Xafiiska Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka oo joojiyey galitaanka ama billaabidda dhaqan-galinta heshiisyada dheef wadaagga

Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa warqad uu u diray dhammaan hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ku joojiyay galitaanka ama billaabidda dhaqan-galinta heshiisyada dheef wadaagga (Concession Agreements) inta lagu guda jiro xilliga doorashada.

Lifaaqa hoose ka dheeho qoraalka warqadda oo dhammaystiran.

Guddiga qabanqaabada doorashada Madaxwaynaha oo doortay guddoomiye iyo ku xigeen

Senator Cabdiqani Geelle Maxamed ayaa ku guulaystay Xilka Guddoomiyaha Guddiga isku dhafka ah ee qabanqaabada doorashada Madaxwaynaha.

Xildhibaan, Maxamed Axmed beerreey oo la tartamayay guddoomiyaha cusub ayaa helay 5 cod, Senator Cabdi ismaaciil samatar oo isna loollan ugu jiray xilka guddoomiyenimo ayaa helay 2 Cod, halka Senator Cabdiqani Geelle Maxamed uu helay 10 cod.

Sidoo kale Xildhibaan Maxamed keerow Maxamed ayaa ku guulaysay xilka Guddoomiye ku xigeenka guddiga isku dhafka ah ee ka shaqaynaya doorashada madaxwaynaha JFS kadib markii uu helay 9 Cod.

Guddiga isku dhafka ah ee qabanqaabada doorashada Madaxweynaha oo ka kooban 15 xubnood oo isugu jira labada Aqal ayaa la filayaa in bishan gudaheeda ay diyaariyaan doorashada Madaxweynaha 10-aad ee dalka.

Guddoomiye Shacbaan oo furay kulanka Guddiga ka shaqaynaya doorashada Madaxwaynaha

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim ayaa furay kulankii ugu horreeyay Guddiga isku dhafka ah ee ka shaqaynaya doorashada Madaxwaynaha JFS oo maanta iska dhex dooranaya Guddoomiyaha Guddigaas.

Sidoo kale waxaa kulanka goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshiroow iyo labada Xoghaye ee Baarlamaanka.

Murashaxiinta Xilka Guddoomiyaha.

1.Xildhibaan Maxamed Axmed Beereey

2.Senator Cabdiqani Geele Maxamed.

3.Senator Cabdi Ismaaciil Samatar.

Murashaxiinta Guddoomiye ku xigeenka.

1.Senator Ibraahim Owgaab Cismaan

2.Xildhibaan Maxamed Keerow Maxamed

  1. Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macallimuu.

Wasaaradda warfaafinta oo ka digtay barnaamijka ay waddo Somali debates

Wasaaradda wafraafinta dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya ayaa ka digtay inay barnaamij dood ah oo ku saabsan doorashooyinka ku qabato magaalada Muqdisho kooxda la baxday Somali debates.

Wasaaradda ayaa kooxda la baxday Somali debates iyo kuwa la midka ah fartay inay ka waantoobaan falalka noocaas ah.

Waxanay sidoo kale Wasaaraddu fartay inaanay saaxiibbada caalamka oo ay ugu horreeyaan ATMIS iyo UNSOM kala shaqayn howlaha warbaahinta una oggolaan cid aan fasax ka wadan Wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska.

Wasiir Dubbe oo Addis ababa kula kulmay madax ka tirsan dowladda Itoobiya

Addis ababa- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Cismaan Abokar Dubbe ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay wasiiru dowlaha Ganacsiga iyo xiriirka gobolka ee Dowladda Federaalka Itoobiya

Mas’uuliyiinta ayaa waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga ka dhexeeya.

Wasiir Dubbe ayaa yirri “Addis Ababa: Maanta waxa qado sharaf igu soo dhoweeyey Wasiiru Dowlaha Ganacsiga iyo Isku xidhka Gobolka Geeska Afrika ee Dowladda Federaalka Ethiopia Dr Xassan Macalin. Wasiirka waxa aanu ka wada hadalnay danaha labada dal iyo labada shacab ee horumarka iyo xoojinta is-kaashiga. Dr Hassan Moallim.

“sidoo kale waa Xildhibaan heer Federaal ah oo laga soo doorto Jarar iyo Dhagaxbuur, waxaanu kamid yahay xildhibaanada ugu codka badan Baarlamaanka Ethiopia. Kulanka waxa igu wehelinayey Safiirkeena inoo fadhiya Ethiopia Ambassador Gen. Cabdullahi Ahmed Jaamac Ilka-jiir iyo saraakiil kale oo ka tirsan safaaraddeena”

Guddoomiye ku xigeenka Aqalka sare oo kulan la yeeshay Safiirka Soomaaliya ee Talyaaniga

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare ee BFS Cali Shacbaan ibraahim oo xafiiskiisa Aqalka Sare kulan kula qaatay Safiirka Dowladda talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Alberto Vecchi ayaa guddoomiyaha la wadaagay dhambaal Hambalyo ah oo ku aadan Doorashada Guddoonka Golaha Aqalka Sare BFS.

Guddoomiyaha iyo Safiirka ayaa Bogaadin kadib ka wada hadlay arrimaha Doorashada Madaxwaynaha Soomaaliya iyo sidii loo dedejin lahaa si dalku u helo xasilooni siyaasadeed

Sidoo kale waxaa ay ka wada hadleen in la xoojiyo iskaashiga labada dal iyo gaar ahaan sidii labada baarlamaan u yeelan lahaayeen xidhiidh wada shaqaynayd iyo isweydaarsi xirfadeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Saraakiisha ATMIS kala hadlay Amniga doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Aadan Madoobe ayaa kulan la qaatay saraakiisha ugu sareysa Ciidanka howlgalka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee loo yaqaan ATMIS.

Kulanka Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo Saraakiisha ATMIS ayaa waxaa goobjoog ka ahaa, Ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee midowga Africa Fiona Lortan, ku-xigeenka ciidanka ATMIS Jeneraal William Shume, iyo  Meg. George Kuteesa oo ah Taliyaha Guud ee qaybta (Sector One) ee ciidanka ATMIS.

Kulanka ayaa looga hadlay ammaanka Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo lagu wado in doorashadiisu ay dhacdo bishaan, sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Guddoonka labada Aqal ee Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka Baaralamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magacaabay Guddiga Doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya.

Guddiga ay Magacaabeyn labada Aqal ee BFS ayaa ka kooban 17 xubnood, 6 ka mid ah waxaa soo magacaabay guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, 10 ka mid ah ayaa waxa ay ka imaanayaan Golaha Shacabka BFS halka xubinta soo hartay uu magacaabayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Falastiin oo ugu digtay Israa’iil in ay waxyelleeyso Al-Aqsa

Digniin ay si wada jir ah u soo sareen Shacabka, Saraakiisha iyo ciidamada Kooxaxa hubaysan ee reer Falastiiniyiinta, ayay ugu digeen Ciidamada Yahuudda in ay galaan Masjidka Al-Aqsa, isla markaana ay waxyeello ka geeystaan.

Ciidamada Israa’iil ayaa la sheegay in ay qorsheeynayaan in Masjidka Al- Aqsa ay ka taagaan calankooda maalinta beri ah, iyagoo u dabaal dagaya sannad guurada waxa Tel Aviv ay ugu yeertay Maalinta Xorriyadda

Dhaqdhaqaaqa wax iska caabinta Xamaas ayaa Bayaan maanta oo Arbaca ah ay soosaareen ku sheegay in iyaga oo kaashana Shacabka ay ka hortagi doonaan damaca ciidamada Israa’iil ay ku doonayaan in berito ay gudaha ugu galaan Masjidka Al-Aqsa, si ay Calankooda ugu taagaan.

Xamaas ayaa Bayaankooda ku soo gabagabeeyay in qasaaraha halkaas ka dhaco mas’uuliyadeeda ay qaadan doonaan Israa’iiliyiinta ku soo duushay.

Dhankeeda, Wasaaradda Arrimaha Dibedda Falastiin ayaa ugu baaqday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay mas’uuliyad iska saaraan joojinta dagaalka iyo daan-daansiga Ciidamada Israa’iil ay ku hayaan dhulka iyo xurmaha dadka reer Falastiin.

Xubnaha qaban qaabada doorashada madaxweynaha oo la magacaabay

Kulan ay goor dhow yeesheen Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe, ayaa lagu macaabay guddiga qabanqaabada doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa doorashada xubnaha guddiga isku dhafka ah labada Aqal ee qaban qaabada doorashada Madaxweynaha.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magacaabay sideed ka mid ah guddiga qaban qaabada doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka kooban 10-xubnood kuwaasoo kala ah:

1 Xildhibaan Mowliid Cabdi Maxamed
2 Xildhibaan Cali Xaaji Daahir
3 Xildhibaan Nuur Mustaf Mukhtaar
4 Xildhibaan Maxamed Axmed Beereey

5 Xildhibaan Maxamed Ibrahim Mucalimuu

6 Xildhibaan Maxamed Caananuug
7 Xildhibaan Cumar yuusuf
8 Xildhibaan Fardowsa Maxamed Cigaal.

Guddoomiyaha golaha Shacabka ayaana sheegay in xubnaha dhiman la soo dhameestiridoono saacadaha soo aadan.

 

 

 

Kulankii Golaha Shacabka oo goor-dhow furmay

Waxaa goor_dhow furmay kulankii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya, kaasi oo uu shir guddoominayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Ajendaha kulanka ayaa wuxuu kusaabsanyahay soo xulidda guddiga isku dhafka ah ee labada Aqal, kuwaasoo ka shaqeyn doono qabashada doorashada Madaxweynaha.