Hey’adda CARE oo sheegtay in abaaraha ka jira Soomaaliya ay saameyn ku yeesheen waxbarashada

Sida lagu sheegay warbixin dhawaan ay soo saartay Qaramada Midoobay, gaar ahaan hey’adda CARE ayaa muujinaya in in ka badan 80 iskuul oo ku yaalla maamul goboleedyada Jubaland iyo Galmudug la xiray,iyadoo 97 dugsi oo kale halis dhow ay ugu jiraan  in la xiro ,sababbo la xiriira abaaraha ka jira dalka.

Hey’adda ayaa ka walaacsan saamaynta abaaraha ay ku yeesheen 420,000 oo caruur ah oo wax ku baran jiray qaar ka mid ah dugsiyada dalka Soomaaliya.

Hey’adda CARE waxay siisaa dhiirigelin bille ah maamulka iyo macalimiinta 130 dugsi , iyagoo si dhow ula shaqeyneynaa waalidiinta iyo guddiyada waxbarashada, si loola socodo xaaladda carruurta ,isla markaana loo xaqiijiyo tayada waxbarashada .

Hey’adda CARE ,waxa ay sheegeen in 5% ay bixiyaan gargaarka waxbarashada,sidaa daraadeedna loo baahan yahay in deeq-bixiyeyaasha caalamka ay si degdeg ah u kordhiyaan maalgelinta dhinaca Waxqabadka bini’aadamnimada ee Soomaaliya.

Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal oo Xaflad u sameeyay howlwadeennada Guddiga

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT ayaa ka qeybgalay munaasabad casho sharaf  oo abaalmarinno lagu guddoonsiiyay howlwadeennada Guddiga.

Munaasabaddan oo lagu qabtay Hotel Decale ,waxaa qayb ka mid ah shaqaalaha Farsamada iyo Lataliyeyaasha Guddiga la guddoonsiiyey Shahaado Maamuus ah oo ay ku muteysteen howlkarnimadii iyo dadaalkii ay muujiyeen intay shaqada ku jireen.

Waxaa goobjoog ah ka ahaa munaasabaddaan Guddoonka iyo xubnaha GHDHF, qaar ka mid ah Guddiyada Doorashada Heer Dowlad Goboleed iyo marti sharaf kale.

Wasiirka Howlaha Guud oo daah furay Shirka Guddigga hagidda mashruuca dib u dhiska waddooyinka

Shirka Guddigga hagidda mashruuca Dib u dhiska Wadooyinka Soomaaliya oo ay qeyb ka yihiin Qaar ka mid ah Wasaaradaha Dowladda Federaalka iyo  Wasaaradaha Howlaha guud ee Dowladd Goboleedyada Soomaaliya  ayaa waxaa daahfuray Wasiirka Howlaha Guud Dib u dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen, waxaana goob joog ka ahaa Wasiirka ku-xigeenka Maaliyadda ee XFS, Wasiirada Howlaha guud ee Dowlad Goboleedyada, Wakiilo ka socday Wasaaradaha Federaalka qaarkood iyo qubaro kala duwan.

Wasiir ku-xigeenka Maaliyada Cabdullahi Sheekh Cali Qaloocow ayaa xusay In mashruucan looga gudbi doono burburka 30-kii sano ee lasoo dhaafay soo gaaray wadooyinka dalka, ka Wasaarad ahaana ay diyaar u yihiin inay gacan ka geystaan dib u dhiska Waddooyinka.

Wasiirka Howlahav Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo shirka furay oo sharaxay muhiimada shirka ayaa sheegay in uu ku saabsan soo bandhigga xaaladda meesha ay mareyso iyo mashruuca ay Wasaaraddu ka diyaarisay arrintan.

“Mashruuca dib u dhiska waddooyinka Soomaaliya oo ah dib u habeynta kaabayaasha, maanta waxaan u fadhinaa sidii aad talooyin ugu darsataan, soo bandhigna barnaamijka halka uu marayo, waana lagama maarmaan inaad talooyinkiina ku biirisaan muddada labada maalin ah ee uu socon doono shirka”, ayuu yiri Wasiir Xuseen Maxamuud.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Cabdikariin Shiikh Muuse Qalbi dhagax

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa iyo xarunta Xukuumadda ku qaabilay halgamaa Cabdikariin Shiikh Muuse Qalbi dhagax oo sanadkii 2017-kii si sharciga baar marsan loogu gacan galiyay Dowladda Ethiopia.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Qalbi dhagax ka xaalmariyay gaboodfalkii lagula kacay isaga iyo ururkii uu ka tirsanaa ee ONLF.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bishii Jannaayo ee sanadkan baa’isay go’aan ay horay u gaareen Golaha Wasiirradu, kaas oo Qalbi dhagax iyo ONLF ku tilmaamay argagixiso.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Halgamaa Cabdikariim Sh. Muuse Qalbidhagax huwiyay calanka jamhuuriyadda, guddoonsiiyayna billad, waxa uuna shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay sida ay u garab istaageen, muwaadinkan Soomaaliyeed ee sida gardarrada ah loogu gacan galiyay dal shisheeye.

