Kalfadhiga saddexaad ee labada Gole ee Baarlamaanka JFS oo maanta lagu wado in uu furmo

Waxaa maanta lagu wadaa in uu furmo kalfadhiga saddexaad ee labada gole Baarlamaanka Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya kaa oo uu furi doono madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbadiisii dastuuriga ahayd xildhibaannada ka hor jeedin doonno.

Kalfadhiga saddexaad ee maanta furmayo ayaa xildhibaanada labad Gole waxaa horyaal sharciyo dhowr ah oo muhiim u ah dalka dadka Soomaaliyeed,islamarakan ay soo meelmariyeen Golaha Wasiirada Xukuumadda federaalka Soomaaliya loogana fadhiyo in xildhibaanada ansixiyaan.

Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay qaar ka mid ah Isimada dhaqanka gobollada Sool iyo Sanaag

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay qaar ka mid ah Isimada Dhaqanka Gobollada Sool iyo Sanaag ayaa kala hadlay xaaladda magaalada Laascaanood.

Madaxweynaha ayaa ka dhageystay Isimada Dhaqanka aragtidooda ku aaddan xal u helidda dhibaatada ka taagan Gobolka Sool, isagoo xoogga saarayey sidii loo ilaalin lahaa nabadda, wada-noolaanshaha bulsho iyo xasilloonida deegaannaadaas.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyey baaqii dowladda ee ku wajahnaa dhinacyada ku dagaallamay magaalada, kaas oo salku ku hayey in xal aan xabbad ahayn lagu wajaho xaaaladda, dowladda Federaalka Soomaaliyana ay ka go’an tahay in ay doorkeeda nabadeynta iyo fududeynta wada-xaajoodka ay qaadato, si loo joojiyo dhiigga qulqulaya.

Dhankooda, Isimada Dhaqanka ayaa Madaxweynaha uga mahad-celiyey kulankan iyo soo dhaweynta wanaagsan, waxaa ayna bogaadiyeen mowqifkii Xukuumadda ee masiirka Sool iyo Sanaag, waxa kaloo ay soo bandhigeen aragtidooda ku aaddan xaaladda taagan, dhibaatada jirta iyo caqabadaha nololeed ee soo food-saaray dadka deegaanka kuwaas oo ka dhasahy dagaalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Hambalyo u diray madaxweynaha Turkiga Erdogan oo ku guuleystay doorasho ka dhacday dalkaas

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweynaha Turkiga Erdogan Doorashada ka dhacday dalkaas.

Madaxweynaha Turkiga mudane Rajab Tayib Erdogan ayaa ku guulaystay doorashadii dalalkaasi saakay loo dareeray, isagoo haley 52.87%, halka musharaxa la tartamayay ee mucaaradka uu helay  47.13%, waxaana la tiryay 99% codadkii la dhiibtay.

Guddiga doorashooyinka dalka Turkiga ayaa laga sugayaa inay ku dhawaaqaan natiijada rasmiga ah ee doorashadda.

Madaxweyne Erdogan oo muddo 20 sano ah ka talinayay dalkaas ayaa sidaas ku noqday hoggaamiyaha ugu muddada dheer Turkiga casriga ah, isagoo sii hoggaamin doona Turkiga 5 sano ee soo socota.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo madaxda Dowlad Goboleedka Jubbaland kala hadlay dhismaha Maamulka Gedo

Madaxweynaha Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka kulan kula qaatay madaxda sare ee maamulka Jubbaland oo uu hogaaminayo Madaxweynaha maamulkaas mudane Axmed Maxamed Islaam.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Madaxweyne ku xigeenka koobaad Mudane Maxamuud Sayid Aadan, Xildhibaanada iyo Wasiirada heer Federaal iyo heer Jubaland ku matala gobolka Gedo.

Kulanka ayaa lagaga hadlay xaaladda gobolka Gedo iyo dhismaha maamulka gobolka oo sanadihii la soo dhaafay khilaafaad ka taagnaa.

   

Lataliyihii horjoogaha guud ee khawaarijta oo soo galay gacanta dowladda

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed NISA ayaa shaacisay in gacanta dowladda uu soo galay xubin sare oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-shabaab kaas oo xilal kala duwan ka soo qabtay muddo 16 sano ah oo uu ka mid ahaa kooxda.

Horjooge Cabdiraxmaan Macalin Axmed balse Al-shabaab dhexdooda looga yaqaano, Abuu-Saacid ama Shariif, Xilalka uu Khawaarijta Al-Shabaab ka soo qabtay waxa kamid ahaa qaaddiga Maxkamad beenaadka Gobolka Banaadir, qaadiga guud ee Khawaarijta Al-Shabaab iyo Lataliyihii horjoogihii la khaarijiyay ee Axmed Godane. Madaxii Zakawaadka Gobolka Sh/Hoose iyo kuxigeenka madaxii guud ee Zakawadka Al-Shabaab.

Ugu dambeyn horjooge Cabdiraxmaan Macalin Axmed Abuu Saacid waxa uu soo galay gacanta dowladda, waxaana uu isku soo dhiibay Hay’adda NISA.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay Kulanka Guddiga Joogta aha ee golaha Shacabka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulan aan caadi aheyn, oo ajandihiisu ahaa warbixin soo jeedinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo ajandeynta hindise sharciyeedyada horyaala Golaha Shacabka BJFS kalfadhiga 3-aad.

Guddoomiyaha ayaa warbixintiisa kaga hadlay shaqooyinkii muhiimka ahaa ee Golaha Shacabka u soo qabsoomay labadii kalfadhi ee uu shaqeeynayey Baarlamaanka, isla-markaana lagu ansixiyay shuruuc muhiim u ah dowladnimadda dalka, isagoo xusay in kalfadhigan berri furmaya Golaha ay horyaalaan shaqooyin muhiim u ah hannaanka geedi socodka dowladnimada dalka.

           

Qatar iyo Jaamacadda UPEACE oo kala saxiixday heshiis la xiriira deeq waxbarasho oo heerka PHD ah

Wasiirka Waxbarashada XFS mudane Faarax Sheekh Cabdiqaadir ayaa shalay galinkii dambe goobjoog ka ahaa heshiis la xiriira deeq waxbarasho loogu fidinayo arday Soomaaliyeed , kaas oo ay ka saxiixdeen hay’adda Qatar Charity iyo Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midioobe ee UPEACE.

Deeqdan waxbarasho ayaa waxa loogu tala galay ardey la doonayo in qaataan shahaadada PhD, waxayna daba socotaa ballan-qaadkii uu sanadkii hore sameeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Hassan Sheikh Mohamud, oo sheegay in dowladdiisa ay boqol arday oo Soomaali ah u fidin doonto deeq waxbarasho oo heerka PhD.

Hay’adda Qatar Charity oo laga leeyahay dalka Qadar ayaa iyadoo ka jawaabaysa baaqa Madaxweynaha waxay magaalada Muqdisho kula saxiixatay Jaamacadda UPEACE heshiis ay ugu deeqeyso lacagtii lagu fulin lahaa wajiga hore deeqda waxbarasho oo la siin doono 40-ka arday ee ugu horeeya.

Xafladda saxiixa ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Safiirka Qadar u fadhiya Soomaaliya Dr. Abdullah bin Salem Al Nuaimi, madaxda sare ee Jaamaca Upeace ee Qaarada Africa Prof Samuel Kale Ewusi iyo madaxa hay’adda Qadar Charity ee Soomaaliya Cabdifitah Adan Macalin.

Wasiirka Waxbarashada XFS mudane Faarax Sheekh Cabdiqaadir ayaa sheegay in loo saaray guddi maareeya qaabka loo bixinayo fursooyinka deeqdan waxbarasho.

“Guddiga waxa uu ka koobanyahay xubno matalaya wasaarada waxbarashada, madaxtooyada, hay’adda Qadar Charity iyo Jaamacadda UPEACE. Waxa la qaadi doonaa imtixaan lagu kala saari doona cidda soo dalbata fursooyinkan waxbarasho” ayuu yiri wasiirka.

Madaxa hay’adda Qadar Charity ee Soomaaliya Cabdifitah Adan Macalin. oo sharaxaad ka bixiyey ujeedada laga leeyahay deeqdan waxbarasho waxa uu yiri “Waxa la doonayaa lagu xoojiyo tayeynta tacliinta sare ee Soomaaliya, maadaama Soomaaliya tahay wadan ka soo kabanaya burbur, waxbarashadana u baahantahay tayeyn xooggan”

Madaxa barnaamijada Upeace ee Qaaradda Afrika, Prof Samuel ayaa waxa uu sheegay in talaabadan tahay mid lagu doonayo in lagu xaliyo mushkiladaha haysta Soomaaliya.

“Waxaan doonaynaa in aan xallino dhibaatada dhinaca waxbarashada oo aan kordhinno tayada aqoonyahanada Soomaaliyeed, waana sababta aan bartilmaamayka uga dhiganay heerka waxbarashada sare” ayuu yiri Prof. Samuel.

Barnaamijada PhD-ga ee la qorsheynayo in la maal-geliyo waxa ka mid noqon doona:

1. PhD ee Nabadda, Maamulka, iyo Horumarinta

2. PhD ee Hogaaminta iyo Horumarinta Joogtada ah

3. PhD ee xaalufinta dhulka iyo xaalufinta

4. Ph.D. ee dhaqaalaha buluuga ah, maamulka, iyo amniga badda.

Hindisahani waxa uu muujinayaa horumar la taaban karo oo lagu horumarinayo waxbarashada iyo cilmi baarista Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada nabadda, dowladnimada, horumarka, hoggaaminta waarta, xaalufka dhulka, xaalufka, iyo dhaqaalaha buluugga ah.

Barnaamijkan deeqda waxbarasho waxa uu shaki la’aan ka qayb qaadan doonaa garaadka iyo kobaca aqooneed ee dalka, isagoo kobcinaya jiil cusub oo aqoonyahanno iyo hoggaamiyeyaal ah oo u heellan horumarka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku dhawaaqay in dalku u guuray doorasho qof iyo cod ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxda  Golaha Wada-tashiga Qaran ayaa si wadajir ah u qabtay war-saxaafadeed ay  faahfaahin dheraad ah kaga bixiyeen qodobada kasoo baxay war-murtiyeedka shirkii Golaha watashiga Qaran ee la soo gaba gabeeyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in  muhiim tahay in laga gudbo doorashooyinkii dalka dhaci jiray,islamarakana shacabka Soomaaliyeed ay baahi weyn u qabaan in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah si loog gudbo caqabadaha dalka muddada dheer uu ku soo jiray.

Madaxwenaha ayaa tilmaamay in muddada sanadka ah ee dowladda ay jirtay lagu guuleeystay horumar dhinacyo badan taabanayo oo ay kamid tahay xoreynta degaanno badan oo argagixisada laga saaray,arrimaha Deyn cafinta dalka oo u sheegay in heer gaba-gaba ah ay mareyso,sidoo kalana dalka uu heli doonno fursado maalgashi iyo in dowladda ay qaadan karto lacago deyn ah oo qeyb wey ka qaadan doono dib u dhiska iyo kaabayasha dhaqaale ee dalka.

Madaxweynaha ayaa carabka ku adkeeyay ahmiyada dowladda ee ah in dadka Soomaaliyeed ee ayahooda ka tashtaan oo cida ay rabaan si doorasho qof iyo cod ah ay ku doortaan,dowladuna ay arintaa fududayn  doonto,sidoo kale waxa uu ka hadalay Madaxweynaha xoreynta degaannada dhiman, iyo qorshaha dowladda oo uu sheegay in loo baahan yahay nidaam xukun ah oo dalka dhan ku baahsan laga hirgaliyo degaanadaasi,si bulshada ay u hesho adeega dowladnimo ee ay u baahanyihiin.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale soo hadal qaaday arrimaha gar-gaar ee xiliyada abaaraha iyo fatahaadaha ee bulshda ay sameeynta ku yeshaan,waxa u sheegay in loo baahan yahay in dalkeenno uu ka guuro caawinaad wadamada shisheeye oo ay dadka soomaaliyeed isku filnaadaan ,Soomaaliya dadkeeda sababa ay u baahnaadaan ma jirto ayuu madaxweynu yiri

Dowladdu waxay markii ugu horaysay ku guulaysatay diyaarinta ciidan gaaraya 10,000 oo Askari

Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Xuseen Macalin oo xalay marti  ku ahaa Barnaamijka dood qaran ee ka baxa warbaahinta Qarank ayaa ka waramay waxyaabaha u qabsoomay mudadii sannadka ahayd ee xilka hayeen.

Lataliyaha ayaa sheegay in horumar balaarran laga gaaray dagaalka lagula jiro kooxaha khawaarijta,iyadoo la dhamaystiray xeerarka la dagaalanka kooxaha argagixisadda ah,sidoo kale la taliyaha ayaa xusay in badi qoddobadii cuno qabataynta hubka ee saarneed soomaliya la dhamaystirayo bisha November sanadkaan  loona gudbin doono Golaha Ammaanka si dowladda Soomaliya hub ku filan u soo iibsato.

Dhinaca kale la taliyaha Madaxweynaha ayaa sheegay in markii ugu horaysay Dowladda ku guulaysatay in ay diyaariso ciidan qalabaysan oo tiradooda gaareyso 10,000 oo Askari.

Boliiska oo gacanta ku soo dhigay shaqasi ku eedeeysan dil uu geeystay

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa gacanta kusoo dhigay eedeeysane ay sheegeen in uu horay u dilay Muwaadin uu Mobile ka Gacanta Ka dhacayay.

Taliska Ciidanka Booliska ee Deegaanka Gobadley oo aan la hadalnay ayaa sheegay in eedeysanahaani mudo lagu daba jiray ugu danbeyna gacanta ay kusoo dhigeen ciidanka Boliiska.

Sidoo kale saraakiishu waxa ay inoo sheegeen in ay u gudbin doonaan Hay’adaha Garsoorka ee ku shaqada leh.