Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo furtay shir u dhaxeeya Wasaaradda iyo Bangiga Adduunka

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka H.E. Drs Fowziya Abiikar Nuur, ayaa maanta magaalada Nairobi ka furtay shir u dhaxeeya Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka kaas oo socon doona muddo labo todobaad ah.

Ujeedada kulanka ayaa ah sidii looga wada hadli lahaa mashaariicda Caafimaadka ee uu Bankiga Aduunka ka taageerayo Soomaaliya,

Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya waxay gundhigtay dhowr mashruuc oo Bangiga Aduunku taageero kuwaas oo Caafimaadka dalka muhiim ah.

Mashaariicdan ayaa gacanweyn ka geysan doonta xoojinta Nidaamka Caafimaadka iyo bixinta adeegyada caafimaadka oo ay heli doonaan malaayiin qof oo ku nool dalka Soomaaliya.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay dhammaan Wasaaradaha Caafimaadka Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Agaasinka Caafimaadka Gobolka Benadir (BRA), Qaar kamida Agaasimayaasha Wasaaradda Caafimaadka iyo koox ka socota Bangiga Adduunka.

Dibadbax lagu taageerayo Madaxweyne Xasan Sheikh oo lagu qabtay Gaalkacyo.

Maamulka Dowlada Hoose Ee degmada Gaalkacyo ayaa qabtay Dibad bax balaaran oo Lugu Taageerayay Madaxweynaha Jamuuriyadda Federaalka Somalia Mudane Xasan Sheikh Maxamuud.

Dibad baxan ayaa waxaa ka qeyb galay Gudoomiyaha Gobalka Mudug, Gudoomiye ku xigeenka Degmada Gaalkacyo ahna Kusimaha Gudoomiyaha Eng: Maxamed Cabdi Cilmi , xildhibaano ka tirsan golaha deegaan Odayasha dhaqanka, Ururada Haweenka iyo Dhalinyarada,Maamulada xaafadaha iyo qeybaha kala duwan ee bulshada,

Dhamaan kasoo qeyb galayaasha dibada baxa oo ay Masuuliyiintu ugu horeeyaan ayaa si diiran usoo dhaweeyay Madaxweynaha 10-Aaad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud oo soomaaliya hoggaamin doona afarta sano ee soo socota.

Dulimaadyadii Diyaaradaha ee Garoonka Aden cade oo saakay la fasaxay.

Maareeyaha Garoonka Diyaradaha Muqdisho Cabdinasir Maxamud gurey ayaa sheegay in dhamaan la lafasaxay Dulimaadka iyo dagitaanka Diyaaradaha ee Garoonka Aden cade international Airport Ee Muqdisho .

Mareeyaha garoonka ayaa sheegay in ay dhamaatay Doorashadii awalba loo hakiyey iyo bandowgii muqdisho shalay saarnaa.

Waxa si caadiya u socota shaqada Iyo Dulimaadyada Garoonka Aden cade international Airport Maanta oo isniin ah.

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo degaanno kala wareegay Al-Shabaab

Ciidamada Kumaandooska ee xoogga dalka Soomaaliyeed ee Gorgor gaar ahaan Ururka 8 aad ee guutada 18 aad ayaa howlgal ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab ka Sameeyay Tuulooyin hoostaga degaanka Ceelgaal ee Gobolka Hiiraan

Taliyaha Guutada 18 aad ee Ciidanka Kumaandooska Gor Gor Gashaanle Bashiir Cabdullaahi Cumar ayaa sheegay in Al-Shabaab laga saaray tuulooyin dhowr ah oo Hoostaga Gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ku dhibaateyn jiray Shacabka.

Taliayaha waxa u sheegay in ciidamada kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee Gorgor aya sii laba jibaari doonaan howlgalada ka dhanka Argagixisada Al-Shabaab tan iyo inta laga saarayo degaannada ay kaga dhumaleeysanay Gobolka Hiiraan

 

