Guddoomiye Cumar Filish oo ka qeyb galay munaasabad loogu gogol xaarayay xuska 15-ka May
Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada XFS Soomaaliya oo daahfuray barnamijka Waxbarashada deg-dega ah ee gurmadka abaaraha soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada Hidaha iyo Tacliinta Sare, XFS soomaaliya Mudane, Eng Hon Abdullahi Abukar Haji , ayaa daahfuray barnamijka Waxrashada deg-dega ah ee gurmadka abaaraha soomaaliya, wajigiisii koowaad oo socon doona Muddo 9 bilooda.
Daahfurka Barnaamijka Caawinta dadka ay abaarahu saameeyeen ee dhinaca Waxbarashada ayey ka faa’iideysan doonaan in ka badan 75,000 Arday, 1800, oo isugu jiro Maamulayaal iskuulo, Macalimiin, waxaana goob joog ka ahaay xaflada daahfurka Wasiiradda Waxbarashadda 4-ta dowlada Goboleed ee Koofurgalbeed, Hirshabelle, Jubbaland iyo Galmudug, madax ka socotay Hay’adaha UNICEF, WFP iyo GPE.

Guddoomiyaha Aqalka Sare BFS oo kulan la qaatay Safiirada u Jooga Midowga Yurub iyo Talyaaniga Soomaaliya
Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare BFS Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Maanta kulan la qaatay Safiirada u kala jooga Midowga Yurub iyo Talyaaniga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Tiina Intelmann iyo Alberto Vecchi
Guddoomiyaha iyo Safiirada ayaa kawada hadlay dhammaystirka howlaha Doorashooyinka iyo sidii doorashada Madaxwaynaha 10aad ee JFS ay ugu qabsoomi lahayd jawi xasilani iyo nabad ah.
Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa dhankiisa uga mahad celiyay Safiirada dadaalka ay ku bixinayaan arrimaha Soomaaliya gaar ahaan taageerada ay siiyaan doorashooyinka socda ee Soomaaliya.
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BJFS oo kulan la qaatay Safiirada u Jooga Midowga Yurub & amp;Talyaaniga Soomaaliya
Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare BFS Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Maanta kulan la qaatay Safiirada u kala jooga Midowga Yurub iyo Talyaaniga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Tiina Intelmann iyo Alberto Vecchi
Guddoomiyaha iyo Safiirada ayaa kawada hadlay dhammaystirka howlaha Doorashooyinka iyo sidii doorashada Madaxwaynaha 10aad ee JFS ay ugu qabsoomi lahayd jawi xasilani iyo nabad ah.
Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa dhankiisa uga mahad celiyay Safiirada dadaalka ay ku bixinayaan arrimaha Soomaaliya gaar ahaan taageerada ay siiyaan doorashooyinka socda ee Soomaaliya.
Diiwaangelinta Musharrixiinta Madaxweynaha oo Maalintii labaad ka socoto MuqdiSho
Guddiga isku-dhafka ah ee doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maalintii labaad Xarunta Aqalka sare ka wada Diiwaangelinta Musharaxiinta u tartamay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya
Xubanaha Guddiga aya shalay Diiwaangeliyay ilaa 10-Musharax kuwaas oo buuxiyay shuruudihii loga baahnaa,waxan lagu wada in manta xarunta ay ka socoto Diiwaangelinta in ay garaan Masharaxiin kale oo taagan qabashada xilka ugu sareeyo Dalka ee Madaxweynaha 10-Aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya
Diiwaangelinta musharrixiinta Madaxweynaha ayaa socon doonta ilaa 10 Bishaan, waxaana xilka madaxweynaha u tartamaya musharaxiin badan oo hami kaga jiro xilka ugu sarreeya dalka.
15 Bishaan ayaa loo asteeyay inay dhacdo doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, sida ay guddiga doorashada horay u shaaciyeen.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan laqaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xalay kulan salaan iyo hambalyo ah la qaatay madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Guddoomiyaha la wadaagay sida shacabka reer Jubbaland iyo bulshadba ay u taageereen doorashada Guddoonka Golaha Shacabka.
Madaxweynahu wuxuu Gudoomiyaha uga mahad celiyay go’aanka maanta lagu fasaxay xildhibaanada deegaan doorashada labaad ee Jubaland gaar ahaan Ceelwaaq ee gobolka Gedo.
Dhanka kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle mudane Cali Guudlaawe Xuseen, waxa uuna u hambalyeeyay Guddoonka Golaha Shacabka.
Kulanka madaxweyne Guudlaawe iyo Guddoomiyaha ayaa waxaa looga hadlay arrimaha doorashada madaxweynaha oo diiwan-gelintooda ay socoto,waxayna labada masuul hoosta ka xariiqeen in la laba jibbaaro dadaalada ku aaddan dhameystirka doorashada.
Guddoomiyaha Aqalka sare iyo Wakiilka Qaramada Midoobe oo ka wada hadlay arimaha doorashooyinka
Guddoomiyaha Aqalka Sare BFS Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi wuxuu maanta kulan la qaatay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan.
Guddoomiyaha iyo Wakiilka ayaa ka wada hadlay dhammaystirka Doorashooyinka ka socda Dalka.
DEG DEG: Go’aanka Guddoonka Golaha Shacabka ee matalaadda gobolka Gedo
Guddoonka Golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa aqoonsaday xildhibaannada laga soo dortay degmada Ceel waaq inay xildhibaannada saxda ah halka uu waxba kama jiraan ku tilmaamay 16 kii Xildhibaan ee lagu soo doortay Garbahareey.
WAR MURTIYEED KA SOO BAXAY GUDDOONKA GOLAHA SHACABKA BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA.

Musharrax Madaxwayne Xasan Cali Kheyre oo is Diiwaangeliyay
Musharrax Madaxwayne Xasan Cali Kheyre ayaa is Diiwaangeliyay iyadoo uu qaatay shahaadada Musharraxnimo ee xilka Madaxwaynaha Soomaaliya
Guddoomiye Sheikh Aadan Maoobe oo xafiiskiisa ku kula kulmay safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay weheliso Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa kulan la qaatay safiirka dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya danjire Ahmed Bin Mohamed Almowallad.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa soo dhoweeyay doorka boqortooyada Sucuudiga ee ku aaddan horumarinta iyo garab istaaga joogtada ah ay ku leedahay dalkeena.










