Shariif SheekhAxmed oo noqday musharixii u horeeyey ee isku diwaan geliya doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Musharrax Madaxwayne Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa noqday murrashaxii ugu horreeyey ee isu diiwaangeliya tartanka xilka madaxtinimada dalka, asigoo qaatay shaahada muujinaysa Musharraxnimadiisa xilka Madaxwaynaha JFS.

Murrashaxiin kale ayaa la filayaa inay sidoo kale is diiwaangeliyaan iyadoo maanta ay tahay maalintii koowaad ee isudiinwaangelinta murrashaxiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya sida ay sheegeen Guddiga qabanqaabada doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo lafilayo inay dhacdo 15-ka bishan aan ku jirno ee may.

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Howlgalkan oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacay Deegaanka Shurufle ee bariga gobolka Galgaduud ayaa lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al shabaab.

Horjoogahan ayaa magaciisa lagu sheegay Faarax Cali Warsame oo Afgarashadiisu ahayd (Sigane), wuxuuna ahaa horjoogihii aragagixisada Shabaab u qaabilsanaa deegaanada Cadakibir,Warshubo iyo Qaayib oo dhammaan ka tirsan Bariga Gobolka Galguduud.

Horjoogahaan ayaa si dhuumaalaysi ah ku yimid deegaanka Shurufle sida ay inoo xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Galmudug, waxaana howlgalkaas fuliyay Xubno ka tirsan sirdoonka Qaranka Soomaliyeed.

Diiwaangelinta musharrixiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya oo maanta bilaabaneysa.

Maanta oo axad ah taariikhdana ay ku beegan tahay May 8,2022 waxaa magaalada Muqdisho ka bilaabanaya diiwaangelinta iyo lacag qabashada musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Guddiga isku-dhafka ah ee qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo ka kooban 17 Xubnood ayaa xarun diiwaangelin ku leh xarunta Aqalka sare, iyagoo soo bandhigay shuruudaha laga rabo musharraxa Madaxweynaha Soomaaliya.

Diiwaangelinta musharrixiinta Madaxweynaha ayaa socon doonta ilaa 10 Bishaan, waxaana xilka madaxweynaha u tartamaya musharaxiin badan oo hami kaga jiro xilka ugu sarreeya dalka.

15 Bishaan ayaa loo asteeyay inay dhacdo doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, sida ay guddiga doorashada horay u shaaciyeen.

Maxaa laga bartay Shantii sano ee tagtay,maxaa se laga filan karaa Aqalka sare afartan sano ee soo socota?

Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdillaahi oo markii labaad noqday guddoomiyaha aqalka sare ayaa markii ugu horeysay wareysi gaar ah siiyay Warbaahinta Qaranka dib u doorashadiisii kadib, ayaa sheegay in nidaamka Aqalka sare uu Soomaaliya ku cusbaa shantii sano ee la soo dhaafay maaddaama uu qayb ka ahaa nidaamka Faderaalka ee dalka uu qaatay kadib Dowladdii Ku-meel-gaarka.

Afartii sano ee muddo xileedkii hore ee Aqalka sare ayuu sheegay in ay wax ka barteen, waayo aragnimo badana ay ka faa’iideen. Waxa uu rajeeyay in afartan sano ee soo socota ay ka duwanaan doonto afartii hore, “Gollahii hore ma jirin meel uu wax ka tix raaco laakiin hada wax walba waa ay qoran yihiin, xataa xeer hoosaadkii ayuu leeyahay. Hawlaha Dastuuriga ee uu u xil saaran yahay sidii uu u qaban lahaa waa uu yaqaanaa. Wax badan oo mugdi ku jiray hadda waa ay cad yihiin. Kolka maanta waxa aan rajaynayaa in aad iyo aad ay uga duwanaan doonto afartii hore”.

Mar wax laga weydiiyay wada shaqeynta labada aqal ee Baarlamaanka ayaa Guddoomiye Cabdi Xaashi waxa uu sheegay in muddo xileedkii tagay uusan wanaagsanayn wada shaqeynta labada aqal balse waayo aragnimo ay ka heleen arintaa, haddana muhiimaddooda koowaad ay tahay in ay ka shaqeeyaan sidii labada golle ay u wada shaqeyn lahaayeen. Sidoo kale waxa uu sheegay Senetarka in ay diyaarsan yihiin sharciyadii ay ku wada shaqeyn lahaayeen, Guddoomiyaha cusub ee Aqalka Hoose na uu diyaar u yahay wada shaqeynta labada Golle.