Madaxda Dalka oo hambalyeeyay Madaxweynaha la doortay ee Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynaha Xafiiska jooga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyey walaalkiis Xasan Sheekh Maxamuud oo loo doortay xilka Madaxweynaha dalka 4-ta sano ee soo socota.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Alle uga baryey Madaxweyne Xasan Sheekh in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee hortaalla, kana yeelo mid sii amba-qaada horumarka baaxadda leh ee uu ku tallaabsaday dalku.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Guddoonka iyo Mudaneyaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya biseylka dimuqraadiyadeed iyo dhabar adaygga ay muujiyeen inta ay socotay doorashadu.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku ammaanay Ciidamada Soomaaliyeed ee geesiyaasha ah halganka ay u galeen sugidda amniga doorashooyinka dalka, iyagoo habeen iyo maalinba u taagan difaaca sharafta iyo karaamada shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyey shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibadba taageerada xooggan ee ay u muujiyeen isbeddel doonka socda ee uu hoggaaminayey, isagoo kula dardaarmay in ay si la mid ah u garab istaagaan Madaxweynaha la doortay ee Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Sidokale Ra’iisul Wasaare XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha 10aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo ay doorteen BFS labadiisa aqal.

Madaxweyne Xasan waxaan Eebbe uga baryayaa in uu la garab galo mas’uuliyadda qaran ee loo igmaday ayuu yiri” Rooble.

“Waxaan rajeynayaa in madaxweynaha la doortay uu dalka ku hoggaamiyo hannaan wax ka tara xaqiijinta amniga dalka, horumarinta dhaqaalaha, soo celinta kalsoonidii iyo xasilloonidii siyaasadeed ee dhaawacantay, kordhinta adeegyada bulshada, hagaajinta xiriirka dibadeed ee dalka, qabyo-tirka dastuurka, hirgelinta doorasho qof iyo cod ah iyo arrimaha kale ee hortebinta u leh dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Waa mahadsan yihiin xildhibaannada Soomaaliyeed oo maanta codkooda dalka uga saaray xaaladdii hubanti la’aanta ahayd.

Waxaan guushan taariikhiga ah ugu hambalyeynayaa dhallinyarada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed oo aan ka codsanayo in ay garab iyo gaashaan u noqdaan madaxweynaha la doortay si uu ugu guuleysto waajibaadka waaweyn ee hor yaalla”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa isna dhankiisa u hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee Baarlamaanka labada Aqal ay u doorteen mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo noqanaya madaxweynaha 10-aad ee JFS. Mudane Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu soo noqday Madaxweynihii 8-aad ee dalka soo hoggaamiyay.

Guddoomiyaha ayaa Allah uga baryay madaxweynaha in uu xilka uu ku guuleystay ku asturo.

Madaxweyne Farmaajo oo xilka ku wareejinaya Madaxweynihii xilka ku wareejiyay shan sano ka hor

Waxaa soo gabagaboobay wareegii saddexaad ee doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo ay ku tartamayeen Labada Musharax ee kala ah Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Labada Musharax ayaa kala helay sida guddoomiyaha Baarlamaanka uu sheegay codad kala gaaraya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo helay 110 cod iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo isna helay 214 cod, Waxa uuna Xasan Sheekh Maxamuud sidaa ku noqonayaa Madaxweynaha Afarta sano ee soo socota.

Doorashadaan oo ka xiiso badneyd kuwii hore ayaa soo bilaabatay duhurnimadii maanta, iyadoo tartanka uu ku bilowday 36 Musharax oo doonayay hogaaminta dalka. Afar Tartamayaal ayaa isugu soo haray wareegii labaad taa oo ugu danbeyn ku biyo shubatay in labo Musharax ay u soo gudbaan wareegga kama danbeysta ah ee Saddexaad.

Taariikhaha laga qorayo doorashadaan ayaa noqonaya in Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu xilka ku wareejin doono Madaxweynihii ka horeeyay isaga ee xilka ku wareejiyay, waa Xasan Sheekh Maxamuud e.

Dunida ayaa inteeda badan u riyaaqda doorashooyinka Dimuquraaddiga ah ee Soomaaliya ka dhaca afartii sanaba mar, iyadoo si xor ah duniduna daawanayso ay u dhacdo doorashada

Wareegii labaad ee doorashada oo soo gabagaboobay.

Waxaa soo gabagaboobay wareegii Labaad ee doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo ay ku tartamayeen afar Musharax kuwaa oo ka soo gudbay wareegii koobaad oo ay wada tartamayeen 36 Musharax oo taagnaa xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Sida Guddoomiyaha Baarlamaanku sheegay Musharaxiinta tartamaya ayaa kala helay codadka kala ah:-

Xasan Sheekh Maxamuud 110

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo 83

Saciid Cabdullaahi Dani 68

Xasan Cali Kheyre 63

Guddoomiyaha ayaa dhanka kale sheegay in sida Dastuurku farayo ay Wareegga saddexaad ee kama danbeysta ah u gudbayaan Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Waa sidee jawiga magaalada Muqdisho oo ay ka socoto doorashada Madaxweynaha, qaabkee ayeyse Shacabku u la falgaleen bandowga?

