Waxaa maanta oo ay Taariikdu tahay 12-ka May lagu wadaa inay lasoo gabagabeeyo khudbad jeedinta murashixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.
Waxaa lagu wadaa maanta inay Khudbadahoodaha ka hor jeediyaan Baarlamaanka labadiisa gole 19 murashax , iyadoo shalayna la dhagaystay hadaljeedinta 20 murashax.
15-ka bishan May ayaa lagu wadaa inay Muqdisho ka qabsoonto doorashada madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya.