Wasaaradda Waxbarashada oo war ka soo saartay xiritaanka Imtixaanka Dugsiyada sare

WAR-SAXAAFADEED

XIRITAANKA IMTIXAANKA FASALKA 12AAD EE SANNAD-DUGSIYEEDKA 2022/2023

Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha yo Taclinta Sare waxaa guul weyn u ah in uu si nabad galyo ah ku soo dhammaaday Imrtixaanka Qaranka ee fasalka 12aad ee sanad dugsiyeedka 2022/2023, kaas oo socday inta u dhaxeysay 27ka ilaa 31-ka bisha Maajo, 2023.

Imtixaankan waxaa u fariistay 33,300 oo arday, waxa uuna ka dhacay 114 xarumood oo ku kala yaalla Muqdisho iyo Gobollada dalka, waxaana dhammaantood ay shaqada uga socotay sidii loo qorsheeyey.

Waxaan u mahad celinaynaa ALLAAH subxaanuhu watacaalaa oo noo suura galiyey qabsoomidda imtixaanka, sidoo kale waxaan u mahad naqeynaa Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Saraakiishooda iyo Askartoodaba oo xil weyn iska saaray amniga iyo amaanada imtixaanka oo la’aantood aysan howshan qabsoomi laheyn.

Waxaan sidoo kale u mahad celineynaa wasiirrada waxbarashada heer maamul goboleed oo iyagana kaalin weyn ka geystay in deegaannadoodu uu si wanaagsan uga dhaco imtixaanka, sidoo kale waxaan u mahad celineynaa waalidiinta iyo ardayda Soomaaliyeed oo si wanaagsan ula shaqeeyey howl wadeennada intii uu socday Imtixaanka.

Ugu dambeyn waxaan u mahad celineynaa Xafiiska imtixaanaadka, Guddiga imtixaanka Qaranka, kor-meerayaasha, ilaaliyeyaasha imtixaanka, shaqaalaha Wasaaradda iyo guud ahaan bahda waxbarashada sidii ay uga qeyb qaateen qabsoomidda iyo habsami u socodka imtixaanka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulan la qaatay saraakiisha ciidanka xasilinta Caasimadda

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula qaatay saraakiisha ciidanka xasilinta Caasimada ee Military Police.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Xoghaya Guud ee Gobolka Banaadir Mudane Faysal Caraale Afrax, ayaa waxaa warbixino loogu dhageystay Saraakiisha Amniga, iyagoo ka warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee amniga caasimada iyo guulaha laga gaaray howlgalada laga fuliyay Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ku bogaadiyay ciidanka Xasilinta Caasimadda ee Military Police sida ay had iyo jeer heeganka ugu yihiin sugida amniga iyo ka hortaga falalka lidiga ku ah amniga, asigoona ku amaanay sida wanaagsan oo ay ula falgalaan bulshada, inta ay kujiraan howlaha sugida amniga Caasimadda.

 

  

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BJFS oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada Aqalka Sare oo lagu ansixiyay qorshe hawleedyada guddiyada Golaha Aqalka Sare.

Kulanka oo ay goobjoog ahaayeen Guddoomiye ku xigeenka koowaad Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) ayaa ugu horrayn xoghayaha guud ee Aqalka Sare, Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed, waxa uu xubnaha guddiga joogtada u soo bandhigay una faahfaahiyay dhammaan qorshe hawleedyada guddiyada Aqalka Sare ay soo diyaariyeen si ay ugu hawlgalaan kalfadhiga saddexaad ee Baarlamaanka 11-aad.

Dood iyo falanqayn dheer oo xubnaha guddiga joogtadu ay ku sameeyeen qorshe hawleedyada guddiyada Aqalka Sare ay soo bandhigeen ayay ku ansixiyeen dhaqanlgalkiisa.

 

    

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka oo qaabbilay Isimo ka socda Sool iyo Sanaag

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed  Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta xarunta dhexe ee hay’adda ku soo dhaweeyey qaar ka mid ah Isimada Dhaqanka Gobollada Sool iyo Sanaag oo maalmahaan Muqdisho ku sugnaa.

Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Dr, Axmed Cabdi Aadan,waxaana looga hadlay Xaaladda Laascaanood, u gurmashada shacabka dhibtaada ka soo gaartay colaadda iyo ka shaqeynta nabadda , wada-noolaanshaha bulsho iyo xasilloonida deegaannaadaas.

Dhankooda, Isimada dhaqanka ayaa Hay’adda Maareynta uga mahad-celiyey kulankan iyo soo dhaweynta wanaagsan, waxaana ay soo bandhigeen aragtidooda ku aaddan xaaladda taagan, iyo caqabadaha nololeed ee soo food-saaray dadka deegaanka ee ka dhashay dagaalka.

  

Ra’iisul Wasaare Xamza oo furay Shirka Hirgelinta Hannaanka Federaalaynta Caddaaladda iyo Asluubta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Shirka Hirgelinta Hannaanka Federaalaynta Caddaaladda iyo Asluubta oo dhiirri gelinaya sarreynta sharciga iyo in dadka Soomaaliyeed ay helaan garsoor Caddaalad ah, oo loo dhanyahay, laguna kalsoon yahay oo hufan.

Hannaanka caddaaladda iyo Garsoorka oo looga heshiiyey Shirkii 4aad ee Golaha Wadatashiga Qaran yeesheen, ayaa si loo dhaqangeliyo heshiiska, looguna biiriyo dhameystirka Dastuurka KMG ah, wuxuu Ra’iisul Wasaaruhu ku tilmaamay heshiiskan mid guul u ah qaranka, dhabahana u xaaraya jiheynta mustaqbalka dowlad-dhiska Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay, si loo helo hannaan caddaalad iyo garsoor madax-bannaan oo dalku yeesho la qaaday tallaabooyin dhowr ah, oo ay kamid yihiin dib-u-habeynta Maxkamadaha, howlgelinta garsoore-yaal khibrad leh, isla markaana meesha laga saaray lacagihii sharci darrada ahaa ee lagu qaadi jiray waaxda Danbi Baarista ee CID.

Ra’iisul Wasaaraha oo ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray Dastuurka KMG ah, ayaa tilmaamay sida ay lagama maarmaan u tahay in la qabyotiro dastuurka, Xukuumadda DanQaran-na ay ka go’an tahay dhameystirkiisa, isla markaaana tallaabooyin loo qaaday qodobada u baahnaa heshiis siyaasadeed.

 

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda

Muqdisho, Arbaco, 31 May, 2023

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo faahfaahinayey heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa baarlamanka u sheegay heshiis kasta oo siyaasadeed, sharci dejin iyo wax ka beddel dastuur oo aan baarlamanka soo marin inaau sharci ahayn, dalkana ka shaqeyn karin.

2- Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay ayaa madaxda dalka waxay xuseen in dalka uu ka guurayo nidaamkii hore ee siyaasadeed, loona guurayo nidaam ay shacabka talada leeyihiin oo doorasho qof iyo cod ah.

3- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah u furay Kal-fadhiga 3aad ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

4- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo isimada dhaqanka gobollada Sool iyo Sanaag mar kale u jeediyay in dhinacyada dagaalka ka jira Sool u dhexeyso in xal wadaxaajood ah loo raadiyo colaadda taagan, dowladduna door ka qaadeneyso nabadeynta iyo fududeynta wadaxaajoodka.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hambalyo u diray Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo mar kale loo doortay inuu xafiiska sii joogo.

6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira fulinya siyaasadda dib u heshiisiinta ayaa madaxda Dowlad Goboleedka Jubbaland kala hadlay dhismaha maamulka Gedo iyo dib u heshiisiinta.

7- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgaley tukashada salaadda janaasada ee Alle ha u naxariistee Marxuum G/le Sare Cismaan Maxamed Jeelle oo ka mid ahaa Xubinihii Golaha Sare ee Kacaanka ee dowladdii milateriga Soomaaliya.

8- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan sagootin ah la qaatay safiirka Maraykanka Lary Andre oo muddo uu dalka ka hawlgalayey ay dhammaatey.

9- Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo warbixin looga dhageystay Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya

10- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Shirka Dhaqaalaha Soomaaliya oo lagu soo bandhigay fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee la xiriira wax-soosaarka dalka ee dhinacyada Beeraha, Kalluumeysiga, Warshadaha iyo Tamarta.

11- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aaden Maxamed Nuur oo dhagax dhigay dhismaha dekedda magaalada Dekadda Baraawe oo ah caasimadda Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed.

12- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa madasha shirka Bankiga Horumarinta Afrika ee Sharm el Sheikh kula kulmay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika Akinwumi Adesina, waxayna ka wadahadleen barnaamijyada horumarinta dhaqaalaha iyo dayn cafinta Soomaaliya.

13- Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa ku bogaadiyay shacabka iyo maamulka Puntland doorashadii golaha degaanka , iyago dhanka kalena ku baaqey in deegaannada aanay weli ka dhicin doorashada ay si nabad ah uga dhacdo.

