Sarakiil ka kala tirsan sirdoonka Talyaaniga iyo Israa’iil oo ay Dooni la degtay

Afar qof oo ay ku jiraan laba sargaal oo ka tirsan sirdoonka Talyaaniga iyo mid ka tirsan Sirdoonka Israa’iili ah ayaa geeriyooday kadib markii Doon nooca dalxiiska ah oo ay saarnayeen ay kula degtay harada Maggiore ee waqooyiga Talyaaniga.

Afhayeen u hadlay Kooxaha gurmadka Talyaaniga oo lagu magacaabo Luca Cari ayaa yiri: ” Meydadka Afar qof ayaa la helay kuwaa oo kala ah labo Sargaal oo ka tirsan ciidamada sirdoonka Talyaaniga, Sargaal ka mid ah Sirdoonka Israa’iili iyo Naaquudahii doonta’’.

Dhanka kale, War ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Israa’iil, ayaa lagu sheegay in Sargaalkan Israa’iiliga ah ee dhintay uu ahaa xubin hore uga tirsanaa ciidamada ammaanka Israa’iil”.

 

Guddoomiyaha golaha Shacabka oo gaaray magaalada Baraawe

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magalada Baraawe ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ee magalada Baraawe ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), Sarakiil Ciidan, maamulka gobolka, Ururka Haweenka iyo masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan bulshada qeybaheeda kala gedisan.

Guddoomiyaha iyo Madaxweynaha Koofur galbeed ayaa inta ay ku suganyahiin Baraawe, kulamo la qaadan doona Maamulka, Saraakiisha ciidanka iyo Bulshada magaalada ku dhaqan.

Muxuu yahay Howlgalka Cusub ee ay Dowladdu ku dhawaaqday (Warbixin)

Abaabul xooggan oo ay sameysay Dowladda Soomaaliya, ciidamada Xoogga iyo shacabkaba waxay ku guuleysteen in ay soo gabagabeeyaan wejiga koowaad ee dagaalka lagula jiro Khawaarijta Al-shabaab oo meelo badan looga xoreeyay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in ay diyaariyeen wejiga labaad ee howlgalka lagu ciribtirayo Khawaarijta.

Howlgalkan ayuu madaxweynuhu ku sheegay inuu ka awood badan yahay midkii hore, muhiimadiisuna wuxuu ku tilmaamay inuu yahay kii ugu dambeeyay oo lagu afjarayo argagixisada.

” Waxaa dib u bilaabanaya wejiga labaad ee howlgallada,kaas oo noqonaya midka lagu soo afjarayo jiritaanka Khawaarijta Al-shabaab haddii Alle idmo, Khawaarijta Al-shabaab waa cudur daawadiisu ay tahay in la dabar-gooyo kaliya, Dowladda aan anigu hoggaamiyo madaxweynahana aan ka ahay oo aad adinku ii doorateen waxaa go’aan iga ah in la ciribtiro Al-shabaab, loogu gallo goob iyo god kasta oo ay ku jiraan, ” ayuu yiri madaxweynaha JFS Xasan sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa labada gole ee Baarlamaanka, wuxuu ka hor sheegay in wax siyaasad ah ayssan ka lahayn dagaalka ay kula jiraan Khawaarijta,dagaalkana uu yahay mid cibaado ah.

” Inaan labada gole ee Baarlamaanka hortiisa hoosta uga xariiqo in dagaalka Khawaarijta Al-shabaab uusan ahayn mid dano siyaasad laga leeyahay ama Ajende siyaasadeed mid dhow iyo mid laga leeyahay inuusan ahayn, dhiigga iyo amniga shacabka Soomaaliyeed ma ahan mid siyaasad iyo gor gortan ka furan yahay,sidaasi daraateed, waxaan aaminsan nahay in laga fogaado is qab-qabsi kasta oo siyaasadeed oo fursad looga mashquulo ku abuuri kara Khawaarijta haddii Alle yiraahdo,”.

Howlgalka lagu doonayo in Soomaaliya looga dhigo mid ka caaggan Khawaarijta, waxaa bar bar socda sidii ciidanka qaranka ay ula wareegi lahaayeen amniga guud ee dalka.

” Hadda waxaa la joogaa waqtigii aan amnigeenna iyo talladiisa dalkeenna aan ka wareegi lahayn oo ah iyadana markii ugu horeysay dowladnimadeennu halkii ay ka hana qaadi lahayd, Dal gobnimadeennuna maalintaas un bey dhab tahay haddii Alle yiraahdo,”.

Wejigii koowaad ee dagaalka ayaa mira dhalay, waxaanna suurta gashay in Al-shabaab laga xoreeyo deegaanno iyo degmooyin badan oo ay muddo 15-sanno ku dhow dadka ku dhibaateyn jiraan, kuwaas oo hadda shacabka si nabad ah ugu nool yihiin.

 

Dhinacyada isku haya Suudaan oo ku heshiiyay in la kodhiyo xabbad joojintii horay u jirtay

Bayaan ay si wadajir ah u soo sareen Sacuudiga iyo Maraykanka ayaa lagu sheegay in dhinacyada ku dagaalamaya Dalka Suudaan ay ku heshiyeen in muddo Shan maalmood ah lagu kordhiyo xabbad joojintii horay loogu heshiiyay.

Labada dhinac ee ay dirirtu u dhexeyso ayaa midba midka kale ku eedeynayay in uu ku xad-gudbay heshiisyadii xabbad joojinta ahaa ee horay u dhex maray.

Tan iyo 15-kii bishii Abriil, dalka Suudaan waxaa ka socday iskahorimaadka u dhexeeya ciidanka qalabka sida ee Suudaan iyo kuwa Taageerada degdegga ah ee uu hoggaamiyo Xamdaan, kuwaasi oo sababay dhimashada boqollaal ruux iyo barakac fara badan.

Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo Itoobiya uga qeybgalay shirka Eapcco

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto. Sulub axmed Firin iyo wafti Saraakiil ah oo uu hoggaaminayo ayaa Dalka Itoobiya uga qeyb galay kulankii 5-aad oo aan caadiga aheyn  ee Taliyeyaasha Boliiska Bariga Afrika ” 5th Extra Ordinary East African Police Cheifs Council (EAPCCO) meeting”

Inta uu Taliyahu joogo dalka Itoobiya waxaa uu kulan doceed la qaatay dhigiisa Taliyaha Boliiska Federaalka ah ee Itoobiya, Mr Damlesh Gabremechael Waldyes.

Shirka ayaa looga hadlay Xaaladaha nabadgalyo daro ee ka jira Gobolka geeska Afrika iyo sidii la isaga kaashan lahaa la dagaalanka Argagixisada iyo Dambiyada Abaabulan.

      

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kulan casha ah la qaatay wafdi ka socda Jabuuti

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xalay hoygiisa casha sharaf ugu sameeyay wafdiga dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti oo Muqdisho u yimid ka qeyb galka xafladda furitaanka kalfadhiga seddaxaad ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ku-xigeennada Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Marwo Sacdiyo Yasiin Xaaji Samatar, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka labada aqal ayaa ka qeyb galay kulanka casha sharafta ah, waxaana laiska xogwareystay wada shaqeynta iyo walaltinimada soo jireenka ah ee reer Jabuuti.

Xoghayaha Xafiiska Joogtada ah ee Baarlamaanka Jabuuti Xildhibaan Saleemaan Daahir Bile ayaa ka mahadceliyay casha sharafta sida maamuska iyo  walaltinimada leh ee loogu soo dhoweeyay Muqdisho, iyagoo xusay walaalaha Jabuuti aanu marti ku aheyn Muqdisho ayna jecel yihiin nabada iyo horumarka balaaran ee uu dalka ku socdo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo ugu dambeyn hadal ka jeediyay kulanka ayaa boggaadiyay wafdiga walaalaha reer Jabuuti islamarkaana ka soo qeyb galay xafladda furitaanka kalfadhiga seddaxaad ee Baarlamaanka 11-aad, isagoo xusay in ay walaltinimada reer Jabuuti ku weyn tahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, lana adkeyn doono wada shaqeynta is dhexgalka bulshada, taas oo ahmiyad siinaysa amniga iyo wadajirka labada wadan.

      

Ciidanka xoogga dalka oo fashiliyay weerar gaadmo ah oo ay damacsanaayeen khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ka hortagay malleeshiyaadka khawaarijta oo isku dayay in ay weerar gaadmo ah kusoo qaadaan magaalada Masagawaay ee Gobalka Gal-gaduud, waxaana halkaasi looga dilay tiro badan oo ka mid argagixisada ah.

Weerarka khawaarijta ayaa yimid xilli madaalayaasha xoogga Dalka ay ka warqabeen weerarka una diyaar garoobeen, ayagoo cashir lama Illaawaan ah u dhigay kooxda naf la caariga ah.

Ciidanka xoogga dalka ayaa haatan sii baacsanaya mallesshiyaadka firxadka ah, sida ay warbaahinta Qaranka u sheegeen saraakiisha hoggaamineysa howl galka.

Hadal jeedinta madaxweynaha ee furitaanka kalfadhiga 3-aad ee Baarlamanka

1. Guddoonka labada gole ee BFS;

2. Ra’iisul Wasaaraha XFS

3. Xildhibaanada labada gole ee BFS;

4. Mudanayaal iyo marwooyin.

Assalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu;

Ugu horreyn, waxaan u mahadcelinayaa ALLE SWT ee inoogu nimceeyay in si nabad ah isugu nimaanno goobtaan si aan u gudano waajib ka mid ah waajibaadyada ay shacabkeena inoo xilsaaray.

Marka xigta, waxaan doonayaa in aan si rasmi ah hortiina idin kugu boggaadiyo xilgudashadiinii xeerdejineed ee Kal-fadhigii 2aad kaasi oo aad ku ansixiseen kow iyo toban sharci oo muhiim u ah fulinta danaha Qaranka sida adkaynta amniga, korriinka dhaqaalaha iyo soo celinta iyo hagaajinta adeegyada asaasiga u ah shacabkeena oo uu ugu horreeyo aqoonsiga Qaranka. Sidoo kale, waxaan idinku boggaadinayaa dhisidda Guddiga Barlamaaniga ah ee u xilsaaran dib-u-eegista, la-socodka iyo hirgelinta Dastuurka iyo ansixinta xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee dib-u-eegista iyo dhaqangelinta Dastuurka kuwaas oo hormuud u ah dedaalka dhammaystirka dib-u-eegista Dastuurka.

Hadaljeedintayda furidda Kal-fadhiga 3aad waxaan ku dul-istaagayaa arrimo ay ugu muhiimsan yihiin: amniga; qaabaynta nidaamkeena siyaasadeed iyo dhammaystirka arrimaha masiiriga u ah Qaran-dhiskeena iyo horumarrada laga sameeyay dhaqaalaha iyo kobcintiisa.

1. AMNIGA:

Markii xilka dalka la ii doortay bishi May 2022, amniga dalka waxaa uu ku sugnaa xaalad aad u murugsan. Waxaan la kowsannay oo aan dhaxalnay ciidan si weyn u kala qaybsan oo faraha kula jira siyaasadda. Waxaan durbadiiba qaadannay tilaabooyin dhiig-joojin ah iyo kuwa ku saleysan istraatiijiyada mustaqbalka dhow iyo midka fogba.

Maanta oo aan xilka hayno muddo sannad ah, waxaan ku guuleysannay inaan xaalad middi hore aad uga wanaagsan oo lagu faani karo suurtagelinno. Waxaan dib u habaynay ciidamadda, waxaana dib u soo celinnay kala dambeyntooda iyo wada shaqayntooda kana fogeeynay in ay ku milmaan siyaasadda.

Dadaaladaas iyo kuwa kaleba, waxey inoo sahleen in howgallada dib-u-hanashada amniga dalka iyo ciribtirka Khawaarijta Al-shabaab laga soo hoyo guulo waaweyn wax ku ool ah. Waxaa dib loo hantay oo gacanta geesiyaalka ciidamadda Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed soo galay dhul aad u ballaaran oo muddo toban sano ka badan ay ka talinayeen Khawaarijta Al-shabaab. Goor dhow, waxaa dib u billaanabanaa wejiga 2aad ee howlgalladaasi kaasi oo noqonayaa midka lagu soo afjarayo jiritaanka Khawaarijta Al-shabaab haddii ALLE oggolaado.

Khawaarijta Al-shabaab waa cudur daawadiisu tahay dabargoyn. Dowladda aan anigu hoggaamiyana waxaa ka go’an in la ciribtiro Al-shabaab, loogu tago goob iyo god kasta oo ay ku jiraan. Waxaan aamminsanahay in dagaalkoodu yahay waajib diini ah oo ay tahay inuu qof kasta oo muslim ah ka qaybqaato.

Annagoo aragtidaasi ka duuleyna ayaan abaabulnay culumaa’udiinka Soomaaliyeed, waxayna si geesinimo leh uga soo saareen fatwo diini ah oo ku aaddan Khawaarijnimada Al-shabaab. Waxaan, sidoo kale, taageero iyo garab istaag uga raadsanay cid kasta oo nala garabgeli karta dagaalka xaqa ah ee aan kula jirno khawaarijta sida arxanka darrada ah u hortaaggan in dadkeenu ku noolaadaan nolol karaama leh.

Waxaan rabaa in aan labada gole ee Barlamaankeena sharafta leh hortiisa hoosta uga xariiqo in dagaalka Al-shabaab uusan ahayn mid siyaasad geli kara. Dhiigga iyo amniga shacabka Soomaaliyeed ma ah mid siyaasad iyo gorgortankeeduba ka furan yihiin. Sidaa daraaddeed, waxaan aaminsanahay iney waajib tahay in laga fogaado isqabqabsi kasta oo siyaasadeed oo fursad looga mashquulo u abuuri kara Khawaaarijta Al-shabaab.

Haddii aan intaasi uga gudbo dedaalkeena ku aaddan ciribtirka Khawaarijta, waxaan doonayaa in aan idin la wadaago shaqada baaxadda leh ee ka qabsoontay sugidda amniga Caasimadda oo isbeddel badan laga dareemayo. Isbeddelkaas wuxuu ku yimid dib u habeyn iyo dib u eegis lagu sameeyay hay’addaha amniga ee caasimada ka howlgala iyo wadashaqayntooda. Waxaan sidoo kale la kordhiyay tirada ciidanka ee sugayo amniga caasimada kuwaas oo qaatay tababbar ciidan oo aad u sarreeya lehna anshax wanaagsan oo ay kula dhaqmaan shacabka ay ilaalinayaan sharaftooda iyo badqabkooda.

Sidoo kale, dhismaha iyo tayeynta ciidamada ayaan sii labo jibaarnay waxaana inoo suurtagashay in qaar kamid ah saaxiibada caalamka ay inaga saacideen tabobarka kumanaan ciidan ah oo la wareegi doono sugidda amniga iyo kala dambeynta dalka. Ciidamada cusub ee aan tababarnay mudada aan xafiiska joognay waa dhalinyaro Soomaaliyeed oo laga soo xulay dhammaan deegaanada dalka, waxeyna dhabbo cusub u jeexi doonaan soo celinta sharafka iyo karaamada dalkeena.

2. DHAMMAYSTIRKA HOWLAHA MASIIRIGA U AH QARAN-DHISKEENA

Mudanayaal iyo Marwooyin, sida aad ogtihiinba, tan iyo markii la ii doortay xilka Madaxweynaha JFS waxaan guddoomiyay lix kulan oo Golaha Wadatashiga Qaran oo ah madal lagu gorfeeyo heshiis-siyaasadeedna looga gaaro arrimaha masiiriga ah ee Qarankeena horyaalla oo ugu horreeyaan federaalaynta dalka iyo ilaalinta wadajirka iyo midnimada dalka iyo dadkaba.

Mahad haka gaartee ALLE SWT, kulamaddii u qabsoomay Golaha Wadatashiga Qaran, waxaa ka soo baxay heshiisyo siyaasadeed oo tobankii sano ee la soo dhaafay horay loo dhaqaajin waayay. Waxaa heshiis siyaasadeed laga gaaray arrimaha ay ka mid yihiin:

