Qaar ka mid ah maamulka Dowlad goboleedka Galmudug iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeybgalay xaflad lagu maamuusaayey guddoonsiinta deeq lacag ah oo loogu talagalay in ay ku ciidaan 200 oo arday oo agoon ah ayaa maanta lagu qabtay magaalada Gaalkacto.
Deeqdaan oo ka koobneyd 10,000 toban kun oo doolar,waxaa soo gudbiyay Madasha Nabada iyo isdhexgalka dhalinyarada gobalka mudug ,kuwaas oo iyaguna lacagtaasi ka soo uruuriyay ganacsatada,qurbo joogtada iyo maamulka degmada Gaalkacyo.
Wasiirka wasaarada warfaainta dhaqanka iyo dalxiiska galmudug axmed shire falagle oo kahadlay gabagabada munasabada ayaa sheegay in deeqdaan lacagta ah ee lagu ciidsiinayo aqoontaasi ay tahay mid farxad galineysa 200 oo caruur ah oo ka soo kala jeeda galmudug iyo puntlnd .
Xafladdaasi waaa kaloo ka hadlay Duqa degmada gaalkcyo ee dhanka galmudug cabdi raxmaan sh xasan iyo gudoomiyaha madasha nabda iyo isdhexgalka gobalka mudug Maxamed Sh Siciid.