Shir looga hadlayo Amniga Dagmada Cabudwaaq oo halkaasi ka dhacay

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka Galmudug mudane Cali Dahir Ciid ayaa Shir guddoomiyay Shirka Amniga Dagmada Cabudwaaq.

Shirkaan oo ay ka so qaybgaleen maamulka Dagmada, Laamaha Amniga Dagmada, Garsoorka Dagmada iyo Gudiga Wacyigalinta, Horumarinta iyo Dib u Heshiisinta Cabudwaaq ee uu dhawaan Magacaabay Madaxweyne kuxigeenka Galmudug,waxaana diirada lagu saaray sidii Amniga Dagmada Cabudwaaq oo hada so hagaagay sare logu sii qaadi lahaa islamarkana uu u noqon lahaa mid la isku halayn karo.

Shirkaan oo ay hadalo ka soo jeediyeen dhinacyadii fadhiyay ayaa ugu danbeyn waxaa lagu heshiiyay in maamulka Dagmada, Laamaha Amniga Dagmada, Garsoorka Dagmada iyo Gudiga Wacyigalinta, Hormarinta iyo Dib u Heshiisinta Cabudwaaq in ay iska kaashada Xasilinta Magaalada iyo Hormarinteeda ayago kaashanaya Xildhibanada Deeganka iyo Wasaaradaha ay quseeyso.

 

Joe Biden oo sheegay in Taageeradii ay siiyeen Ukraine ay sameeysay isbedel dhanka dagaalka ah

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in Gantaallada Javelin-ka ee Mareykanka uu siiyay Ukraine ay sameeyeen isbedel dagaal oo dhab ah, isagoo sidokale qiray in dalkiisa uu qarash badan ku bixin doono dagaalka ka socda Ukraine.

Biden ayaa khudbad uu ujeeday Congress-ka kaga codsaday meel-marinta dhaqaale dheeraad ah oo la gaarsiiyo Kiev , si looga hortago gabood-fallada uu Ruushka ka geeysanaayo gudaha Ukraine

Turkiga oo diyaarinaya mashruuc cusub oo qaxooti Suuriyaan ah ay si iskood ah ugu laabanayaan dalkooda.

Dowladda Turkiga ayaa diyaarinaysa mashruuc cusub oo 1 milyan oo qaxooti Suuriyaan ah ay si iskood ah ugu laabanayaan dalkooda.

“Waxaan fulin doonaa mashruucan dhawaan anagoo kaashanayna hay’adaha aan dawliga ahayn ee qaranka iyo kuwa caalamiga ah,” Recep Tayyip Erdogan ayaa ka sheegay xafladda furitaanka guryo cusub oo laga dhisay magaalada Idlib ee waqooyiga Suuriya.

Tan iyo markii Turkiga uu bilaabay howlgallada ka dhanka ah argagixisada ee xuduudaha 2016, ku dhawaad ​​500,000 oo qof ayaa ku laabtay aagagga nabdoon ee waqooyiga Suuriya, sida uu sheegay madaxweynaha Turkiga, isaga oo hoosta ka xariiqay in in ka badan 57,000 guri ku dhow 50,000 qoys ilaa hadda laga dhisay aagga Idlib.

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Turkiga Suleyman Soylu ayaa xariga ka jaray dhisme loogu talagalay carruurta agoonta ah iyo masaajid ay hay’adaha aan dawliga ahayn ee Turkiga ka dhiseen magaalada Idlib.

Guud ahaan, waxaa jiri doona 100,000 oo guri kuwaas oo ka qayb qaadan doona yaraynta dhibaatada Suuriya, ayuu yidhi Erdogan.

Waxa kale oo uu sheegay in goobta laga dhisayo guryaha ay yeelan doonaan masaajid, dugsi, xarun caafimaad,warshada rootiga, goob bulsho, iyo garoon ay ku ciyaaraan.

Xildhibaannada labada Aqal ee BFS oo maanta yeelanaya kulan wadajir ah.

Xildhibaannada labada Aqal ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa Maanta la filayaa in ay yeeshaan kulamo looga hadlayo Ajandayaal dhowr ah oo ku saabsan Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Kulanka xildhibaanada labada aqal ayaa lagu wadaa in uu ka dhaco Xaruunta KMG ee Villa Hargeeysa, waxaana xildhibanada labada Aqal lagu wargaliyay in ay soo xaadiraan.

Ajandaha looga hadlayo ayaa waxaa lagu sheegay arrimo ay ka mid yihiin: Doorashada Xubanaha guddiga isku dhafka ah ee labada Aqal ee qabanqaabada Doorshada Madxaweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, iyadoo ay xildhibaanadu go’aamin doonaan xiliga ay dhacayso doorashada Madaxweynaha.

Guddoomiyaha Golaha Shacab oo shir la yeeshay Saraaakiisha Ciidamada qalabka sida

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa isugu yeeray dhammaan saraakiisha ugu sareysa ciidamada qalabka sida.

Shirkan oo diiradda lagu saaray xaaladda amniga doorashada dalka.

Saraakiisha ciidanka ayaa looga  digay in aysan ku milmin siyaasadda, amniga doorashadana ay kaga amar qaataan Gudoomiyaha Golaha Shacaka inta lagu jiro marxaladda kala guurka illaa uu dalka ka yeelanayo madaxweyne.

RW Rooble oo suxufiyiinta ugu hambalyeeyay maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa suxufiyiinta Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 3-da May oo ah Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ammaanay kaalinta muhiimka ee saxaafadda iyo howsha adag ee wariyeyaashu u hayaan bulshada ee ah wargelinta iyo bidhaaminta xaqiiqooyinka jira.

“Warbaahinta Soomaaliyeed waxay kaalin laf dhabar ah ku leedahay sare u qaadista wacyiga bulshada, soo bandhigista xaqiiqooyinka jira iyo waxbarista bulshada, waxayna ku soo shaqeysay duruufo adag, taas oo ay mudan tahay in lagu bogaadiyo”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku dhiirigeliyay saxafiyiinta in ay sii wadaan shaqada muhiimka ah ee ay dalkooda u hayaan, isagoo xaqiijiyay in ay lama taabtaan tahay xorriyadda saxaafadda oo ah mid ay shuruucda dalku damaanad qaadayaan.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa guulo iyo horumar joogto ah u rajeeyay wariyeyaasha iyo guud ahaan bahda saxaafadda Soomaaliyeed.

Taliska Booliska oo faah-faahiyay kiiska Askari dhawaan lagu dilay Muqdisho

Afhayeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed , Cabdifitaax Aaden Xasan ayaa faah-faahin ka bixiyay qaabka uu u dhacay dilka , Cusmaan Salaad Daahir (Atooraha badda), oo ahaa samfale ka tirsanaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Taliye Cabdifataax ayaa sheegay in dilka Atooraha badda uusan ka dambayn Al-shabaab balse uu geystay marxuumka saaxiibkiis oo lagu magacaabo Shuceyb Leeleefoow, ka dib markii ay isku qabteen lacag loogu tala galay howlo samafal ah oo gaareysa ku dhawaad lixdan kun oo dollar.

Afhayeenka Booliska oo la hadlayay saxaafadda ayaa sheegay inay hayaan gacan ku dhiiglaha iyo lacagtii uu ka dhashay dilka Atooraha badda, isla markaana ay hor geyn doonaan maxkamadda si ay go’aan uga gaarto.

Dhinaca kale, Cabduqaadir Salaad Daahir oo ah Atooraha Badda walaalkiis ayaa sheegay in Booliska Soomaaliyeed ay ka qanciyeen shakigii ay ka qabeen qaabkii uu ku dhintay wiilkooda, iyagoo tusay dhammaan Akoonnadii ay jirtay lacagta laysku qabtay.

Howlgalka ATMIS oo hub laga furtay Al-Shabaab ku wareejiyay Ciidanka XDS

Ciidanka howl-galka midowga Afrika ee ATMIS ayaa hub laga furtay malleeshiyada Al-shabaab waxa ay ku wareejiyeen Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Hubkan oo isugu jira dheshiikayaal, hubka fudud iyo rasaas fara badan ayaa waxaa kasoo furtay nabad-ddika Al-shabaab Cutubyo ka tirsan Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa ATMIS oo howl-gallo ka sameeyay qeybo ka mid ah Shabeellada hoose.

Marwo, Fiona Lortan, oo ah taliye ku xigeenka ATMIS ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya iyo howl-galka midowga Afrika ay diiwaan gelin doonaan dhammaan hubka laga furto Al-shabaab.

Taliyaha ciidanka Lugta ee Soomaaliya Jeneraal: Maxamed Tahliil Biixi ayaa ka mahad celiyay hubka ay ATMIS ku wareejisay SNA, wuxuuna bogaadiyay iskaashiga ka dhexeeya xoogagga midowga Afrika iyo Ciidanka xoogga dalka.

Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Xoriyadda Saxaafadda

Maanta oo ku began 3-da May waxaa dalalka caalamka oo dhan ay u dabbaaldegayaan xuska maalinta xoriyadda saxaafadda oo ah maalin loogu talagalay in lagu muujiyo kaalinta saxafiga iyo xaqa  ay u leeyihiin in cid kasta ay gacan ku siiso habsami u socodka howlaha warbaahinta iyo guud ahaan badqabka qeybaha shaqalaha ee ururada saxaafadda.

3-da May waa maalin caalami ah oo loo aqoonsaday xoriyadda saxaafadda ,iyadoo la eegayo baaqa Qaramada Midoobay ee Xuquuqul  Insaanka,gaar ahaan qodobka 19-aad  ee soo baxay 1948-dii,kaas oo dhigaya ilaalinta xaqa ay dadku u leeyihiin Xorriyatul-qawlka.

Ujeedka guud ee xuskaan ayaa ah sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga ku saabsan muhiimadda xorriyadda saxaafadda iyo in dawladaha la xasuusiyo waajibaadka ka saaran dhawrista iyo ixtiraamka saxaafiyiinta.

Iyadoo laga ambaqaadayo kaalinta dowladaha ee ay ku leetihiin badqabka saxaafiga, sanad kasta waxaa la qabtaa shir ay soo abaabulaan hey’adda UNESCO ee Qaramada Midoobay ,kaas oo looga hadlo qodobo la xiriira xorriyadda saxaafadda, gaat ahaan maamul-wanaagga, , isla xisaabtan la’aanta iyo doorka warbaahinta ay ku leeyihiin  la shaqeynta dalalka ka soo kabanaya colaadaha.

Saxaafadda Soomaaliya

Dalka Soomaaliya waxa uu ka mid yahay wadamada maanta u dabbaaldegay xuska maalinta xoriyadda saxaafadda oo mabd’a ahaan ka dhigan in si wadajir ah codka iyo ra’yiga loogu gudbiyo nuucyada warbaahinta wax daabaca iyo kuwa kale ee elektarooniga ah.

Xoriyadda Saxaafadda iyo Dawladdii Rayadka

Xilligaan waxaa jiray saxaafad xor ah oo shaqeysa ,ka hor  dhismihii dowladii rayidka ee looga dhawaaqay dalka Soomaaliya sanadkii 1960-kii.

Maamulkaasi,waxa ay ku guuleysteen In la madax banneeyo xoriyadda hadalka iyo howsha saxaafadda, arintaasina waxa ay sababtay in ay kordhaan tirada wargeysyada ka soo baxa dalka, ee ku qornaa luqadaha Carabiga, Ingriiska iyo Talyaaniga .

Xoriyadda Saxaafadda iyo Dowladdii Miletariga

1969-kii,waxaa lagu tilmaamaa in uu ahaa bilowgii dib u dhaca saxaafadda Soomaaliya iyo niyadjabkii suxuufiyiinta, ka dib markii ciidamadii qabsaday dalka ay xireen xarumihii wargaysyada,isla markaana ay mamnuuceen xoriyadda hadalka.

Inkastoo saxaafadda xilligaasi ay aheyd mid hoostagta dowladii kacaanka ee Soomaaliya ,waxaa haddana,qeybaha saxaafadda ay gaareen ama ku tallaabsadeen horumar wanaagsan oo la taaban karo.

Xoriyadda saxaafadda iyo xilligaan

 Burburkiii Soomaaliya ee ka dhacay gudaha dalka,kadib,waxaa sanadkii 1999-kii la bilaabay dhismaha xarumo Wargeys, Idaacado iyo Telefishinno madax bannan,kuwaas oo taabagalinteeda ay lahaayeen ganacsato iyo aqoonyahanno kale oo doorbiday in ay wax ka baddalaan qaab dhismeed warbaahinta dalka.

Labaatankii  sano ee u dambeeyay warbaahinta dunida  waxay ku tallaabsatay  horumar ballaaran,kadib kolkii,isbadallo horumarsan lagu soo kordhiyay qalabka loo adeegsado saxaafadda,taasina waxa ay dhiirigalisay  in uu xoogaysto tartanka ganacsi ee  dhanka warbaahinta ah.

Xuska munaasabaddaan,waa mid loogu talagalay in lagu eego horumarka wanaagsan ee ay ku tallaabsadeen suxuufiyiinta iyo guulaha wax ku oolka ah ee ay ka soo hooyeen meelmarinta nidaamka shaqo ee ay u hayaan bulshada.

Saxaafadda waa muraayad laga  daawado horumarka dalka,sidaad daraadeed, warbaahinta Soomaaliya ee ka howlgasha gudaha,waxaa sanadihii u dambeeyay ay ka qeybgaleen dadaalada hordhaca ah ee loo galay geedi socodka nabadda ,dhismaha dalka iyo rajo soo celinta umadda.

Horumarka wanaagsan ee xilligaan ka muuqda  saxaafadda Soomaaliya, ,waxa uu saaciday in bulshada Soomaaliya, ay heleen saxaafad xor ah oo ay ku gudbin karaan fikradaha isdiidan,kuwa wax dhisaya iyo kuwa kale ee lagu dhaliilo madaxda iyo hogaamiyaasha dalka.

 In lagu shaqeeyo dhexdhexaadnimo waa sida kaliya ee lagu ilaalin karo xoriyadda saxaafadda,waxaana waajib ah in Suxuufiga waxa uu gudbinaayo uu ku eego isha dhabta ah,si meesha looga saaro is-qabqabsi iyo hoos u  dhac kale oo wiiqa shaqadii warbaahinta .

Ogoow saxaafaddu waa  adeeg loo isticmaali karo  laba waji ,cid ayaad ku dulmin kartaa, marna wax ayaad ku dhisi kartaa ,sidaa aawadeed.ha ku sifoobin  aalad ay adeegsadaan dadka fidno abuurka ah ee u taagan fulinta dano  gaar ah iyo kuwo shisheeye.

Isku day in aad u hiiliso cid kasta o u taagan dhismaha dowlad xilkeedu yahay soo celinta amniga iyo karaamadii ay lahaayeen dadka iyo dalka,kana fogoow   in aad qeyb ka noqoto hardanka siyaasadeed ee u dhaxeeya madaxda ama dhinacyada kale ee ishaya.

Si loo gaaro xoriyad buuxda oo dhanka saxaafadda ah,waxaa lama huraan ah in dowladda iyo madaxda shirkadaha warbaahinta ay u howlgalaan sidii tababarro aqoon kororsi ah loo siin lahaa shaqaalaha qeybaha warbaahinta.

Anagoo ka faa’ideysaneya fursadda munaaasabaddaan ,waxaan halkaan dhambaal hambalyo ah oo ku aadan xuska mmaalinta xoriyadda Saxaafadda Dunida,aawgeed, u direynaa suxuufiyiinta caalamka,gaar ahaan shaqaalaha Soomaaliyeed ee ka howlgala qeybaha warbaahinta dalka.

Gabagabadii,waxaan u rajeyneynaa shaqaalaha iyo maamulada qeybaha Saxaafadda in ay halkaasi ka sii wadaan howlaha culus ee ay u hayaan umadda.

Shire Xasan Kulmiye

Ray”iisul Wasaaraha XFS oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda Ciidul Fidrig

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Fidriga.

“Waxaan Shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Ummadda Islaamka ugu hambalyeynayaa munaasabadda Ciidda Barakeysan ee Ciidul Fidriga.

Waxaa mahad oo dhami u sugnaatay Allaha weyn oo si nabad iyo caafimaad leh noogu dhammeeeyay bishii Barakeysneyd ee Ramadadan. Allaha naga aqbalo soonkii iyo acmaashi wanaagsanayd ee aan la nimid.

Ciiddu waa munaasabad farxadeed, sidaas darteed waxaan ka codsanayaa shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka Eebbe wax siiyay in la caawiyo dadka danyarta ah, lagana farxiyo iyaga iyo qoysaskooda si ay u dareemaan farxadda Ciidda.

Munaasabadda Ciiddul Fidrigu sanadkan waxa ay ku soo aadday iyadoo uu xaalku aad uga duwan yahay sidii uu ahaa sanadkii hore xilligan oo kale, markaas oo ay dalka ka jirtay xaalad amni yo siyaasadeed oo aad u kacsan taas oo la xiriirtay doorashada dalka iyo heshiis la’aanta siyaasadeed ee dalka ka taagneyd.

Alla mahaddii sanadkan waxa aan farxadda Ciidda u dabbaal dageynaa, iyadoo howlihii doorashadu soo gaareen heer gebogebo ah, ka dib dadaal iyo shaqo badan aan galinnay sidii dalka doorasho uga dhici lahayd.