Ra’iisul Wasaare Rooble oo ugu hambalyeeyey dhallinyarada Soomaaliyeed Maalinta SYL ee 15 May

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhalinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey maalinta 15-Ka May oo ku beegan aas-aaskii ururkii gobanimo doonka Soomaaliyeed ee SYL.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa sheegay in looga baahanyahey Dhalinyarada Soomaaliyeed in ay ku deydaan halyeeyadii SYL ee dalka ka dulqaaday heeryadii gumeystaha shisheeye, dhexdana u xirtay dhismaha Qaranka Soomaaliyeed.

“Xuska 15-ka May ee sanad kan ayaa ku soo beegmay maalin muhiim u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo la dooranayo Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka codsaday shacabka Soomaaliyeed in ay u soo duceeyaan dalka, in Allah u dooro hoggaan wanaagsan.

Dhallinyarada Soomaaliyeed oo u dabbaal-degaya xuska 15-ka May

Dal kasta waxa uu ku faano ama saacida horumarkiisa  waa  dhallinyarada oo aan looga maarmin difaaca ama ilaalinta dadka iyo dalka,kuwaas oo haddii la waayo waxqabadkooda ka dhigan ama keeni karta gaabis ama dib u dhac kale oo  ku yimaada dhanka ilbaxnimada, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Inkastoo dagaallo gumeysi diid ah ay dhaceen qarnigii 15-aad iyo horraantii qarnigii 19-aad,haddana,waxaa mudadii uu socday dagaalkii 2-aad ee dunida gudaha Dalka Soomaaliya ka bilowday dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo la doonaayey in meesha looga saaro wadamadii shisheeye ee dalka u yimid in ay ka fuliyaan dano dhaqaale,iyagoo adeegsanaya qaab gumeysi casri ah oo ka duwan xilligii is-adoonsiga ee dunida laga mamnuucay 1812-kii.

Aasaaskii Ururka SYL

Sanadkii 1943-dii waa markii ugu horeysay ee gudaha Dalka Soomaaliya ay ka bilowdeen kacdoonno siyaasadeed oo ay horkacayaan sadex iyo toban Dhallinyaro oo wax bartay,kuna mideysnaa Naadigii Dhallinyarada Soomaaliyeed,kuwaas oo u howlgalay raadinta wadajirka Umadda iyo baadigoobka  xornimo dhameystiran  oo wada gaarta Shacabka Soomaaliyeed.

Xubnihii Aasaasay Ururka

Cabdulqadir Sheekh Sakhaawadiin. Guddoomiye

Yaasiin Xaaji Cisman Sharmaarke

Maxamed Xirsi Nuur (Sayidiin)

Xaaji Maxamed Xussen Mahad

Cismaan Geedi Raage

Dheere Xaaji Dheere

Daahir Xaaji Cisman (Dhaga-weyne)

Cali Xaasan Maslax

Maxamed Cali Nuur,

Maxamed Faarax Hilowle

  1. Maxamed cabdullahi Xayeesi

Huudoow Macalin Cabdullahi Saalax

Maxamed Cisman Baarbe Bardh

Dhinaca kale, Gobolada Woqooyi,waxaa xilliyadasi ka jiray dhaqdhaqaaq siyaasadeed  oo ay horkacayeen Ururka SNL(Somali National League),kuwaas oo u howlgalay dadaallo lagu raadinaayey midnimada Soomaaliyeed oo ay aasaaskeeda lahaayeen Ururka SYL.

Sanadkii 1947-dii waa markii labaad ee lagu dhawaaqay dhismaha Ururka Xoreynta Dhallinyarada Soomaaliyeed) SYL oo baddalay magacii Naadiga Dhallinyarada,wuxuuna  kulmiyay dadkii Soomaaliyeed ee doonaayey in la helo xoriyad.

Sanadkii 1948-ddii Ururka SYL,waxa uu awood u yeeshay in dhaqdhaqaaqyo gobanima-doon ah lagu  baaahiyo  guud ahaa gobolada dalka iyo deegaanada kale ee ay dagaan dadka Soomaalida,sida  Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti.

Sanadkii 1949-kii Ururka SYL waxa ay  ku guuleysteen in qoraal ku saabsan xaaladda gumeysiga iyo sida ay u doomayaan xoriyad loo gudbiyo Xaruta Qaramada Midoobay,waxaana 1-dii April sanadkii 1950-kii Soomaaliya loo ogolaaday 10-sano oo xornimo gaarsiin ah oo dadka lagu barayo nidaamka dowladnimo ee loo soo halgamay.

Sanadkii 1956-60-kii,Ururka SYL ,waxaa ay hoggaamiyeen Dowladdii Daakhiliga ama ku meel gaarka aheyd,iyagoo gacan ka helaya culuma’udiinka ,odayaasha dhaqanka,haweenka, shaqaalaha muruq-maalka ah iyo aqoonyahanno kale,waxaana xiiligaasi suurtagashay in Ururka SNL ee gobolada Woqooyi ay qeyb ka noqdaan Raadinta midnimo Soomaaliyeed oo aaan ku xirneyn wax shuruud ah.

Waxaa dhab ah in dad badan oo ka mid ah qeybaha Bulshada ay naftooda ku waayey taageeridda dhaqdhaqaaqyadii Ururka SYL iyo ka qeybgalkii  kacdoonkii xoriyad doonka ee Soomaaliya,halka dhinaca kale la tilmaamay in ay jireen dad yar oo diidanaa in laga hoos-baxo gumeysiga oo la qaato xoriyad,kuwaasina waxay ahaayeen qaar taabacsanaa maamulkii gumeysiga ee soo maray Dalka.

 

15-ka May waa maalin qaran oo dalka Soomaaliya laga xuso aasaaskii Ururka gobanimo-doonka SYL, kaasoo ahaa ururkii ugu horeeyay ee dalka laga hirgaliyo,lana yimid halgan adag oo loo galay hanashada xoriyadda Dadka iyo Dalka.

Waxaa lagama maarmaan ah in dhallinyarada Soomaaliyeed ay u istaagaan kaalinta ay ku leeyihiin geeddi socodka barnaamijyada horumarineed ee Dadka iyo Dalka, iyadoo sidoo kale  ay waajib tahay in ay ka qeybqaataan  badbaadinta Umadda iyo raadinta qaran dhameystiran oo wax la qeybsada shucuubta caalamka.

Dhallinta ama jiilka cusub ee Soomaaliya waxaa looga fadhiyaa in ay la yimaadaan doorkii looga bartay Ururka Dhallinyarada SYL ,isla markaana ay la socdaan tabaha iyo xeelad kasta oo ay la iman karaan kuwa doonaya in dadku aysan ku tallaabsan barwaaqo iyo horumar.

Maadaama lagu jiro xilli adag ,cidda kaliya ee dalka gaarsin karta nabad iyo horumar waa dhallinyarada oo u baahan in la siiyo tallooyin wax ku biirin kara horumarka dalka,difaaca iyo soo celinta amniga.

Haddaba,xuska sanadguurada 79-aad ee ka soo wareegay aasaaskii Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed,aawadeed,waxaan halkaan ka direynaa dhambaal hambalyo ah oo ku socda Dhallinyarada meel kasta oo ay joogaan iyo xaalad kasta oo ay ku nool yihiin.

Ugu dambeyntii Dhallinyarada Soomaaliyeed waxaan u rajeyneynaa horumar iyo mustaqbal wanaagsan oo ifiya noloshooda.

WQ:- Shire Xasan Kulmiye

dhamaan Dulimaadyada garoonka Adan Cadde oo hakad la galiyay

Mareeyaha Garoonka Diayaradaha Muqdisho ayaa sheegay in hakad lagaliyay dhamaan Dulimaadyada garoonka Diyaaradaha Adan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Maareeye Cabdinasir Maxamuud Gureey ayaa xusay in tallaabadan loo qaaday Sabab la xiriirta Doorashada Madaxwaynaha, garoonkuna uu xiranaan doono mudada lagu guda jiro howlaha doorashada.

Saacadda Bandowga oo dib loo dhigay ilaa 1da Habeenimo

Booliska Soomaaliya ayaa sheeciyay in la kordhiyay waqtiga uu dhaqangalayo Bandoowga, dadweynuhuna ay adeegan karaan Caawa illaa 1:00Am.

Taliyaha Booliska Soomaaliya Gen Cabdi Xasan Xijaar oo lahadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA ayaa sheegay in iyadoo loo damqanayo Bulshada la kordhiyay saacadda si howlahooda muhiimka ah u dhameysaan.
Sidoo kale taliyaha wuxuu xusay in aan la celin doonin Xildhibaanada heysta ID card Baarlamaanka Soomaaliya iyo dadka xaaladaha Caafimaad ee dagdagga ah u baahan kadib marka ay hubiyaan Ciidamada amniga.
Ugu dambeyn taliyaha ayaa ku boorriyay qeybaha bulshada in ciidamada amnigu ay ku gacansiiyaan gudashada wajibaadka qaran ee loo Admaday.

Guddiga doorashada Madaxweynaha oo soo saaray Habraaca Amniga Doorashada Madaxwaynaha

Guddoomiyaha Guddiga Baarlamaanka ee Doorashada Madaxwaynaha Mudane Cabdiqani Geelle Maxamed ayaa farriin u diray Bulshada iyo daneeyayaasha Doorashada.

Waxa uu guddoomiyaha ka codsaday dhamaan Shacabka Soomaaliyeed ee uu saameynayo Bandowga inay u dulqaataan, gaar ahaan maalinkaa weyn ee ku asteysan 15ka may oo ku beegan maalintii SYL, ahna maalinka la dooran doono Madaxweynaha Dalka.

Dhanka kale Guddoomiyaha ayaa u cudur daartay Warbaahinta gaarka ah oo ka cabanayay in laga mamnuucay imaatinka goobta, waxa uuna u sababeeyay arimo amni iyo in la xaddido dadka goobta imaanaya. Waxa uu sheegay in ay ogsoon yihiin masuuliyadda ay dalka u hayaan iyo xaaladaha adag ee ay Warbaahinta ku shaqeyso.

Dhanka kale Maxamed Ibraahim Macalimuu oo ka tirsan guddiga ayaa aqriyay Habraaca Amniga Doorashada Madaxwaynaha iyo sharuudaha laga rabo Xildhibaannada, Musharraxiinta iyo ka qaybgalayaasha.

1- Waxaa la mamnuucay in goobta Doorashada ay ka dhacayso aanan lala imaan karin wax Ciidan ah loogana soo tago halkii loo qorsheeyay.
2- In aanan hoolka lala soo gali karin wax hub ah.
3- In aanan la ogoleyn Mobeel, Cumputer, Ipad iyo aalad kale oo wax duubta lana dhigi doono goobta ay u qorsheeyeen Guddiga.
4- In aanan hoolka lala imaan karin wax lacag ah.
5- In Hoolka dhexdiisa aanan laga dhax ololeysan karin bilowga doorashada kadib.
6- In 8:00AM ay dadku yimaadaan goobta loo qorsheeyay, halkaa oo gadiidka waaweyn ay ka soo daabuli doonaan.
7- In aanan hoolka lala imaan gawaari, isla markaana gaadiidka la dhigi doono halkii loogu tala galay.

Ingiriiska oo Cunaqabateeyn ku soo rogay shakhsiyaad ka ag dhow Madaxweyne Putin

Laga bilaabo markii uu bilaawday Dagaalka milatari ee Ruushka uu ku qaaday Ukraine, dalalka reer galbeedka ayaa si is daba joog ah u saarayay Cunaqabateeyno ku wajahan madaxda Ruushka oo uu ugu horeeya  Madaxweynahooda Vladimir Putin.

Xukuumadda Britain ayaa Jimcihii ku dhawaaqday in xirmo cusub oo cunaqabatayn ah ay ku soo rogeen 12 shakhsi oo ku dhow Madaxweeynaha Ruushka, kuwaasi oo ay Britain ku eedeeysay inay maalgaliyaan qaab nololeedka Putin.

Guddoonka labada Aqal ee BJFS oo kulan la qaatay guddiga qaban qaabada doorashada madaxweynaha iyo Saraakiisha ATMIS

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa waxay maanta kulan ku saabsan amniga doorashada la yeesheen gudigga qabanqaabada doorashada madaxweynaha JFS iyo sarkiisha sare ee howlgalka ATMIS.