Maanta oo 15ka May ah waxa ay ku beeganayd Maalintii dhalinyarada Xornimo doonka ee SYL, sidoo kale na waxa ay ku beegan tahay maalinta ay guddiga doorashooyinka u qorsheeyeen Doorashada Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo afartii sanaba mar la doorto.

Ciidamada Amaanka ayaa soo saaray awaamir la xariirta adkeynta Amniga magaalada Muqdisho oo ah goobta lagu qabanayo doorashada dalka waxaaana la joojiyay gabi ahaan dhaq-dhaqaaqa Gaadiidka noocyadiisa kala duwan. Iyadoo laga duulayay adkeynta amniga ayuu Bandowgu hirgalay waxaana gabi ahaanba xalay 1dii habeenimo joogsaday socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee gudaha Muqdisho.

Ciidamada amaanka oo ka duulayay xaaladaha dag daga ah ee soo wajahi kara Shacabka ayaa goob walba oo wadooyinka xiran ah ku diyaariyay ciidamo amniga suga iyo kuwo gurmadka deg deg ah oo wata Gaadiid Amblunce ah si ay uga jawaabaan codsiyada aanan sugitaanka gali karin ee u baahan Jawaabaha deg dega ah.

Aniga oo ah Mohamed Abdikadir Socdaal, kana socday Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA waxaa ii suuragashay in aan dhex maro inta badan Waddooyinka Magaalada, waxaana indhahaygu ay qabanayeen Ciidamada oo heegan dhamaystiran ku jira iyo shacabka oo la fal galay xaaladda amaan ee maanta lagu soo rogay dalka. Wada shaqeyn aad u wanaagsan ayaa dhex maraysay Shacabka iyo qeybaha kala duwan ee Ciidamada.

Guud ahaan dadka Soomaaliyeed ayaa indhaha ku haya Natiijada ka soo bixi doonta Xarunta Ciidamada Cirka ee Afisiyooni oo hadda ay wali ka soconayso Doorashada. Shacabka Soomaaliyeed ayaana aad u soo dhaweeyay xaaladda amaan ee Gobolka Banaadir la galiyay si aanu qalqal u galin Amaanka Xildhibaanada, Masuuliyiinta ka qeyb qaadanaya Doorashada Dalka.

Wareegii koowaad ee doorashada oo soo gabagaboobay.

Waxaa soo gabagaboobay wareegii koobaad ee doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, taa oo soo bilaabatay 2dii duhurnimo ee maanta.

Waxaa Doorashadan ku tartamayay Musharaxiin gaaraya ilaa Soddon iyo Lix Musharax iyadoo maanta ilaa shalay ay tanaasuleen Musharaxiin gaaraya ilaa Saddex Musharax oo u tartamayay xilka Madaxweynenimo.

Tirada Musharaxiinta ugu codadka badan:-

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo 59

Saciid Cabdullaahi Dani 65

Xasan Sheekh Maxamuud 52

Xasan Cali Kheyre 57

Guddoomiyaha Gollaha Shacabka ayaa sheegay in la aadayo wareegga labaad ee Doorashada, waxaana u gudbi doona Afartan Musharax ee ugu codadka badan.

Guddoomiyaha golaha shacabka oo uga hambalyeeyay dhalinyarada Soomaaliyeed xuska 15-ka May

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hambalyo ku aaddan xuska May 15 Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed, oo ku beegan sanad-guurada 79-aad ee aas-aaskii Golahii Dhalinyarada Soomaaliyeed (SYL) u diray dhallinyarada guud ahaan.

Dhallinyaradii SYL waxay naf, maal  iyo maskaxba u soo hureen xorriyadda dalkeena.

“Maanta waxay ku suntan tahay maalin taariikhi ah, halgan iyo dadaal loo soo maray dadkeenna iyo dalkeenaba, waxaan dhalinyarada Somaaaliyeed u rajeynaa guul meel walba ay joogaan”. ayuu yiri guddoomiyaha golaha shacabka.