiinta isku diiwaangeliyay tartanka guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka 11-aad.

Sidoo kale, golaha Aqalka sare ayaa dhankooda shalay dhageystay dhammaan musharaxiinta isku diiwaangeliyay guddoomiyaha iyo labadiisa ku-xigeen, waxaana lagu wadaa in maalinta talaadada ee soo socoto la qabto doorashada guddoonka aqalka sare, halka midka aqalka hoosena loo asteeyey maalinta arbacada ee taariikhdu ku beegantahay 27 abriil, 2022.

 

Wasiirka Maaliyadda oo shir muhiim ah uga qeyb galay Mareykanka

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa magaalada Washinton DC, kaga qeyb galay Shirka Iskaashiga waddamada Geeska Afrika.

Shirkan ayaa diirada lagu saaray wada shaqeynta iyo Iskaashiga iyadoo muhiimad gaar ah la siinayo Maalgalinta dhammaan dalalka Geeska Afrika.

“Waxa aan ka qeyb galay Shirka Iskaashiga Wadamada Geeska Afrika (Horn of Africa Initiative) oo ah heerka Wasiirada Maaliyadda, kaa soo lagu qabtay Magaalada WashingtonDC” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Ra’iisul wasaare Rooble oo hambalyeey Gudiyadda Doorashooyinka iyo xubnaha Golaha shacabka ee lagu soo doortay ceelwaaq

Ra’iisul waasaraha XFS oo goor dhowed soo saaray qoraal kooban ayaa hambalyo u diray Gudida hirgelinta doodashooyinka Heer fededaal iyo gudidda Doorashooyinka Jubaland oo maanta soo gabogabayey doorashada xubnaha Golaha shacabka ee deegaan doorashadoodu ahayd Ceelwaaq.

” Waxaan u hambaleynayaa Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal, Guddiga Doorashada Jubaland iyo Dowlad-goboleedka Jubaland oo maanta soo gebogebeeyay doorashadii xildhibaannada Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu ahayd gobolka Gedo”

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale Hambalyo u diray xildhibaannada cusub ee la doortay, isagoo u rajeynayey in uu Eebbe ku garab galo mas’uuliyadda qaran ee loo igmaday.

Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan la qaatay Guddoomiyaha ku-meel gaarka ah ee Golaha shacabka

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka Mudane Cabdisalaan Xaaji Axmed Dhabancad oo ay ka wada hadleen howsha doorashada guddoonka Golaha Shacabka oo heer gebogebo ah mareysa.

Doorashooyinka labada Guddoon ee aqalka sare iyo Golaha shacabka ayaa loo balansan yahay in la qabto maalmaha fooda inagu soo haya.

Xildhibaanada golaha shacabka oo dhageystay hadal-jeedinta musharaxiinta guddoomiyaha golaha shacabka BJFS

Xildhibaanada golaha shacabka iyo xubnaha golaha Aqalka sare ayaa maanta oo sabti ah dhageystay hadal jeedinta musharaxiinta isku diiwaangeliyay tartanka guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka 11-aad,iyadoo sidoo kale, beri la dhageysan doono khudbadaha musharaxiinta guddoomiye ku-xigeenada 1aad iyo 2-aad.

Musharax kasta oo u tartamaya xilka guddoomiyaha golaha shacabka ayaa waxaa la siiyay min 15-daqiiqo oo hadal jeedin si uu ugu soo bandhigo sooyaalkiisa, waxqabadkiisa iyo codsiga uu u jeedinayo xildhibaanada go’aanka ka gaaraya codeyntiisa.

8-musharax ayaa isku diiwaangelisay xilka guddoomiyaha golaha shacabka,waxayna kala yihiin

  • Xildhibaan Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan
  • Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig
  • Xildhibaan Cabdullaahi Aadan Axmed Black
  • Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur Saransoor
  • Xildhibaan Xasan Cabdinuur
  • Sadiq Cabdullaahi Cabdi
  • Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla
  • Xildhibaan Adan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe)

Dhanka kale, Golaha Aqalka sare waxaa ka socda dhageysiga hadal-jeedinta musharaxiinta guddoomiyaha Aqalka sare, guddoomiye ku-xigeen 1-aad iyo 2-aad.

Senatarada u tartamaya guddoomiyaha iyo labadiisa ku-xigeen ayaa waxaa si isku mid ah loo siiyay mid 20-daqiiqo oo uu mid walba ku soo bandhigayo sooyaalkiisa, waxqabadkiisa iyo codsigiisa.

3-musharax ayaa isku diiwaangelisay xilka guddoomiyaha Aqalka sare, 2-musharax guddoomiye ku-xigeenka koowaad halka 7-musharax ay isku diiwaangelisay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha Aqalka sare.

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay xarumaha dad-dhigista iyo dhalinyarada ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta kormeer kadis ah ku tagay xarunta Dad-dhigista ee dowlada hoose Xamar iyo xarunta dhalinyarada gobolka Banaadir oo ay ka socdeen howla shaqo oo bulshada Caasimadda loogu adeegayay.

