Guddoomiyaha Guddiga Baarlamaanka ee Doorashada Madaxwaynaha Mudane Cabdiqani Geelle Maxamed ayaa farriin u diray Bulshada iyo daneeyayaasha Doorashada.
Waxa uu guddoomiyaha ka codsaday dhamaan Shacabka Soomaaliyeed ee uu saameynayo Bandowga inay u dulqaataan, gaar ahaan maalinkaa weyn ee ku asteysan 15ka may oo ku beegan maalintii SYL, ahna maalinka la dooran doono Madaxweynaha Dalka.
Dhanka kale Guddoomiyaha ayaa u cudur daartay Warbaahinta gaarka ah oo ka cabanayay in laga mamnuucay imaatinka goobta, waxa uuna u sababeeyay arimo amni iyo in la xaddido dadka goobta imaanaya. Waxa uu sheegay in ay ogsoon yihiin masuuliyadda ay dalka u hayaan iyo xaaladaha adag ee ay Warbaahinta ku shaqeyso.
Dhanka kale Maxamed Ibraahim Macalimuu oo ka tirsan guddiga ayaa aqriyay Habraaca Amniga Doorashada Madaxwaynaha iyo sharuudaha laga rabo Xildhibaannada, Musharraxiinta iyo ka qaybgalayaasha.