Cabista Sigaarka & isticmaalka Tubaakada waxaa ka dhasha halis Caafimaad

Maanta oo kale 31 Maajo sanad walba waxaa loo asteeyay, maalinta caalamiga ah ee joojinta cabista Sigaarka iyo tubaakada, (WORLD NO TOBACCO DAY) taasoo looga gol leeyahay in bulshada caalamka looga wacyigeliyo khatarta isticmaalka tubaakada noocyadeeda kala duwan.
Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa diirada saartay sanadkan 2023 sidii loo joojin lahaa cabista sigaarka iyo Isticmaalka Tubaakada iyadoo hal-ku-dhigga sanadkanna uu yahay “WAXAA LOO BAAHAN YAHAY BEERISTA DALAGYADA BEERAHA EE LOOMA BAAHNO BEERISTA TUBAAKADA “WE NEED FOOD, NOT TOBACCO” taasoo loola jeedo dhibaatada beerista tubaakadu ay u geysanayso dhanka dalagyada beeraha, deegaanka iyo bulshadaba.
Isticmaalka Tubaakada ama cabitaanka sigaarka waxay noqon kartaa : cabista sigaarka, Siigarka, Bayb-ka, Shiishadda, tubaakada la ruugo ama la calaliyo, midda daanka la gashado, iwm. Intaasoo dhanba waa khatar haba ku kala badnaadeene.
Guud ahaan adduunyada cabista sigaarka ama isticmaalka Tubaakada waxaa lagu qiyaasaa 1.3 bilyan qof iney isticmaasho maanta. Ku dhawaad Hal bilyan (80%) waxay ku nool yihiin waddamada soo koraaya.
Cabista sigaarka wuxuu sababaa dhimasho degdeg ah ama cimri gaabad, waxaana la sheegaa in sanad walba ay u dhintaan sigaar cabista qiyaas dhan 8 milyan oo qof, in ka badan 7 milyan waa dadka si tooska ah u caba sigaarka halka 1,200,000 oo qof ay yihiin dadka sida dadban ku caba sigaarka (Second-hand Smoke).
Isticmaalka Tubaakada iyo Cabista sigaarka waxaa la sheegay iney ku jiraan in ka badan 7,000 maado oo kiimika ah oo boqolaal ka mid ah ay yihiin sun, 70 ka mid ahna ay sababi karaan cudurka halista ah ee kansarka. Waxaana ka mid ah maadooyinkaas: Tar, Arsenic, benzene, formaldehyde, carbon monoxide, amooniyo iyo qaar kaloo badan. Waxaa kaloo ku jira maadada Nicotin-ka oo sababta in la qabatimo sigaarka jir ahaan iyo maskax ahaanba.
Dadka sigaarka caba khatarta uu u keeno waxay ku xiran tahay waqtiga dheer ee uu isticmalayey iyo xaddiga uu ka isticmaalo.
Waxaa kaloo jirta in qofka haddii uu joojiyo isticmaalka tubaakada ama sigaarka waqti hore in khatarta cudur ee uu keenayo iney sii yaraan karto.
Cabista Sigaarka & Saameynta Caafimaadka
Cabista sigaarka iyo isticmaalka tubaakada waxay sababaan 25 cudur ku dhawaad waxaana ka mid ah kuwa ku dhaca wadnaha iyo xididdada 20-30% (Heart attack and Stroke), wuxuu kaloo sababaa cudurada sambabka ku dhaca sida Chronic Obstructive Pulmonary Disease (COPD) (Sambabka oo weynaada ama adkaada Emphysema iyo Chronic Bronchites); wuxuu kaloo sababaa cudurka kansarka ku dhaca sambabka 30-35 %. Kansarka Dhuunta iyo Afka (larynx and mouth), kansarka ku dhaca hunguri-wadeenka (Esophagus), Pancreas-ka, Caloosha, Beerka, Xametida, xiidmaha, Kaadi-heysta, Qabsinada, Ilma galeenka. Wuxuu kaloo keenaa dhalma la’aanta ragga iyo haweenka. Waxaa xusid mudan in 85% uu ragga ku keeno Caniinimo ama ragannimada uu waayo.
Haweenka uurka leh wuxuu ku keenaa in ay ilmihii dhiciso ama ay dhasho ilmo miisaan hoose ama neefqabad qaba (asphyxia) ama u horseeda dhimasho kedis ah (sudden death).
Wuxuu kaloo caawiyaa cudurka gastritis wuxuuna badiyaa laabjeexa joogtada (GERD), wuxuu kaloo daahiyaa bogsashadda boog calooleedka (Peptic Ulcer).
Sidoo kale sigaarka wuxuu yareeyaa dhumaca xididdada dhiigga u qaada jirka intiisa kale taasoo keeni karta in si waafi ah u gaari waayo dhiiggii ay u baahnaayeen.
Dhalinyarada da’dooda ka yartay 20 sanno, waxey 3 jeer ka badan yihiin kuwa da’doodu ka weyn tahay 20 sanno dhinaca dhimashada deg degga ah.
Xagga maskaxda wuxuu horseedaa hurdadoo yaraata, degganaansho la’aan iyo qeybta fikirka iyo xusuusta oo hoos u dhacda taasoo ka timid xididdada masakaxda oo adkaada (Arthrosclerosis). Wuxuu kaloo isbeddel ku sameeyaa dabciga iyo la dhaqanka bulshada isagoo had iyo jeer acsaabtiisa kacsan tahay.
Cabista sigaarka waxay waxyeelo u geysataa Aragga Indhaha taasoo sababi kara indha la’aan, Maqalka dhagahana wuxuu u keenaa dhego la’aan, sidoo kale wuxuu sababaa midabdoorsiga ku dhaca Maqaarka, wuxuuna wax yeelo u geystaa dibnaha, ciridka iyo ilkaha.
Waxyeelada Sigaarka iyo Tubaakada
Khatarta kale ee sigaar-cabistu waa qofka ka ag dhow meesha lagu cabayo (second-hand smoke) sida guryaha caruurtu joogaan ama goobaha bulshada isugu timaaddo kuwaasoo neefsanaaya ama qaadanaaya qiiqa sigaarka agagaarkooda lagu cabaayo, kaasoo la sheegay in khatartii cuduradii la soo sheegay ay ku dhici karaan qiyaas dhan 25-30%.
Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) wuxuu horey u soo saaray Qaraar mamnuucaaya cabista sigaarka ee goobaha bulshadu ay ku kulmaan sida: suuqyada, garoomada, goobaha waxbarashada, hotellada & maqaayadaha, basaska & baabuurta kale. Sidoo kale waxaa reebban xayeysiinta, suuq-geynta sigaarka iyo tubaakadaba looga sameeyo Iddacadaha, telefishinnada, iyo baraha bulshada.
Waxaa kaloo jirta in canshuurta tubaakada iyo sigaarka kor loo qaado si loo yareeyo isticmaalkooda loona daryeelo caafimaadka bulshada.
Bulshada Soomaaliyeed 30kii sano ee u dambeysay oo burburka, dagaalada iyo barakaca ay jireen waxaa si xaddi leh u kordhay tirada sigaarka cabta gaar ahaan dhalinyarada da’da yar. Waxaa kaloo kordhay dadka Shiishadda isticmaala dhalinyaro iyo dad waaweyn kuwaasoo ku keeni karaaya mustaqbalka dhibaato weyn oo dhanka caafimaadka ah.
BAAQ
Waxaan dhammaan bulshada Soomaaliyeed ugu baaqayaa meel kastoo ay joogaan iney joojiyaan cabista sigaarka iyo isticmaalka tubaakada bacdamaa diinteenna Islaamka aysan oggoleyn in nafta la tahluukeeyo iyo iyagoo sababaaya khatartii caafimaad ee aan kor ku soo sheegnay.