14-  Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo si rasmi ah u soo xiray Bandhigga Buugaagta ee Muqdisho.

15- Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa si diiran u soo dhaweeyay ansixinta lacago gaaraya 20.5 milyan oo Euro oo Midowga Yurub ay ugu talagaleen taageeridda Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

16- Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa magaalada Moscow kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ruushka Sergey Lavrov.

17- Dowladda Federaalka Soomaaliya oo cambaareysay weerarkii fuleynimada ahaa ee Khawaarijta ku soo qaadeen Saldhigga Ciidanka Midowga Afrika (ATMIS) ee Buulo Mareer. Waxaa sidoo kale Dowladda Soomaaliya ay bogaadisay weerarkii rogaal celinta ahaa ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ay ku burburiyeen Khawaarijtii weerarka soo qaaddey iyo hubkii ay siteenba.

18- Dowladaha Qatar, Mareykanka iyo Britain oo ku dhawaaqay in 10.5 milyan oo doollar ku taageerayaan Soomaaliya

19- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa  fashiliyay isku day weerar oo ay Khawaarijtu ku soo qaadeen magaalada Masagawaay ee Gobalka Galguduud, waxaana Khawaarijta laga dilay 30 xubnood iyo qaar kale oo badan oo laga dhaawacay.

20- Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo Itoobiya uga qeybgalay shirka taliyeyaasha ciidanka booliska ee Bariga Afrika (Eapcco).

21- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa Degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ka soo qabtey horjoogeyaal ka tirsan Khawaarijta  kuwaas oo ay ka mid yihiin Mukhtaar Maxamad Maxamuud, magaca afgarashadiisu tahay  Aw Maxamuud, Caseyr Maxamad Maxamuud (Ayatullah).

22- Taliyaha Ciidanka Booliska oo kulan lagu dardar galinayo amniga caasimada la yeeshay saraakiisha howlgalka Ciiltire.

23- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kormeer ku tagay qaar ka mid ah degmooyinkii laga xorreeyay Khawaarijta.

24- Wasiiru dowlaha Caafimaadka XFS oo daah-furtay barnaaamijka dardar gelinta dadaallada ciribtirka cudurka dabaysha.

25- Ciidamada  Amniga oo maalmahaan howlgallo nabad sugid ah ka wada magaalada Muqdisho, ayaa gacanta ku dhigay laba ruux oo haystey dharka ciidanka, hub kale iyo waxyaabaha qarxa.

26- Shirkii Madasha Maayarada Soomaaliya oo magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay.

27- Howlgal qorshaysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa laga sameeyay ilaa iyo Afar deegaan oo hoos taga degmada Kurtun Waarey ee Gobalka Shabeellaha Hoose, waxaana lagu dilay in ka badan 30 maliishiyaad oo ka tirsan Khawaarijta.

28- Howlgal qorsheysan oo ciidamada ammaanku ka fuliyeen suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayay ku soo qabteen qaraxyo, gaadiid iyo dadkii waday.

=========DHAMMAAD=========

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo Aqalka Dowladda hoose ku qaabilay danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda hoose ee Xamar ku qaabilay danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya mudane Ibrahim Mete Yağli, asigoo ugu horreyn ugu hambalyeeyay guusha taariikhiga ah ee dib u doorashada Madaxweyne Reccep Tayyip Erdogan.

Duqa muqdisho ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed aysan iloobi karin kaalinta uu Madaxweyne Erdogan iyo shacabkiisa ku leeyihiin Dawlad-dhiska iyo horumarinta dalka Soomaaliya, isla mar ahaantaasna u rajeeyay Shacabka iyo dawladda turkiga in ay xoojiyaan midnimadooda.

Danjie Ibrahim mete yağli, ayaa ugu mahadceliyay Shacabka iyo maamulka gobolka Banaadir dareenka walaaltinimo oo ay ku muujiyeen farxadda guusha dib-u-doorashada Madaxweyne Reccep Tayyip Erdogan, asigoona sheegay in talaabadaasi ay ka turjumeyso xariirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada shacab ee soomaaliya iyo turkiga.

Ugu danbeyn guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo danjire Ibrahim Mete Yaglim ayaa ka wada hadlay xoojinta xariirka Dowladda Turkiga iyo Maamulka gobolka Banaadir, dar-dargelinta mataaneynta Muqdisho iyo magaalooyinka dalka Turkiga iyo iskaashiga ku dhisan wax wada qabsiga iyo is-dhaafsiga aqoonta.