1. Hannaanka Doorashooyinka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

2. Astaynta awoodaha hay’adaha dowladda ee heerarka kala duwan.

3. Federaalaynta nidaamka garsoorka dalka.

4. Federaalaynta aarimaha maaliyadda.

5. Qaabaynta amniga Qaranka.

Heshiisyadaan waa kuwo siyaasadeed oo ay dhici karto, mararaka qaar, in Golaha Wadatashiga Qaranka ku kala aragti duwanaa. Hase yeeshee, Waxaanan la isku diidanayn oo aan la isku colaadinayn in qof ama hay’ad ay ka yeelan karto aragti gaar u ah. Hase yeeshe, waxaa muhiim ah in aragtidaasi noqon dabar ku xiran dhammeystirka howlaha masiiriga ah ee dowlad dhiska gaar ahaan Dastuurka JFS oo aan heshiis kunnahay in la qabyo tiro

Mudanayaal iyo marwooyin;

Sida aad la socotaan, dhismaha jamhuuriyadda 3aad ee ka soo billawday Carta wuxuu jirsaday 23 sano isagoo soo maray duruufo iyo marxalado kala duwan. Muddadaasi 23ka sano ah talada dowladnimadu waxay marba gacanta ugu jirtay siyaasi, oday dhaqameed iyo ergo tiradoodu kooban tahay iyadoo mar kasta ay maqnayd kaalintii ay lahaayeen muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ay ahayd in dowladoodu noqoto mid ku timid kuna shaqaysa rabitaankooda. Tani waxay keentay in dowladnimadeenna aan u maareyn weyno sida dadyowga kale ee dunida u maareeyaan dowladnimadooda.

Sidoo kale, Xaaladdaasi waxay sababtay in dowladnimadeenna iyo dadkeenuba noqdaan kuwo ku nool cabsi, argagax, gargaar iyo kaalmo dibadda uga timaada iyadoo dalkeenu lagu sheego inuu yahay dal hodan ah oo ALLE SWT ku mannaystay khayraad kala duwan.

Si arrimahaasi aan soo sheegay looga gudbo, waxaan u baahannahay in aan dib isu qiimayno oo aan guddoonsanno talo aan uga baxno hubanti la’aanta ku hareeraysan guud ahaan mustaqbalkeenna gaar ahaan dowladnimaadeena isla markaasna aan gaarsiinno in dadkeenu ka baxaan gacan hoorsiga iyo faqriga una dhaqaaqaan dhinaca horumarka, isku filnaanshaha iyo hodantinimada kuwaas oo ku imaan kara in dalkeenna u helno maalgelin gudaha iyo mid dibedda ahba kuwaas oo ku xiran in dowladnimadeenu tahay mid ku dhisan talada dadkeeda iyo sarraynta sharciga.

Sidaaa daraaddeed, Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) wuxuu gaaray go’aanno siyaasadeed oo billow wanaagsan u ah talo u dhaxaysa dadkoo dhan. Golaha Wadatashiga Qaranku wuxuu ku heshiiyay in la dhiso dowlad sharciyad leh, ku dhisan rabitaanka shacabka Soomaaliyeed oo qaadi karta himiladooda.

Goluhu wuxuu isku raacay in talada loo celiyo muwaadiniinta Soomaaliyeed oo la siiyo fursad ay ku doortaan cidda ay ku aamminayaan dowladnimada ha noqoto heerka dowladaha hoose oo ay ka mid yihiin deegaannaddii laga xorreeyay ama, haddii Alla idmo, laga xoreyn doono khawaarijta Al-shabaab ee heerarka dowladaha hoose, DXDF ama golayaasha Dowladda Federaalka. Sidoo kale, Goluhu wuxuu isku raacay in jaanta isla helaan heerarka dowladeed ee aan kor ku soo sheegay. Intaa waxaa dheer in Goluhu ku talinayo in nidaamka xukun-hoggaamineed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya noqdo madaxtooyo oo gacan ka gaysan kara in isqabqabsiga siyaasadeed ee horay loo soo arki jiray looga gudbo.

Mudanayaal iyo marwooyin, Baarlammaanka sharafta leh;

Waxaan rabaa in dadka Soomaaliyeed ka meyro welwelka, walbahaarka iyo cabsida laga dhex tusiyay heshiisyada siyaasadeed ee Golaha Wadatashiga Qaranku gaaray. Waxaan rabaa inaan Shacabka Soomaaliyeed u caddeeyo in heshiisyadaani yihiin TALLABTII KOWWAAD EE LOO QAADAY DHANKA SAFAR KUN KM AH,. Heshiisyadaan Waxaa u dhimman talada Shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha dowliga ah ee matala shacabka Soomaaliyeed oo uu ugu horreeyo Barlamaanka Federaalka Soomaaliya. Ma jirto cid dadka Soomaaliyeed ku xukumi karta xoog iyo dirqin. Ujeeddada go’aannada Goluhu gaaray ayaa ah in talada siyaasadeed ee dalka dib loogu celiyo Shacabka Soomaaliyeed.

Sidaa daraaddeed, waxaan rabaa inaan kula dardaarmo dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed in HAYAANKA LOOGA GUURAYO FADHIIDNIMADA SIYAASADEED ee DHISMAHA DOWLAD QARAN aan laga RAADIN dano siyaasadeed, balse lagu eego dareen u adeegaya dadaalkeena wadajirka ah ee an dib ugu yegleelayno dhismaha dowlad qaran ee si dhab ah u hanaqaadda.

Ugu dambayn, waxaan ka codsanayaa Barlamaanka Federaalka Soomaaliya in inta uu ku gudajiro Kal-fadhigiisa 3aad siiyo mudnaanta ugu sarraysa iskuna howlo dhammaystirka dib-u-eegista Dastuurka isagoo ku salaynaya heshiisyada siyaasadeed ee uu gaaray Golaha Wadatashiga Qaranka, si fursad loo siiyo muwaadin kasta oo doonaya inuu taladiisa ku kordhiyo dhammaystirka dib-u-eegista Dastuurka iyo sidoo kale hortabin siinta sharciyada kale ee muhiimka u ah xoojinta qeybaha kala duwan ee horumarinta dowlad dhisidda sida sharciga XAFIISKA HANTI-DHOWRAHA GUUD EE DOWLADDA

3. DHAQAALAHA

Mudanayaal iyo marwooyin;

Haddii aan u soo noqdo Dhinaca dhaqaalaha waxaa howl wanaagsan laga qabtay dhammaystirka daynt-cafinta dalkeena oo fure u noqon doonta in aan awood u yeelano kobcinta dhaqaalaheena sida fududeynta maalgashiga gudaha iyo kan dibaddaba ee khayraadka kala duwan ee dalkeenu leeyahay oo taniyo markii ALLE SWT nagu manaystay aynaan si waxtar leh uga faa’iidaysan.

Xildhibaannada sharafta lahoow, walaalayaa, Sida aad ogsoon tihiin, arrinka dayn-cafinta waa mid soo socday muddo toban sano ah oo saddax dowladood isaga kala dambeeyeen. Waxaan boggaadinayaa in geedi-socodka dayn-cafintu uu marwaliba ahaa mid ka caaggan siyaasad oo labada heer xukuumadeed oo Jamhuuriyadda ay si wadajir uga shaqaynayeen in nagala cafiyo daynta.

Arrinkaasi wuxuu suurageliyay in aan buuxinno sideetan boqolkiiba (80%) shuruudihii ku xirnaa dayn-cafinta, waxaana filaynaa in dabayaaqada sannadkaan, 2023, nalaga cafiyo deynta kaddib 10 sanno oo aan ku soo jirnay geeddi-socodka deyn cafinta.

Si la mid ah arrinka la dagaalanka Khawaarijta iyo adkaynta amniga dalka, waxaan rabaa in halkaan ka caddeeyo in dayn-cafintu tahay mid uu shacabkeennu ku dheefsan doonaan Ilaahey idinkiis. Sidaa daraaddeed, dayn-cafintu waa in ay noqotaa mid ka caaggan siyaasad oo aan lagu tolin rabitaannada siyaasadeed ee kala duwan ee siyaasiyiinta dhex oolli kara. Si kale haddii aan u dhigo, dayn-cafintu siyaasadayn ma geli karto.

Mudanayaal iyo marwooyin;

Waxaan doonayaa inaan boggaadiyo dedaalka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya billowday ee ku abbaaran la-dagaalanka musuq maasuqa iyo xatooyada xoolaha dadweynaha. Marna loo dulqaadan maayo in shillinka laga soo qaado wadaha bajaajta, gobadha jidka hareertiisa ku gadda shaahiga, ganacsadaha kale iyo qof kasta oo magaca dowladnimo looga qaado xoolo in qof ku dheefsado oo guryo iyo hanti ka sameeysto. Waxaa naga go’an in cid kasta oo xadda xoolaha dadweynaha la marsiiyo waxa uu sharcigu ka qabo oo aanan la isugu aabbayeelin. Fariintayda ayaa ah “ Xoolaha dadweynaha hala nabadgeliyo.”

Ugu dambayn, waxaan hadaljeedintayda ku soo gunnaanadayaa si waafaqsan qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya in Kal-fadhiga 3aad ee Barlamaanka FS uu inoo furan yahay.

 

WA BILLAAHI TOWFIIQ

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka XFS oo khudbad ka jeediyay shir looga hadlayay hormarinta Caafimadka dalka

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada XFS Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam ayaa khudbad ka jeediyay shir-doceed looga hadlayay sidii loogu heli lahaa xarumaha Caafimaadka koronto ku shaqaysa cadceedda.

Shir-doceedka oo ka mid ah shirar doceedka ka garab dhacaya shirka Madasha Caafimaadka Adduunka ee ka socda Xarrunta Qaramadda Midoobay ee magaalada Geneva ayaa waxaa soo abaabulay Haayada UNOPS.

Waxaa shirkan kasoo qayb galay Wasiiro Caafimaad oo ka kala socday Wadamada kala ah Ethiopia iyo Sierra Leone. Waxaa dhanka kale shirka kasoo qayb galay Hey’ado farabadan oo ka shaqeeya arrimaha Caafimaadka.

Shirkan ayaa wadankeena Soomaaliya wuxuu u lahaa muhiimad gaar ah, waayo wuxuu indhaha beesha Caalamka kusoo jeediyay doorka tamarta qoraxdu ay ka qaadan karto horrumarinta bixinta adeegga Caafimaadka, iyadoo Wasaaradda Caafimaadka waayadii u danbeeyay ay waday dadaalo xarrumaha Caafimaadka lagu gaadhsiinayo korantada laga dhalliyo tamarta qoraxda.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya Dr. Ali Haji Adam ayaa shirka ka sheegay in Dawlada Soomaaliya ay ka go’antahay in la horumariyo nidaam Caafimaad oo kor u qaada bixinta adeeg Caafimaad oo aan saamayn xun ku reebin shacabka iyo deegaanada Soomaaliyeed, waxa uuna sidoo kale Wasiirku sheegay in ay ka go’antahay Wasaaradda Caafimaadka in xarrumaha Caafimaadka dalka lawada gaadhsiiyo korontada laga dhalliyo tamarka qoraxda.

 

  

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay Kal-fadhiga golaha Baarlamaanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo si rasmi maanta u daah-furay kalfadhiga 3-aad ee Baarlamaanka JFS ayaa bogaadiyay shaqada Baarlamaanka ka qabteen kala fadhigii labaad kaasi oo ay ku ansixiyeen 11 sharci.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale golaha codsaday inay sameeyaan gudiyada ku shaqada leh dib u eegista sharciga ee Baarlamaaniga ah, isagoo ku nuux nuuxsaday muhiimada ay leedahay in la helo sharci dhamaystiran oo aan qabyo ahayn laguna qoray lagu diyaarayay dalka oo ay ka shaqeeyeen khuburo Soomaali ah kana tarjumaya baahida ummadda Soomaaliyeed. Sidoo kale madaxweynaha ayaa bogaadiyay ciidamada Qaranka oo dagaalka kula jira khawaarijta Al-shabaab.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wacad ku maray in uu ciribtirayo Khawaarijta ” waxaa iga go’an oo balan ah in aan ciribtirno khawaarijta Al-shabaab,”

“kaalinta culimada Soomaaliyeed ee iftooday in Al-shabaab ay khawaarij yihiin la dagaalankooda waajib yahay dhan malatari iyo dhan fikirba, waxaan raadinay dadaal aan u galnay cid walba oo naga saacidi karta dagaalka xaqqa ah ee aan kula jirno khawaarijta arxanka daran iyo ka ciribtir guud ahaanba dalka” ayuu yiri madaxweyne Xasan.