Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka BJFS Cabdisalaan Axmed Liibaan Dhabancad iyo Guddoomiyaha Guddiga doorashada guddoonka Golaha Shacabka Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo goordhaw warbaahinta la hadlay ayaa ku boorriyay xildhibaannadu in ay yimaadaan hoolka doorashada si loo doorto Guddoonka, iyagoo faray ciidammada amniga in ay xildhibaannada u fududeeyaan soo gelista.
Labada guddoomiye ayaa sheegay in doorashada Guddoonka Golaha Shacabku maanta qabsoomi doonto.