W/Q/ Prof/Dr. Cusmaan Maxamuud Dufle.

Wasiirka gaashaandhigga dalka oo la kulmay safiirka cusub ee UK

Wasiirka gaashaandhigga dowladda FS mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan la qaatay safiirka cusub ee UK u qaabilsan Soomaaliya Mr. Michael Nithavrianakis, iyagoo is dhaafsaday arrimo ku saabsan iskaashiga dhanka difaaca iyo amniga ee Soomaaliya iyo Ingiriska.

Wasiirka ayaa si diiran u soo dhaweeyay Safiirka oo Soomaaliya ka bilaabay shaqadiisa diblomaasiyadeed, isagoo xusay in uu rajeynayo danjiraha cusub inuu sii wado calaaqaadka wanaagsan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Ingiriiska, islamarkaana la iska kaashado ciribrirka argagixisada iyo tababarka ciidanka Soomaaliyeed.

Danjire Michael Nithavrianakis ayaa xusay in UK ay sii wadayso taageerada ay siiso ciidanka xoogga dalka oo isugu jirta tababar iyo taageero farso, si loo wiiqo awoodda kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab.

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed oo booqday xarunta taliska Booliska Ethiopia.

Addis Ababa- Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Sulub Axmed Firin iyo wafdi saraakiil Boliis ah oo uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Itoobiya ayaa xafiiskiisa ku booqday taliyaha ciidanka Boliiska Federaalka ah ee dalka Itoobiya Mr Damlesh Gabremechael Woldeyes.

Booqashadaan ayaa u jeedadu aheyd iskaashiga Boliiska dowladaha geeska Afrika gaar ahaan Boliiska dowladaha Itoobiya, Soomaaliya iyo Jabuuti, iskaashigaan ayaa ku saabsanaandoona dhinacyada la dagaalanka Argagixisad iyo dambiyada abaabulan ee xaduudaha isaga gudba.

Talaabadaan ayaa waxbadan ka taridoonta isdhafsiga xogaha iyo warbixinada Aammaanka gobolka Geeska Afrika. Maadaama, argagixisada ay ku jiraan xubno ka soo hayaamay gobolka iyo dowlado kale.

       

Duqa Muqdisho oo qaabbilay Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda hoose ee Xamar ku qaabbilay Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane, İbrahim Mete Yağlı, uguna hambalyeeyay guusha taariikhiga ah ee dib u doorashada Madaxweyne Reccep Tayyip Erdogan.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed aysan illoobi karin kaalinta ay Madaxweyne Erdogan iyo shacabkiisa ku leeyihiin Dawlad-dhiska iyo horumarinta Dalka Soomaaliya, isla mar ahaantaasna u rajeeyay shacabka iyo Dawladda Turkiga in ay xoojiyaan midnimadooda.

Danjie İbrahim Mete Yağlı, ayaa ugu mahadceliyay shacabka iyo Maamulka Gobolka Banaadir dareenka walaaltanimo oo ay ku muujiyeen farxadda guusha dib-u-doorashada Madaxweyne Reccep Tayyip Erdogan, asigoona sheegay in talaabadaasi ay ka turjumeyso xariirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada shacab ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Ugu danbeyn Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Danjire, Ibrahim Mete Yaglim ayaa ka wada hadlay xoojinta xariirka Dowladda Turkiga iyo Maamulka Gobolka Banaadir, dar-dargelinta Mataaneynta Muqdisho iyo Magaalooyinka dalka Turkiga iyo iskaashiga ku dhisan wax wada qabsiga iyo is-dhaafsiga aqoonta.

Hantidhawraha Qaranka oo qaabbilay sii hayaha Saafaradda Norway ee Soomaaliya

Hantidhawraha Guud ee Qaranka Mudane, Abuukaate Axmed Ciise Guutaale ayaa maanta qaabbilay sii hayaha Saafaradda Norway ee Soomaaliya Mudane, Haakon Svane iyo Madaxa Iskaashiga Saafaradda ee Kenya iyo Soomaaliya Mudane, Erling Hess.

Masuuliyiinta ayaa waxay isla soo qaadeen xiriirka iskaashi ee ku aaddan kobcinta awoodda iyo xirfadda hawlwadeennada Xafiiska Hantidhawrka Guud iyo dardargalinta dedaallada lagu xoojinayo nidaamyada isla-xisaabtanka iyo daahfurnaanta ee ka jira heer federaal iyo maamul goboleed.

Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa dhawaan waxa uu la saxiixday heshiis aqoon-iswaydaarsi saddex-geesood ah Hay’adaha IDI iyo AFROSAI-E, kaasi oo ay taabbagelintiisa taageerayso Safaaradda Boqortooyada Norway.

Ra’iisulwasaare Xamse:” Maanta waxaan isugu nimid in aan ganacsiga Soomaliya ku xirno midka Caalamka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Shirka Dhaqaalaha Soomaaliya oo lagu soo bandhigay fursadaha ganacsi ee la xiriira wax-soosaarka dalka ee dhinacyada Beeraha, Kalluumeysiga, Warshadaha iyo Tamarta.

Ra’iisul Wasaaraha oo munaasibaddaas hadal ka jeediyey ayaa waxa uu ku nuuxnuuxsaday kaalinta ganacsiyada gaarka loo leeyahay ay uga jiraan kobaca dhaqaalaha dalka, isaga oo si gaar ah u tilmaamay baahida loo qabo in la soo saaro, lana suuq geeyo khayraadka dihan ee Soomaaliya.

Ra’isul Wasaare Xamsa oo ka hadlayey sida lagu gaari karo himilooyinka ku qotoma horumarinta dhaqaalaha, ayaa hoosta ka xarriiqay in Xukuumadda DanQaran ay xoogga saareyso abuuridda jawi ku dhisan iskaashi ganacsi, si loo soo jiito maalgelin caalami. Waxuuna u xaqiijiyey cid walba oo daneynaysa maalgashiga ilaha dhaqaalaha dalka in uu suuqa Soomaaliya u furan yahay, isla markaana la meel-mariyey shuruucdii hagi lahayd maalgashiga shisheeye.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa si gaar ah u xusay dalka Talyaaniga oo Soomaaliya la leh xiriir ganacsi oo soo jireen ah, iyada oo Soomaaliya ay Talyaaniga uga iman jireen gaadiidka, qalabka beeraha, iyo daawada halka Soomaaliya ay u diri jirtay kaluun, muus, iyo waxyaabo kale oo muhiim ah, waxuuna ku boorriyey ganacsatada Talyaaniga in ay ka faa’iideystaan fursadaha maalgashi ee xiligaan ka bannaan Soomaaliya.

Guddoomiyaha golaha shacabka oo dhagax dhigay Dekadda Baraawe

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa dhagax dhigay Dekadda caasimadda KGS ee Baraawe.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa bulshada reer Koonfur Galbeed ugu baaqay in ay maal gashtaan deegaannadooda gaar ka ahaan dadka ka soo jeeda Gobolka Shabeellaha Hoose, isagoo xusay hadii dadka degaanka ay dib ugu soo noqdaan Baraawe maal gashtaan ayna ka shaqeeyaan amniga waxay wax badan ka tari doonta kobaca dhaqaalaha ee dalka.

Ugu yaraan 30 ka mid ah khawaarijta oo lagu dilay Masaggawaay

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa saaka si guul ah u fashiliyay isku day weerar oo ay Khawaarijtu ku soo qaaday magaalada Masagawaay ee Gobalka Galguduud oo dhawaan laga xoreeyay.

Ciidamada Xoogga Dalka oo si buuxda ula socday dhaqdhaqaaqa Khawaarijta iskuna diyaariyay fashilintooda ayaa si xirfad iyo geesinimo leh u kala cayriyay Khawaarijtii halkaas soo weerartay.

Inta uu socday hawlgalka fashilintu waxa ay Ciidamada Xoogga Dalka toogteen in ka badan 30 ka tirsan Khawaarijtii soo duulaanka tagtay kuwaas oo ay ka carareen maydadkooda, sidoo kale Ciidamada Qaranku waxa ay gacanta ku dhigeen saddex ka mid ah gaadiidkii ay ku soo duulaan tageen Khawaarijtu iyaga oo gubay mid kale.

Waxaa socda hawlgal lagu baacsanayo firxadka Khawaarijtii la jabiyay.

Saddex ka mid ah Ciidamada Qaranka ayaa ku dhaawacmay hawlgalkaas, kuwaas oo xaaladdoodu ay ka soo raynayso.

Ciidanka Qaranka oo kaashanaya Shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada Caalamiga ah ayaa si is daba joog ah waxa ay jab ugu gaysanayeen maleeshiyaadka Khawaarijta ah iyaga oo maalinba maalinta ka danbaysa ka xoraynaya dhul hor leh kuna fashilinaya isku dayadooda naf la caariga ah ee ay ku doonayaan in ay iskaga caabiyaan duulaanka Ciidanka Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed.

DOORASHOOYINKA LAGU QABTAY SOOMAALIYA INTII U DHAXEEYSAY SANADAHII 6-DII LUULIYO 1960-KII – ILAA 15-KII MAY 2022

Doorashadii ugu horeeysay ayaa dhacday 6-dii juuliyo 1960-kii waxaa loo doortay inuu Dalka hogaamiyo mudane  Adaan Cabdulaahi Cusmaan daar ,kana tirsanaa xisbigi Leegada ee SYL ayaa ku guuleystay aqlabiyadda ugu badan ee codadka doorashada ayaa Ku dhisneed xisbiyo deegaan doorasho, waxaana dooranayay golaha xildhibaanada Qaranka.

sida ku dhigan sooyaalka taariikhda soomaaliya Aadan Cadde ayaa loo Aqoonsaday madaxweynahii ugu horeeyay ee dalka hoggaamiyo ka dib markay soomaaliya Dhidibadda u taagtay  xornimadeeda daleed.

Doorashadii madaxweynahii 2-aad ee dowladda somaaliya oo muddo xileedka ahayd lix Sano waxaa la qabtay 10-kii juun 1967-kii Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo ahaa ra’iisul Wasarahii Aadan Cadde ayaa ku guuleystay,waxaana dooranaayeey golaha xildhibaanadda Qaranka.

labo sano oo ka arimiyaay dalka ayuu booqasho rasmi ku tagay magaaladda laas Caanood   ee gobalka sool xilligaas oo dalka ka jirtay abaaro sameeeyay Noolashada Bulshada soomaaliyeed,15-kii octoobar  1969 warar aya baahisay raadiyow Mogdishu ayaa Lagu sheegay  in askari ka tirsan  ciidamadda qaranka oo ahaa ilaaladda Qaaska ee Madaxweynaha  si’ bareer ah   u toogtay  una geeriyooday madaxweynaha.

Markii duugtii madaxweynaha dhamaatay golahii dhaxe ee leegada  [SYL]waxuu galay Wadatashi ah qofkii  badeli lahaa madaxweynaha la dilay ,waxaa lagu hishiiyay si’ Waafaqsan dastuurkii 1960-kii  faqradiisa 74-aad in gole shacab  ah la dhiso ka dibne la Doorto madaxweyne cusub oo dalka hogaamiyo .golaha waxay ku balameen 21-ka in  la Qabto doorashada, balse nasiib darro arintaas ma dhacin waxaa aroortiiba magaaladda Madaxda -dalka iyo dalka intiisa kale qabsatay askar ka tirsan ciidanka qalab sida oo isku Magacawday golaha sare ee kacaanka ,ayaa laalay dasturkii ,awood laanta fulinta ee Golaha Shacabka iyo dhamaan xisbiyadda siyaasadeed .

21-ka octoobar 1969 soomaaliyaa yaa cagaha la gashay xukun kaligii -talisnimo uu Hogaaminayay Maxameed Siyaad Barre ,dal  aan ka jirin sharci  iyo mid xisbiyo Siyaasadeed oo kala aminsan afkaar kala geddisan waxay fajac ku noqotay siyaasiinta sida Qarsoon ugu fakir duwaneed golaha sare ee kacaanka  ka dib  markay ku dhawaqeen Doorasho hal xisbi kaliya oo  u tarmaya  23-kii diseembar  1989-kii  .doorasho  oo u Tartamay kaliya madaxa golaha sare ee kacanka ayaa isku caleema saaray madaxweynimo.

Markay dhacday musiibadii keentay bur burkii dowladnimada  ee soomaaliya waxaa dalka Ka kacay  dagaalo sookeeye iyo jabhado qabaa’ilo ku dhisnaa oo hubeysan ,bulashada Rayidka oo horbodayaan duubabka qabaa’ilada waxay racdo u galeen soo celinta Nidaamka-dowladnimo ee jamhuuriyadda soomaaliya .shiraar fara badan oo lagu  kala Qabtay meelo ka baxsan dalka gudahiisa iyo dibaddisa ayaa lagu guuleystay in lagu soo Dhiso dowladdo ku meel geer-ah looga magac daray dowrkaan waxaa qeyb lixaad ka Ciyaaray odey dhaqameedka soomaaliyeed.

Bishii maarso 1991-kii magaaladda Djabuuti doorasho lagu qabtay ayaa Cali Mahdi Maxamuud  si’ ku meel-gaar ah looga doortay madaxweynimo ,ha yeeshee laguma guuleysan in Dalka laga saaro marxaladda ku meel-gaar ka  sababtoo ah ma jirin gole shacab  ah oo Beelaha soomaaliyeed lagu matalo ,dhamaan waxaa burburay dib u heshiinta qabaa’ilada Soomaaliyeed taaso keentay in reer galbeedka oo isku raadinaayay bulshada kala Irdhootay  u aqoonsatay 1992-kii  dal nidaam -dowladkiisu dhicisobay ilaa 2000.

