MADAXTOOYADA QARANKA OO GUDDOONTAY DHAMBAALLO KA YIMID CAALAMKA OO KU SOCDA MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD

Madaxtooyada Qaranka ayaa u guddoontay Madaxweynaha dooran ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud dhambaallo hambalyo ah oo ku aaddan guusha uu ka gaaray doorashadii Madaxtinimada ee ku qabsoomtay Muqdisho 15-kii bishan.

Dalalka aan walaalaha nahay iyo kuwa ay naga dhaxeyso saaxiibtinimada ku dhisan iskaashiga iyo wax-wada qabsiga ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh u muujiyey sida ay uga go’an tahay in ay sii xoojiyaan xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, dowlad iyo shacab.

Dalalka hambalyada u soo diray Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxaa ka mid ah Boqortooyada Sucuudi Carabiya, Amiirka Qatar, Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Imaaraatka Carabta, Dowladda Turkiga, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Amiirka iyo dhaxal sugaha dalka Kuweyt, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha, Dowladaha Maraykanka iyo Ingiriiska, Saldanadda Cumaan iyo dalalka kale oo badan.

Sidoo kale, waxaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud hambalyo u soo diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres, Madaxweynaha Midowga Afrika Mudane Moussa Faki Mahamat, Madaxa Urur Goboleedka IGAD Mudane Workneh Gebeyehu iyo Midowga Yurub oo dhammaantood muujiyey sida ay uga go’an tahay in ay si dhow ula shaqeeyaan Madaxweynaha la doortay.

James Swan” Waxyaabaha dowladda horyaalla waxaa ka mid ah dhameystirka hannaanka dastuurka”

Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada midoobay u jooga Soomaaliya danjire, James Swan ayaa hambalyo uu u jeediyay madaxweynaha cusub ee dalka ka dib waxa uu tilmaamay inay horyaallaan arrimo badan oo ay tahay inuu wax ka qabto.

Danjire, Swan ayaa sidoo kale xusay in waxyaabaha muhiimka ah ee dowladda horyaalla ay ka mid yihiin dhameystirka hannaanka dib u eegista dastuurka, wax ka qabashada baahiyaha degdegga ah ee horumarinta, amniga iyo abaaraha.

Sidoo kale, dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in dowladda uu hormuudka ka yahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud looga fadhiyo dib u habaynta dhaqaalaha si loo dhammaystiro howlaha deyn cafinta iyo fududeynta gargaar Bini’aadannimo oo la gaarsiiyo dadka ay haleeshay abaarta.

Qaramada midoobay oo u hambalyeysay doorashada madaxweyne Xasan Sheekh

War-murtiyeed kasoo baxay Xafiiska xoghayaha guud ee Qaramada midoobay António Guterres ayaa lagu soo dhoweeyay doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh.

Bayaanka ayaa lagu yiri ”Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa soo dhoweeyay in 15-ka bishan ay si nabad ah ku qabsoonto doorashada madaxtinimo ee Soomaaliya, wuxuuna u hambalyeeyay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo loo doortay madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya. Waxa uu ku bogaadiyay Madaxweynaha xilka ka degaya Maxamed C/laahi Maxamed “Farmaajo” oo si deg deg ah u aqbalay natiijada.

Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa rajo ka muujiyay in Madaxweynaha cusub uu si deg deg ah usoo magacaabo RW soo dhisa gole Wasiirro oo loo wada dhan yahay, si dowladda cusub iyo maamullada xubnaha ka ah ay si dhow uga wada shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa arrimaha muhiimka ah ee Qaranka iyo caqabadaha horyaalla.

Xoghayaha guud ee Qaramada midoobay António Guterres  ayaa sheegay inay si dhow ula shaqayn doonaan maamulka cusub si loo horumariyo qorshaha dawlad-dhisidda Soomaaliya iyo wax ka qabashada xaaladaha bini’aadantinimo ee dalka ka jira.

Maraykanka oo Soomaaliya u soo diraya boqolaal askari

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ogolaaday in ciidamo Mareykan ah loo soo diro Dalka Soomaaliya, kadib kolkii uu meesha ka saaray go’aankii madaxweynihii isaga ka horreeyay Donald Trump ee kal hore Soomaaliya looga saaray ciidamo gaaraya todobo boqol oo askari oo ka howlgali jiray Soomaaliya.

Aqalka Cad ayaa Isniintii xaqiijiyay go’aanka Biden, kaasoo ku saleysnaa codsi uu sameeyay xoghayaha difaaca Mareykanka Lloyd Austin,sida ay soo wariyeen The New York Times (NYT).

Go’aanka madaxweyne Biden ayaa dabasocda dalab ka yimid xoghayaha gaashaandhiga Maraykanka,kaas oo la xiriira in dib loo soo celiyo joogitaanka ciidamada Maraykanka ee Soomaaliya si ay awood ugu yeeshaan dagaal wax ku ool ah oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Sarkaal ka tirsan Pentagoonka ayaa  sheegay in go’aankaasi la ansixiyay horraantii bishii May, waxaana ka mid ah in la diro ciidamo aan ka badneyn 450,kuwaas oo ka shaqeyn doona in awood loo yeesho dagaal lagu qaado kooxda al-Shabaab.

go’aankan ayaa sidoo kale yimid ka dib markii Xasan Sheekh Maxamuud, oo soo noqday madaxweynaha Soomaaliya intii u dhaxeysay 2012 iyo 2017-kii, Axaddii lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee dalka.

Soomaaliya waxaa horay u joogay ilaa 700 oo askari oo Mareykan ah ,kuwaas oo ku howlanaa sidii ciidamada dalka ay uga adkaan lahaayeen Al-Shabaab

Safiirka midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya oo hambalyo usoo diray madaxweyne Xasan Sheekh

Danjiraha safaaradda JFS u fadhiya Waddamada ku bahoobay dhaqaalaha ee Belgium, Netherlands iyo Luxembourg (Benelux) iyo Midowga Yurub, Yoonis Yaasiin Xaashi (Ooga-Cadde), diplomaasiinta, shaqaalaha safaaradda iyo Ummadda Soomaaliyeed ee ku nool wadamada Benelux iyo Midowga Yurub ayaa hambalyo diirran usoo diray madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.

Dowladda Ingiriiska oo hambalyo u dirtay mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo mar kale loo doortay madaxweynaha Soomaaliya.

Dowladda Ingiriiska ayaa hambalyo u dirtay mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo mar kale loo doortay madaxweynaha Soomaaliya.

“Hambalyo Xasan Shiikh Maxamuud oo mar kale loo doortay madaxweynaha Soomaaliya” ayay tiri wasiirka arrimaha Afrika u qaabilsan dowladda UK Vicky Ford.

Dowladda Ingiriiska ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto taageeridda xasiloonida Soomaaliya gaar ahaanna la-dagaallanka Al-shabaab.

“UK waxay rajeyneyaa inay sii waddo shaqada wada shaqeynta dhow ee ay Soomaalida uga taageereyso dhismaha xasilloonida iyo la dagaallanka Al-shabaab” ayay tiri wasiir Vicky Ford.

 

Ra’iisul wasaare Rooble oo booqasho ugu tegay madaxweynaha la doortay ee JFS.

Ra’iisul wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa hoyga uu magaaladda Muqdisho ka degan yahay ku booqday,madaxweynaha la doortay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Booqashada Ra’iisul Waaaaraha daaranad hambalyo iyo salaan uu  ugu tagay madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamuud isagoo u rajeeyay in uu Eebbe ku guuleeyo xilka Qaran ee loo doortay.

Madaxweynaha ayaa Ra’iisul wasaaraha uga mahadceliyay dadaalkii uu u galay in dalka ka qabsoonto doorasho wadar ogol ah.

Madaxweynaha dalka oo kulan la qaatay Taliyaha Ciidanka Xoogga iyo Taliyaha Ciidanka Booliska

Madaxweynaha la doortay ee JFS Xasan Sheekh Maxamuud Oo kulan la qaatay taliyayaasha Ciidamada Xoogga dalka iyo Booliska.
kulanka ayaa diirada lagu saaray Arrimaha Aminga dalka iyo sida loo wajahayo xilliga kala guurka.

“Waxaan kulan la qaatay taliyeyaasha Xoogga iyo Booliska Soomaaliyeed,Waxaan ka dhageystay warbixinta guud ee amniga dalka iyo qorshayaasha hortebinta leh xilliga kala guurka. Amniga waa muhiimmadda koowaad ee dowladda”.

Guddoomiyaha Golaha shacabka BJFS iyo Madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud oo maanta kulmay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta salaan iyo hambalyo ugu tagay madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ay doorteen Baarlamaanka labada Aqal.

Gudoomiyaha iyo madaxweynaha ayaa ahaa kulankooda is xog-wareysi iyo sidii loo sii amba qaadi lahaa geedi socodka nabada iyo xasilooni siyaaseed oo wadajir ah.

BELED WEYNE MAGAALO MAGAALO TAARIIKH LEH OO TIXGELIN U BAAHAN

Marka hore, waxaan Reer Beled weyne uga tacsiyeynayaa wixii ku dhacey habeenkii Arbacada ee taariikhdu aheyd 23/03/2022 iyo dhammaan dhacdooyinkii xanuunka lahaa ee ka horeeyey iyo kuwii ka danbeeyey, waxaana u rajeynayaa in Allah uu siiyo badal kheyr leh iyo nabad.

 

Dhacdooyinka amni darrada kaliya kuma koobna Beledweyne oo waxay ka dhacaan Caasimadda iyo qeybo badan oo dalka ah, waxaase Beledweyne u dheer markasta oo qarax ama fal amni darro ka dhaco, waxaa ku baxa dad bulshada qiimo weyn ugu fadhiyey, kaalinna uga jirey bulshada dhexdeeda.

 

Baladweyne waa magaalo taariikh weyn leh, ayna ka imaan jireen dad taariikhda Soomaaliya meelo kala duwan uga jirey, sida; halganadii xornimo doonka, Siyaasadda, waxbarashada, dhaqanka iyo dhaqaalaha.

 

Qoraalada laga sameeyey taariikhaha la xariira nolosha Soomaalida dhammaantood, waxaad ka heleysaa qaar badan oo ka hadlaya magaalada Beledweyne. Halganadii xornimo doonka dadka reer Beledweyne waxay ka ahaayeen xubin muuqata, sidoo kale waxay dadka reer Beledweyne diideen, kana hor yimaadeen gardaradii ay ciidamada Ethiopia kusoo galeen dalkeena sanadkii 2006.

 

Beledweyne, waxay aheyd magaalo ay ka imaan jireen dad ilbax ah, af-yaqaan ah, maskax iyo faham wanaagsan leh, aqoon badan, dabeecad wanaagsan, kala duwan, saaxiibtinimadu uga qiimo badan tahey qabiilka, xuquuqdooda yaqaana, iskaashada.

 

Aniga inta aan ka xasuusto dadka aan wax isla baran jirney, kaalimaha ugu horreeya waxay u badnaan jireen reer Hiiraan, reer Beledweyne, waxaana hoos isugu sheegi jirney in dadka ka yimaada gobolkaas ay jiraan wax ay uga duwan yihiin dadka kale dhinaca maskaxda.

 

Inta aan xasuusto dadka aan ka cilmi qaatey waxay u badnaayeen reer Hiiraan, reer Beledweyne. Marka xisaabta Calculus-ka ay iska hortimaado oo dhinac loo dhaqaajin waayo, waxaa hareeraha laga eegi jirey ardey reer Beledweyne ah ama reer Hiiraan ah.

 

Beledweyne, waa magaalo istaraatiiji ah, dhacdana bartamaha dhulka JFS, waa magaalo leh qurux dabiici ah, nasiibna u yeelatey in uu dhex maro wabiga Shabeele, waxaana u dheer buuro wajiga hore ka saaran.

 

Deegaan Alle isugu darey wax kasta oo deegaan qurxiya, sida; Buuro, dhul siman, wabi iyo dhir, lagu darey dad qurxoon waa nimco dhammeystiran iyo janno adduunyo.

 

Gudaha iyo hareeraha magaalada Beledweyne ayaa ah dhul beereed wax kasta lagu abuuri karo, isla markaana biyihii wabiga ayaa qarka ah.

 

Dad dagaalka ku fiican, nabad ku fiican, hiilka ku fiican, deeqsi ah ayey taariikhdu xuseysaa in ay yihiin reer Beledweyne, waxaana dhinacyadaas wax ka qorey dad Soomaali iyo ajaanib isugu jira.

