Wasiirka Warfaafinta oo si rasmi ah u soo xiray Tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cisman Abuukar Dubbe ayaa xalay soo gabo gabeeyay tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo sanadkan ay ka qeyb galeen 30 degmo oo ka kala tirsan gobollada dalka oo ay ugu badnaayeen degmooyinka Gobollka Banadir, iyadoo sanadkii 2aad oo xiriir ah ay taabagelisay Bangiga IBS.

Munaasabadda xiritaanka tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka waxaa ka kaloo ka qeyb galay guddiga tartan cilmiyeedka, Ku-simaha Agaasimaha telefishinka Qaranka, Agaasimaha Radio Muqdisho iyo xubno kale

Agaasime Cabdifataax Daahir Jeyte oo ka mid ah guddiga tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo kulanka hadal kooban ka jeediyay ayaa uga mahadceliyay tartamayaasha ka qeyb galay tartanka sida quruxda badan ee ay ku soo bandhigeen aqoontooda, isagoo mahadcelin gaar ah u jeediyay daadihiyeyaasha iyo gudiga tartanka oo u dhabar adeegay muddada uu tartanka socday, isla markaana uu xusay inay jireen Xildhibaanno si qoto dheer ula socday tartanka sanadkan.

Qaar ka mid ah tartamaayashii kaalimaha koowaad iyo labaad ka galay tartanka oo ka hadlay munaasabadda xiritaanka ayaa u mahadceliyay cidkasta oo gacan ku siisay tartanka, ayna ku qanacsanyihiin natiijadii caawa tartanku ku soo idlaaday, kuwaasi oo isugu hambalyeeyay guusha.

Xildhibaan Maxamuud Ibraahim Beene beene oo isna qadka telefonka kaga qeybgalay ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay cidkasta oo gacan ka geysatay diyaarinta tartanka, isagoo si gaar ah u mahadceliyay howlwadeennada Warbaahinta Qaranka, Wasiirka Warfaafinta iyo dhamaan tartamaayashii ka qeybgashay tartanka muddadii uu socday.

Guddoomiyaha Degmada Buula-burte Axmed Mahad Nuur ayaa u hambalyeeyay tartamayaasha Degmadiisa iyo cidkasta oo ka qeybgashay tartanka.

Ku-simaha Agaasimaha Telefishinka Qaranka Mudane Maxamed Abuukar Axmed Ma’da ayaa xusay inay tahay xilli dambe, isagoo u mahadceliyay howlwadeennada Wasaaradda, gaar ahaan kuwa Warbaahinta Qaranka oo har iyo habeen u taagnaa taaba gelinta tartanka, isagoo Alle ka baryay in sanadkan kiisa kale ay ku gaaraan nabad iyo barwaaqo.

 

“Tartanka sandkan aad ayuu u xiiso badnaa, dhiiri gelinta loo sameynayay degmooyinka haddi ay ahaan lahayd siyaasiyiin iyo Xildhibaanno, waxyaabaha ugu xiisaha badann ay tahay in labo degmo oo cusub ay tartanka kama dambeysta ah isla soo gaareen, iyadoo kaalinta saddexaad ay soo tiigsatay Kismaayo oo kaalimaha hore ee tartanka aan ka dhicin, waxaan kaloo u mahadcelinayaa macalimiinta oo kaalin muhiim ah ka qaatay tartanka, Bangiga IBS ayaana noo suurta gelisay”. Ayuu yiri Agaasime Ma’da

“Waa tartankii 11aad oo sanadkii labaad ay taabo gelisay Bangiga IBS, waana tartanka ugu balaaran ee tartan aqooneed laga qabto magaalada, waxaa intaas dheer in ka badan shan kun oo qof ay si toos ah uga daawanayay baraha bulshada ee Warbaahinta Qaranka, waxaana rabaa inaan u mahadceliyo tartamayaasha kaalimaha koowaad, labaad iyo saddexaad galay,  howlwadeenada Wasaaradda Warfaafinta ayaa u dhabar adeegay in uu tartanka heerkan soo gaaro” ayuu hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay mudane Maxamed Abuukar Ma’da.

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cisman Abuukar Dubbe oo soo xiray tartan cilmiyeedka ayaa ugu horeyn Bangiga IBS uga mahadceliyay taabo gelinta tartanka, isagoo hambalyo taa la mid ah u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, tartamayasha kala galay kaalimaha 1aad, 2aad iyo 3aad oo kala ah Buula-burte, Marko iyo Kismaayo oo ka kala tirsan Gobollada Hiiraan, Shabeelaha Hoose iyo Jubbada Hoose.

“Waxaan hambalyo u dirayaa tartamayaasha ka qeyb galay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka, waxaan si gaar ah hambalyo ugu dirayaa tartamayaasha kala galay kaalimaha 1aad, 2aad iyo 3aad oo kala ah Buula-burte oo tartanka ku guuleysatay, Marko oo kaalinta 2aad gashay iyo Kismaayo oo kaalinta saddexaad soo tiigsatay, oo ka kala tirsan gobollada Hiiraan, Shabeelaha Hoose iyo Jubbada Hoose”. ayuu yiri Wasiir Dubbe oo hadalkiisa ku daray “Waxaan  u mahadcelinayaa intii ka qeyb qaadatay iyo intii lahayd fikirka aqoonta lagu tartamayo, sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa Guddiga tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka iyo Bangiga IBS oo taabageliyay tartanka”.

Wasiirka ayaa u rajeeyay in sanadka soo socda ay ka qeyb galaan tartamaayasha Degmooyinka Beladweyne iyo Baydhabo oo aan sanadkan ka qeybgelin, isagoo u mahadceliyay cidkasta oo gacan ka geysatay hal abuurka ah in aqoon lagu tartamo.

Doorashada saddex kursi oo maanta ka dhaceyso magaalada Jowhar

Guddiga Hirgalinta Doorashada Hirshabelle ayaa maanta magalaada Jowhar ku qabanaya doorashada Saddex kursi oo degaan doorashoodu ay tahay magaaladaasi.

Sidoo kale, guddiga ayaa shaaciyay guddiga Xulista Ergada (GXE) kursi ka mid ah kuraasta taala caasimadda ee Jowhar.

Jawalka ay horay guddiga u soo saareen ayaa dhigaya in maanta la qaban doono doorashada saddexdani kursi.

  1. HOP#141
  2. HOP#146
  3. HOP#135

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Booqasho iyo Hambalyo ugu tagay Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqasho iyo hambalyo ugu tagay guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo guddoomiyihii KMG ahaa ee Golaha Mudane Cabdisalaan Xaaji Axmed Dhabancad.
Ra’iisul Wasaaraha oo la afuray labada mas’uul ayaa guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka ugu hambalyeeyay mas’uuliyadda Qaran ee loo doortay una rajeeyay guul.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddoomiyihii KMG ahaa ee Golaha Shacabka uga mahadceliyay howshii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay isagoo ku amnaanay sidii uu hoggaamiyay howshii doorashada guddoonka Golaha Shacabka oo si guul ah ku soo idlaatay.

Premier Bank oo $21,000 ku abaalmariyay ardaydii ku guuleysatay tartanka Hal-abuurka Ganacsiga

Bangiga Premier ayaa xalay Muqdisho ku qabtay xaflad abaalmarin maaliyadeed oo dhan kow iyo labaatan kun oo doolar  ($21,000) lagu guddoonsiinayey seddaxdii arday ee kaalmaha hore ka gashay Tartanka Hal-abuurka Ganacsiga oo markii ugu horreysay bangigu sanadkaan u qabtay ardayda dhigata jaamacadaha Muqdisho ee leh hibada iyo halabuurka ganacsi.

Madaxa xiriirka dadweynaha ee Bangiga Premier Bank Axmed-Nuur oo ka warbixiyay heerarkii uu tartanku soo maray ayaa sheegay in tartankaan  ay soo codsadeen illaa 31 hal-abuure oo uu bangigu u saaray guddi ku sameeyay qiimeyn hordhac ah. asagoo tilmaamay in  qiimeyntii guddiga ay ka soo gudbeen12 hal-abuure oo tartankan ka qeybgalay kuwaas oo ka kala yimid 10 Jaamacadood.

Waxaa kaalinta koowaad galay Aaran Agri-farm oo uu ku tartamayay Cabdiraxmaan Sabriye oo ka soo codsaday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, waxaana uu ku guuleystay $9,000. Kaalinta labaad waxaa galay Cagaaran Waste Management & Recycling oo uu ku tartamayay Ismaaciil Cabdalla Cali oo ka socday SIMAD University, waxaana uu ku guuleystay $7,000. Kaalinta seddaxaadna waxaa ku guuleystay Xirfadle Freelance Platform oo uu ku tartamayay Cabdirisaaq Geelle oo ka socday Jamhuriya University of Science and Technology, waxaana lagu abaalmariyay $5,000.

Waxaa xusid mudan in uu bangigu tartankaan oo kale uu sanadkii shanaad ka qabtay magaalada Hargeysa. Maamulka Bangiga ayaana ballanqaaday inay sanad kasta tartankan ku qaban doonaan Muqdisho.

Soomaaliya oo dib u furtay Safaaraddii ay ku laheyd Dalka Rwanda

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ay shaacisay in ay dib Safaaraddeedii uga furatay dalka Rwanda, iyadoo la fulinayo heshiiskii 26 Janaayo ay kala saxiixdeen Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali iyo Dhiggiisa Rwanda , Dr. Vincent Biruta.

Danjire Sahra Cali Xasan ayaa warqadaheeda aqoonsiga danjirannimo ku wareejisay Madaxweynaha Rwanda, Mudane Paul Kagame , 26 bishan April, iyadoo ka ah Safiir “ma degane” Jamhuuriyadda Rwanda.

Danjire Sahra Cali ayaa sidoo kale nuqul ka mid ah warqadaheeda aqoonsiga danjirannimo ku wareejisay Wasiirka Arrimaha Dibadda Rwanda 25 bishan April.

Soomaaliya ayaa xiriir dhinacyo badan la leh Rwanda, waxaana tallaabadan diblomaasiyadeed ay qeyb ka tahay qorshe lagu ballaarinayo matalaadda safiirrada Soomaaliya ee dalal dhowr ah  oo ay ka noqonayaan ” Safiir ma degane”

Gaalkacyo:Laba boqol oo agoon ah oo maanta helay deeq lacag ah

Qaar ka mid ah maamulka Dowlad goboleedka Galmudug iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeybgalay xaflad lagu maamuusaayey guddoonsiinta deeq lacag ah oo loogu talagalay in ay ku ciidaan 200 oo arday oo  agoon ah  ayaa maanta lagu qabtay magaalada Gaalkacto.

Deeqdaan oo ka koobneyd 10,000 toban kun oo doolar,waxaa soo gudbiyay Madasha Nabada iyo isdhexgalka dhalinyarada gobalka mudug ,kuwaas oo iyaguna lacagtaasi ka soo uruuriyay ganacsatada,qurbo joogtada iyo maamulka degmada Gaalkacyo.

Wasiirka wasaarada warfaainta dhaqanka iyo dalxiiska galmudug axmed shire falagle oo kahadlay gabagabada munasabada ayaa sheegay in deeqdaan lacagta ah ee lagu ciidsiinayo aqoontaasi ay tahay mid farxad galineysa 200 oo caruur ah oo ka soo kala jeeda galmudug iyo puntlnd .

Xafladdaasi waaa kaloo ka hadlay Duqa degmada gaalkcyo ee dhanka galmudug cabdi raxmaan sh xasan iyo gudoomiyaha madasha nabda iyo isdhexgalka gobalka mudug Maxamed Sh Siciid.

Diyargarow xoogan oo loogu jiro soo dhoweynta ciidul fitriga

Diyargarow ku aadan soo dhoweynta iyo ka qeybgalka munaasabadda ciidul fitriga ayaa si weyn looga dareemayaa magaalada Muqdisho iyo guud ahaan gobolada dalka Soomaaliya.

Dad aad u fara badan ayaa buux dhaafiyay suuqyada Magaalada Muqdisho iyo suuqyada kale ee ku yalla gobolada dalka Soomaaliya,kuwaas oo doonaya in ay ka qeybgalaan xafladaha loo sameynayo soo dhoweynta bisha barakeysan iyo barnaamijyada kale ee lagu soo bandhigayo maalintaasi.

inta badan qoysaska ayaa ku howlan iibsiga adeegyada lagama maarmaanka u ah soo dhoweynta ciidda,waxaana Suuqyada waaweyn ee laga dareemayaa buuq iyo ciriiri  ay sababeen dadka u soo baxay habka wax kala iibsiga ee nidaamka loo yaqaanno dukaameysiga

IMF oo walaac ka muujisay Kororka qiimaha cuntada iyo shiiidaalka ee Afrika

Hay’adda Lacagta Adduunka ayaa ka digtay in kor u kaca qiimaha cuntada iyo tamarta ee uu kiciyay dagaalka Ukraine uu horseedi karo qalalaaso dhanka bulshada ah oo wajaha Afrika.

Abebe Aemro Selassie, oo ah madaxa IMF ee waaxda Afrika, ayaa sheegay in uu aad uga walaacsan yahay kor u kaca raashinka iyo tamarta,isagoo intaa ku daray  in arrintaasi si gaar ah looga dareemay inta badan dalalka Afrika ee aan dhoofin saliidda ama gaaska.

Madaxa IFM ayaa sheegay in haddi aan wax laga qaban kororka qiimaha cuntada iyo tamarta ay sare u qaadi karaan heerka saboolnimada, isla markaana ay horseedi karaan xasillooni-darro ku timaada bulshada.

Hay’adda Cunnada iyo Beeraha (FAO) ayaa daraasad cusub oo ay sameeyeen ku sheegay in qiimaha cuntada uu kor u kacay 12.6 boqolkiiba intii u dhaxaysay February iyo March.

Dalka Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka Afrika ee la daalaa dhacay kor u kaca ku yimid qiimaha la kala siisto cumtada iyo shiidaalka ,waxaana arrimahaasi loo aaneynayaa soo ifbixii cudurka Covid 19 iyo dagaalada haatan ka socda dalka Ukraine.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo u hambalyeeyay Guddoomiye Ku-xigeennada Cusub BFS

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa hambalyo u  diray guddoomiye ku-xigeenada 1aad iyo  2aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo loo kala doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, isaggoo u rajeeyey in alle uu u fududeeyo Waajibaadka qaran ee loo doortay.

 

Madaxweynaha oo u hambalyeeyay Guddoomiye Ku-xigeennada Cusub BFS

Madaxweynahe Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Guddoomiye Ku-xigeennada Cusub ee Golaha Shacabka oo loo kala doortay, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, isaga oo Alle uga baryey in uu u fududeeyo mas’uuliyadda loo doortay.