Shirka waxaa ka soo qeyb galay ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Midowga Africa marwo Fiona Lortan, Taliyaha Guud ee (sector1) Maj. Gen William Shume, Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo saraakiil sare oo ka tirsan howlgalka ATMIS iyo Booliska Soomaaliyeed

Kulanka ayaa saraakiisha lagu faray in ay ka wada shaqeeyaan sidii ay isaga kaashan lahaayeen in doorashadu ku dhacdo si nabdoon.

Goobta ay ka dhaceyso doorashada madaxweynaha oo la diyaariyay

Guddiga isku dhafka Baarlamaanka ee doorashada Madaxwaynaha  ayaa diyaariyay Hoolka teendhada Afisyooni oo ay ka dhacayso 15-May doorashada madaxweynaha 10-aad ee jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.

15-ka bishan oo beri Axad ah ku beegan ayaa loo madlan yahay in magaalada Muqdisho lagu qabto doorashada madaxweynaha oo ay ku tartamayaan 39-musharax, inkastoo mid ka mid ah musharaxiintaas uu tanaasulay.

Guddoomiyaha golaha shacabka Sheikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay ahmiyadda ay leedahay doorashada dhici doonto maalinta Axadda ah ee lagu dooranayo madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ay leedahay aragti mideysan oo dan u ah qaranka.

Amniga goobta doorashada ay ka dhaceyso iyo guud ahaan magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay,iyadoo taliska Booliska Soomaaliyeed bandow ay ku soo rogeen magaalada oo ka bilaabanaya Caawa Fiidkii 9:00Pm kuna eg 12-ka subaxnimo ee isniinta soo socota.

Taliska Booliska Soomaaliyeed oo bandow ku soo rogay Muqdisho

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa bandow ka bilaanaya Caawa Fiidkii 9:00Pm kuna eg 12-ka subaxnimo ee isniinta soo socota ku soo rogoy shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho, waxaana gabi ahaanba la joojiyay isku socodka dadka iyo gaadiidka. Go’aankan oo uu ku dhawaaqay Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed Cabdifataax Aadan Xasan ayaa looga gol-leeyay sugida amniga doorashada madaxweynaha iyo in lagaga hortago falalka amnidaro ee dhici kara. “ laga bilaabo habeenka sabtida oo caawa saddex saac waxaa la xiraayaa wadooyinka magaalada, waxaana dib loo furayaa 12-ka subaxnimo ee maalinta isniinta ah,” ayuu afhayeenka Booliska ku sheegay shir jiraa’id uu qabtay. 15-ka bishan oo beri ku beegan ayaa loo madlan yahay in magaalada Muqdisho lagu qabto doorashada madaxweynaha oo ay ku tartamayaan 39-musharax, inkastoo mid ka mid ah musharaxiintaas uu tanaasulay.

Ciidamada xoogga dalka oo howlgal qorsheysan ku qabtay labo ka tirsan argagixisada Al-Shabaab

Ciidamada Kumaandooska Xoogga dalka ee Danab ayaa howlgal qorheysan oo ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab waxay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose.

Ciidamada ayaa si gaar ah howlgalka kaga fuliyay deegaanaka kala ah Masiireey, Jameeco Jiliyaale iyo Baladul Amiin oo dhammaan ka tirsan gobolkaas.

Howlgalkan ayaa ujeedkiisu wuxuu ahaa mid lagu baacsanayay maleeshiyada Al-Shabaab, kuwaas oo doonayay in ay dhibaateeyaan dadka shacabka ah,islamarkaana ay ka qaadaan waxay ugu yeereen Sakawaad oo ah baadda xoolaha shacabka Soomaaliyeed.

Ciidamada oo baaritaan ka sameeyay deegaanadaas ayaa gacanta ku soo dhigay labo ka tirsan argagixisada oo isku qarinayay shacabka iyo qori AK47 ah.

Ciidamada xoogga dalka ayaa ka go’an in ay dalka ka ciribtiraan kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab, kuwaas oo gabalkooda sii dhacaya.