Ciidmada Xoogga dalka oo howlgal Qorsheeysan ku Dilay Xubana katirsan AL-Shabaab

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan ururka 5aad Guutada16aad Ee Kumaandoska Danab Ee CXDS Ayaa Howlgal Qorsheeysan Kafuliyayay Deegaanka Ceelcade Oo qiyaastii 30km u Jira Magaalada Kismaanyo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalku Intii uu Socday Waxaa Lagu Dilay 11 Dhagar Qabe Halka Nolosha Lagu Qabtay 2 ka mida maleeshiyada. Waxa Kaloo Laga soo Furtay 6 Qoray oo ah Ak47 iyo Hal Qori BKM ah Sida uu Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey Taliye Carab Dheeg Axmed oo ah Taliyaha Ururka 5-aad Guutada 16-aad kumaandooska Xoogga dalka Somaliyeed ee Danab.

Mareykanka oo 40 bilyan oo Dollar ugu deeqay Ukraine

Congress-ka Mareykanka ayaa ansixiyay lacag dhan 40 bilyan oo dollar oo gargaar ahaan loo siinayo Ukraine, tallaabadan ayaa timid ka dib markii Madaxweyne Joe Biden uu sheegay in dhaqaalaha lagu caawiyo Kyiv ee looga hortagaya duullaanka Ruushka ay u badan tahay in ay dhammaato maalmaha soo socda.

Dalabkan ayaa waxaa codkooda ku meel mariyay 368 mudane, oo ka tirsan Aqalka Congress-ka Mareykanka, kadib markii uu codsi kaga yimid Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

Deeqdan ayaa sida la xusay isugu jirta mid Milatari, iyo mid Bini’aadannimo, waxana la filayaa in Golaha Guurtid oo raacaya meel maraintii Aqalka Wakiilada ay ansixiyaan deeqdan Todobaadka soo socda.

Lacagtan ayaa u ogolaan doona Ukraine inay soo iibsato Gawaarida gaashaaman iyo agab Miratari si ay u xoojiso difaaceeda.

Ciidamada Israa’iil oo toogtay Wariye ka tirsaneyd TV-ga Al-jazeera

Wariye ka tirsan muuqaal baahiyaha Aljazeera ayaa lagu dilay Rasaas ay ciidamada Israa’iil ku fureen maanta oo Arbaca ah dhulka la haysto ee Daanta Galbeed, sida uu sheegay maamulka Telefishinka Aljazeera, balse Ciidamada Yahuudda ayaa sheegay in laga yaabo in ay toogteen dad Falastiiniyin ah oo ay isku dhaceen ciidankeeda.

Mid ka mid ah saraakiisha Falastiiniyiinta ayaa sheegay in Shireen Abu Akleh ay dileen ciidamada Israa’iil xilli ay ka warbixineysay weerar ka dhacay magaalada Jenin, oo todobaadyadii lasoo dhaafay ay ka taagnayeen qalalaaso.

Wasaaradda caafimaadka Falastiin ayaa xaqiijisay geerida Wariye Shireen Abu Akleh, waxayna intaasi ku dartay in weriye labaad oo lagu magacaabo Ali Samodi isna la dhaawacay.

War qoraal ah oo ay soo saareen Ciidamada Israa’iil ayaa lagu sheegay inay ciidamadooda ay Rasaas fureen kadib markii ay weerar xoog leh ay kala kulmeen deegaanka Jenin, waxayna intaas ku dareen inay ay suurta gal tahay, in suxufiyaddan ay ku dhimatay Rasaastii ay soo fureen Falastiiniyiinta.

 

Qaar kamid ah Murrashaxiinta Madaxweynaha Dalka Oo Maanta hadal-jeedin sameyndoona

Maanta oo tariikhda tahay 11-05-2022, ayaa waxa lagu wadaa in Teendhada Afisyoone ka bilaabato hadal-jeedinta Musharaxiinta u tartamaysa Madaxweynaha 10-Aaad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, sida uu ahaa jadwalka ay horay u shaaciyeen Guddiga iskudhafka ah ee doorashada Madaxweynaha

Waxaa lafilayaa in khudbadahooda Musharaxnimo Maanta oo ah maalintii koowaad ay jeediyaan 20 xubnood sida qorshuhu yahay, waxaana xarunta teendhada Afisyoone oo ah halka aya hadal jeedinta ka dhaceyso ku sii wajahan xubnaha Musharaxiinta ee Maanta ku qoran khudbadaha,waxaana Aad loo adkeeyay Amniga goobta ay hadal jeedintu ka dhaceyso taa oo Amnigeeda ay sugayaan ciidamada nabad ilaalinta ee ATMIS iyo ciidanka Booliska Soomaaliya.

Shalay ayay ahayd markii Guddiga ay soo gaba-gabeyeen Diiwaan gelinta Musharaxiinta u tartamayo doorashada Madaxweynaha Jamhuuridda Soomaaliya, iyadoo ay is diiwaangeliyeen 39-Musharaxa oo u taagan qabashada xilkaas.

Doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa loo madlanyahay inay dhacdo 15 May 2022 oo ku beegan maalinta Axadda ee soo socoto.

Madaxda Dalka oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuumad Xaawo Cabdi Samatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootey Marxuumad Xaawo Cabdi Samatar, oo ahayd Marwada, Alle ha u naxariistee, madaxweynihii hore ee dalka Mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

“Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada iyo dhammaad ummadda Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootay Marwo Xaawo Cabdi Samatar oo ahayd Marwadii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Waxaan si gaar ah xanuunka tacsida ula qaybsanayaa qoyska Madaxweynihii hore ee dalka.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumadda Alle u weydiiyey in uu hoygeeda ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootey.

Sidokale Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa tacsi tiiraanyo leh u diraya qoyska, qaraabada iyo umadda Soomaaliyeed guud ahaan oo ay ka geeriyootay Marxuumad Xaawo Cabdi Samatar, xaaskii Madaxwaynihii Hore AUN Cabdullahi Yusuf Axmed.

“Waxaan Allah uga baryayaain uu naxariistiisii ka waraabiyo, qabrigeeda u waasiciyo, hoygeedana janno ka dhigo” ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.

Aadan Madoobe oo xil sare u magacaabay Maxamed Xasan Idiris

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa La-taliye sare oo arimaha siyaasada iyo amniga u magacaabay xildhibaan hore Maxamed Xasan Idiris.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa warqadda uu ku soo saaray magacaabidaan, wuxuu xoghayaha guud ee golaha shacabka ku faray inuu u dhameystiro la-taliyaha cusub habraaca iyo meelmarinta go’aanka sida ugu haboon ee sharciga waafaqsan.

Guddoomiyaha golaha shacabka oo kormeeray teendhada Afisyooni

Guddoomiyaha Golaha Shacabka  Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kormeer indha-indheyn ah  ku tagay teendhada Afasiyooni  oo ay ka socoto qaban qaabada doorashada Madaxweynaha 10-aad ee JFS.

Guddoomiyaha ayaa gudaha teendhada Afasiyooni kulan kula qaatay saraakiisha Ciidanka nabad ilaalinta ATMIS iyo kuwa amniga ee Soomaaliya, asaga oo faray Saraakiisha in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah si ay u qabsoonto doorashada Madaxweynaha. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Golaha Shacabka BFS.

Dhanka kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS Sheekh Aadan Madoobay ayaa mid mid u dul istaagay goobaha loogu tala galay in Ciidamada ammaanka ay ku shaqeeyaan. Waxaana uu amray saraakiisa Ciidanka Nabad ilaalinta ee ATMIS iyo kuwa Booliska Soomaaliya in aysan ku xadgudbin dadka ka qeyb galaya Doorashada Madaxweynaha, asaga oo faray in waajibaadkooda ay u gutaan si hagar la’aan ah.

Doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay dhacdo 15 May 2022 oo ku beegan maalinta Axadda, ayada oo maanta Guddiga Doorashada Madaxweynaha ay soo idleenayaan diiwaan galinta Musharaxiinta ku baratameysa qabashada jagada ugu sarreysa Dalka.

Beesha caalamka oo soo dhoweeysay habsami u socodka doorashada Soomaaliya

Saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaliya waxay soo dhoweynayaan ku dhawaaqista guddiga qabanqaabada baarlamaanka ee ah in doorashada Madaxweynaha ay dhici doonto maalinta Axadda ee 15-ka bisha Maajo 2022.

“Waxaa na dhiirigelinaya horumarka wanaagsan ee laga gaaray diiwaangelinta musharrixiinta u taagan xilka madaxweynaha iyo u diyaargarowga kale ee loogu jiro inaan laga dib dhicin waqtiga kama dambeysta ah ee doorashada.

Ma jirto wax marmarsiinyo ah oo sabab u noqon karta dib u dhac kale oo dheeraad ah. Iyadoo labada Aqal ee Baarlamaankaba la dhaariyay oo si buuxda u shaqeynayaan, arrin kasta oo doorasho oo taagan waa in ay xalliyaan madaxda baarlamaanka ee sida saxda ah loo doortay.

Waxaan ku boorinaynaa madaxda Soomaaliya inay si degdeg ah, nabdoon oo kalsooni ku dheehan tahay ku soo gabagabeeyaan marxaladdan kama dambeysta ah ee geeddi-socodka doorashada si loogu soo jeesto arrimaha dalka iyo dowlad-dhisidda ee mudnaanta leh.

Howlgalka kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Isutagga Imaaraadka Carabta, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka and Qaramada Midoobay.

Ciidanka xoogga dalka oo jab xooggan gaarsiiyay nabad-diidka Al-shabaab

Cutubyo ka tirsan Ururka 5-aad, guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab ee CXDS ayaa howlgal qorsheeysan kafuliyayay degaanka Ceelcadde oo qiyaastii  30-km u Jira Magaalada Kismaanyo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Carab Dheeg Axmed oo ah taliyaha Ururka 5-aad guutada 16-aad ee kumaandooska xoogga dalka Somaliyeed ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay inay howlgalkaasi ku dileen 11 dhagar qabe, halka nolosha lagu qabtay 2 ka mida malleeshiyada.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale naba-ddidka ka furtay 6 Ak-47 , hal BKM ah iyo rasaas fara badan.

Madaxweynaha cusub ee Kuuriyada Koonfureed oo xilka madaxtinimada loo dhaariyay

Madaxweynaha cusub ee Kuuriyada Koonfureed Yoon Suk-yeol ayaa maanta lagu dhaariyay xaflad dad badan ay isugu soo baxeen oo ka dhacday xarunta golaha qaranka ee caasimadda Seoul.

Inta aan la Dhaarin ka hor madaxweynuhu waxa uu warbixin tafatiran siiyey Taliyeyaasha Wadajirka ah ee Shaqaalaha, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee Yonhap. “Waxaan si dhab ah ugu dhaaranayaa dadka hortiisa inaan si daacad ah u gudan doono xilka madaxweynaha,” ayuu yiri Yoon, isagoo ku dhaartay xilka madaxweynaha cusub.

Madaxweynaha ayaa wacad ku maray inuu ka shaqeyn doono nabadda gobolka, wuxuuna taageero dhaqaale u fidiyay Kuuriyada Waqooyi haddii Pyongyang ay qaado tillaabooyin ku wajahan baabi’inta nukliyeerka. “In kasta oo barnaamijka hubka Nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi aanu khatar ku ahayn oo keliya amnigeenna iyo kan Waqooyi Bari ee Aasiya, haddana albaabka wada-hadallada ayaa sii ahaan doona mid furan si aan si nabad ah u xallinno khatartan,” ayuu yiri Yoon.