Keydkii hubka iyo rasaasta ee khawaarijta Al-shabaab oo gubtay

Waxaa gebi ahaanba bas beelay keydkii hubka iyo saanadda ee malleeshiyada khawaarijta Al-shabaab ay ku lahaayeen degmada Jilib ee gobolka shabeellada dhexe.

Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa ogaatay in guri weyn oo ku yaallay dhabarka dambe ee Masjidka gureey ee degmada jilib oo keyd hub u ahaa malleeshiyaadka khawaarijta uu dab qabsaday, halkaas oo uu ku baaba’ay keydkii hubka ee kooxda oo ahaa kan ugu weyn ee ay koofurta Soomaaliya ku lahaayeen argagixisadu.

Qaraxan ka kacay keydka hubka ee ay khawaarijtu ku lahaayeen degmada Jilib ayaanan la ogeyn sababta dhalisay, waxaana la sheegayaa in ay kooxdu u xirtay horjooge lagu magacaabo, Cabdullaahi jeeri oo bakhaar haye u ahaa kooxda.

Kooxda khawaarijta Al-shabaab ayaa waxaa dhowr goor oo hore ka gubtay keyd hub iyo rasaas ah oo ay ku lahaayeen koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, taas oo lagu sababeeyay khilaafka xooggan ee soo kala dhex galay horjoogayaashooda.

Soomaaliya oo Bilaabeysa Weerarkii 2-aad ee ka dhanka ah Al-Shabaab ee Koonfurta (WARBIXIN)

Kadib guulo muhiim ah oo laga gaaray Al-Shabaab dabayaaqadii sanadkii 2022-kii, Dowladda Soomaaliya waxay bilowday duulaankii ka dhanka ahaa kooxda xagjirka ah iyadoo hadafkeedu yahay in laga saaro gobolada dhexe iyo koofurta dalka. “Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Deegaanka ayaa waxaa laga faa’iidaysan doonaa waaya-aragnimadii ay ka heleen duullaankii koowaad si ay wejiga labaad ee hawlgallada uga sii miro dhaliyaan”, ayuu yiri Madaxweynuhu. “Waxaan leenahay khibrad ka badan markii aan galnay dagaalka Galmudug iyo Hirshabeelle,” Mudane Maxamuud ayaa yiri sannadkan markii uu dhammaaday weerarkii ugu horreeyay. “Waxaan baranay xeeladaha al-Shabaab. Niyadayadu waxay noo sheegaysaa inaan ka adkaan karno iyaga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dabayaaqadii bishii March ku dhawaaqay duulaanka cusub. Askarta Soomaaliyeed iyo xulafadooda qabaa’ilku waxay ka faa’iidaysan doonaan khibraddii ay ka heleen weerarkii koowaad si ay uga dhigaan wejiga labaad ee hawlgallada mid aad u wanaagsan, ayuu yidhi madaxweynuhu.

” Ugu dambayntii, istaraatiijiyaddan cusub ayaa looga gol leeyahay in lagu soo af-jaro tobannaan sano oo rabshado ah oo khalkhal geliyay nolosha jiilasha Soomaalida, waxaana Weerarkii ugu horreeyay ee lagu qaado Al-Shabaab ayaa waxaa lagu bartilmaameedsaday gobolka Shabeellaha Dhexe ee ku hareeraysan caasimadda dalka ee Muqdisho. Intii uu socday weerarka, Agoosto 2022-kii ilaa Janaayo 2023-kas, Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xoreeyay 70 Deegaan iyo Magaalooyin sida Raage-Ceel, oo ah tuulo ay dadka deegaanka ku biireen dagaalka Ciidanka Xoogga Dalka bishii Agoosto ee la soo dhaafay ka dib 13 sano oo ay maamulayeen Al-Shabaab. “Dadku waxay ku noolaayeen silic,” Maxamuud Cadow oo ah Odey 80 jir ah, oo tuulada ku nool oo hubka qaatay, ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee Associated Press.

Weerarkii ugu horreeyay ayaa waxaa lagu soo celiyay seddex meelood meel dhulka ay gacanta ku hayeen Al-Shabaab. Waxay kaloo lagu dilay in ka badan 3,000 oo ka mid ah Maleeshiyaadka kooxda, iyadoo lagu dhaawacmeen in ka badan 3,700 oo kale, sida ay sheegtay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Ciidamada Soomaaliya ayaa tababar iyo hub ka helay saaxiibo caalami ah oo ay ku jiraan Mareykanka, Turkiga, iyo ATMIS oo ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, hogaamiyayaasha Soomaalida ayaa ku nuux-nuuxsaday in Askartooda ay hogaaminayaan weerarka iyaga oo kaashanaya dagaalyahano ka soo jeeda Deegaanada kana soo horjeeda Al-Shabaab. “[Al-Shabaab] waa idin hortaagan yihiin, askar Soomaali ah oo aad u tababaran, oo dagaal adag, oo dagaalka u qaaday dhanka jiidaha hore,” Kamaal Daahir Xasan Guutaale, oo ah la taliyaha amniga qaranka ee Ra’iisul Wasaare Hamza Cabdi Barre ayaa u sheegay Codka Mareykanka. .

“Shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda waxay suurta galiyeen dhammaan guulahaas ay gaareen ciidamadeenna ammaanku muddo aad u yar.” Guutaale ayaa meesha ka saaray hadal ka soo yeeray horjooge ka tirsan Al-Shabaab oo ahaa in weerarkii ugu horreeyay uu ku fashilmeen howshii loo igmaday. “Ha soo wajaho iyaga,” Guutaale ayaa yiri, isaga oo ku dhiiranaya hoggaamiyaha argagixisada in uu wajaho Askarta Soomaaliyeed. “Waxay Al-Shabaab ka xoreeyeen in ka badan Shan Boqol oo Kiilo Mitir (500 oo kiilomitir), welina way ku daba jiraan.”

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in guulihii ugu dambeeyay ay sabab u tahay, qeyb ahaan, falalka kooxda xagjirka ah, taas oo ka careysiisay dadka ku nool gobollada ay ka taliyaan.“Iyadoo abaarta aan dhammaadka laheyn ay sii korortay horraantii xagaagii 2022-kii, al-Shabaab ee xiriirka la leh al-Qaacida waxay ka falcelisay si naxariis darro ah,” ayay qortay Vanda Felbab-Brown oo ka tirsan Machadka Brookings. Iyadoo abaarta iyo culeyska dhaqaale ay kordheen, Al-Shabaab waxa ay wadeen cadaadiska dadka “canshuurta ama Baada” si ay u taageeraan howlgalladooda.

waxaa wali sii socdo duulaanka ay hogaaminayaan ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya, dowladdu waxay siisaa maleeshiyo beeleed taageero saadka, saanad, cunto iyo daad gurayn caafimaad. Qabiiladu, waxay isku xiraan Ciidanka iyo dadka deegaanka, waxayna muujinayaan in yihiin qaybo ka mid ah shacabka Soomaaliyeed oo u soo jeesteen la dagaalanka Al-Shabaab, sida ay sheegtay Kooxda Xasaradaha Caalamiga ah.“Ciidamada Soomaaliya iyo xulafadooda ayaa al-Shabaab ka xoreeyeen bulshada”, Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa carabka ku adkeeyay sida ay dowladda uga go’an tahay xasilinta iyo keenista adeegyada bulshada deegaanadaas si looga hortago isku day kasta oo kooxaha xagjirka ah ay ku soo laabanayaan.

Warbixintani waxaa daabacday African Defence Forum (Madasha Difaaca Afrika ee Maraykanka)

 

Ciidamada Suudaan: Xabbad joojinta nagama hor istaagayso inaan u jawaabno maleeshiyaadka RSF

Sida ay sheegayaan wararka, dagaallo xooggan ayaa dib ugu bilowday Caasimadda Suudaan, xilli dhawaan Ciidamada qalabka sida ee Suudaan iyo kuwa RSF-ta ay ku heshiiyeen in muddo Shan maalin ah lagu kordhiyo heshiiskii xabbad-joojinta, si dadka rayidka ah gargaarka loo ogaarsiiyo.

Taliyaha ciidanka Suudaan Cabdal Fitaax Al-Burhaan, ayaa xaqiijiyay in saacadahii hore ee maanta, ay qeybo kamid ah magaalada Khartuum ka bilowdeen dagaalo u dhaxeeyay Ciidamadooda iyo xoogaga taageerada degdega.

Isaga oo ka jawaabaya eeddii ay u jeediyeen Ciidamada Taageerada Degdegga ah, ee ku aaddaneed in dhankooda ay ku xad-gudbeen Heshiiskii Xabbad joojinta ayuu Yiri:” Xabbad joojinta nagama hor istaagayso inaan ka jawaabno weerarada nooga imanaya maleeshiyaadka taageerada degdega, weli ma aannan isticmaalin xooggeena dhabta ah, laakiin haddii maleeshiyaadka RSF ay ku adkeysataan go’aankooda, waxa waajib nagu noqoneysa inaan isticmaalno wax kasta oo xooggeena ah ”.