Hadal jeedinta musharaxiinta madaxweynaha oo la soo gunaanaday

Waxaa soo gaba gaboowday hadal jeedinta murashaxiinta xilka madaxweynaha 10 aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo muddo laba maalin ah ka socotay hoolka Teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho.

Guddiga qaban qaabada doorashada madaxweynaha ayaa sheegay in la soo gunaanaday hadal jeedinta Musharaxiinta madaxweynaha, 39 murashaxna ay soo bandhigeen qudbadahoodi hadal jeedinta.

Gaba-gaBadii waxaa goobta lagu dhaariyay Murashax Sharief Sheikh Axmed oo ku soo guuleestay kursiga tirsigiisu yahay HOP#146 ee BFS oo doorashadiisa ka qabsoontay Magaalada Jowhar ee caasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Ciidanka xoogga dalka oo howl-gallo ka sameeyay degaanno ka tirsan Shabeellada

Ururka 4-aad, Guutada 16-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa howlgal qorshaysan ka sameeyay degaanka Warta madax maroodi  oo ka tirsan Gobolka Shabeellada hoose.

Ciidanka ayaa markii ay halkaasi gaareen waxa ay  sameeyeen hawlgalo  Baritaanno ah oo lagu xaqiijinayo ammaanka wartan Madaxmaroodi oo ay Argagixisadu ku dhibatayn jireen shacabka halkaas xoolaha ka waraabsada.

Argagixisada arxanka daran ee Al-Shabaab ayaa shacabka Soomaaliyeed u gaysata gabbood fallo ay ka mid yihiin dilka, dhaca, boobka xoolaha, askaraynta qasabka ah ee carruurta IWM.

Ciidanka xoogga dalka oo howl-gallo ka sameeyay degaanno ka tirsan Shabeellada hoose

Ururka 4-aad, Guutada 16-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa howlgal qorshaysan ka sameeyay degaanka Warta madax maroodi  oo ka tirsan Gobolka Shabeellada hoose.

Ciidanka ayaa markii ay halkaasi gaareen waxa ay  sameeyeen hawlgalo  Baritaanno ah oo lagu xaqiijinayo ammaanka wartan Madaxmaroodi oo ay Argagixisadu ku dhibatayn jireen shacabka halkaas xoolaha ka waraabsada.

Argagixisada arxanka daran ee Al-Shabaab ayaa shacabka Soomaaliyeed u gaysata gabbood fallo ay ka mid yihiin dilka, dhaca, boobka xoolaha, askaraynta qasabka ah ee carruurta IWM.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo xalay la kulmay xildhibaannada lagu soo doortay Ceel-waaq

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane, Maxamed Xuseen Rooble oo kulan casho ah xalayto la yeeshay 16-kii xildhibaan ee dhawaan lagu soo doortay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, ayaa ku bogaadiyay xilka ay ummadda Soomaaliyeed u qaadeen.

Mudane Rooble ayaa xildhibaannada ugu hambalyeeyay mas’uuliyadda Qaran ee saaran, wuxuuna ku boorriyay in ay dalkooda si hufan ugu adeegaan.

Wasaaradda Awqaafta ee XFS oo sheegtay in sanadkan la dardar gelin doono howlaha gudashada Xajka

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS , Maxamuud Macalin Yaxye ayaa sheegay in sanadkan kor loo qaadi doono howlaha gudashada Xajka, si muwaaddiniinta Soomaaliyeed loogu fududeeyo acmaasha ay gudanayaan.

“sanadkaan waxaa kor loo qaadi doono  howlaha gudashada Xajka, si muwaadiniinta Soomaaliyeed oo gudanayo acmaasha Xajka loogu fududdeeyo”

Wasiiru dowlaha ayaa sheegay maaddaama ay sanadihii lasoo dhaafay dib u dhacyo ku yimmaaddeen howlihii Xajka sababa la xiriiri xanuunka Corona Virus ay haatan doonayaan in sare loo qaado howlihii Xujeyda.

Dhinaca kale, wasaaradda Awqaafta ayaa furtay tartanka shirkadaha ku shaqada leh fududeynta howlaha Xajka Sanadkan 1443 oo waafaqsan 2022, iyadoo u saartay guddi gaar ah.

Murashixiinta xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya oo maanta soo gabagabaynaya hadal jeedintooda

Waxaa maanta oo ay Taariikdu tahay 12-ka May lagu wadaa inay lasoo gabagabeeyo khudbad jeedinta murashixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaa lagu wadaa maanta inay Khudbadahoodaha ka hor jeediyaan Baarlamaanka labadiisa gole 19 murashax , iyadoo shalayna la dhagaystay hadaljeedinta 20 murashax.

15-ka bishan May ayaa lagu wadaa inay Muqdisho ka qabsoonto doorashada madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya.