Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Magaalada Baraawe

Madaxweynaha Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diiran loogu soo dhoweyey Magaalada Baraawe ee Caasimada Dowlada Goboleedyada Koonfur Galbeed.

Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Dowlada Koonfur Galbeed, Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose,Maamulka Caasimada Baraawe iyo Qeybaha kala duwan Bulshada ayaa wafdiga Madaxweynaha kusoo dhoweeyey Garoonka Diyaaradaha Magaalo xeebedka Baraawe.

  

Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Farmaajo oo soo dhoweeyay go’aanadii ka soo baxay shirka golaha Wadatashiga Qaranka

Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhoweeyay go’aanadii ka soo baxay shirka golaha Wadatashiga Qaranka ee ahaa in dalku aado doorasho qof iyo cod ah.
“Waxaan soo dhoweynaynaa mabaadiida guud ee lifaaqa heshiiska hoggaamiyeyaasha Golaha Wadatashiga Qaranka ay gaareen 27/5/2023, gaar ahaan arrimaha khuseeya doorashooyinka heer degmo, dowlad goboleed iyo heer federaal oo ay shacabku si toos ah u dooranayaan wakiilladooda, taas oo ah himilo muddo dheer shacabka Soomaaliyeed ay sugayeen in ay mar kale arkaan madax iyo wakiillo ay codkooda ku doorteen, oo ku salaysan nidaamka xisbiyada badan” Ayuu yiri madaxweyne hore Maxamad Cabdullaahi Farmaajo.

Nuxurka War-murtiyeedka shirka 6-aad ee Golaha Wadashiga Qaran (WARBIXIN)

Shirkan oo ahaa kii 6-aad ee ay isugu yimaadaan Madaxada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamul-goboleedyada Dalka iyo kan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dhawaan ka furmay Magaalada Muqdisho, kaasi oo socday muddo seddex cisho ah ayaa looga hadlay qodobo wax weyn ka tari doona Masiirka Ummadda Soomaaliyeed, jiheynta siyaasadda Dalka iyo qoddobo kale oo muhiim u ah dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.

Shirku intii uu socday waxaa madasha horteeda looga dhageystay warbixin faahfaahsan  oo ku saabsan Dagaalka lagula jiro Kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab looga dhageystay Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo Taliyaha Ciidan Xoogga Dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raage, iyagoo aad ugu dheeraday guuliha la gaaray ilaa iyo hadda , waxayna xuseen in dhawaan la soo afjari doono wajiga 1-aad, loona gudbi doono wajiga 2-aad, kaasi oo lagu wado in laga bilaabo deegaannada dhaca Webiga Jiinkiisa.

Kadib falanqeyn iyo fikir is weydaarsi waxaa  Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee madaxda dowladda federaalka iyo madaxda dowlad goboleedyada lagu soo gaba-gebeeyey magaalada Muqdisho, waxaana laga soo saaray toddoba qodob, Shirka waxaa ka qeyb-galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Dr: Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xamsa Cabdi Barre, Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Saalax Axmed Jaamac, iyo shanta Madaxweyne Maamul goboleed ee Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe Jubbaland , Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) Koonfur galbeed, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor Galmudug, Cali Cabdullahi Xuseen GuudlaaweHirshabeelle iyo Maamulka Gobolka Banaadir Shiikh Yuusuf Madaale.

Golaha wadatashiga Qaran ayaa kulankooda uga dooday ajendayaal muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen Hanaanka Doorashooyinka Dalka, xaaladda Amniga Dalka gaar ahaan u diyaar garowga Wejiga 2-aad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Argagaxisada ah ee Al-shabaab, islamarkaana lagu ciribtirayo kooxdaasi, dhameystirka deyn cafinta, fulinta heshiisyadii hore ay goluhu hore u gaareen, arrimaha fatahaadaha ee webiyada Shabeelle iyo Jubba iyo khasarooyinkii ka dhashay, waxayna ugu dambeyntii ka soo saareen qodobo dhowr ah, waxaana iyadoo la tixraacayo heshiisyadii iyo War-murtiyadeedyadii ka soo baxay shirarkii hore ee Golaha wadatashiga Qaran, Goluhu waxa uu ka wada hadlay, kuma heshiiyay Qodobada ay ka mid ahaayeen:-

Qodob ka hadlaayay arrimaha Amniga, Golaha wadatashiga Qaran waxa uu bogaadinayaa guulaha laga gaaray Istaraatiijayada Qaran ee la dagaalanka Argagaxisada eek u aadan howlgalada dhanka Militariga ah oo ay horsed ka yihiin Ciidan Xoogga Dalka oo kaashanaya Sgacabka Soomaaliyeed, kuwaasi oo horseeday xasiloonida guud ee Dalka gaar ahaan amniga Caasimadda.

Qodobada ugu muhiimsan ee ka soo baxay shirka wadatashiga waxaa kaloo ka mid ahaa qodob ka hadlaayay Doorashooyinka oo muhiimaddiisa lahaa waxa uuna u qornaa sidan:-

Goluhu isagoo ka ambaqaadaya hanaanka doorashooyin ayaa waxa uu goaan kun gaaray 1. HANAANKA DOORASHOOYINKA. A)Golaha wadashiga Qaran waxa uu ku heshiiyay in dalka oo dhan ay ka dhacdo doorasho Qof iyo Cod ah oo ay ku tartamayaan Laba Xisbi Qaran oo kaliya.

  1. B) Hanaanka Doorashooyinka Dalka wuxuu noqonayaa nidaamka Matalaadda isu dheelitiran ee Liiska Xiran.
  2. c) Liisaaska Xisbi walba waa inaysan ka badnaa labalaab kuraasta loo tartamaayo

Qodobka 2-aad ayaa ayaa ka hadlaayay deegaan doorashada oo isna sidan u qoran:-  Goluhu waxa uu ku heshiiyay in Kuraasta loo tartamaayo lagu soo doorto Hal deegaan dootrasho.

Qodobka ka hadlaaya Doorashada Baaarlamaanka waxaa lagu tartamayaa habka Xisbiyada badan.

Qodobka 6-aad ayaa sheegaya in a) xubnaga Golaha deegaanka waxaa si toos ah u soo doooranaya bulshada Deegaanka. B) Kuraasta Golaha deegaanka waxaa ku tartamaya Urur Siyaasadeedyada. C)labada Urur siyaasadeed ee ugu codka badan ayaa noqonaya ee labada Xisbi Qaran ee uu Dalku yeelan doono.

Ka dib, bayaankii wadajirka ahaa ee ka soo baxay xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka ee heshiiska rasmiga ah kaga gaaray arrimaha amniga, doorashooyinka iyo dimuqraadiyadda dalka iyo dhaqan gelinta heshiisyadii hore ay u gaareen xubnaha golaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay hareer joogaan xubnaha kale ee golaha Wadatashiga Qaran oo shir jiraa’id u qabtay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyay heshiisyada goluhu ay gaaraan iyo waxyaabihii dhaliyay, isagoo tilmaamay taariikheynta halgankii iyo dadaalkii dheeraa ee loo soo galay Dowlad dhiska iyo dimuqraadiyeynta dalka ayaa tilmaamay in la soo gaaray bar-dhammaad ay adag tahay in lagu sii socdo, wuxuuna carabka ku adkeeyay in lagama-maarmaan ay tahay in talada shacabka lagu celiyo.

” Wuxuu dalku u baahan yahay dib-u-dhis, maalgelin iyo inuu soo kabto dhammaantii, intaas oo dhan waxaa shuruud u ah dalku inuu leeyahay Dowlad sal-ballaaran oo sharciyad ballaaran leh, dadka Soomaaliyeedna si dhab ah u matasha,matelaad duruufo ay keentay waa soo haysan jirnay, walina waa haysanaa, laakiin markan inaan ka sii ballaarino oo matelaad ku saleysan codka shacabka iyo go’aanka shacabka Dowladnimadeennu in ay ku saleysnaato,” ayuu yiri madaxweynaha JFS.

Sidoo kale, Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri” Dalka haddii aan xoreyno, waxa ugu horeeyo uu u baahan yahay waa nidaam xukun ah oo dalka dhan ku baahsan, inta badan dalka oo nimanka Khawaarijta ah ku habsadeen ku fadhiyeen muddada 15ka sano ah maanta inta laga kiciyay iyo inta dhiman ee laga kicin doonaba waxay u baahan yihiin Dowladnimo iyo xukun in la gaarsiiyo”,.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed in ay u diyaargarow-baan doorashadaas qof iyo codka ah, isagoo hoosta ka xariiqay in aysan furneyn waddo kale oo ah in tallada lagu celiyo shacabka.” Waxaan rabnaa dadka Soomaaliyeed walaalayaal meel kasta oo aad joogtaan, waxaan idin leenahay cabsida aan yareyno, shakiga aan ka baxno, 30-sano ka dib, Qof Soomaaliya xoog ku haysan karto malahan, nin isaga shaatigiisa toshay oo iska joogi karo malahan sheekadaas waa soo dhammaatay, dowlad Soomaaliyeed oo is qab-qabsiggeedu yar yahay oo degganaasho siyaasiyaadeed leh ayaa u baahan mahay, dalkan siyaasad qariban tahay ayuu 30-sano meeshan u joogaa,”.

Sidoo kale, madaxweynaha Jamhuuriyadu, qodobada kale ee uu ka hadlay waxaa ka mid ah, dadaalka Dowladdu ay waddo ee Barnaamijka Deyn cafinta oo uu tilmaamay inuu gaba-gabo marayo, ahmiyadda Barnaamijkan ayuu madaxweynihu si weyn u faah faahiyay.” Dalka Deyn cafinta, lacag dhowr bilyan oo Dollar oo Soomaaliya muddo dheer lagu lahaa ayaa laga cafinayaa laga tirayaa, Soomaaliya waxay u yeelaneysaa fursad in ay caalamka la macaamiisho, in ay deyn kale, qaadan karto, in ay dad ajaaniib ah iyo maalgashi toos ah waxa Afka qalaad lagu yiraahdo ( Direct Foreign Investment) in ay heli karto, dadka Soomaaliyeed in ay iyagu dalkooda maalgashan karaan, dadka Ajanabiga ee saaxiibada ah in ay dalka yimaadaan maalgashan karaan, waxay u baahan tahay si dalka loo maalgeliyo Dowlad sharciyad ballaaran dadka ka haysata oo dimuqraadi ah oo codka dadka ku timid,”. Ayuu yiri Mudane Xasan Shiikh Maxamuud.

Madaxda heer federaal iyo heer Dowlad gobolleed ee ku mideysan golaha wadatashiga qaran oo maalmihii la soo dhaafay shir uga socday magaalada Muqdisho ayaa soo saaray bayaan rasmi ah oo ay heshiis ugu gaareen arrimaha doorashooyinka, ammaanka iyo dhaqan gelinta heshiisyadii hore goluhu u gaaray, waana tallaabo hor leh oo hore loo qaaday, qaab siyaasadeed daahfuran.

 

Sawir ceynkee ah ayuu adduunku ka haystaa isku filnaashaha ciidankeenna? (Warbixin).

Siddeed bilood ka hor, Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabkeeda ayaa howlgal culus ku qaadday deegannada Khawaarijtu ay ka joogaan dalka si looga dulqaado bulshada ay dhibaato ba’an ku hayeen.

Si fudud ayay ciidanka xoogga dalka iyo shacabka oo iskaashanaya waxaa u suurta gashay in ay ka xoreeyaan deegaanno iyo degmooyin badan oo muddo ku dhow 15-sano shacabka ku gumaadi jireen.

Howlgalkan lagu ciribtirayay Khawaarijtu wax qeyb ah kama ahayn ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS, kuwaas oo ku ekaa xeryaha ay degan yihin.

” Halka Ssano ee Al-shabaab lala dirirayay oo la daciifiyay waa tan abuurtay yididiilada cusub oo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ku qabi karaan in waqti kooban lagu soo afjaro Khawaarijta Al-shabaab,” ayuu yiri Xuseen macallin oo ah lataliyaha amniga qaran madaxweynaha.

Guulaha ciidamada qaranka ay ka gaareen howlgallada isugu jiray xoreynta Khawaarijta iyo xaqiijinta amniga magaalooyinka ka bad-qaba argagixisada, adduunka, sawir ceynkee ah ayuu ka qaatay isku filnaashaha ciidankeennu?.

” Intii ay Al-shabaab jireen Dowlad Soomaaliyeed waa ay is-hayeen, guulo hore looga soo gaarayna waa jirtay, laakiin, marka loo barbar dhigo record ka waqtiga ee halka sano, dhulka laga xoreeyay, waliba waayadii markii koowaad iyadoo aanan taageero ciidamada ajanabiga oo toos ah laga helin in Dowladda Soomaaliya, iyada iyo ciidankeeda iyo shacabkeeda in dhul aad u ballaaran  awoodday in ay ka xoreysay, taas oo aad u dhiiragelisay dowladihii ajaaniibta ahaa ee Soomaaliya daneynayay nabadeeda in ay ku soo dhiiradaan in taageeradii ay siinayaan Soomaaliya iyo ATMIS in ay dalka u soo wareejiyaan,”,.

Markii uu guuleystay wajiga koowaad ee ciribtirka howlgalka Khawaarijta waxaa jirtay in Dowladda ay gashay is abaabul hor leh, balse taas waxay keentay hadal hayn hor leh oo dhanka Bulshada ah.

Sidoo kale, Taliyaha amniga qaranka madaxweynaha JFS Xuseen Macallin Maxamuud Sheekh ayaa xaqiijiyay in uu socdo diyaargarowga wejiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Khawaarijta.

” Bilihii dambe, dhammeystirka wajiga koowaad, yara gaabis galay wax jiro waaye, laakiin waxaan kuu xaqiijinayaa in diyaargarowgeedii hadda dhammeystiran tahay, inaan maalin hebel ku dhihi karin, laakiin hadda in aysan jirin wax ka dhiman in howshaas la qaado oo go’aan ragga howsh galaayo ay ka dhiman tahay kaliya”.

Ciidamada ATMIS in ay ka baxaan Soomaaliya miyey ku xiran tahay in loo awood sheegto argagixisada Al-shabaab oo hadda dagaal ay kula jiraan ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed?.

Dowladda Soomaaliya waxaa sanadkan iyo sanadka soo ssocdaba hortaalla labo fursadood oo ay ku bixi karaan ciidamada Midowga Afrika ee “ATMIS”, waa midda koowaadee in Dowladda Soomaaliya ay ka guuleysato Khawaarijta Al-shabaab iyo midday labaad oo ah in Dowladdu ay diyaariso ciidamo hannan kara ammaanka Dalkooda.

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ku soo qabtay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

Kadib howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku guda jira baacsiga Khawaarijta firxadka ah ayaa lagu soo qabtay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta Al-Shabab, iyagoo maleeshiyaadkii la socdayna goobtaasi lagu laayay.

Cutubyo ka tirsan qeybta 26-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal amni xaqiijin ah ka wada inta u dhexeysa Galcad iyo Massagawaa ee gobolka Galgaduud  ayaa xalay saq dhexe hawlgal ay ka fuliyeen deegaanka lagu magacaabo, (Baraakta Sheeikh Caamir) waxaa ay ku soo qabteen  Muqtaar Maxamad Maxamuud, magaca afgarashadiisuna tahay  Aw Maxamuud, oo ahaa horjoogihii  sirdoonka Gobolka Galgaduud ugu qaabilsanaa Khawaarijta iyo Caseyr Maxamad Maxamuud (Ayatullah) oo isna u qaabilsanaa Khawaarijta lacagta baadda ah oo  ay ka qaadaan shacabka.

Cismaan Cabdullaahi oo ka tirsan guutadii fulisay howlgalkaasi ayaa Wakaaladda Wararka SONNA u xaqiijiyay in ilaadadii la socotay horjoogayaashaasi  ilaa 8 xubnood oo kamid ah goobtaasi lagu dilay, xili ay ku guda jireen dhibaataynta shacabka Soomaaliyeed.

Ciidamada howlgalkaasi sameeyey ayaa ka soo bilaabay Gobolka Shabeelada Dhexe, iyagoo ku tagay safar dhanka dhulka ah ilaa Gobolka Galgaduud deegaannada Galcad,Massaggawaa iyo Cowsweyne, halkaasi oo xalay hawlgalkaasi lagu soo qabtay horjoogayaasha Khawaarijta.

