Madaxweyne Farmaajo oo ugu hambalyeeyay Shacabka Soomaaliyeed Ciidul Fidriga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay dhammaan muslimiinta meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan dadka Soomaaliyeed Munaasabadda barakeysan ee Ciidul Fidriga.

Madaxweynaha ayaa ku boorriyey dhammaan dadka Soomaaliyeed in ay sii joogteeyaan dhaqammada wanaagsan ee aynu mudnaanta siineynay muddadii Bishii Ramadaan, kuwaas oo ay ugu horreyso kaalmada iyo u gargaaridda dadkeenna danyarta ah, ka shaqeynta danta guud iyo ducada ku aaddan in uu Alle inoo wanaajiyo dalkeenna, naguna gallado amni, xasillooni iyo barwaaqo.

Ra’iisul wasaaraha dalka oo la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Saree e BJFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo uu ku bogaadiyay dib u doorashadiisa iyo munaasabadda Ciidul Fidriga.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa ka wada hadlay dhammeystirka doorashada iyo u diyaargarowga doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda ka dib doorashadii guddoonka labada aqal ee BJFS.

Guddoomiyaha Aqalka Hoose oo la kulmay dhiggiisa Aqalka sare

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur(Madoobe) ayaa maanta hoygiisa ku soo dhoweeyey Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Kulanka labada mas’uul ayaa looga hadlay kal-fadhiga Baarlamaanka ee loo balansan-yahay May 04,2022 in uu noqon doono mid wadajir ah, waxaana looga hadli doonaa arrimaha doorashada madaxweynaha dalka iyo miisaaniyada dowladda ee sanadkan 2022-ka.

Wasaaradda Arimaha dibadda oo Warsaxaafadeed ka soo saartay Safiirkii hore ee Safaaradda Talyaaniga.

War saxaafadeed (faafin degdeg ah). Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay qoraal rasmi ah u dirtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Talyaaniga 02 bishii hore ee April taas oo lagu soo celiyey safiirkii hore Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Ciise, laguna magacaabay Mudane Axmed Cabdiraxmaan Sheekh Nuur, oo ah diblomaasiyiinta Wasaaradda kuwooda ugu khibradda badan, asagaana ah Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Rome inta laga soo magacaabayo Safiir cusub.

Safiirkii hore, Cabdiraxmaan Sheekh Ciise, ma lahan wax waajibaad shaqo oo diblomaasiyadeed ee loo igmaday, sidoo kalena kuma leh wax kaalin shaqo ah bahda Diblomaasiyadda Soomaaliyeed, wuxuuna xilligan yahay muwaadin Soomaaliyeed oo ku nool Dalka Talyaaniga.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa dhowr jeer u yeertay Safiirkii hore inuu dalka dib ugu soo laabto si wax looga weydiiyo hab-dhaqankiisa shaqo, muwaadiniinta lagu dhibaateeyey dalka Talyaaniga, eedaha laga soo gudbiyey ee ku saabsan ku takrifal awoodeed iyo maamul xumo dakhliga Safaaradda, balse wuu diiday dhammaan baaqyada loo diray, kuwaas oo qaar ka mid ah ku taariikhaysnaayeen 11/12/2021 , 27/12/ 2021, 09/01/2022 , 17/03/2022, 28/03/2022 iyo 02/04/2022.

Qoraallada sare waxay caddayn u yihiin in Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee JFS qaadday wax walba oo lagu xallin-karay amar-diiddada danjirihii hore, balse lagama maarmaan noqotay in la maro jid walba oo lagu ilaalinayo danaha Soomaaliya, sidoo kalana lagu dhowrayo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya JFS iyo Jamhuuriyadda Talyaaniga ee aan saaxiibka nahay.

Dhanka kale, wararka lagu faafiyay Warbaahinta Talyaaniga ee tibaaxaya in Safaaradda Soomaaliya afgambi ka dhacay, waa wax kamajiraan aan sal iyo baar midna lahayn, kuwaas oo ay faafiyeen danjirihii hore iyo shakhsiyaad leh dano gaar ah, iyagoo ku howlan in ay dhaawacaan xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya kala dhexeeya Jahmhuuriyadda Talyaaniga.

Danjirihii hore Cabdiraxmaan Sheekh Ciise, waxaa lagu amray in uu Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Talyaaniga u celiyo taariikhdu markii ay ahayd 06/04/2022 Aqoonsiga diblomaasiyadeed (Diplomatic Card), ilaa iyo haddana wuu diiddan yahay, taas oo tilmaan u ah dhammaan eedaha loo soo jeediyey oo meel ka dhac ku ah curfiga Diblomaasiyadda.

Jaaliyadda iyo dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Talyaaniga waxaa lala socodsiinayaa in Safaaraddu howsheeda si caadi ah u socoto, looguna adeegi doono si degdeg ah.

Madaxweyne Farmaajo oo Dhambaal Hambalyo ah u diray Shaqaalaha Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 1-da May awgeed, waxaa uu dhambaal hambalyo ah u diray dhammaan Shaqaale Weynaha Soomaaliyeed iyo qoysaskooda.

Madaxweynaha ayaa xusay doorka taariikhiga ah ee shaqaalaha Soomaaliyeed ay ku leeyihiin sooyaalka dalkeenna, iyaga oo saldhig u ahaa halgankii xurnimo doonka iyo aasaaskii qarannimadeenna, waxaana uu Shaqaalaha Soomaaliyeed ku bogaadiyey dadaalka ay soo geliyeen dowlad-dhiska iyo horumarinta dalkeenna.

“Waxaan Shaqaale Weynaha Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa, Munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 1-da May. Shaqaalaha Soomaaliyeed waxa ay ku tilmaaman yihiin hawl-karnimo, hufnaan iyo dhabar adayg, iyagoo ay ka go’an tahay horumarinta dalkooda iyo dadkooda. Waxaan ku boorrinayaa in ay dadaalkooda sii labo jibbaaraan, si aan u xaqiijinno hiigsigeenna dowlad-dhiska iyo horumarinta dalkeenna.”

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Dawladdu ay xoogga saartay ilaalinta xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed, iyada oo la dardar geliyey dadaallada ku aaddan xoojinta iskaashatooyinka dalka, ururrada shaqaalaha iyo ururrada bulshada rayidka ah.

“Tan iyo sanadkii 2017-kii, waxaan xaqiijinnay joogteynta xuquuqda mushaharka ee shaqaalaha dawladda. Sidoo kale, waxaannu meel marinnay siyaasado iyo shuruuc kala duwan oo ay ku jiraan kuwo caalami ah, oo door weyn ka qaadanaya horumarinta shaqaalaha Soomaaliyeed.”

Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ku baaqay in la ilaaliyo xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed, ayaa u duceeyey waalidiinta iyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku naf waayey iyaga oo maskaxdooda iyo muruqooda ugu adeegaya dalkooda.

Xuska 1-da May ee maalinta Shaqaalaha Dunida

Madaxda iyo shucuuubta dalalka dunida ee ku bahoobay ama ku mideysan hey’adda Qaramada Midoobay ayaa maantta u dabbaaldegay munaasabadda 1-da May oo ku beegan xuska sanadguurada 103-aad ee ka soo wareegatay aasaaskii ururka caalamiga ah ee shaqaalaha dunida ILO (International labour Organisation) .

 1-da May waa maalin weyn oo caalamka oo dhan ay u dabbaaldegaan munaasabadda maalinta shaqaalaha dunida oo ah maalin si gaar ah u xambaarsan aasaaskii  ururada xoogsatada,tacadiyadii lala beegsaday iyo halgankii ay u soo galeen xoriyad dhameystiran oo lagu wadaago shaqada.

  Halgankii xoogsatada

 1889-kii waa markii ugu horeysay ee dalal ka mid ah caalamka sida Mareykanka iyo Ingiriiska ay aqoonsadaan kacdoonadii ururada xoogsatada ee looga horjeeday maamulada warshadaha iyo milkilayaasha beeraha,kuwaas oo sanado badan ku  eedeysnaa in ay ku kaceen xadgudubyo iyo gaboodfallo kale oo dhan ka ahaa shaqaalaha.

Aqoonsigaasi waxa uu ahaa mid ku kooban shaqaalaha ka howlgala dalalka Yurub iyo Mareykanka, hasa yeeshee Afrika,Aasiya iyo Laatiin Ameerika xilligaasi waxaa ka jiray tacadiyo dhan ka ah xoogsatada,mana jirin sharci ogolaanaya saacado kooban oo la shaqeeyo.

1919-kii, dalal ka mid ah Galbeedka oo ku jiray Jimciyaddii qarumaha ka dhaxeysay,ayaa ku dhawaaqay dhismaha urur shaqaale oo u howlgala danta xoogsatada,isla markaa ka qeybqaata dejinta xeerarka iyo siyaasadda lagu kala hago shaqaalaha iyo milkilayaasha warshadaha iyo beeraha.

Iyadoo la eegayo muhiimadda xoogsatada iyo kororka dalalka ka xoroobay gumeysiga ee qaatay dowladnimada, dagaalkii labaad ee dunida ka dib, Ururka Shaqaalaha Dunida ee ILO waxa ay soo saareen in lagu dhaqmo qodobo aasaas u ah dhismaha ururkaasi,waxaana ka mid ahaa:-

1-in si wadajir ah looga hortago shaqada khasabka ah , ku-shaqaynta carruurta, takoorka xagga shaqada iyo shaqaalaha a.

2- kor u  qaadidda horumarka caddaaladda bulshada, iyada oo loo marayo nidaamka heerarka caalamiga ah ee shaqada.

3-xaqiijinta iyo dhowrista xaaladaha xorriyadda shaqaalaha, sinnaanta, amniga iyo sharafta shaqaalaha iyo in la heli karo shaqo wax soo saar leh oo waarta.

4-Hirgalinta qaab-dhismeed saddex geesood ah oo ka kooban wakiillada dawladaha, loo shaqeeyaha, iyo shaqaalaha.

5-in sanad kasta xarunta shaqaalaha Gineva ee dalka Austria lagu qabto shir weyne caalami ah oo looga hadlo danaha shaqada iyo shaqaalaha.

Haddaba, Dalka Soomaaliya waxa uu ka mid yahay dalalka caalamka ee maanta u dabbaaldegaya xuska sanadguurada 103-aad ee ka soo wareegatay aasaaskii ururka shaqaalaha dunida,iyo muunaasabadda 67-aad ee aasaaska ururka shaqaalaha Soomaaliya.

Shaqaalaha Soomaaliya

Bishii Maajo 1949kii,waa markii ugu horeysay ee la bilaabay isku day la doonaayey in lagu dhiso Ururka Shaqaalaha Soomaaliya, (Sindacato di Lavoratori Somalo,iyadoo gacan laga helayo ,Xubno matalaya shaqaalaha oo taageero ka helaya Ururkii SYL ee gobanimo raadinta .

Sanadkii 1955-tii, Ururka Shaqaalaha waxa uu u dareeray doorashadii ugu horeysay,waxaana ku soo baxay Ahmed Guure Ma’muun oo noqday guddoomiye, halka jagada xoghayaha guud uu isna helay Cabdulqadir Cali Boolaay.

Ururku,waxaa uu sameeyay sharci damaanad qaadaya xuquuqda shaqaalaha,,isla markaana xal u hela dhibaatooyinki lagu qabay milkilayaashii warshadaha iyo beeraha,waxaana qodobadii sharcigaasi ka mid ahaa jaangoynta saacadaha shaqada, wax ka qabashada xaaladaha iyo duruufaha xoogsatada, daryeelka dadka da’da ah ee shaqeeya iyo joojinta shaqooyinka adag ee ay qabtaan caruurta.

Sidoo kale,ururku,waxa uu ku guuleystay in uu xiriirro wanaagsan la sameeyay dhaq-dhaqaaqii  shaqaalaha ee loo yaqiinnay Trade Union movement (Movimento Sindicale),oo ka jiray dalka Talyaaniga,Ururka Caalamiga ee is-bahaysiga Ganacsiga xorta ah  I.C.F.T,kii Urur weynaha Shaqaalaha Afrika (All Africain Labour Organazations), iyo Urur Goboleedka  Shaqaalaha Afrika.

15-kii June 1957dii,waxaa bilowday martiqaadyo iyo soo dhoweyn uu ururku ka helay Ururka Shaqaalaha Adduunka ILO),isagoo kalsooni ka heystay xukuumadda Talyaaniga oo mar kale sanadkii 1950-kii ku soo laabtay dalka,kadib kolkii Qaraada Midoobay ay ogolaatay in Soomaaliya la maamulo 10-sano oo xornimo gaarsin ah.

In xoogsatada Soomaaliya ay ka mid noqdaan ururada shaqaalaha dunida.waxay aheyd tallaabo muhiim ah,sidaa aawadeed,sanadkii 1960-kii waa markii ugu horeysay ee Soomaaliya ku biirto  Ururka  Calamiga ah ee Shaqaalaha Adduunka (International Labour Organazation (ILO),

Xiriirka Guud ee Ururada Shaqaalaha

  In dhismaha Heyadaha dowladda loo adeegsado qaab hantiwadaag ah waa nidaamkii ugu horeeyay ee ay la timid dowladdii kacaanka ee talada dalka la wareegtay 1969-kii ,waxaana magacii ururka shaqaalaha Soomaaliya lagu badalay Xiriirka Guud ee Ururada Shaqaalaga,kaas oo ,door weyn oo la taaban karo  ka soo qaatay ilaalinta xuquuqda shaqaalaha iyo kobcinta xagga aqoonta Shaqaalaha.

Burburkii dowladnimo ee dhacay 1991-dii, kadib , Xiriirka Guud ee Ururada Shaqaalaha ,waxa ay ka mid noqdeen hey’adha u nugul colaadaha ee sida fudud ugu baaba’ay dagaaladii sokeeye,waxaana meesha ka baxay nidaam loo baahnaa in lagula xisaabtamo Ururada Caalamiga ah iyo NGO-yada gudaha  ee galay booskii dowladda.

Gudigga shaqaalaha rayidka

 Mar kale,waxaa lagu guuleystay dhismaha Gudddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka,kaas oo baddalay magacii Xiriirkii Guud ee Ururada Shaqaalaha, wuxuuna si toos ah u qaatay doorkii wax ku oolka ahaa ee habsami u socodsiinta howlaha dowladnimo,gaar ahaan la socodka xaaladaha shaqaalaha .

waxaa xaqiiqo ah in shaqaalaha ay yihiin kuwo qayb ka ah maamulka dowladnimo ee ka dhisan dalka,marka loo eego kaalinta ay ka qaataan kobcinta dhaqaalaha iyo guud ahaan horumarka dadka iyo dalka  .

Waxaa haboon in maamulka Ururka Shaqaalaha uu noqdo mid u shaqeeya si caddaalad ah oo wax ka qaban kara xaaladaha kala duwan ee la soo dersa shaqaalaha dowladda iyo kuwa gaarka ah ee hoostaga shirkadaha ,hey’adaha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah .

Maanta waxaa muuqata in Shaqaalaha ay yihiin kuwo door ama kaalin firfircoon ku yeelan kara geedi socodka loogu jiro gaaritaanka horumar wanaagsan oo ifitiimiya mustaqbalka dadka iyo dalka.

Gabagabadii ,waxaan halkaan hambalyo uga direynaa shaqaalaha dunida,gaar ahaan shaqaalaha Soomaaliya,waxaana u rajeyneynaa guul iyo horumar.

Shire Xasan Kulmiye

Ciidamada xoogga dalka oo howlgal qorsheysan ku bur buriyay fariisimo Al-Shabaab

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee  Kumaandooska xoogga dalka ee DANAB, ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyay dhulka howdka ah ee hoostaga deegaanada Leego iyo Jameeco oo ka wada tirsan gobolada Shabeellaha hoose iyo Baay.

Ujeedka howlgalka ayaa ahaa mid lagu xaqiijinayo ammaanka deegaanadaas, inta uu howlgalka socday ciidamada xoogga dalka waxay baaritaan ku sameynayeen dadka iyo guryaha iyagoo baadi goobaya argagixisada Al-Shabaab oo ku dhuumaleysanaya halkaas.

Taliyaha ururka 4-aad, guutada 16-aad dhamme Maxamed Cabdiqaadir Cali oo howlgalka hoggaaminayay ayaa sheegay in ay bur buriyeen goobo Al-Shabaab lacago baad ah ay kaga qaadayeen Shacabka Soomaaliyeed ee ay saameysay abaarta, isagoo dhanka kale, wacad ku maray in ay sii wadayaan howlgalka inta laga soo afjarayo gumaadka argagixisada ay shacabka ku hayaan

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo shir guddoomiyay kullan looga hadlayay adkeynta amniga dalka

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa maanta Xarunta Akadeemiyada Ciidanka Booliska ee Janaraal Kaahiye, shir kula qaatay saraakhiisa sarsare ee Ciidanka Booliska. Shirkaas oo ay ka soo qayb galeen Taliye Ku-xigeenka Koowaad ee Ciidanka Booliska, Taliyeyaasha Hoggaamada, Fadhiyada Madaxa Bannaan, Qaybta Guud ee Gobolka Banaadir iyo Qaybaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa looga hadlayey dardar gelinta sugidda amniga guud ee Dalka, loogu na mahad celinayey Ciidanka Booliska ee sugayey amniga doorashooyinka.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyey dhammaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed sidii ay ugu guulaysteen sugidda amniga doorashooyinka oo muddo ka socday dalka, isaga oo faray in ay si weyn isugu diyaariyaan dhammaystirka inta ka dhiman sugidda amniga doorashooyinka.

Sidoo kale, kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loogu diyaar garoobi lahaa adkaynta amniga ee maalmaha Ciidda ee inagu soo aaddan, si shacabka Soomaaliyeed ay farxad iyo nabad galyo ugu ciidaan, looga na hortago dhagaraha ay maleegayaan kuwa lidka ku ah amniga dalka iyo kan shacabka Soomaaliyeed.

Ruushka oo sheegay in Ciidamasiisa ay bar-tilmaameedsan doonaan Hubkasta oo gudaha Ukraine la geliyo

Xilli Dagaalka Ruushka uu ka wado Ukraine uu galay maalintii 66-aad, sidokalana ay socoto daadgureeynta Hubka  Kiev kaga imaanayo xulufada reer galbeedka, ayuu wasiirka arrimaha dibadda Ruushka Sergey Lavrov sheegay in shixnad kasta oo hub ah oo la geeyo dhulka Ukraine ay Ciidamadooda bartilmaameedsan doonaan.

Wareeysi uu siiyay warbaahinta ayuu Sergey Lavrov, ku sheegay in loo baahan yahay in reer galbeedka, gaar ahaan Mareykanka iyo NATO ay joojiyaan Hubka ay u daabulayaan Ukraine, haddii ay doonayaan in xal la helo.

Tan iyo markii uu billowday dagaalka Ukraine , dalalka reer galbeedka iyo NATO, ayaa bilaabay in Ukraine ay ku tageeraan  hub iyo saanad ciidan, iyadoo cunaqabateyno dhawr ahna lagu soo rogay Ruushka.

Guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka oo maanta xilka si rasmi ah ula wareegay

Guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka mudane Sheikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay guddooomiyihii hore ee golaha shacabka Xildhibaan Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan ka dib kulan ka dhacay xarunta Villa Hargeysa.

Guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Maxamed Mursal ayaa kulanka khudbad ka jeediyay ka dib markii uu xilka ku wareejiyay guddoomiyaha cusub Sheikh Aadan Madoobe.

Guddoomiye Sheikh Aadan Madoobe oo soo xiray kulanka ayaa shaaciyay xilliga la qabanayo kulanka xiga ee golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad, wuxuuna sheegay in ay noqon doonto 4-ta bisha soo socoto ee May.