Wasiiru dowlaha Caafimaadka XFS oo daah-furtay barnaaamijka dardar gelinta dadaallada cudurka dabaysha

Ku simaha ahna wasiiru Dowlaha wasaaradda Caafimaadka Maryama Maxamed Xuseen ayaa maanta daahfurtay Barnaaamijka Derdergelinta Dadaallada Ciribtirks Cudurka Dabaysha.

Inta uu socdo wajiga 1aad ee Ololahaan waxaan talaal lagaarsiin doonaa ilaa tiro dhan 2,500,000 oo caruur ah, kuwaas oo ku nool deeganada ilaa 11 Gobol oo dalka gudahiisa kala duwan ah.

Wasiiru Dowllaha ayaa sheegtay in cudurkani uu beegsado dhallaanka yar oo ah udub dhaxaadka bulshada iyo mustaqbalka Soomaaliya ” Cudurka Ilaa hadda, 31 carruur ah oo aan waxba galabsan ayaa u naafoobay fayraska dabaysha. taas macnaheedu waa in ugu yaraan 31 qoys oo bulshadeenna ah ay la dhibaatoonayaan la tacaalidda masiibada carruurtooda ku habsatay (curyaamid joogta ah), iyadoo la heli karo tallaal waxtar leh oo ka hortagi kara cudurkan haddii carruurta loo dhameestiro tallaalka uu ubaahanyahay”

Wasaaradda Caafimaadka oo gacan ka heleysa Hay’adaha Caalamiga ah ayaa tallaalka iyo saadka kale u diyaarisay si tallaalka loo gaarsiiyo dhammaan carruurta Soomaaliyeed marka laga soo tago dadaallada tallaalka loogu keenayo qoysaska guryahooda jooga xilliyada ololaha tallaalka.

Wasiiru dowlaha ayaa sheegtay inay jirto masuuliyad damiireed oo dhinaca qoysaska ah si loo hubiyo in carruurtooda la tallaalo ma aha oo kaliya inta lagu jiro ololaha laakiin sidoo kale inay carruurtooda geeyaan xarumaha caafimaadka si ay u qaataan tallaalada kale ee muhiimka u ah caruurta ee aan ahayn tallaalka dabaysha.

“Soomaaliya waxay khibrad aad u wanaagsan u leedahay ciribtirka cudurka furuqa, ciribtirka fayraska dabeysha duurjoogta ah ee P1 waxayna xakameysay dillaacii hore ee cVDPV3. Aqoonta, khibradaha iyo agabka ayaa diyaar ah si loo joojiyo cudurka dabaysha ee hadda socda” ayay tiri wasiiru dowlaha Caafimaadka.

Korneel Cismaan Jeelle oo aas qaran loogu sameeyey Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Salaadda Janaasada ku tukaday Alle ha u naxariistee Marxuum Cismaan Maxamed Jeelle oo ka mid ahaa Xubinihii Golaha Sare ee Dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuumku uu door ka soo qaatay dowlad-dhiska Soomaaliya, isagoo soo noqday Wasiir, Duqa Muqdisho iyo Ergey Madaxweyne, kuwaas oo dhammaantood uu ugu shaqeeyey dalkiisa iyo dadkiisa Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa markii ay soo idlaatay salaadda janaasadu waxa uu sigaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska marxuumka oo qaar ka mid ah ay ku kulmeen janaasada, isaga oo Alle uga baryey samir iyo iimaan inuu ka siiyo, marxuumkana Jannatul Firdows geeyo.

Janaasada Marxuum Cismaan Maxamed Jeelle waxaa ka soo qayb galay, Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS, Ra’iisul Wasaaraha XFS,Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaannada Labada Gole iyo masuuliyiin heer gobol.

      

Madaxweynaha JFS oo kulan sagootin ah la qaatay safiirkii hore Maraykanka

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan saagootin ah la qaatay Danjiraha Dowladda Maraykanka ee Soomaaliya Mudane Larry André Jr oo ay dhammaatay muddo-xileedkiisii diblumaasiyadeed ee uu ku joogay dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Danjire Larry, doorka uu ka qaatay xiriirka iyo iskaashiga Labada dal, gaar ahaan gar-gaarka iyo arrimaha binu aadannimada, dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo taageerada dowladnimada Soomaaliya.

Dhankiisa, Danjire Larry André oo Madaxweynaha uga mahad-celiyey kulankan ayaa tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay wada-shaqeynta ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, inta uu ku guda jiray gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan xiriirka iyo iskaashiga diblumaasiyadeed ee ay la leeyihiin dalalka caalamka, si danaha dadka Soomaaliyeed loogu gaaro iskaashi iyo wax- wada-qabsi.

 

Wasiiru dowlahii hore ee Wasaaradda amniga gudaha oo sheegay uu khilaaf soo wajahay khawaarijta

-Wasiiru dawlahii hore ee Wasaaradda amniga gudaha oo ka hadlay khilaafaadka ka  dhex taagan horjoogayaasha kooxaha argagixisada Soomaalida iyo  Ajaanibta ka wada tirsan khawaraarijta  Al-shabaab ayaa sheegay in ay sabab u tahay guul darrooyin is xig-xiga iyo khilaaf sababay in ay kala shakiyaan.

Wasiir, Farxaan Cali  Axmad oo u warramay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in khilaafaadka  ka dhex oogan khawaarijta uu  yimid ka dib Markii ay ku jabeen howlgallada iyo ugaarsiga ay ku hayaan ciidamada dawladda  Sooamaliya, isagoo bogaadiyay istaraatiijiyadda  dagaalka  ee  ay dowladda u dejisay gulufka ka dhanka ah khaawaarijta.

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗞𝘂-x𝗶𝗴𝗲𝗲𝗻𝗸𝗮 𝗼𝗼 𝗱𝗮𝗮𝗵-𝗳𝘂𝗿𝗮𝘆 𝗶𝗺𝘁𝗶𝘅𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝘀𝗵𝗮𝗵a𝗮𝗱𝗶𝗴𝗮 𝗮𝗵 𝗲𝗲 𝗱𝘂𝗴𝘀𝗶𝘆𝗮𝗱𝗮 𝘀𝗮𝗿𝗲

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Jama, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare, kaas oo ka bilawday magaalada Muqdisho iyo Dowlad gobaleedyada dalka.

Imtixaanka Shahaadiga ah ee sannadkan ayaa waxaa u fariistay arday gaaraysa 33,700,  kuwaas oo ku kala galaya 114 xarumood oo ku yaalla gobollada dalka, sida uu sheegay Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa guul u rajeeyey ardayda u fariisanaya imtixaanka shahaaadiga ah, waxuuna ku bogaadiyey wasaaradda  iyo macallimiinta dadaalka ay galiyeen ilaalinta imtixaanka dowliga ah.

Xukuumadda #DanQaran oo ahmiyad gaar ah siineyso kor u qaadidda tayada waxbarashada, ayaa  dhawaan howlgelisay 3,000 oo macallim,  waxaana ardayda Soomaaliyeed laga dhaafay dhaqaalihii ay ka qaadi jirtay hoon-nanbarka imtixaanadka dalka.

     

TIXANAHA SHEEKADA MAANO FAAY (QEYBTA 42-AAD)

Axmed Jaamac intuu dadkaas kadeedan is-dul taagay, ayuu u fiirsaday xiisaha la yaabka leh ee ay bur- saliidka qallalan ku jajabsanayaan, sidii iyagoo ka boobaya diqsiga ku soo qamaamaya ee ay iska yuraynayaan.

Wuxuu soo xasuustay quraacdii udgoonayd ee saaka gurigooda beylahda ku ahayd iyo carruurtoodii wiilkaan la faca ahayd ee quraacdaas macaane caynba, caynka ah baryada iyo khasabka afka loogu gurayey, iyaguna ka biya diidsanaa.

Wuxuu niyadda ka jecleystay in uu hore u soo qaado, ee dadkaan u keeno, quraacdii haraaga ahayd ee saaka adeegayaashoodu daadiyeen. Wuxuu is-yiri, labadaan iyo laba kaleba quraac iyo qado way ugu fillaan lahayd!

Intuu dhaqaaqay buu agagaarkiisa sii fiirfiiriyey. Bal isu eega meeshaan iyo meeshii aan daqiiqado ka hor kafeega ka cabaayey! Baarkii Jubba iyo xaafaddii saraha dhaadheerayd ee cagaarka badnayd ee uu ku dhex yiil.

Xaafaddaas iyo tani maxay iska og yihiin? Waa laba adduun oo la leeyahay waa hal magaalo.

Maxay iska og yihiin carshaantan daydkii ka jajabay, ee digada lo’du hor daadsan tahay iyo dhismihii muraayadaha badnaa, dhererkiisu daruuraha isku shareeray, jardiinada jannada ahi ku meersanayd, baabuurta casriga ahi

hor safnayd, waddada hillaacaysaa isku hor jiidday? Maxay iska og yihiin dadkii haybadda iyo dhaldhalaalka ka muuqdaa iyaga naf ahaantooda cajabinayey, ee baarkaas hoostiisa, halkii aan kafeega ka cabbaayey kuraasta dabacsan ku dangiigay, sharaabka qabow ku fiiqsanayey iyo kuwaan hilfaha leh ee jidka ciriiriga ahe, habaaska badan dhexdiisa, burka qallalan duqsiga ka boobayay, si ay nafta ugu ceshadaan?

Intuu madaxa gilgilay buu waddadii tabaaleysnayd hore u sii qaaday. Muuqaallo kale oo aan farax gelin buu sii dhaafay.

Meel uu maalin hore arkay buu soo gaaray. Garaashka gaboobay ee ganjeellihii iyo gidaarkii hayeyba gaarigu jebiyey markuu midigta ka qabtay, ayuu gartay in uu u dhaw yahay Mashruucii uu u socday.

Hadduu indhaha hore u taagayba waxaa u muuqday geeskii soke ee dhismihii dheeraa ee Mashruuca Sahminta Hawada. Laba daqiiqo ka dibna jaranjartii dheerayd buu cagta saaray, isagoo u sii socda Xafiiskii aabbihi oo ku yaal dabaqa afraad. Markuu dabaqa labaad la sinnaa baa waxaa ka hor yimid Ciise-Dheere oo degdegsan, faylna gacanta ku sita.

“Weey Axmed! iska warran Injineere, maanta soo dheeraatayaa!” Ciise-Dheeraa si farxad leh ugu salaamay.

“Nabad Ciise, see la ahaa?”

“Waa la wanaagsan yahay. Sow la iskama ladna beryahaan la isma arkine?”

“Ciddii ka warran Ciise?”

“Mahadsanid. Buuftaa la hayaa, aad iyo aad. Leylana waa ku soo salaamaysay, mar kasta waxay tiraahdaa Axmed haddaad aragtid igu salaan.”

“Salaamullah. Leyla waa ladan tahay sow ma aha iyo ninkii Burhaan ahaaba?”

“Nabaddooda, yarkaa mar naga hargabsaday, haddase waa iska ladan yahay. Haddee aabbana waa joogaa, malaha asagaad soo gaartaye.”

“Haah, kor buu jiraa sow ma aha?”

“Maya. Hanuunintii baa weli lagu jiraa. Maanta isagaaba khudbadda lahaa.”

“Haah. Illeyn haddaan shaqaalihii arki waayey, saaka waxay ahayd subaxdii hanuuninta!”

“Aahey. Aniga qudhaydu meeshaan jiraye, faylkan oo arrin looga baahday baa la ii soo diray. Waataan ku jiray guddiga shaqaalaha. Ina keen iska dhagayso inta laga soo baxayo, kollay dhawaan waa la soo baxayaaye.”

“Maad iga dhaaftid aan bannaankayga ku sugee, sow arrimo Hay’addiinna u gaar ah ma aha?”

“Ina keen wax qarsoodi ah ma ahee, waa iska hanuunis guude!”

Hoolkii weynaa ee shirarka irridkiisii markay soo gaareen, ayuu Axmed isku yaxyaxay, kuna sigtay inuu dib u laabto. Hase yeeshee, meel uu ka noqon karo ma joogin.

Dhawrkii boqol oo shaqaalaha ahaa, ee dhagaysanayey kudbadda Agaasimaha Guud, ayaa hal mar soo wada eegay. Aabbihi qudhiisu intuu jalleecay, buu hadalkiisii hore ka watay, sidii isagoon arag.

Wuxuu dhexda ka fadhiyey, xusulladana ku cuskanayey miis dheer oo shaqaalaha ka soo horjeeda. Hareerahana waxaa ka fadhiyey Guddiga Shaqaalaha iyo Agaasimayaasha Waaxyaha wixii ka joogay.

TOLOW XAGEEN SHEEKO KA BILLAABAA? (SHEEKO GAABAN

Haddeey Xaajo Joogtaa Wiil ayaa gabar soo gursaday, habeenkii u horreysay Aqal galkooda marki dadki ay ka kala tageen ayaa labadoodi isku so hareen, waxa bilaabatay iney kala xishoodaan, iyago weliba si saa’ida isku xiiseeynayo haddana meel ay wax ka billaabaan ayey garan waayeen.

Wiilkii ayaa go’ansaday inu salaad sunno ah iska tukado marki uu salaaddi ka baxay ayuu duceystay asagoo codka kor u qaadaayo saaxibtiisana maqashiinayo wuxuuna yiri “ ilaahoow xaaskeyga intaad aayar iisoo qaaddo dhabteyda iisoo saar” gabadhii oo ducada maqleysay ayaa intey so kacday tiri “ilaahoow xaggee ii waddaa ilaahoow xaggee ii waddaa” Sey uso socotay ayey dhabtiisa geb ku tiri Kuna fadhiisatay.

Markaasuu farxay oo yiri “Haa Ilaahoow saanaan rabay” Markaaseey Iyana tiri “Haa Haa Ilaahey aad buu kuu jecel yahay”.

XIKMADDU WAXAY KU JIRTA QOFKII ILAAHAY CAQLI GALIYO EE GARKA WEYN OO KALIYA KUMA JIRTO .. QIISO DHEX MARTAY NABI SALEMAAN CS IYO SHIMBIR IYO NIN GAR-WEYN

 

Maalin Maalmaha Ka Mida, Shimbir ayaa dul yimi Berkad Biyo ah,oo markaas dhalinyaro ka cabayso .. Shimbirki wuxuu naftiisa u sheegay in uu sugo inta ay dhalin-yaradaas ka tegayan Berkada, isago u baqay naftiisa in ay wax yelan sida awgedna uu sugo .. Shimbirki wuxu dul heehaababa way tageen, waxaase markiba bedelay, oo goobti Berkada yimi Nin Gar-weyn.

Shimbirkii waqti badan ayu sugayay, in loga darero Berkada si uu uga cabo. wuxu mar-dambe istusay in uu ka cabi-karo madama Wiilashii dhalinyarada ahaa tageen, oo ninkan Garka-weyni anu wax yelayn madama u yahay nin Garweyn-leh .. Shinbirkii wuu soo degay si uu uga cabo Biyaha.

Ninkii Garka-weyna wuxu ku turay dhagax,wuxuna kaga dhacay Isha .. Shimbirkii wuu dulay isgoo ishi balaq tahay, wuxuna u tegay Nebi Suleyman CS oo dacwadisi u soo bandhigay, dabadeed Nebigiina wuxuu amray in loo yeero Ninkii Garka-weyna .. Nebigii CS wuxu weydiyay ma adiga shimbirka wax yelay,oo dhagaxa ku dhuftay .. ninkii wuu qirtay in uu wax yeelay Shimbirka.

Shinbirkii wuxu yiri Nebi Allow Ninku wax ima yelin, lakiin Garkiisan weyn aya wax i yelay.

Sheekada murtideeda waxaa weeye, Haddii aad aragtid Nin weyn oo 60 jir ah amase ka si weyn, oo u bahan in wax lo sheego u sheeg .. hadii aad aragtid Wiil 15 jir ah oo haya arin macquul ah ka dhegayso kuna dhaqan taladiisa .. xikmadu waxay ku jirta,qofkii ilaahay geliyo ee la dono ee Garka weyn oo kaliya kuma jirto

Jiilkan maanta waxan uga digaya, in aan lagu dag-dagin hebel baa Gar-weyn, balse waxaa haboon inaan had iyo jeer xulano shakhsiyaad ku haboon duruufaha iyo xaalada jirta oo dhalinyaradu hormood u tahay

XAQUUQDA SHEEKADA: GOLDOGOB TIMES

 

 

 

HOOYO MACAAN IYO QIIMAHA EEY LEDAHAY?

Waxaan doonaayaa maanta in aan wax yar ka tabto ama ka iraahdo qiimaha ay hooyadu leedahay, ma ahan mid wax halkaan lagu soo koobi karaayo.

Haddaba, waxa lagama maarmaan ah in aan mar kasto

is xasuusino sharafta iyo karaamada ay noo leeday hooyo macaan.

 

Inta aan gudaha u sii gelin nuxuurka hadalkeyga waxaan ka hormarinayaa sheekadan kooban oo xambaarsan xigmad waxayn u dhaceysa sidatan:-

 

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa dhallinyaro badan oo shaqo doon ah leysugu yeeray waxaana loo xayaysiiyay boos shaqo waxaan halkaas soo xadiray dad dhallinyaro u badan oo shahaadoyin wata weliba qaarkood waxay wateen shahaaddooyin ay ka soo qaateen dalal ajnabi ah markii ay soo urureen ayaa waxaa loo sheegay in ay shaqada ay soo doonteen tahay mid adag waayo waa wax soo saar, sharuudaha ku xiranna ay yihiin kuwa hoos ku xusan:

 

1-Saacadaha shaqada waa afar iyo labaatan saac 24/7 habeen iyo maalin

2-Shaqadaaan wax nafis ah ama wax yar oo nasasho lagama yaqaanno

3-wax fasax ah malahan sannadkii oo dhan waad shaqeyneysaa

4-muddada tijaabada ah ee laguugu eegayo inaad tahay shaqaale u qalma shaqada iyo in kale waa sagaal bilood.

 

intaas markii loo sheegay ka dib ayaa la weydiiyay shaqadaan diyar ma

u tihiin?

Waxay ku wada jawaabeen maya maya tan macquul ma ahan intaas markii ay yiraahdeen ayaa waxa loo sheegay in shaqadaas eey wada diideen iyo wax ka dheeri ahba ay qabato hooyo taasoo ay habeen iyo maalinba ku dhex jirto cid u ogna aysan jirin.

Hooyadu ma jirto wax nafis ah oo ay leedahay meel kasta goor kasta horteeda waxaa yaalla shaqo mid guri mid caruur mid odayga guriga mid deris mid qaraabo war qorrax markay soo baxdo ilaa inta ay ka dhaceyso ilaa subaxa xiga waa taagan tahay lama gudi karo abaalkeeda warna maba jiro haddii la yiri jannadii dhammeys lugaha hooyo ayay ku jirtaa ku dhan soo maaha

 

Haddaba, qof walba oo naga mid ahna hooyo sidaas ayay usoo

Korisay habeenkii aan calool galnay ilaa aan ka qaan gaarnay ka dibna guursanay ka dibna caruurtii aan dhalnay nala korisay ilaa iyo heer abuulan.

Haddaba abaalkeeda ma gudi karnaa natiijadii waxay noqotay in dadakii dhallinyarada u badnaa ee shaqada rabay oo dhan inay wada ooyaan ilaa ilintoodu jilbaha dhaafto lana aamusin kari waayo mid walibana waxaa ka soo hartay Allahayoow hooyo dhowr.

Haddaba markaan u soo noqdo dulucda sheekada waa in la xushmeeyo hooyada lana siiyo qiimaha ay bulshada dhexdeeda ku leedahay waayo waxaa la yiraahdaa deen oo dhan waa la bixin karaa ilaa deenta hooyo macaan mooyee.

 

Sideedaba, haddaan idin xasuusiyo hooyo waa labaabka aad

dunida ka soogashay waayo wey ku dhashay, sidoo kalena waa albabka aad jinad

ku gali doonto Insha Allaaha.

 

Hooyadu waa lafdhabarta waxa kasta oo noole ah Gaar ahaan bini’

aadanka wax hubaal ah lafdhabrta iney tahay waxa kaliya ee aan la

aanteet la noolaan Karin, dhanka kale, waxaa muhiim ah in aan dareenno ineey hooyadu tahay qofka ugu samirka badan, dulqaadka badan uguna

xushameynat badan marka loo eego ubadkeeda wiilal iyo gabdhaba

 

hooyadu waa tan ilmeheeda u hibeysaay nolosheed iyo farxadeeda

oo idiil in uu ku nolaado ilmeheeda waxn ogsoonahay qiimaha iyo

 

qiimaha hooyo ilaahey baa qur’aankiisa kariimka ah inoogu sheegay

sidoo kalena Nabigeenna Suuban Scw ayaa inoo iftiimiyay

axaadis aad  u tira badan.

 

marka laga hadlaayo dinta iyo xaqa hooyada xabiibkeen suuban scw ayaa waxa maalin u yimid nin wuxuun ku yiri Rasuulkii Ilaahayoow yaa dadka igu dhaw  iiguna horeya isla markaana aan u wanaag falaa.

Rasuulkuna ninkii wuxuu ugu jawaabay hooyad ninkii ayaa ku celiyay yaa kale haddana hooyada ninkii ayaa celiyay yaa kale haddan hooyada, yaa kale markaas ayuu Rasuulka scw ninikii ugu jawaabay Aabaha.

 

Haddaba halkaas waxaan aragny xaqa eey hooyadu ku dhex leedahay diinta islaamka.

Aan ku sii socde waxaan jecleystay in  aan ku dareensiiyo haddii aad hooyo macan heysato in aad heysato Jinnadii ifka oo dhan hooyo macaan wan ku jecelahy  amaantaata iyo qiimahaaga ma ahan mid intaan lugu soo koobi karo waayo waxaa tahay noloshii adduunka, hooyooy xumaan iyo xanuun eebo kuma bado

xaqiraad kaahay, xafidaadda ku nooloow, dadku ku-xigaal noqoy, xaasid

eebo kadhowr, qabriga iyo xabaashana rabi meel xun kuma dhigo aamiin

 

WQ: Hidaayo Cabdulle Cadow

 

ISBEDALKA DHAQAALE EE KU YIMID GOOBAHA LAGALA WAREEGAY KHAWAARIIJTA

Markii uu billowday dagaalka Ka dhanka ah kooxda khawaarijta Al-Shabaab kana billowday maamullada dalka gaar ahaan maamullada Hir-shabeelle, Galmudug oo ay bilaabeen dadka deekaanka ah oo kaa shanaayo ciidamada xoogga dalka ee SNA ayaa xoreeyey dhamaan degmooyinka labada maamul oo ay ka harsan yihiin dagmooyin fara ku tiris ah.

Kooxda khawaarijta ah ayaa dareemay ciriiri aad u xun oo dhan kasta laga saaray waxaana kooxda khawaariijta ah la soo daristay dhaqaalo xumadii ugu darned.

Sidoo kale, waxaa laga xureeyey deegaanno iyo tuulooyin aad u fara badan taasina waa guusha ay gaareen ciidamada xoogga dalka iyo dadka deegaanka oo iskaa shanaayo waxaana u riyaaqay shucuubta Soomaaliyeed meel kasta oo ay dunida ka joogaan.

Markii kooxda khawaarijta laga xoreeyey deegaanno badan oo ay tobankii sano ee la soo dhaafay ay maamulaayeen oo ay la hareen deegaannadaas ayaa haatan waxaa Ka muuqda deegannadaas horumar.

Waxaa ciidamada xoogga dalka oo kaashanayo dowladdooda billaabeen dib u dhis meel kastoo laga xoreeyo khawaariijta arxanka daran

Haddaba, qabsashada deegaannadaas wax isbaddal dhaqaale maku yimaadeen?.

Haa deegaannada ay xureeyeen Ciidmada xoogga dalka iyo dadka deegaanka ah waxaa ku yimid isbaddal dhaqaale xooggan oo ay la yimaadeen dadka deegaanka ah islamarkaana ay horumarin ku sameeyeen ganacsiyadooda.

Dhaqaalaha waa isha kaliya ee maanta uu dalkeena ku tiirsan yahay, dhaqaalaha sameentiisana bulshada Soomaaliyeed aad ayey ugu wanaagsan yihiin ayada oo sidaas tahay ayey dadkii deegaanka khawaarijta laga qabsaday bilaabeen in ay dhaqaalahoodii horumariyaan oo ay muqdisho iyo gobollada dalka oo dhan u ganacsi doontaan.

taasina waxa ay keentay in dhaqaalihii deegaanadaas uu furfurmo oo uu xoogeysto dhaqaalaha gobollada dalka uu gaaray dhaqaalahood.

Dowladda federaalka Soomaaliyeed ayaa shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gobollada la xureeyey u fududeesay dhaqdhaqaaq-yadooda ganacsi iyada oo jidadkii u furtay magaalooyinkii ay dowladdu u dhistay kaabayaashii bulshada ay u baahnaayeen taasina waxa ay keentay in shacabkii Soomaaliyeed ee xorta noqday ay ganacsiyadii ku dhiiradeen isla markaana ay sameeyeen dhaqaale xoogg leh.

Dalka edatorial.

HADDII DIB LOO SOO CELIYO WARSHADIHII DALKA MAXAA ISKA BADALAAYA NOLASHA BULSHADA

Sodon iyo sadax sano Ka hor dalkeena soomaaliya waxa uu lahaa kaabayaal aad u xooggan oo ay dowladdu iyo dowladdaaha aan saaxiibadanahnay ay maal galin ku sameeyeen kaabayaasha dhaqaale ee dalka oo laga hergaliyey dhamaan gobolada dalka, caasimada magaalada muqisho taasina waxa ay dalka Ka dhigtay mid isku tiirsan oo dadkiisana ay ahaayeen kuwa shaqeysta oo aa noloshooda aysan Ka fekerin baahiyahooda sababtoo ah dowladdu ayaa waxa walba bulshada Soomaaliyeed ay u fududeesay oo ay lacag la aan ogadhigtay sida fasalka kowaad ilaa iyo heer  jaamacad iyo  caafimaadka oo ahaa kuwa lacag la aan ahaayeen.

Warshadihii dalkeena uu sida saaidka ah ugu tiirsanaaa ayaa kala ahaa warshada sonkorta ee mareereey, warshadii burka iyo baasta oo ku tiilijirtay ex kontrool balcad, warshada caanaha, warshada dharka warshada taraqa iyo sigaarka, warshadii kaluunka iyo warshado badan oo dhamaantood ahaayeen kuwa dalka dhaqaalo ahaan ku tiirsanaa islamarkaan dalka baahiyahooda dabooli jiray sidoo kalena ay bulshadii ay Ka heleen shaqooyinka wax ku ool ah.

Hadaba haddii aan u soo noqono su’aashii aheed haddii dib loo soo celiyo warshadihii dalka maxaa iska badalaya noloshii bulshada?.

Wax weyn ayey Ka badaleysaa nolasha bulshada Soomaaliyeed sababtoo ah haddii dib loo soo celiyo warshadihii waa weynaa ee dalka nolasha bulshada Soomaaliyeed waxaa ku imaanaayo isbadal xooggan oo dhankasta ah sida in qofkii uu helaayo shaqo kaafisa nolashiisa, in dadkii ay ku dhiiradaan abuurista beeraha si ay wax oga iibsadaan warshadaha dalka,dowladdii oo dhaqaalo aad u badan Ka heleyso taasi oo wax oga qabaneysa kaabayaasha dhaqaale ee dalka.

Sidoo kale soo celinta warshadaha waxa ay qeeb Ka qaadanayaan in wixii dibada inalooga keeni jiray ee istaagaan balse cagsigeeda in dalkeena soomaaliya uu wax u dhoofiyo wadamada dariska nala ah iyo kuwa afirca oo dhamaantood aan isku baahanahay sababtoo ah waxaa jira wadama aan laheen bad balse waxa ay u baahan yihiin wax soo dhoofashada alaabaha ay u baahan yihiin taasina waxa ay keeni kartaa isdhex gal bulsho iyo dhaqaalihii uu koro oo kobco.

Ugu danbeyn dowladdu waxa loo gabaahan yahay soo celinta warshadaha dalka uu lahaa sababtoo ah dowladdu haddii ay ku dhiirato soo celinta warshadaha waxa ay oga dhignaaneysaa isbadal xooggan in uu ku yimaado dalka, dadka iyo Gobolka sababtuna waxa ay tahay waxaa in bulshadii ay isku baahan yihiin isdhex gal ganacsi marka sidii shacabka Soomaaliyeed ay u helaan alaabo uu dalka soo saaro in ay u iibgeeyaan wadamada dariska ah iyo wadamada africa marka dowladdu waa in ay tilaabo u qaadaa soo celinta warshadaha dalka ee kaabayaasha dhaqaale ee dalka wax weyn Ka badalaya.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan