Waxaa soo gabagaboobay wareegii koobaad ee doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, taa oo soo bilaabatay 2dii duhurnimo ee maanta.
Waxaa Doorashadan ku tartamayay Musharaxiin gaaraya ilaa Soddon iyo Lix Musharax iyadoo maanta ilaa shalay ay tanaasuleen Musharaxiin gaaraya ilaa Saddex Musharax oo u tartamayay xilka Madaxweynenimo.
Tirada Musharaxiinta ugu codadka badan:-
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo 59
Saciid Cabdullaahi Dani 65
Xasan Sheekh Maxamuud 52
Xasan Cali Kheyre 57
Guddoomiyaha Gollaha Shacabka ayaa sheegay in la aadayo wareegga labaad ee Doorashada, waxaana u gudbi doona Afartan Musharax ee ugu codadka badan.