Kormeerkan oo qeyb ka ahaa isla xisaabtanka shaqo ee maamulka gobolka Banaadir ayaa Guddoomiye Cumar Filish waxaa uu mid mid warbixina uga dhageystay bulshada adeegyada kala duwan usoo doontay xarunta dad dhigista kuwaas oo tilmaamay in si hufan loogu qidmeeyay.

Hadal jeedinta musharaxiinta u taagan guddoonka labada Aqal ee BJFS oo maanta bilaabaneyso

Xildhibaanada labada Aqalka ee Baarlamaanka  Federaalka Soomaaliya oo maanta sabti ah kulan ku yeelanaya magaalada Muqdisho ayaa waxay dhageysanayaan hadal jeedinta musharaxiinta guddoonka labada ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddiga doorashada guddoonka golaha Shacabka ayaa shalay oo jimco ahayd ku dhawaaqay in la soo xeray diiwaan galinta musharaxiinta u tartameysa xilka guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaan Prof. Maxamed Xuseen Haadi oo xubin ka ah guddiga gaar ahaan qeybta diiwaan galinta ayaa sheegay in maanta oo sabti ah taariikhduna ay ku began tahay 23-4-2022,  hadalka jeedinta doonaan musharaxiinta u tartameysa xilka guddoomiyaha golaha shacabka halka beri oo axad ah ay ku xigi doonaan musharaxiinta u taagan gudddoomiye ku-xigeenada.

Madaxda Qaranka oo cambaareeyay weerarkii argagixisadu ka geysatay Xeebta Liido

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo si kulul u cambaareeyey weerarkii argagixiso ee lagu qaaday masuuliyiin iyo muwaadiniin kale oo ka afurayey Xeebta Liido, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelka iyo qaraabada dhammaan muwaadiniintii ku geeriyooday weerarkaa arxandarrada ah.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in iyada oo lagu guda jiro tobankii danbe ee bisha barakaysan ee ramadaan ay qaraxan bahalnimada ah ee argagixisadu la beegsatay muwaadiniin Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan uu muujinayo ficillada gumaadka ah ee ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed iyo sida ay u bannaysteen dhiigga dadka muslimiinta ah ee soomman.

“Innaa Lillaali Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi u dirayaa ehelka iyo qaraabada muwaadiniinta ku geeriyootay qaraxii ay argagixisadu la beegsatay Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka afurayey xeebta Liido. Waxaan bogaadinayaa Ciidammada geesiyaasha ah ee ka hor tegey in ruuxii naftii halligaha ahaa uu gudaha u galo hotellada ku yaalla xeebta Liido, waxaana farayaa dhammaan Ciidamada Ammaanku in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah, xilligan lagu guda jiro bishan barakaysan ee Ramadaan oo ay argagixisadu beegsanayso shacabka muslimiinta ah ee cibaadaysanaya.”

Dhinaca kale, Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa cambaareeyay falkii argagixisadu ka geysteen Xeebta Liido, halkaas oo ay ku naf waayeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan kuwo kalena ku dhaawacmeen.

Waxaan tacsi u dirayaa ehelada dadkii ku geeriyooday falkaas fulaynimo. Intii dhimatay Allaha u naxariisto dhaawacyadana Allaha bogsiiyo.

Falka noocan ahi waxa uu ka markhaati kacayaa sida aan argagixisadu xurmo ugu heyn dhiigga muslimiinta, gaar ahaan xilligan oo la galay tobankii u dambeeyay ee bisha barakeysan ee Ramadaan.

Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa sheegay in qaraxii ka dhacay Liido uu ahaa dhagarqabe isa soo miidaamiyay oo ku qarxay afaafka hore waddada dheer ee Liido, ayna ku dhinteen saddex ruux oo ay ku jiraan ciidamada ammaanka iyo dad rayid ah oo goobta ku ganacsanayay.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Cabdifataax Aadan Xasan ayaa sheegay in qarax uu dhacay xilliga cishaha oo uu ka dambeeyay dhagarqabe isku soo rakibay Jaakadda qaraxa, kaasi oo sababay dhimashada saddex ruux iyo dhaawaca sideed kale.

Madaxweynaha Jubbaland oo dhagax dhigay garoonka Ceelwaaq

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa dhagax dhigay dhismaha Garoonka diyaaradaha Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo oo si casri ah loo dhisi doono.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa tilmaamay in ay diyaar yihiin dhismaha golaha deegaanka Degmooyinka Gobolka Gedo, isla markana lagu bilaabi doono Degmada Ceelwaaq, iyadoo ay daba socdaan mashaariicda iyo horumarinta adeegyada bulshada ee guud ahaan Gobolka laga hirgelinayo.

Mudane Axmed Madoobe ayaa uu intaas ku daray inay diyaar la yihiin lacagta dhismaha garoonka diyaaradaha Degmada Ceelwaaq, isla markana dhawaan la xayaysiin doono qandaraaska shirkadda dhisi lahayd garoonka.