Boliiska oo gacanta ku soo dhigay shaqasi ku eedeeysan dil uu geeystay

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa gacanta kusoo dhigay eedeeysane ay sheegeen in uu horay u dilay Muwaadin uu Mobile ka Gacanta Ka dhacayay.

Taliska Ciidanka Booliska ee Deegaanka Gobadley oo aan la hadalnay ayaa sheegay in eedeysanahaani mudo lagu daba jiray ugu danbeyna gacanta ay kusoo dhigeen ciidanka Boliiska.

Sidoo kale saraakiishu waxa ay inoo sheegeen in ay u gudbin doonaan Hay’adaha Garsoorka ee ku shaqada leh.

Taliye xigeenka ciidanka boliiska iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray dalka jabuuti.

:-Taliye kuxigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Cusmaan Cabdulaahi Maxamed (Kaniif) iyo Wafdi Saraakiil Boliis ah oo uu Hoggaaminayo ayaa gaaray Dalka Jabuuti.

Safarka taliyaha iyo xubnaha sarakiisha ah ee la socda ayaa ujeedka safarkoodu yahay ka qeybgalka Xaflada Xiritaanka Tababarka dufacadii 18-aad ee Daraawiishta Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed (MIADIT 18), Ciidankaas oo in muddo ah tababar u jooga dalka Jabuuti, kuwaas oo dhawaan dalka dib ugu soo laaban doona.

   

 

Hannaanka Doorashooyinka Dalka oo go’aan mideysan laga gaaray

): Shirka 6-aad ee golaha wadatashiga qaran oo uu shir-guddoominayay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ayn ka qeyb galeen, Ra’iisal wasaaraha dalka,Ra’iisal wasaare ku-xigeenka, madaxda maamul gobolleedyada Jubbaland,Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo guddoomiyaha gobolka Bamaadir oo Muqdisho ka qabsoomay 24-27-Maajo 2023, ayaa xalay warmurtiyeed laga soo saaray.

Golaha watashiga Qaran ayaa kulankooda uga dooday ajendayaal muhiim ah oo ay ka mid yihiin hannaanka doorashooyinka Dalka, xaaladda amniga dalka gaar ahaan diyaargarowga wejiga labaad ee ciribtirka Khawaarijta, dhammeystirka Deyn cafinta, fulinta heshiisyadii hore goluhu u gaareen, fataahadaha iyo qodobo kale.

Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda federaalk Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa saxaafadda u aqriyay qodobada ka soo shirka oo xalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

Goluhu wuxuu ka wada hadlay kuna wada heshiiyay qodobo badan oo muhiim u ah Dowlad dhiska Soomaaliyo iyo hannaanka dimuqraadiyadda, waxaana qodobka ugu weyn ee shacabka Soomaaliyeed ay sugayeen ahaa in heshiis wadajir ah laga gaaray maamulka doorashooyinka Dalka, sida doorashada golaha shacabka, nidaamka madaxtinimada dalka, mideynta muddada Doorashada,Qoondada haweenka, Somaliland iyo gobolka Banaadir.

Golaha wadatashiga Qaran ayaa ku heshiiyay in Dalka oo dhan ka dhacdo doorasho Qof iyo Cod ah oo ay ku tartamayaan labo xisbi qaran oo kaliya. Hannaanka Doorashooyink Dalka, wuxuu noqonayaa nidaamka matelaadda isku-dheeli-tiran ee liiska xiran ( Proportional Representation Closed-List).

Si loo mideeyo hannaanka doorasho ee hoggaanka JFS, loona dardargeliyo habsami u socodka Dowladnimadeennu, wuxuu goluhu isku raacay in dalka qaato nidaam madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen, waxaana hal warqad ku dooranaya shacabka Jamhuuriyadda Federaalka,iyadoo lagu saleynayo nidaamka Xisbiyada badan.

Waxaa kale oo goluhu ku heshiiyay in doorashooyinka heer federaal iyo heer DXDF noqdaan qof iyo Cod oo shantii sano halmar ah.Doorashada golaha wakiilada DXDF waxay dhici doonaan 30ka June 2024. halka doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka ay dhici doonto 30 November 2024.

Sidoo kale, goluhu ayaa ku heshiiyay in kuraasta lagu tartamayo lagu soo doorto hal deegaan doorasho  ( Single Constituency), sidoo kale, kuraasta golaha shacabka ee loo tartamayo oo ah 275-xubnood oo matalaya dhammaan shacabka Soomaaliyeed oo meel walba ay joogaan ayaa waxaa si toos, madax bannaan oo qarsoodi ah u dooranaya shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xubnaha golaha deegaanka waxaa si toos ah u dooranaya Bulshada deegaanka , kuraasta golaha deegaanka waxaa ku tartamaya urur siyaasadeedyada, waxaana Dalka yeelan doona labada urur siyaasadeed ee ugu cododka badan.

Si loo helo doorasho xor iyo xalaal ah oo leh hal been caalami ah, waxay Dowladda federaalka Soomaaliya xaqiijineysaa xaqa muwaadinka u leeyahay inuu wax doorto Lana doorto.

Heshiiskan, shacabka Soomaaliyeed wuxuu u dhoweynaya xukunka ayaa muddo la naawilayay, waxayna hadda shacabka Soomaaliyeed rejo buuxda ka qabaan in ay doortaan hoggaankooda si ay ula xisaabtamaan.

Waxaa la dhisayaa guddiga madaxa- bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha oo ah hay’ad madax bannaan oo u xilsaaran maamulidda iyo qabashada doorashooyinka kala duwan ee dalka iyo Soohdimaha.

Turkida oo u dareeray doorashada madaxtinimada wareegada labaaad

-Codbixiyayaasha Turkiga ayaa saakay u dareeray goobaha codbixinta, iyagoo dooran doona Madaxweynaha dalkaas xukumi doona shanta sano ee soo socota, kadib markii doorashadii 14-kii May la waayay musharrax gaara codadka lagu guulaysan karo.

Madaxweyne Rajab Tayib Erdogan ayaa loolan adag kala kulmaya Kemal Kilicdaroglu oo ah musharraxa ay wataan mucaaradka, kaasoo wareeggii 1-aad helay 44.9% codadkii la dhiibtay, halka Erdogan uu helay 49.5%.

Sinan Ogan oo kaalinta 3-aad galay, isla markaana helay 5.2% codadkii la dhiibtay ayaa toddobaadkii tagay taageeray madaxweyne Erdogan, taasoo sare u qaadday rejada uu kaga guulaysan karo mucaaradkiisa.

Erdogan oo muddo 20 sano ah ka talinayay dalkaas ayaa rejaynaya in uu noqdo hoggaamiyaha ugu muddada dheer Turkiga casriga ah.

In ka badan 64 milyan oo Turki ah ayaa u diiwaangashan doorashada inay codkooda ka dhiibtaan, waxaana kamid ah 6 milyan oo markii ugu horreysay codeeyey 14-kii May, iyadoo sidoo kale jira 3.4 milyan Turki ah oo 20-24 kii May codadkooda ka dhiibtay dibedda.

Goobaha codbixinta oo la furay goor-dhow ayaa soo xirmi doona ilaa 5-ta galabnimo marka la gaaro.

Xildhibaanno katirsan BJFS oo ka qeybgalay kulanka labaad ee Baarlamaanka lixaad ee Pan-Afrika

Xildhibaanada Baarlamaanka Federalka Soomaaliya ee ka midka ah Baarlamaanka Pan-Afrika oo ay ku mideysan yihiin wadamada midowga Afrika ayaa ka qeyb galay kulanka labaad ee Baarlamaanka lixaad ee Pan-Afrika ugu qabsoomay Xaruntiisa magaalada Johannesburg ee wadanka Koonfur Afrika.

Kulanka Baarlamaanka Afrika ayaa looga hadlay qodobo dhoor ah oo ay ka mid yihiin, halku dhiga sanadkaan ee midowga Afrika ee ah dardargelinta hirgelinta aaga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika, Isbadalka Cimilada, Waxbarashada, socdaalka, dhaqaalaha iyo Amniga, Waxaana si gaar ah looga hadlay dagaalada iyo iska hor imaadyada ka socda qaar ka mid ah wadamada Afrika.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Midoobe oo kulan la yeeshay Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka BJFS

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Proff. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Kulanka oo ahaa booqasho, salaan iyo is-xogwareysi ayuu Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe warbixin ka siiyay Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka BJFS shaqooyinka baaxada leh ee Golaha Shacabka horyaala iyo shuruucdii uu ansixiyay Baarlamaanka 11-aad mudada sanadka ahayd ee uu jiray.

Sidoo kale labo guddoomiye ayaa  isla soo qaaday shuruuc hore oo qabyo aheyd oo u baahneyn dhameystir, taas oo muhiim u ah horumarinta iyo hannaanka geedi-socodka dowladnimadda dalka.

         

Taliyaha Ciidanka Booliska oo kulan lagu dardar galinayo amniga caasimada la yeeshay Saraakiisha howlgalka Ciiltire

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto, Sulub Axmed Firin, ayaa la kulmay Saraakiisha Ciidamada Amaanka ee Howlgalka Ciiltire ka wada Caasimadda.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa sidii loo dardar galin lahaa Sugida Amniga Caasimada, Maadaama muddooyinkii dambe uu ka socday howlgalka Ciiltire ee la dagaalanka Khawarijta, Burcada hubeysan iyo  Maandooriyaha.

Kulanka waxaa qeyb ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye iyo taliyaha Boliiska qeybta guud ee Gobolka Banaadir G/sare Macallin Mahdi.

        

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kormeer ku tagay qaar kamid degmooyinkii laga xorreeyay Khawaarijta

Galcad- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/gaas Odowaa Yuusuf Raage oo ay wehliyaan taliyaha Ciidanka dhulka Gen. Maxamed Tahliil Biixi, Taliyaha Ciidamada Howlgalada Gaarka ah ee dowlada Mareykanka Col John Bishop iyo saraakiil kale ayaa booqday degmooyinka Galcad iyo Aadan-Yabaal oo ka mida degmooyinkii ugu muhiimsanaa ee argagixsadu laga eryay.

Taliyaha xoogga iyo waftigiisa ayaa kormeeray fariisimaha geesiyaasha xoogga dalka, waxaana uu warbixino ka dhageystay saraakiisha naftood hurayaasha ah ee halkaasi ku sugnaa.

     

Wasiiru dowlaha Caafimaadka XFS oo daah-furtay barnaaamijka dardar gelinta dadaallada cudurka dabaysha

Ku simaha ahna wasiiru Dowlaha wasaaradda Caafimaadka Maryama Maxamed Xuseen ayaa maanta daahfurtay Barnaaamijka Derdergelinta Dadaallada Ciribtirks Cudurka Dabaysha.

Inta uu socdo wajiga 1aad ee Ololahaan waxaan talaal lagaarsiin doonaa ilaa tiro dhan 2,500,000 oo caruur ah, kuwaas oo ku nool deeganada ilaa 11 Gobol oo dalka gudahiisa kala duwan ah.

Wasiiru Dowllaha ayaa sheegtay in cudurkani uu beegsado dhallaanka yar oo ah udub dhaxaadka bulshada iyo mustaqbalka Soomaaliya ” Cudurka Ilaa hadda, 31 carruur ah oo aan waxba galabsan ayaa u naafoobay fayraska dabaysha. taas macnaheedu waa in ugu yaraan 31 qoys oo bulshadeenna ah ay la dhibaatoonayaan la tacaalidda masiibada carruurtooda ku habsatay (curyaamid joogta ah), iyadoo la heli karo tallaal waxtar leh oo ka hortagi kara cudurkan haddii carruurta loo dhameestiro tallaalka uu ubaahanyahay”

Wasaaradda Caafimaadka oo gacan ka heleysa Hay’adaha Caalamiga ah ayaa tallaalka iyo saadka kale u diyaarisay si tallaalka loo gaarsiiyo dhammaan carruurta Soomaaliyeed marka laga soo tago dadaallada tallaalka loogu keenayo qoysaska guryahooda jooga xilliyada ololaha tallaalka.

Wasiiru dowlaha ayaa sheegtay inay jirto masuuliyad damiireed oo dhinaca qoysaska ah si loo hubiyo in carruurtooda la tallaalo ma aha oo kaliya inta lagu jiro ololaha laakiin sidoo kale inay carruurtooda geeyaan xarumaha caafimaadka si ay u qaataan tallaalada kale ee muhiimka u ah caruurta ee aan ahayn tallaalka dabaysha.

“Soomaaliya waxay khibrad aad u wanaagsan u leedahay ciribtirka cudurka furuqa, ciribtirka fayraska dabeysha duurjoogta ah ee P1 waxayna xakameysay dillaacii hore ee cVDPV3. Aqoonta, khibradaha iyo agabka ayaa diyaar ah si loo joojiyo cudurka dabaysha ee hadda socda” ayay tiri wasiiru dowlaha Caafimaadka.

Korneel Cismaan Jeelle oo aas qaran loogu sameeyey Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Salaadda Janaasada ku tukaday Alle ha u naxariistee Marxuum Cismaan Maxamed Jeelle oo ka mid ahaa Xubinihii Golaha Sare ee Dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuumku uu door ka soo qaatay dowlad-dhiska Soomaaliya, isagoo soo noqday Wasiir, Duqa Muqdisho iyo Ergey Madaxweyne, kuwaas oo dhammaantood uu ugu shaqeeyey dalkiisa iyo dadkiisa Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa markii ay soo idlaatay salaadda janaasadu waxa uu sigaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska marxuumka oo qaar ka mid ah ay ku kulmeen janaasada, isaga oo Alle uga baryey samir iyo iimaan inuu ka siiyo, marxuumkana Jannatul Firdows geeyo.

Janaasada Marxuum Cismaan Maxamed Jeelle waxaa ka soo qayb galay, Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS, Ra’iisul Wasaaraha XFS,Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaannada Labada Gole iyo masuuliyiin heer gobol.