Ciidanka Xoogga dalka iyo Ciidanka ATMIS, gaar ahaan kuwa Burundi ayaa howlgallo ka wado Gobolka Shabeellaha Dhexe, gaar ahaa degaanada hoos yimaado degmada Mahadaaay.
Ciidamada ayaa hawlgalkooda ku beegsanayo degaanno ay ku dhumaleeysanayaan Maleeshiyaad ka tirsan argagixisada Al-Shabaab, kuwaas oo dhawaan dagaal ku qaaday saldhig ay Ciidanka ATMIS halkaas ku lahayeen.
Maamulka degmada Mahadaay ayaa sheegay in waxii ka danbeeyay weerarkii argagixisada Al-shabaab ay ku soo qaadeen saldhig Ciidanka Burundi ay ku lahaayeen degaanka Ceelbaraf ee gobalka Sh/Dhexe ay gabi ahaanba dadkii halkaasi deganaa ay ka barakaceyn.