Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Saraakiisha ATMIS kala hadlay Amniga doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Aadan Madoobe ayaa kulan la qaatay saraakiisha ugu sareysa Ciidanka howlgalka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee loo yaqaan ATMIS.

Kulanka Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo Saraakiisha ATMIS ayaa waxaa goobjoog ka ahaa, Ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee midowga Africa Fiona Lortan, ku-xigeenka ciidanka ATMIS Jeneraal William Shume, iyo  Meg. George Kuteesa oo ah Taliyaha Guud ee qaybta (Sector One) ee ciidanka ATMIS.

Kulanka ayaa looga hadlay ammaanka Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo lagu wado in doorashadiisu ay dhacdo bishaan, sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Guddoonka labada Aqal ee Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka Baaralamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magacaabay Guddiga Doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya.

Guddiga ay Magacaabeyn labada Aqal ee BFS ayaa ka kooban 17 xubnood, 6 ka mid ah waxaa soo magacaabay guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, 10 ka mid ah ayaa waxa ay ka imaanayaan Golaha Shacabka BFS halka xubinta soo hartay uu magacaabayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.