Mar uu fariin u dirayay Musharixiinta Madaxtinimada Soomaaliya ee loo asteeyay doorashadooda in ay dhacdo 15ka bishan May ayuu yiri Guddoomiye Cabdi Xaashi “Waxaan filayaa in Musharax walba waxa uu u socdaa ay noqoto dan guud oo aanay noqon dano gaar ah, dalka iyo dadka horumarkoodana Maskaxda lagu heysto”.

Dhanka kale, Xildhibaanada wax dooranaya ayuu kula dardaarmay in ay noqdaan kuwa Maslaxada dalka eegaya, ayna doortaan qofka ay is leeyihiin waxa uu wax ka qaban karaa danta guud ee dalka.

Shantii sano ee la soo dhaafay ayuu Guddoomiye Cabdi Xaashi sheegay in ay jirtay tix galin la’aanta Sharciga, “Dal wuxuu ku hor maraa Sharciga oo loo hogaansamo” ayuu yiri.

Senetor Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa noqonaya Guddoomiyihii Koowaad iyo labaad ee Aqalka sare, tan iyo markii gollahaasi la aasaasay.

Xigasho: SONNA

Habraaca iyo Shuruudaha laga rabo Murashaxiinta xilka Madaxwaynaha JFS

Guddiga isku dhafka ah ee qabanaya doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo saaray Shuruudaha laga rabo Musharaxa u tartamaya Qabashada xilka Madaxweynenimo ee Soomaaliya.

Halkan ka aqriso qoraalka Guddiga.

Guddoomiyaha Aqalka sare oo amniga doorashooyinka kala hadlay Taliyeyaasha CXD iyo Booliiska

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Dalka Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Odawaa Yuusuf Raage iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar).

Taliyeyaasha iyo Guddoomiyaha ayaa ka wada hadlay adkaynta sugidda Amniga Doorashada iyo midka guud ee Dalka.

Ciidamada DF oo ku guuleystay in ay furaan wadooyin ay go’doomiyeen Al-Shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa muddo toban sana ah kadib ku guuleystay inay isku furaan wadooyinka isku xira degmooyinka Waajid, Tiyeeglow iyo Qansax-dheere oo gobolada Baay iyo Bakool ka kala tirsan.

Ururka 45-aad, guutada 8-aad, qeybta 60-aad ee Xoogga Dalka ayaa ku guuleystay inay soo afjaraan xubno ka tirsan cadawga Argagixisada oo muddo toban sana ah wadooyinkaasi go’doomiyay, kuna dhuumaaleysanayay.

Howlgalkaas ay guusha weyn ka gaareen Ciidanka Xoogga ayaa waxaa hogaaminayay Abaanduulaha ururka 45-aad, guutada 8-aad, qeybta 60-aad ee Xoogga dalka Maxamed Nuur Gureey.

 

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay safiirka dalka imaaraadka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka  Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya  mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta hoygiisa Muqdisho ku qaabilay Mohamed Ahmed Othman Al Hammadi oo ah  safiirka dalka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa safiirka ka guddoomay hambalyo uu uga siday dalkiisa oo ku aaddan Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad.

Guddoomiyaha ayaa danjiraha Imaaraadka Carabta kula dardaarmay in ay sii laba jibbaaraan dadaalada horumarineed ay dalka ka wadaan iyo sii xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah.

Ciidamada xoogga dalka iyo ATMIS oo howlgal ka dhan ah argagixisada ka wada gobolka Sh/dhexe

Ciidanka Xoogga dalka iyo Ciidanka ATMIS, gaar ahaan  kuwa Burundi  ayaa howlgallo ka wado Gobolka Shabeellaha Dhexe, gaar ahaa degaanada hoos yimaado degmada Mahadaaay.

Ciidamada ayaa hawlgalkooda ku beegsanayo degaanno ay ku dhumaleeysanayaan Maleeshiyaad ka tirsan  argagixisada Al-Shabaab, kuwaas oo dhawaan dagaal ku qaaday saldhig ay Ciidanka ATMIS halkaas ku lahayeen.

Maamulka degmada Mahadaay ayaa sheegay in waxii ka danbeeyay weerarkii argagixisada Al-shabaab ay ku soo qaadeen saldhig Ciidanka Burundi ay ku lahaayeen degaanka Ceelbaraf ee gobalka Sh/Dhexe ay gabi ahaanba dadkii halkaasi deganaa ay ka barakaceyn.

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle oo soo gaaray Muqdisho

Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar Dabageyd ayaa maanta safar shaqo kusoo gaaray Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne ku-xigeenka waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Mudada uu Muqdisho ku sugan yahay Mr. Dabageed wuxuu kulamo kala duwan la qaadan doono qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo madaxda ugu sareysa Dowladda.