 

Su’aalaha isweydiinta mudan waxaa ka mid ah; Aaway dadkii lahaa sifooyinka aan kor ku kusoo xusey ee taariikhda lagu xardhey? Aaway aqoontii iyo maskaxdii lagu yaqaaney reer Beledweyne, reer Hiiran? Beledweyne Maxaa cadowga loogu banneeyey oo baylaha looga dhigey?

 

Beledweyne, maanta waxay mareysaa taariikh xanuun leh iyo xaalado adag, waxaa la dilayaa waxgaradkoodii, waxaa la handadayaa ganacsigooda iyada oo ay baadayaan ururada nabad-diidka (Shabaab, Daacish), waxaa saameeyey abaaraha guud ee dalka ka dhacay, waxaa ka maqan adeegyada bulshada, marka roobabku bilaawdaan waxaa qaadaya daadad iyo fatahaado, waxaa ka maqan waxkasta oo ay mudneyd magaaladu.

 

Dad badan oo reer Beledweyne ah ayaan arkaa markasta iyaga oo ka shaqeynaya hormarka deegaano kale, xalinaya mushkiladaha deegaano kale, halka deegaankoodii ay ka jirto nolol hooseysa iyo nabad la’aan, dadkoodiina marna abaar iyo harraad la balanbalayaan, marna daadad iyo biyo qaadayaan, cadowna u dheer yahey oo haldoorkoodii jumlo jumlo loo leynayo.

 

Reer Beledweyne, haddii ay maskaxda ka shaqeeyaan oo aqoon yahanka iyo waxgaradkoodu u istaagaan, waxaan aaminsanahey in aysan u baahnaaneyn talo iyo tigaad bannaanka uga timaadda, maxaa yeeley waa dad iyo deegaan isku filan.

 

Xalka Beledweyne kuma jiro xoog iyo qori, maxaa yeeleey waa deegaan la wada degan yahey, ayna ku nool yihiin dad kala duwan. Waxa kaliya ee Reer Beledweyne mideyn kara, kagana adkaan karaan cadowga heysta waa dhab ka hadal iyo is faham bulsho, waa caqliga oo shaqeeya, kana gudbaan kala qeynsanaanta iyo xurgufta dhexdooda ah.

 

Cadowgaaga oo aad garan, dhibta ku heysata oo aadan garan, sababta oo aadan garan, sida ay howluhu u kala muhiimsan yihiin oo aadan garan, awooddaada oo aadan garan, fursadahaaga oo aadan garan, waxay kaa leexineysaa oo kaa lumineysaa xalka, waxaadna baylaha u noqoneysaa nacabkaaga.

 

Hubaal waxaa ah in deegaano badan oo Soomaaliyeed ay dhibaato la mid ah midda Beledweyne heysto, waxaase kala duwan sababaha keenaya dhibaatada iyo fursadaha la heysto ee xalka laga abuuri karo.

 

Sida uu Allah Kitaabkiisa ku caddeeyey, Ummad xaaladeeda ma badalo ilaa ay iyagu isbadalaan oo sida qaldan ee ay ku nool yihiin wax ka badalaan. Ummado badan oo dunida ah oo burbur iyo dhibaatooyin ay hore qabsadeen ayaa ka gudbey oo maanta adduunka hoggaaminaya, dhinaca dhaqaalaha iyo awooddaba, waxayna kaga gudbeen midnimo, iskaashi, is ogolaan, dulqaad iyo xaaladdii ay ku jireen oo ay iska badaleen.

 

Reer Beledweyne, waxaan kula talin lahaa in ay u midoobaan danta dadkooda iyo deegaankooda, iskana dhaafaan kala qeybsanaanta dhexdooda ah, isla markaana iska celiyaan cadowga dhiigooda cabaya, iskana diidaan danaha bannaanka uga imaanaya ee kala qeybinaya.

 

Siyaasiyiinta reer Beledweyne waxaa saaran masuuliyad gaar ah, waxaana looga baahan yahey in ay danta Beledweyne iyo guud ahaan Hiiraan ka midoobaan, si dhab ahna uga shaqeeyaan sidii loo badbaadin lahaa Beledweyne iyo guud ahaan Gobolka Hiiraan.

 

 

“Beledweyn Allahayoow Balaayada hareer mari”

 

W/Q Dr. Maxamed Aadam Koofi