Guddoomiyaha Aqalka sare oo mar kale loo doortay Cabdhi Xaashi

Waxaa goordhow lasoo gabagabeeyay tirinta codadkii la dhiibtay ee doorashada guddoomiyaha Aqalka sare ee Soomaaliya.

Sanatar, Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa helay codad gaaraya 28 , waxaanu guddoomiyaha KMG ah ee Aqalka sare, Maxamed Cali Yuusuf ku dhowaaqay in uu xilka ku guuleystay Sanotar Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Sanatar Cabdi Xaashi oo xilkan soo hayay Shantii sana ee ugu dambaysay ayaa haatan noqonaya guddoomiyaha Aqalka sare ee Afarta sana ee soo socta.

Doorashada guddoomiyaha Aqalka sare oo ka billaabatay teendhada Afisyoone

Waxaa hadda ka billowday Teendhada Afisyoone ee magaaladan Muqdisho doorashada Guddoomiyaha Aqalka sare iyo cideynta xildhibaanada.

Waxaa fadhiga soo xaadiray dhammaan xildhibaanada Aqalka sare, waxaana kulanka furay guddoomiyaha ku meel gaalka ah Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab.

Guddoomiye Gaagaab iyo guddiga doorashada ayaa sheegay inay isla maanta soo gabagabeynayaan doorashada guddoomiyaha iyo ku xigeennadiisa.

Qaban-qaabada doorashada guddoonka Aqalka sare oo ka socota Muqdisho

Waxaa socda diyaargaroowgii ugu dambeeyay ee qabashada doorashada guddoomiyaha Aqalka sare ee Soomaaliya oo maanta lagu wado inay ka dhacdo Muqdisho.

Ciidamada kala duwan ee Qaranka ayaa adkeeyay ammaanka waddooyinka gala xerada Afisyoone halkaas oo la filayo in lagu doorto guddoomiyaha golaha Aqlka sare ee dalka.

Guddiga doorashooyinka ayaa horay u shaaciyay in maanta oo ay taariikhdu tahay 26 April 2022 la qabanayo doorashada guddoomiyaha Aqalka sare, halka 27-ka oo ah berrina lagu wado in la doorto guddoonka golaha shacabka ee BFS.

Ra’iisulwasaare Rooble oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Switzerland

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed Switzerland ayaa uga warramay xaaladda abaarta, doorashada iyo amniga dalka.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Xalayto magaalada Geneva kula kulmay xubno ka socday jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Switzerland oo uu uga warbixiyay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan heerka ay mareyso abaarta dalka ka jirta iyo sida qurbajoogta Soomaaliyeed uga qeyb qaadan karto gurmadka dadka abaartu saameysay, doorashooyinka iyo amniga dalka.

Ra’iisul Wasaaraha oo Geneva uga qeyb galaya shir caalami ah oo ku saabsan abaaraha ka jira Geeska Afrika, si gaar ahna diiradda loogu saarayo xaaladda abaareed ee Soomaaliya, ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed meel ay joogaanba in loo gurmado dadka ku tabaaloobay abaarta ba’an ee dalka ka jirta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale jaaliyadda uga warramay xaaladda siyaasadeed ee dalka, habsami u socodka doorashooyinka oo heer gebogebo ah maraya iyo xaaladda amni ee dalka, isagoo ka codsaday in dadka Soomaaliyeed ee gudaha dalka iyo dibadda ku nool ay door muhiim ah ka qaataan horumarinta dalka.

Dhinaca kale qaar ka mid ah xubnaha Jaaliyadda Soomaalida  ee Switzerland ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku ammaanay kaalintiisa hormuudka ah ee doorashada, gurmadka abaaraha iyo waajibaadka kale ee xukuumaddiisa loo igmaday.

Kulanka Ra’iisul Wasaaruhu la yeeshay Jaaliyadda waxaa sidoo kale ka qeyb galay safiiradda Soomaaliya ee Switzerland Marwo Abyan Maxamed Saalax, diblomaasiyiinta safaaradda iyo mas’uuliyiin kale oo Ra’iisul Wasaaraha ku wehliyay safarkiisa Switzerland.

Guddida qaban qaabada Doorshada guddonka aqalka sare oo booqday goobta doorashadu ka dhacayso

Gudidda qaban qaabada Doorashada Guddoonka aqalka sare ayaa kormeer ku tegay Xarunta Teendhada Afisyoone oo beri 26-ka bishan ay ka dhacayso Doorashada Guddoonka aqalka sare ee Baarlamaanka.

Xubnaha Gudidda ayaa kormeerkooda la xiriiray xaqiijinta u diyaargarowga hasha baaxadda leh ee guddo galja Doorashada Guddoonka aqalka sare.

Doorashada beri ayaa waxa ay xubnaha aqalka sare kusoo dooran doonaan Guddoomiyaha Aqalka sare iyo Ku-xigeenadiisa.

Ciidanka xoogga Dalka oo Howlgallo ka sameeyay degaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan

Ciidamada xoogga Dalka Soomaaliya ayaa Saacadihii la soo dhaafay Howlgalo qorsheysan ka fuliyay degaanno katirsan gobolka Hiiraan

Ciidanka ururka Sadaxaad ee kumaandooska gor gor ee guutada 17 aad xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanayo ciidanka Daraawiishta Galmudug ayaa howlgalka ka sameeyay Tuulooyin hoostaga degaanka Matabaan ee gobolka Hiiraan oo kala ah shiino Qarxis, labi ceebeed, xoodaale, geel ku dhal iyo bacaha.

Taliyaha ururka sadaxaad Kumaandooska gor gor dhamme jamaal cilmi aadan ayaa sheegay in ujeedka howlgalkaan uu ahaa baacsiga nabadiidka Al-shabaab.

Ciidanka xoogga Dalka oo Howlgallo ka sameeyay degaanno katirsan Gobolka Hiiraan

Ciidamada xoogga Dalka Soomaaliya ayaa Saacadihii la soo dhaafay Howlgalo qorsheysan ka fuliyay degaanno katirsan gobolka Hiiraan

Ciidanka ururka Sadaxaad ee kumaandooska gor gor ee guutada 17 aad xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanayo ciidanka Daraawiishta Galmudug ayaa howlgalka ka sameeyay Tuulooyin hoostaga degaanka Matabaan ee gobolka Hiiraan oo kala ah shiino Qarxis, labi ceebeed, xoodaale, geel ku dhal iyo bacaha.

Taliyaha ururka sadaxaad Kumaandooska gor gor dhamme jamaal cilmi aadan ayaa sheegay in ujeedka howlgalkaan uu ahaa baacsiga nabadiidka Al-shabaab.

Ra’iisal wasaare Rooble oo shir looga hadlayo arrimaha abaaraha geeska Afrika uga qeyb galaya dalka Switzerland

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta safar hal maalin qaadan doona ugu amba baxay Magaalada Geneva ee dalka Switzerland, halkaas oo uu uga qeyb galayo shir caalami ah oo ku saabsan abaaraha ba’an ee ka jira Geeska Afrika, si gaar ahna diiradda loogu saarayo xaaladda abaarta ee ka jirta Somalia.

kulankan oo ay ka soo qeyb gali doonaan madax sarsare iyo wasiirro ka kala socda dalalka deeq bixiyaasha ah ayaa Ra’iisul Wasaaruhu ka jeedin doonaa khudbad ka turjumaysa xaaladda bini’aadannimo ee dalka ka jirta ee ka dhalatay abaaraha ba’an ee dalka ku dhuftay.

Ka qeyb galka Ra’iisul Wasaaraha ee Shirka Geneve ee arrimaha abaaraha, xilli ay gebogebo mareyso howsha doorashada ee uu hormuudka u yahay, ayaa muujinaya sida ay uga go’an tahay in indhaha Beesha Caalamka lagu soo jeediyo xaaladda abaareed ee dalka ka taagan si loogu gurmado shacabka Soomaaliyeed ee tabaaleysan.

UK oo qalab militari oo dheeraad ah u direysa Ukraine

Ra’iisal wasaaraha dalka UK Boris Johnson , ayaa xaqiijiyay in dowladiisa ay qalab military oo dheereed ah u direyso Ukraine oo ay ka socdaan dagaalo aad u ba’an oo uu ku qaaday Ruushka.

Mr Johnson oo khadka talefoonka kula hadlay madaxweyne Volodymyr Zelensky ayaa sidoo kale xaqiijiyay in toddobaadka soo socda ay UK dib u fureyso safaaradeeda ku taalla magaalada Kyiv, tallabadaas oo markii ugu horreysay lagu dhawaaqay Jimcihi.

Boris Johnson ayaa Mr Zelensky u sheegay, in gawaari badan oo gaashaaman, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo hubka taangiyada loo diri doono Ukraine, waxaa sidaasi sheegay afhayeen u hadlay Downing Street.

Mr Zelensky ayaa uga mahad celiyay Ra’iisul Wasaaraha tababarka in ka badan 20 askari oo Ukrain ah oo toddobaadkii hore gaaray UK.

UK oo qalab militari dheeraad ah u direyso Ukraine

Ra’iisal wasaaraha dalka UK, ayaa xaqiijiyay in dowladiisa ay qalab military oo dheereed ah u direyso Ukraine oo ay ka socdaan dagaal uu ku qaaday Ruushka.

Mr Johnson oo khadka talefoonka kula hadlay madaxweyne Volodymyr Zelensky ayaa sidoo kale xaqiijiyay in toddobaadka soo socda ay UK dib u fureyso safaaradeeda ku taalla magaalada Kyiv, tallabadaas oo markii ugu horreysay lagu dhawaaqay Jimcihi.

Boris Johnson ayaa Mr Zelensky u sheegay, in gawaari badan oo gaashaaman, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo hubka taangiyada loo diri doono Ukraine, waxaa sidaasi sheegay afhayeen u hadlay Downing Street.

Mr Zelensky ayaa uga mahad celiyay Ra’iisul Wasaaraha tababarka in ka badan 20 askari oo Ukrain ah oo toddobaadkii hore gaaray UK.