Saraakiisha ciidamada ayaa ka codsaday shacabka in ay kala shaqeeyaan xogaha ku saabsan Khawaarijta, si guud ahaan looga xoreeyeyo deegaannada ay shacabka ku dhibaataynayaan,iyagoo si gaar ah dhalinyarada ugu baaqay in kaalintooda ay ka qaataan dagaalka lagula jiro cadowga.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh” Dowlad Soomaaliyeed oo is qab-qabsigeedu yar yahay oo deganaansho siyaasadeed leh ayaa u baahan nahay,”

Ka dib, bayaankii wadajirka ahaa ee ka soo baxay xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka ee heshiiska rasmiga ah kaga gaaray arrimaha amniga, doorashooyinka iyo dimuqraadiyadda dalka iyo dhaqan gelinta heshiisyadii hore ay u gaareen xubnaha golaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay hareer joogaan xubnaha kale ee golaha Wadatashiga Qaran oo shir jiraa’id u qabtay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyay heshiisyada goluhu ay gaaraan iyo waxyaabihii dhaliyay.

Madaxweynaha oo hadalkiisa ka bilaabay ka hadlidda iyo ka taariikheynta halgankii iyo dadaalkii dheeraa ee loo soo galay Dowlad dhiska iyo dimuqraadiyeynta dalka ayaa tilmaamay in la soo gaaray bar-dhammaad ay adag tahay in lagu sii socdo, wuxuuna carabka ku adkeeyay in lagama-maarmaan ay tahay in tallada shacabka lagu celiyo.

” Wuxuu dalku u baahan yahay dib-u-dhis, maalgelin iyo inuu soo kabto dhammaantii, intaas oo dhan waxaa shuruud u ah dalku inuu leeyahay Dowlad sal-ballaaran oo sharciyad ballaaran leh, dadka Soomaaliyeedna si dhab ah u matasha,matelaad duruufo ay keentay waa soo haysan jirnay, walina waa haysanaa, laakiin markan inaan ka sii ballaarino oo matelaad ku saleysan codka shacabka iyo go’aanka shacabka Dowladnimadeennu in ay ku saleysnaato,” ayuu yiri madaxweynaha JFS.

Sidoo kale, madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri” Dalka haddii aan xoreyno, waxa ugu horeeyo uu u baahan yahay waa nidaam xukun ah oo dalka dhan ku baahsan, inta badan dalka oo nimanka Khawaarijta ah ku habsadeen ku fadhiyeen muddada 15ka sano ah maanta inta laga kiciyay iyo inta dhiman ee laga kicin doonaba waxay u baahan yihiin Dowladnimo iyo xukun in la gaarsiiyo”,.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed in ay u diyaargarow-baan doorashadaas qof iyo codka ah, isagoo hoosta ka xariiqay in aysan furneyn waddo kale oo ah in tallada lagu celiyo shacabka.

” Waxaan rabnaa dadka Soomaaliyeed walaalayaal meel kasta oo aad joogtaan, waxaan idin leenahay cabsida aan yareyno, shakiga aan ka baxno, 30-sano ka dib, Qof Soomaaliya xoog ku haysan karto malahan, nin isaga shaatigiisa toshay oo iska joogi karo malahan sheekadaas waa soo dhammaatay, dowlad Soomaaliyeed oo is qab-qabsiggeedu yar yahay oo degganaasho siyaasiyaadeed leh ayaa u baahan mahay, dalkan siyaasad qariban tahay ayuu 30-sano meeshan u joogaa,”.

Sidoo kale, madaxweynaha Jamhuuriyadu, qodobada kale ee uu ka hadlay waxaa ka mid ah, dadaalka Dowladdu ay waddo ee Barnaamijka Deyn cafinta oo uu tilmaamay inuu gaba-gabo marayo, ahmiyadda Barnaamijkan ayuu madaxweynihu si weyn u faah faahiyay.

” Dalka Deyn cafinta, lacag dhowr bilyan oo Dollar oo Soomaaliya muddo dheer lagu lahaa ayaa laga cafinayaa laga tirayaa, Soomaaliya waxay u yeelaneysaa fursad in ay caalamka la macaamiisho, in ay deyn kale, qaadan karto, in ay dad ajaaniib ah iyo maalgashi toos ah waxa Afka qalaad lagu yiraahdo ( Direct Foreign Investment) in ay heli karto, dadka Soomaaliyeed in ay iyagu dalkooda maalgashan karaan, dadka Ajanabiga ee saaxiibada ah in ay dalka yimaadaan maalgashan karaan, waxay u baahan tahay si dalka loo maalgeliyo Dowlad sharciyad ballaaran dadka ka haysata oo dimuqraadi ah oo codka dadka ku timid,”.

Madaxda heer federaal iyo heer Dowlad gobolleed ee ku mideysan golaha wadatashiga qaran oo maalmihii la soo dhaafay shir uga socday magaalada Muqdisho ayaa soo saaray bayaan rasmi ah oo ay heshiis ugu gaareen arrimaha doorashooyinka, ammaanka iyo dhaqan gelinta heshiisyadii hore goluhu u gaaray.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeybgaley casho sharaf loo sameeyay xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xamsa Cabdi Barre, oo xalay ka qayb galay Munaasabad casho sharaf ah oo maamulka Gobolka Banaadir u sameeyay xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran, ayaa uga mahadceliyey bulshada caasimadda sida ay ugu dhabar adaygeen marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay dowlad-dhiska Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Muqdisho ay soo ka soo gudubtay dhibaatooyin badan oo isugu jira qax, burbur iyo colaado daba dheeraaday, hadana ay ku socoto jidkii horumarka iyo dib-u-dhiska, bulshadana dib loogu soo celiyey talada, si ay hoggaankooda u soo doortaan.

Sidoo kale, Mudane Xamsa ayaa xusay muddadii ay socdeen shirarkii kala duwanaa ee Golaha Wadatashiga Qaran in la gaaray go’aamo masiiri ah oo ay kamid yihiin, asteynta awoodaha dowliga ah, qaab dhismeedka amniga, hannaanka caddaaladda iyo hannaanka maamulka maaliyadda .

Ra’iisul Wasaara ayaa sheegay in dalka oo yeesho Madaxweyne iyo ku xigeen aysan ka dhignayn in la burburinayo nidaamka federaalka, isaga oo ugu baaqay siyaasiyiinta in la yareeyo walaaca iyo shakiga la xiriira arrintan, ujeedkuna uu yahay in shacabka talada dib loogu celiyo.

Kalfadhiga saddexaad ee labada Gole ee Baarlamaanka JFS oo maanta lagu wado in uu furmo

Waxaa maanta lagu wadaa in uu furmo kalfadhiga saddexaad ee labada gole Baarlamaanka Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya kaa oo uu furi doono madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbadiisii dastuuriga ahayd xildhibaannada ka hor jeedin doonno.

Kalfadhiga saddexaad ee maanta furmayo ayaa xildhibaanada labad Gole waxaa horyaal sharciyo dhowr ah oo muhiim u ah dalka dadka Soomaaliyeed,islamarakan ay soo meelmariyeen Golaha Wasiirada Xukuumadda federaalka Soomaaliya loogana fadhiyo in xildhibaanada ansixiyaan.

Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay qaar ka mid ah Isimada dhaqanka gobollada Sool iyo Sanaag

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay qaar ka mid ah Isimada Dhaqanka Gobollada Sool iyo Sanaag ayaa kala hadlay xaaladda magaalada Laascaanood.

Madaxweynaha ayaa ka dhageystay Isimada Dhaqanka aragtidooda ku aaddan xal u helidda dhibaatada ka taagan Gobolka Sool, isagoo xoogga saarayey sidii loo ilaalin lahaa nabadda, wada-noolaanshaha bulsho iyo xasilloonida deegaannaadaas.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyey baaqii dowladda ee ku wajahnaa dhinacyada ku dagaallamay magaalada, kaas oo salku ku hayey in xal aan xabbad ahayn lagu wajaho xaaaladda, dowladda Federaalka Soomaaliyana ay ka go’an tahay in ay doorkeeda nabadeynta iyo fududeynta wada-xaajoodka ay qaadato, si loo joojiyo dhiigga qulqulaya.

Dhankooda, Isimada Dhaqanka ayaa Madaxweynaha uga mahad-celiyey kulankan iyo soo dhaweynta wanaagsan, waxaa ayna bogaadiyeen mowqifkii Xukuumadda ee masiirka Sool iyo Sanaag, waxa kaloo ay soo bandhigeen aragtidooda ku aaddan xaaladda taagan, dhibaatada jirta iyo caqabadaha nololeed ee soo food-saaray dadka deegaanka kuwaas oo ka dhasahy dagaalka.