20 agoosto 2000 waxa lagu guuleystay in la dhiso dowlad ku meel-gaar ah,kulamo miro Dhalay oo soo socdaay taniyo burburkii dowladnimada somaaliya,magaaladda carta ee dalka   djabuuti waxaa lagu Soo dhisay gole shacab ah oo garaya 245 xubnood  oo ay u dhanyahiin qabaa’iladda Bulshada soomaliyeed  waxaana soo xulaayay oday dhaqameedyada .26-kii agoosto 2000 Ayaa lagu soo doortay madaxweyne Cabdi Qaasim Xuseen waxaana dooranayay golaha Barlamaanka ku meel-gaarka .

Markay dhamaatay muddo xileedka sharciga ahaa ee  golahii la dhisay 2000,20-kii agoosto 2004-ta gole  kale oo cusub ayaa lagu soo dhisay embakaati ee dalka kenya oo xilheyntu Ahayd afar sano oo ay soo xuleen odey dhaqameedyada .tiradda golaha embakati lagu Dhisay waxay garaayeen 275 xildhibaan .waxayna soo doorteen madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf Axmed ,

Muraan iyo khilaafyo ayaa hareeray dowladdi lagu soo dhisay embakaati oo ku sabsaneed Habka loo maray dhismaha golaha shacabka iyo beelo qaar oo tirsanaayay dulmi,waxay Sababtay in goleha  tiradooda la kordhiyo lagana  dhigay 550 xubnood ,oo beel walba ay iska arki karta dowlad dhiska.

Dowladdii ku meel-gaarka ee la soo dhisay 30-kii janaayo 2009 waxaa loo doortay Madaxweynimo mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed waxaana dooranayey golaha Barlamanaka oo tiro ahaan ka koobnaa 550 xubnood,gudashada waajibadka qaranka waa Mid saraan ruuxa loo dhariyo qabashada xilka madaxweynimo .marka la fiiriyo Doorashooyinka lagu soo doortay ilaa afar madaxweyne ayaa lagu soo doortay meel ka Baxsan wadanka gudahiisa ayaado loola gol lahaa soo celinta nidaamka dowladnimo ee Jamhuuriyadda soomaaliye.

Shariif Axmed ayaa dalka gaarsiyay  in lagu qabto doorasho Taaso laguna soo doortay Xasan Shikh Maxamuud 10-kii seteembar 2012-kii waxaana Dooranayay  275-xildhibaan .soomaliyaa ayaa  ka baxday marxaladda ku meel-gaarka Taaso keentay in nuuc ka mid ah federaalka la qaado lana dhiso maamul gobaleedyo Dowladdi  Xasan shikh waxay ku guuleystay dhisidda shanta maamul gobaleed ,maamul Kastana laga soo doorto  54- senetor .

8-da febraayo 2017-kii teendhada afishiyooni ayaa lagu doortay mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo waxaana dooranayey labadda aqal ee barlamaanka oo ka kooban 54- Senator iyo 275 xildhibaan .

15-kii maayo 2022 Xasan Shiikh Maxamuud ayaa mar kale lagu Soo doortay teendhada afishiyooni,teendhada afishiyooni ayaa lagu qabtay in ka badan Saddex doorasho .xasan sheekh ayaana dhigay rikoor cusub taaso ah inuu noqday madaxweyne mar kale xilka madaxweynimo lagu amaanay.

WQ: C/raxiim Jimcaale

Sarakiil ka kala tirsan sirdoonka Talyaaniga iyo Israa’iil oo ay Dooni la degtay

Afar qof oo ay ku jiraan laba sargaal oo ka tirsan sirdoonka Talyaaniga iyo mid ka tirsan Sirdoonka Israa’iili ah ayaa geeriyooday kadib markii Doon nooca dalxiiska ah oo ay saarnayeen ay kula degtay harada Maggiore ee waqooyiga Talyaaniga.

Afhayeen u hadlay Kooxaha gurmadka Talyaaniga oo lagu magacaabo Luca Cari ayaa yiri: ” Meydadka Afar qof ayaa la helay kuwaa oo kala ah labo Sargaal oo ka tirsan ciidamada sirdoonka Talyaaniga, Sargaal ka mid ah Sirdoonka Israa’iili iyo Naaquudahii doonta’’.

Dhanka kale, War ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Israa’iil, ayaa lagu sheegay in Sargaalkan Israa’iiliga ah ee dhintay uu ahaa xubin hore uga tirsanaa ciidamada ammaanka Israa’iil”.