Doorashada guddoomiye ku xigeennada golaha shacabka oo maanta lagu qabanayo Muqdisho

Waxaa maanta oo Khamiis ah lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu qabto doorashada guddoomiye ku xigeenka koobaad ee golaha shacabka Soomaaliya iyo ku xigeenka labaad sida xalayto ay ku ballameen guddiga hirgelinta doorashada Aqalka hoose.

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Aqalka hoose ayaa waxaa u sharraxan 10 xildhibaan, halka ku xigeenka labaadna ay u sharraxan tahay 7 mudane.

Guddiga doorashada guddoonka aqalka hoose ayaa sheegayn inay ka go’an tahay maanta dhammaystirka guddoonka, si maalmaha soo socdo ay guda galaan qaban-qaabada doorashada madaxweynaha hoggaamin doona dalka afarta sana ee soo socota.

Kalfadhiga maanta ayaa lagu wadaa inuu guddoomiyo, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo xalay loo doortay Afhayeen golaha shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo oo u hambalyeeyay guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka April 28, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo loo doortay Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha oo tilmaamay muhiimadda ay dalka u leedahay dhammaystirka doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ayaa bogaadiyey hannaanka dimuqraadiyadeed ee geeddi socodka siyaasadda dalka oo aas-aas u ah xasilloonida iyo horumarka dowladnimada Soomaaliya.
“Waxaan hambalyo u dirayaa Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Shacabka Mudane Aadan Maxamed Nuur (Madoobe). Guddoonka Cusub waxaa hortaalla masuuliyad taariikhi ah oo ay ka sugayaan shacabka Soomaaliyeed, taas oo saldhig u ah horumarka dowladnimada, adkeynta guulaha la gaaray sannadihii la soo dhaafay iyo xaqiijinta hiigsigeenna Qarannimo.”
Madaxweyne Farmaajo ayaa ku ammaanay Xildhibaannada cusub iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed dulqaadka ay ku wajaheen hannaanka doorashooyinka dalka oo soo maray marxalado kala duwan, isaga oo ku bogaadiyey laamaha ammaanka Soomaaliyeed sida ay habeen iyo maalinba ugu taagnaayeen xaqiijinta amniga doorashooyinka.
Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle uga rajeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) in uu waafajiyo danta dalka, dadka iyo diinta.
Sidoo kale waxa uu xusay doorkii Guddoomiyihii Ku-meel-gaarka ahaa iyo Guddigii Qabanqaabada Doorashada Guddoonka.

Ra’iisulw Wasaare Rooble oo u hambalyeeyay guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble  ayaa u hambalyeeyay  Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS, Sheekh Aaden Maxamed Nuur (Madoobe).

“Waxaan hambalyo iyo bogaadin diiran u dirayaa guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo caawa lagu doortay magaalo madaxda dalka ee Muqdisho.

Caawa waa habeen taariikhi ah oo umadda Soomaaliyeed sugayeen in muddo ah  qeyb muhiim ahna ka ah dhammeystirka geeddi-socodka doorashada dalka.

Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka  waxaan u rajeynayaa in uu eebbe u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo doortay iyo in doorashada madaxweynaha dalka u maareeyaan si daah-furan, deg deg ah oo nabdoon, mas’uuliyaddaas oo ay la wadaaagaan guddoonka Aqalka Sare oo isagana la doortay.

Waxaa mahad leh Allaha weyn oo noo suurto-geliyay in howlshii adkeyd ee doorashadu soo gaartay heerkan gabo-gabada ah . Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa guddoonkii KMG ahaa ee labada aqal, guddiyadii doorashada heerar-kooda kala duwan, ciidamada ammaanka Dalka  iyo kuwa ATMIS, dowlad-goboleedyada dalka, beesha caalamka, shacabka Soomaaliyeed ee dulqaadka iyo taageerada nala garab joogay iyo cid kasta oo kaalin ku lahayd guushan la gaaray.Waxaan hambalyo iyo bogaadin diiran u dirayaa guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo caawa lagu doortay magaalo madaxda dalka ee Muqdisho.

Caawa waa habeen taariikhi ah oo umadda Soomaaliyeed sugayeen in muddo ah  qeyb muhiim ahna ka ah dhammeystirka geeddi-socodka doorashada dalka.

Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka  waxaan u rajeynayaa in uu eebbe u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo doortay iyo in doorashada madaxweyna”.

Sheekh Aadan Madoobe oo ku guuleystay Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, ayaa ku guuleystay af-hayeenka golaha shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee JFS. Doorashadda oo la isla gaaray wareegga labaad ayaa waxaa isku soo haray Xasan Cabdinuur iyo Sheekh Aadan Madoobe.

Guddoomiyaha KMG ee Golaha shacabka ayaa ku dhawaaqay inuu Sheekh Aadan Madoobe ku guuleystay Guddoomiyaha Baarlamaanka soomaaliya, waxaana uu helay coddad gaaraya 163-cod. Hal Musharax Cabdinuur uu helay 89-cod.

Waxaa tartan ka tanaasulay Xil. Cabdullahi aadan Axmed Balck iyo Xil. Aadan Maxamed Nuur Saransoor oo ka soo gudbay wareegga koowaad ee doorashada Guddoonka Golaha Shacabka.

Natiijada tartanka wareegga labaad ayaana loo kala helaya sida tan:

1. Xil. Sheekh Aadan Maxamed Nuur waxaa uu helay 163-cod.

2. Xil. Xasan Cabdinuur waxaa uu helay 89-cod.

Guddoomiyaha ku meel gaarka ah ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad ayaa sheegay in berri la qabanayo doorashada Guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo guddoomiye ku xigeen labaad ee golaha shacabka.

Wareegga koowaad ee doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka oo so idlaatay

Waxaa soo dhammaaday wareegga koowaad ee dooraahadsa Guddoomiyaha Golaha shacabka ee BJFS. 7 musharax ayaa ku tartamayey af-hayeenka golaha shacabka, waxaana codeeyey 240 mudane.

Guddoomiyaha ku meel gaarka ah ee Golaha shacabka ayaa ku dhawaaqay natiijada wareegga ee doorashada,waxaana wareegga labaad u gudbay afarra musharax ee ugu cododka badan.

Wareegga koowaad sidaan ayaa codadka loo kala helay:

1. Cabdirashiid Maxamed Xidig 6-cod

2. Cabdullahi aadan Axmed Balck 33-cod

3. Aadan Maxamed Nuur Saransoor 23-cod

4. Xasan Cabdinuur 98-cod

5. Sadiiq Cabdullahi Cabdi 5-cod

6. Shariif Maxamed Abdalla 13-cod

7. Sheekh Aadan Nuur Madoobe 74-cod

Wareegga labaad ee tartanka guddoomiyaha Golaha shacabka waxaa u gudbay:

1. Xasan Cabdinuur oo helay  98-cod.

2. Sheekh Aadan Nuur Madoobe oo helay 74-cod.

3. Cabdullahi aadan Axmed Balck oo helay 33-cod.

4. Aadan Maxamed Nuur Saransoor oo helay 23-cod.

Guddoomiyaha KMG ee Golaha shacabka oo sheegay inaysan codeynin 17 xildhibaan

Kalfadhiga 1-aad kulankiisa 4-aad ee golaha shacabka ayaa hada ka furmay xarunta Afisiyooni ee magaalada Muqdisho.

Hab-dhowraha BJFS Xildhibaan  Cabdulaahi Maxamed Xasan  Nuux, ayaa dhaariyay laba xildhibaan oo uu ka mid yahay Yaasiin Fareey oo ah sii hayaha taliyaha Hey’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka.

Ajandaha kulanka ayaa ah doorashada guddoomiyaha golaha Shacabka BJFS Iyo Ku xigeenadiisa.

Guddoomiyaha KMG ee BJFS xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad oo kulanka furay ayaa sheegay in fadhiga ay fadhiyaan 257 xildhibaan balse 17 oo ka mid ah xildhibaanada aysan cod yeelan doonin caawa.

Guddoomiyaha KMG Golaha Shacabka oo Faray Ciidamada Amniga in ay Xildhibaannada u fududeeyaan soo gelista Xarunta Afisyooni

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka BJFS Cabdisalaan Axmed Liibaan Dhabancad iyo Guddoomiyaha Guddiga doorashada guddoonka Golaha Shacabka  Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo goordhaw warbaahinta la hadlay ayaa ku boorriyay xildhibaannadu in ay yimaadaan hoolka doorashada si loo doorto Guddoonka, iyagoo faray ciidammada amniga in ay xildhibaannada u fududeeyaan soo gelista.

Labada guddoomiye ayaa sheegay in doorashada Guddoonka Golaha Shacabku maanta qabsoomi doonto.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu magaalada Geneva uga qeyb galay shir looga hadlayay xaaladda abaaraha ba’an ee dalka ka jira.

Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa caalamka ugu baaqay in si deg deg ah loogu soo gurmado shacabka Soomaaliyeed ee abaarta la daalaa dhacaya.

Hay’adaha iyo dalalka deeqda bixiya ayaa shirka uga dhawaaqay dhaqaale badan oo lagu caawinayo dadka abaartu hayso ee dalaka Geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya.

 

Madaxda Dalka oo ka tacsiyeeyay Geerida Janaraal Jaamac Maxamed Qaalib oo ku geeriyooday Dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Janaraal Jaamac Maxamed Qaalib oo ku geeriyooday Dalka Jabuuti.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in Marxuumku uu muddo dheer u soo adeegayey Qaranka Soomaaliyeed, isaga oo dhawr mar xilka wasiirnimo ka soo qabtay dowladdii dhexe sannadihii 1974-1984-kii, waxa kale oo uu soo noqday Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed sannadihii 1970-1974-kii.

“Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Jaamac Maxamed Qaalib waa mid naxdin leh. Marxuumku waxa uu Qaranka Soomaaliyeed u soo adeegayey muddo dheer. Waxa uu xilalka kala duwan oo muhiim ah ka soo qabtay dowladdii Dhexe, isaga oo markii danbe na door muhiim ah ka soo qaatay dadaalladii dowlad-dhiska Soomaaliya.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle uga baryey Marxuumka in uu hoygiisa ka dhigo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

Dhanka kale Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mxamed Xuseen Rooble ay isna ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee Janaraal Jaamac Maxamed Qaalib ku geeriyooday Dalka Jabuuti.

“Waxaan uga tacsiyeynayaa qoyska, asxaabtii iyo ummadda Soomaaliyeed geerida naxdinta leh ee ku timid Allaha u naxariistee General Jaamac Maxamed Qaalib.

Alaha u naxariistee General Jaamac oo mas’uuliyado kala duwan ka soo qabtay dalka waxa uu dalkiisa ugu soo adeegay si hufan oo hagar la’aan ah, waxa uuna ahaa muwaadin ku timaaman daacadnimo iyo dal jaceyl.

Waxaan Eebbe uga baryayaa in uu marxuumka jannadii Firdows ku manneysto, ehelkiisa iyo ummadda Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ka siiyo.

Sanatar Shacbaan oo ku guuleystay xilka Guddoomiye ku xigeenka Aqalka sare

Xildhibaan, Cali Shacbaan Ibraahim ayaa ku guuleystay xilka guddoomiye ku xigeenka Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Wareegii koobada ee tartanka musharaxiinta ayaa waxay kala heleen Cali shacbaan Ibraahim 26 Cod, Cabdixakiin Macalin Axmed  27 Cod waxaana hallaabay hal cod, iyadoo la aaday wareeg labad.

Wareeggii labaad ayuu Sanatar, Cali Shacbaan Ibraahim helay 28 , halka xildhibaan Cabdixakiin Macallin Axmed uu helay 25, halka cod ka mid ahna uu hallaabay.

Guddiga doorashada ayaa ku dhowaaqay guusha Shacbaan oo Afarta sana ee soo socota noqon doona guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Aqalka sare.