DHIIRIGELI OO SI FIICAN ULA DHAQAN FARSAMO YAQAANNADA SOOMAALIYEED

Dawarsi waxay ka doorbideen in ay aaminaan xooggooda iyagoo adeegsanaya maskaxdooda iyo fikaradahooda iyagoo mar waliba in la yimaadaan fikrado cusub iyo siday dalka wax cusub ugu soo kordhin lahaayeen,

Sidoo kale, garab raratada ayaa sidoo kale magaaladda daan ilaa ka daan wareega si ay u soo helaan khutul duruuriga noloshooda ay ku maareeyn lahaayeen.

Waxaan ka hadleeyno waa dadka garab raratada ah iyo muruq maalka oo dhiirigelin iyo garabba ka waayey bulshada ay ku dhex nool yihiin, kuwaasoo ah madaalayaal diiday inay caruurtooda u dhintaan gaajo si kastoo loo bahdilo.

Inta badan dadka garab raratada ah waxay si joogto ah u gaaf wareeggaan magaaladda, laamiyada xaafadaha kuwaasoo labada garbood ku sita agab nooc waliba isugu jira, walow ayaamahan dambe la sheego in ay kusoo dhex dhuuntaan khawaariijta haddana sida badan waa dad ay daacad ka tahay in ay shaqeystaan.

Kuwani waxay isugu jiraan rag iyo dumar, caruur iyo dad waa weyn oo nolosha reerahooda ku maareeyaa wareejinta alaabtaan oo ka kooban waxyaabaha laysku carfiyo sida cadarka, baraafuunadda, dharka iyo kabaha.

Runtii waa shaqo dhib badan laakiin sharfan dan ayaa u geysay oo iyaga madooran waxay iska diideen inay dawarsadaan kheyrkooda.

Dadka noocaan ah ayaan wax dhiirigelin ah ka helin bulshadooda haddey ahaan laheyd mid mooraal ah iyo wax ka gadasho ahba, dadka qaar inay wax ka gataan iska daayee way bahdilaan.

Waxaa jiro dhallinayaro lagu tijaabiyo ganacsi oo ay u soo dhiibeen dad ganacsato ah oo eegayo habka ay wax u maareeyaan ama ay u iibiyaan amaba eegayo firfircoonidooda, ka dibna shaqo lagu siiyo haddeey wanaagsanaadaan.

Waxaa jiro caruur yar yar ama hooyooyin da’a ah oo loos ama caday wareejinayo waxaa laga yaabaa inta ay wadaan ba in ay ka yar tahay 100 shillinka Soomaaliga, adoo awooda in aad dhammaan wax ka iibsado haku digan walaal oo ha oran erayo qalbadda ka jebinayo.

Wanaaji oo wax ka iibso haddaad awoodidna dhammaan waxay hayaan ka iibso, ajar bay kuu tahay iyaguna dhiirigelin bay u tahay, sidoo kale caruurta baalashlayaasha ah iyo hooyooyinka guryaha dharka ka soo mayra wanaaji oo dhiira geli, qaarkiin waa ay yasaan ama lacagta ayey ku dhibaan halka qaarna ay ba hadal la wadaagin oo ay iskala weyn yihiin.

Sidoo kale bulshadeena waxaa ku dhex dhibban rag iyo dumar farsamo yaqaaniinta ah oo dunida dahabka looga garanayo, laakiin innaga aan ugu yeerno tumaal iyo bir tumme.

Hadalka wanaagsan waa sadaqo adoo wax wanaajin kara wax ha xumeynin, si wanaagsan ula dhaqan dadkaas haddaad la kulanto.

Ugu dambeyn isku day inaad qof walba oo wax awooda, dowladda iyo shirkadba ay dadkaasi dhiirigelin iyo camal u abuuraan si ay waxsoo saar ugu noqdaan ummadda Soomaaliyeed, waana muhiim in laga faa’ideysto jiilashaan xambaarsan mihnadaha kala duwan.

WQ: Cabdiweli Daljir

NAFTU WAXAY DOONEYSAA IN HOREY LOO SOCDO

Hanka nolosha ee qofku leeyahy ma ahan in uu ahaado mid kooban waxaase loo baahan yahay in uu ahaado mid sarreeysa waayo ma jiro wax aan lagu tallaabsan Karin mana jiro wax la yiraahdo (No Way) mar kastana dariiq ayaa kuu furan.

Dadka adduunka joogaa wey kala han badan yihiin waayo waxaad ku tusaale qaadan kartaa labo canug oo aad dhashay haddii aad weydiiso waxa ay jecel yihiin mustaqbalka in ay noqdaan ayaa mid wuxuu ku dhihi karaa waxaan rabaa in aan noqdo duuliye diyaaradeed midna wuxuu ku dhihi karaa waxaan rabaa in aan noqdo darewal bajaaj .

Inkastoo labaduba ka hadleen labo shaqo , shaqqaduna aaney ceeb ahyn waxaa laga yaabaa in aad halkaas kaga tusaale qaadan karto sida hankoodu kala yahay iyo tiigsigooda sida uu u kala duwan yahay.

Isbedelka iskama yimaado ee waa la raadiyaa waxaana loo galaa dadaal sida ardayga ay ugu adkaaneyso in uu fasalka uu dhigto kaga gudbo ay ku qaadanayso in uu habeeno badan uu ku soo jeedo in uu wax akhriyo si uu imtixaanka ugu guuleysto.

 

Haddaan fiirino Nelson Mandella wuxuu aqbalay dhibtii uu kala kulmay si uu isbeddel ugu sameeyo nolashiisa iyo tan dadkiisa wuxuuna oggolaaday in uu xabsi cidlo ah oo jasiirad ku yaalla u galo gaarista isbedelkaa oo ku adkaa in uu si fudud u gaaro.

Mandella intuu ka daalay gaarista yoolkaa isbedelka ma oran waaan iska fadhiisanayaa ama waan iska dhaafayaa ee wuu sii waday ilaa markii dambe uu is arkay isagoo xor ah oo ah madaxweynaha dadkii iyo dalkii uu noloshiisa  ama cimrigiisa intiisa badan dhibaatada ugu qaatay.

Isbedelka aad dooneysid in aad gaarto marna lagama daalo lagamana hammi jabo , qofka hammi jabi og markiisii horeba kuma talo galin safar dheer oo dhib oo uu noloshiisa ugu carbinayo isbedelka .

Cid kasta, dal kasata iyo umaad kasta ayaa isbedelka u baahan haddii isbedel aan la raadin lahyna dunida kama muuqan laheyn isbededelada iyo horumarka maanta ka jira.

Haddii isbedel raadinta aan lagu taratami lahyn maanta Singabuur, Maleeshiya, Hong kong, Shiinaha iyo kuwo kale maanta safka hore kagama jireen dalalka lagu tiriyo in ay nolosha dadkooda iyo kobocooda dhaqaala kor u qaadeen.

Noloshu waxay dooneysaa in hore loo socdo oo laga guuro meeshii hore uu qofku ugu sugnaa oo uu sameeyo isbedel,

Dadka kama maarmo isbdel in uu sameeyo si uu u horumariyo noloshiisa isla markaana uu tallaabo hore u qaado oo uu muujiyo in uu han leeyahay.

Guusha nolosha iyo si bdelku fadhi kuama yimaadaan ee waxaa loo maraa waddo dheer waxaana ku baxa dadaal fara badan iyo juhidi xad dhaaaf ah taasna waxaad ku ogaan kartaa halka dalal badan oo maanta awood dhaqaale, siyaasad iyo milatari leh ay ka soo bilaabeen iyo halka ay maanata taagan yihiin.

Isbedel raadinta waxaa wax aan si fudud ku imaan waxaana jiri kara caqabado qofka ka hor imaan kara una baahan in uu ka gudbo taas oo ka rabto ad adeyg iyo in uu muujiyo dhabar adeg ogaadana in noloshiisa aanu isbedel ku sameyn Karin haddii aanu aqbalin dhibaatooyinka ka hor imaan kara.

Waa in aad qaadataa fekerka ah in sameynta Nukliyeerka aanay ku imaan fudeyd balse ay jireen caqabado loo soo maray iyo madax xanuun muddo badan lagala kulmay oo la oggolaaday il loo adkeysto ilaa ugu dambeyntii laga gun gaaray.

Haddii aad rabto isbedel ha noqon mid u qaadan waaya waxayaabaha ka hor imanaya , caqabad kasta waxay u baahan tahay in ay hesho qaab maskaxeed degan oo looga gudbo laguna furdaamiyo.

Ha noqon mid carooda oo iska yeel yeela in uusan u adkeysan Karin dhibta uu kala kulmayo si uu isbedel u sameeyo .

WQ: DALKA EDATORIAL

 

 

MUSUQU WAA SAL WEYN YEHEE MASAAR AF WEYN

Wax waliba marka la billaabayo waxay u baahan yihiin in marka hore si fiican loo daraasadeeyo ka dibna loo sameeyo shuruuc adag oo xakameyn karta culeyska jira waxaa loo baahan yahay qowl iyo ficil sidoo kale waa in la helaa daraasadeyn iyo balaan adag, si halkaasi ay uga soo baxaan natiijooyin wax ku ool ah.

Haddaba, arrintaan musuq maasuqa ah maahan wax sahlan hadda ka hor waxaan xasuustaa dowladdii siyaad Barre ayaa waxay la diriri jirtay dhowr waxyaalood oo oo ay markaasi u arkeysay inuu khatar ku ahaa dalka ilaa haatanna ku ah sida qabyaaladda, musuq maasuqa, dib u socodka, afmiinshaarka, dowlad diidka oo iyaga markaas u yaqiineen kacaan diid iyo wax uu ku magacaabi jiray wadaad xume iyo kuwo kale oo fara badan.

Waxaas oo dhanna kuma guuleysanin waayo ma jirin wax istraatiijiyad ah ama nidaam ku wajahan arrinkaas, waxayna u ekeyd laab la kac iyo rag iska celis oo qur ah.

Haddaan u soo noqdo arrinta maanta miiska noo saaran ee musuq maasuqa wuu jecel yahay qof waliba oo soomaali ah in Meesha laga saaro oo dalkaan caddaaladdiisa iyo kala dambeyntiisa dib loo soo celiyo laakiin waa sidee jidka loo marayo.

Horta musuqa lala dagaalayo wuu noocyo badan yahay wuuna midabbo badan yahay wuuxna galay meel walba oo nolosha iyo dhaqanka ka mid ah, balse haddaan soo qaadanno midka galay dhaqaalaha ee xatooyada xoolaha dadweynaha waa midka ugu qatarsan oo dowlad iyo dalba curiyaamin kara, anigoon waxba fara fareyneynin waa la wada ogyahay meelaha uu ku jiro iyo meelaha uu ku badan yahay ee wax ka qabashada u baahan.

Haddaba, siday aniga ila tahay marka ugu horreysaa waa in la helaa oo dib loo soo celiyaa sharcigii xisaabi xil maleh haddaan la xumeynin taasi waa mid wax ka qaban karta la dagaallanka musuqa kaalin weynna ka qaadan karta, ruuxii u bareera xoolaha dadweynaha waa ruux qiyaanay dalka, dadka iyo diinta arrintiisuna waa in la gaarsiiyaa meel aanuu ka soo waaqsan karin, waayo waxay noqotay wax leyska caadeystay oo dadka qaarkiis maba kala oga wixii u bannaan iyo waxii kale, qaarbay isaga darsan tahay xalaasha iyo xaaraanta oo aan midna u aabayeeleynin.

Sidaan idiin sheegay wuu nuucyo badan yahay oo galaangal badan yahay nuuc walbana waa in sidaa si la mid ah loola dagaalaa ilaa dalkaan uu ka xoroobo wax walba oo dhib ku ah, khawaariijta xitaa way adeegsadaan iyagoo soo raacaya fiilada musuqa ka dibna waxay geystaan dhibaato.

Haddaba, si aan uga xorowno dhammaan mushiladaha jira waa in aan dowladdeenna ku garab istaagno soo celinta karaamada iyo sharafta soomaaliya gaarsiinta dalka nolol dhaanta midda aan haatan la tacaaleyno, waayo wixii dadku wada lahaa haddii shaqsi duur la maro waa dhibaato dadka oo dhan taabaneysa.

Gaaladu waxay yiraadaan (La legge e uguale per tutti).

Si taas loo gaaro loogana mira dhaliyo waa in qof waliba soo sheego oo dowladda la wadaago wixii uu arkay haddey argagixiso tahay iyo haddii tuug kale oo dalka boobaya ama dhacaya yahay.

Wada shaqeyntu waa wax wada qabasho iyo in caruurteennu helaan dhaxal wanaagsan oo waara.

In dagaalkaan la adkeeyo waxay horumar weyn u tahay dalka iyo dadka waxayna guul iyo horumar u tahay shacabka iyo dowladda.

Musuq maasuqa waa bar madow oo sida badan lagu sheego dalkeena in laga meyraana tahay waajib saaran muwaadin kasta oo dalkaan u dhashay.

Bilowgaan waxaan u rajeynayaa in uu ku soo dhamaado guul sida amniga caasimadda oo haatan shacabku sida ay doonaan ugu tamashleynayaan.

WQ: Osman Dhiblaawe

 

 

(QISADII XIISAHA BADNEYD EE ABUU CUBEYDA BINU AL-JARRAAX..) (QEYBTA-2-AAD)

Markii uu Abuu Cubeyda u adkeysan waayay arrintaas, ayaa wuxuu seeftiisa kula beegsaday ninkii xaggiisa soo aadayay weliba dhufasho daran oo laba ka-kala dhigtay madaxiisa, sidiina ayuu ninkii dhulka ugu dhacay isagoo dangiigan oo weliba dhintay.

Haddaba, akhristoow ha isku sii wareerin inaad ogaatid qofkaas dhintay kuu yahay. Soow horey umaanan oran, tijaabooyinkii qallafsanaa ee uu soo maray Abuu Cubeyda awgeed wuxuu dhaafay kuwii wax xisaabinayay xisaabtankooda, sidoo kale kuwa wax mala-awaala mala-awaalkooda.

Waxaa dhici karta akhristow inaad aad ula yaabtid haddaad ogaatid in ninka la dilay uu yahay Cabdullaahi Binu Al-Jarraax oo ahaa Abuu Cubeyda aabihiis. Dhab ahaantii Abuu Cubeydah ma uusan dilin aabihiis, balse wuxuu dilay shirkigii iyo kufrigii ku dhex jiray aabihiis.

Waxaa Abuu Cubeyda isaga sababtiis iyo arrinka aabihiis dartii ku soo degtay aayad qur’aan ah, waa aayadda ugu danbeysa ee ku jirta suuradda Al-Mujaaddala.

Wuxuu Alle (sw) ku yiri aayaddaas: “Ma helaysid qolo rumeenaysa Alle iyo maalinta aakhiro, kuwaasoo jecel cid Alle iyo Rasuulkiisa khilaafay, haba noqdeen kuwaas aabayaashooda, ubadkooda, walaalahood ama qabiilkoodaba, kuwaas (aanan jeclayn kuwa khilaafay Ilaahay iyo Rasuulkiisa)

wuxuu Alle laabtooda ku qoray iimaanka, wuxuuna ku xoojiyay ruux xaggiisa ka ahaatay, wuxuuna gelinayaa Jannooyin durreereysa xaggeeda hoose webiyaal iyagoo ku waarayana jannada dhexdeeda, Ilaah wuu ka raalli noqday iyaga, iyaguna way ka raalli noqdeen, kuwaas waa xisbiga Alle, xisbiga Alle-na waa kuwa guuleystay/liibaanay”. [Dhegeyso Ayadda 22 ee Al-Mujaadalah]

Waa amiin isla markaana ku adag diintiisa

Inuu Abuu Cubeyda dilo aabihiis ayaanan ahayn wax sidaas loola yaabo, maxaa yeelay waxay awoodda rumeyntiisa Eebbe (sw) gaartay, iyo taageerada uu ku bixinayo diintiisa iyo weliba amaanadiisa ee ummadda Nebi Muxammad meel ay u hanqal-taagto nafaf fara badan marka laga eego Eebbe (sw) agtiisa.

Waxaa sheekeeyay Muxammad Binu Jacfar, wuxuuna yiri: “waxaa Rasuulka (scw) u soo wafdiyay wafdi koox kirishtaan ah, waxay ku yiraahdeen: Yaa Abal-qaasim (mid ka mid ah kunyada Nebiga s.c.w ee aan habboonayn inuu qof kale ku kunyoodo ama la baxo) waxaad noo soo dirtaa nin ka mid ah asxaabtaada oo aad raalli nooga tahay, si uu noo kala garsooro dhexdeena arrimo la xiriira hanti aan isku qabanay awgeed, haddaad tihiin jamaacada muslimiintana waxaad tihiin kuwo aan xaggeena laga raalli yahay”.

Rasuulka (scw) wuxuu ku yiri “ii imaada galabta, waxaan idinku darayaa nin qawi ah ahna amiin”. Cumar Binu Khadiib ayaa markuu maqlay hadalkaas wuxuu yiri: waxaan waqti horey sii aaday salaaddii duhurka, mana jeclaanin madaxtinimo maalintaas aan ka ahayn jaceylka aan u qabay inaan noqdo ninka leh tilmaantaas iyo sifadaas uu sheegay Nebiga (scw).

Markii uu na tujiyay Rasuulka (scw) salaaddii duhurka, wuxuu billaabay inuu eeg-eego xagga midigtiisa iyo bidixdiisa, annigana waxaan billaabay inaan kor ahaan u qooraansado, bal si uu ii arko Rasuulka (scw), sidii ayuu u eeg-eegayay Rasuulka (scw) asxaabta dhexdooda jeer uu markii danbe ka arkay Abuu Cubeyda Binu Al-Jarraax, kadibna wuu u yeeray, wuxuuna ku yiri: “waxaad raacdaa iyaga oo si xaq ah u kala xukmi dhexdooda waxay isku khilaafeen”. Waxaan naftayda ku iri “waxaa la tagay sifadii aan rabay Abuu Cubeyda”.

Sifooyin wanaagsan ayuu kulansaday

Haddaba, Abuu Cubeyda Binu Al-Jarraax ma ahayn oo keliya amiin, balse wuxuu amaanada ku darsaday quwad iyo ku adkeysi daran dhinaca diinta, taasina waxaan ku arki karnaa wax ka badan hal jeer.

Mar waxay ahayd markii uu Rasuulka (scw) diray koox ka mid asxaabta si ay uga hortagaan safar ay lahayd qureysh, wuxuuna Rasuulka (scw) kooxdaasi amiir ama madax uga dhigay Abuu Cubeyda Binu Al-Jarraax Allaha ka raalli noqdee, wuxuuna sahay ahaan u sii siiyay oli (maqaarka neefka ariga, wax baana lagu radin jiray waagii hore) ay ku jiraan timir, maxaa yeelay ma uusan u awoodin waxaan ka ahayn intaas.

Abuu Cubeyda Binu Al-Jarraax wuxuu raggii la socday siinayay maalin kasta mid kasta oo saxaabada ka mid ah xabbad timir ah, markaasuu qof weliba muudsanayay

WD: Ibraahim Warsame

 

QEYB KA MID AH QISADII NABI AYUUB C.S OO KOOBAN

Nabi Ayuub C.S. waa mid ka mid ah nabiyada Alle, Nabi Ayuub (N.N.K.H) waxa uu kasoo jeedaa wiilkii uu dhalay Nabi Isxaaq ee ciise oo aabe u ah Roomanska. Nabi Ayuub waxa uu caan ku yahay samirka iyo adkaysi aad u cajiiba.

Nabi Ayuub (N.N.K.H) waxa uu Eebe siiyey dhalinyaronimadiisii ubad badan14 caruura, xaas fiican iyo xoolo sidoo kale waxa uu lahaa dad badan oo u adeega, kana shaqeeya hantida Nabi Ayuub.

Nabi Ayuub waxa Eebe ku manaystay beero waaweyn oo ay ka baxaan dhammaan khudrado kala duwan, waxaana u dheeraa intaas nabinimo iyo cibaado badan, waa nolol raaxo leh oo qof kasta hamiyo inuu ku noolaado.

Muddo Todobaatan sano ah ayuu ku noolaa nimco iyo barwaaqo, balse hal mar ayaa waxa is badalay xaaladii Nabi Ayuub, waxa asiibay xanuun faalig afarta lugood kaga habsaday, oo uu la kici waayey kadibna xoolihii iyo shaqaalihii ayaa ka baxay, sidoo kale waxa ka geeriyooday dhammaan ubadkii uu dhalay oo mid mid u dhintay.

Nabi Ayuub (N.N.K.H) isaga oo dhulka yaal oo xanuun daran hayo ayaa loo sheegayey in mid ka mida ubadkiisii dhintay, xoolihiina uu khasaaray. Waxaad qiyaastaa aabe dhalay 10 caruura oo dhamaantood mudo yar gudahood ku geeriyoodeen.

Waxa ehelkiisii kasoo hadhay xaaskiisii oo ahayd haweenay fiican, waxayna noqotay gabar faqiira, halkii ay shalay ka ahayd gabar hanti leh, waxay dantii ku kalliftay inay shaqo tagto oo ay u khidmayso guryaha, si ay ula soo baxdo nolol maalmeedka.

Nabi Ayuub (N.N.K.H) waa samray, waxaanu ahaa adoon aan ka caajisin dikriga Eebe.

Nabi Ayuub jirkiisii waa idlaaday, oo waxa la dhahaa qayb jirkiisa ka mida ayaa marba go’aysay, taasina waxay keentay inay dadkii ka ag dhowaa ka haajireen, marka laga reebo xaaskiisii oo ayadu ku mashquushay daryeelkiisa iyo cunto siintiisa.

Maalin maalmaha ka mida ayey xaaskiisu ku tidhi Nabi Ayuub; maxaad Eebe u baryi wayday hakaa dul qaado dhibta ku haleeshay, Nabi Ayuub waxa uu dhahay ma xasuusataa inta sano ee aan caafimaadka qabay, xoolana haystay; xaaskiisii waxay tiri waa 70 sano waanad caafimaad qabtay oo ku noolayd nolol barwaaqo leh, wuxuu dhahay Nabi Ayuub Eebe waxa uu ii barwaaqeeyey 70 sano ee miyaanan dhibta u samrayn 70 sano oo kale.

Maalintii danbe ayaa laba wiil oo la dhashay Nabi Ayuub waxa ay dhaheen, Ayuub danbiyadii uu galay ayaa lagu ciqaabay, markaasu Nabi Ayuub maqlay kadibna waxa uu baryey Ilaahay wuxuuna yiri:  ”Eebow haddii aad ogtahay inaan seexday habeen anoo og in cid baladka ku nooli ay baahantahay i rumayso, Eebena waa rumaystay, haddana waxa uu yiri Eebow haddaad ogtahay in aan laba shaati gurigayga dhigtay ayadoo aan ogahay ruux baahan oo aradan inuu baladka joogo i rumayso, Eebana waa rumayeey. Labadii wiil ee walaaladiis ahaana way maqleen markuu Eebe rumaynayey.

Nabi Ayuub (N.N.K.H) waxa uu samray mudo dhan 10 sano, oo dhibtu marba marka ka danbeysa ay kusii kordhaysay.

Ugu danbayn xaaskii Nabi Ayuub waxa loo diiday shaqadii, dadkiina albaabada ayey kasoo xirteen, kadib markay aragtay inaanay wax cunto ah haynin ayey iska jartay timaheedii oo iib geysay, markaasay kusoo gaday cunto si ay saygeeda u siiso.

Cuntadii ayey u keentay Nabi Ayuub, markaasuu waydiiyey xaaskiisii meesha ay ka keentay cuntada sababtoo ah wuu ogaa in shaqadii laga cayriyey.

Xaaskiisii way ka warwareegtay inay u sheegto warka laakiin Nabi Ayuub waa ku adkaystay, waana ku celceliyey kadibna way u warrantay una sheegtay inay gaday timaheedii.

Nabi Ayuub markuu arkay in dhibtii meel aad uxun gaartay ayuu Eebe Wayne baryey oo dhahay ”Eebow dhibtii way i taabatay adiguna waxaad tahay rabbi naxariista.”

 

Nabi Ayuub (N.N.K.H) waxa uu nadray inuu boqol jeedal ah ku dhufto  xaaskiisa haddii uu caafimaado maadaama ay ku kacday falkaan timaheeda ku iibinayso.

Maalintii danbe ayaa farajkii Eebe yimid, waxaana la faray Nabi Ayuub inuu lugihiisa dhaqaajiyo, kadiban istaago oo ku qubaysto biyo kasoo burqaday gurigiisa, sidoo kalena waxa la amray inuu cabo biyaha.

Markuu ku qubaystay ayuu ka ladnaaday xanuunkii jirka sare, dabadeedna waa cabay biyihii markaasuu ka bugsooday xanuunkii jirka gudiisa, waxaanu isu badalay Nin dhalin yaro ah.

Xaaskiisa ayaa timid guriga wayna wayday saygeedii, markaasay mooday in bahal cunay. Kadib waxay aragtay Nin dhalinyaro ah oo aad u qurux badan, markaasay waydiisay inuu arkay Nabi Ayuub,

Ninkii waxa uu ku yiri ayuub waa aniga, oo waxa i shaafiyey Eebahay. Farxad iyo damaashaad kadib waxa Eebe qadaray inay xaaskiisuna da’ yaraato, oo dhalin yaro ay ku noqdaan labadoodiiba. Sidoo kale Eebe wuxuu usoo celiyey Ubadkoodii, beerihii iyo shaqaalihii dhamaantood. Maasha’allah.

Waa nimco iyo naxariista Eebe, waxaana ku guulaysta ciddii samirta. Nabi Ayuub waxa loo dhalay ubad ka badan kii hore, iyo xoolo ka badan.

Waxaa la sheegaa in dahabku samada uga soo dhici jirey Nabi Ayuub iyo ehelkisii. Waxayna ku noolaadeen nolo barwaaqo ah.

Eebana waxa uu ubalan qaaday nolol ka raaxo badan nolosha dambe “aakhiro”.

WD: Ibrahim Warsame

 

 

 

RIYOOYIN BADAN OO HADDII AAD SAMEYSO GUULO KU GAADHSIIN KARO (SHEEKO QEYBTA 2-AAD)

Waan socdey ilaa aan ka soo gaarey dabaqa ugu sareeya waxaan arkey dad aad u badan oo shaqadan soo doontay, waxaan isku qoray liiska codsadeyaasha kadibna waan fariistey anigoo sugaaya markayga, dadkii ayaan isha la raacey anigoo fiirinaya wejiyadooda iyo lebiskooda waxaan dib u milicsadey muuqaalkeyga iyo lebiskeyga waxaan dareemey inaan ka hooseeyo.

Qaarbaa waxay ku faanayeen shahaadooyinkooda ay ka soo qaateen jaamacaddo maraykanka ku yaal.

Waxaan arkey qof walba oo gala qolka qaabilaada daqiiqad ka yar ayuu uga soo baxayaa.

Waxaan is iri raggan sidaan u qurxoon oo shahaadooyinka waawey wata ayaa la soo diidee ma anigaa la I qaadan.

Waxaan ku hamiyey inaan iskaga baxo tartankan guuldarada ku dhamaanaya intaa la I dhihin naga raali ahaaw kuma qaadan karno.

Waxaan soo xusuustey taladii aabahay oo ahayd (noqoto qof dhinaca san wax ka eega (iijaabi) oo isku kalsoon) waxaad moodaa in dardaarankii aabay isiiyey kalsooni qayrulcaadi ah .

waxaan go’aansadey inaan iska joogo oo aan sugo kaalintayda.

Daqiiqado kadib waxaa ii yeerey ninkii qaabilsanaa soo gudbinta codsadayaasha.

Waxaan galay qolkii qaabilaada, waxaan ku fariistay kurigii qaabilaada, waxaa iga soo horjeeda saddex qof way isoo fiiriyeen wayna dhoola cadeeyeen, midbaa wuxuu igu yiri: goorma ayaad jeceshahay inaad shaqada bilawdo?

Su’aashii ayaan  la yaabey!! waxaan moodey in ay igu ciyaarayaan, ama in su’aalihii qaabilaadu ka dambeeyaan su’aashan.

Waxaan soo xusuustay dardaarankii aabahay (ha khalkhali marwalbana naftaada ku kalsoonoow).

Anigoo isku kalsoon ayaan ku iri: markaa imtixaanka ka gudbo inshaa Allaah.

Midkalaa igu yiri imtixaankii waad ku baastay arintuna waa dhammaatay.

Waxaan ku iri midkiina hal su’aal ima weydiin !!!

Kii saddexaad baa wuxuu yiri: su’aalaha oo keliya kuma qiimayn karno qofka na soo codsadey dadnimadiisa iyo xirfadiisa, sidaa daradeed waxaan go’aansanay in qiimaynteenu noqoto baratiko ama waxqabad muuqda.

Waxaan diyaarinay koox tijaabooyin ah oo aan ku ogaan karno codsadaha dadnimadiisa, xirfadiisa, sida uu u yahay qof dhinaca san wax ka eega (iijaabi) ama  isku kalsoon, iyo sida uu ugu dedaalayo ilaalinta hantida shirkadda, waxaad noqotay qofka keliya ee hagaajiyey ceeb walba oo aan si ogaal ah u dhignay marinkii cosadayaasha, waxaan kala soconay habdhaqanka codsadayaasha kaamirooyin qarsoon.

Halkaa markey mareyso waxaa iga qarsoomey raggii ihor fadhiyey shaqadii aan soo doontay iyo wax walba waxaa ii muuqda oo keliya sawirka Aabahay!!!

Waxaan xoog u dareemay doonid xoogan oo ah inaan unoqodo guriga oo aan Aabe ka dhunkado madaxa gacmaha iyo lugaha.

Ugu danbeyn dhalinyarooy ha dhibsanina waanada iyo talada Aabihiina waxaa ka dambeeya jacayl baaxadweyn, waxaad ogaan doontaan maalin uun iyo markaa aad gaadhaan booskooda.

Illaahayoow u naxariiso hooyooyinkeena  iyo Aabayaasheena  sida ay inoo soo barbaariyeen anagoo yar yar.

WD:  Cabdiweli Dalka

 

KAALINTA QURBA-JOOGTA KU LEEYIHIIN DHISMAHA DALKA WAA ILAA FOOL KU TAAL OO KALE

Tan iyo markii dalka Soomaaliya ay ka dhaceen dagaaladii sokeeye waxaa jiray xaalado nololeed oo la soo dersay dadka oo dhinaca nolosha iyo ammaanka ah taas oo keentay in dad fara badan ay ka qaxaan dalka iyagoo raadinaya nolol dhaanta tii ay dalka kala kulmeen xilligaas.

Dadkani duruufo kala duwan ayey la kulmeen iyadoo qaarna ay badda mareen, qaarna ay dalal kale sii jibaaxeen qaarna ay sanado ku sgnaayeen xeryo qaxooti siiba kuwa ku yaalla Kenya oo aynu derinka nahay.

Dadkan ayaa markii ay tageen qurbaha waxay bilaabeen nolol cusub oo ka duwan tii dalka ay ku yaqaaneen waxaana qaarkood soo food saaray shaqooyin adag oo aaney u baran halka kuwo kalena ay galeen dadaalo waxbarasho oo waqti dheer ku qaatay.

Mudadaas dalka Soomaaliya oo ay ka tageen wuxuu marayey marxalado marba heer taagneyd oo ay ugu badnaayeen dowlado ku meel gaar ah oo is bedelayey ilaa la suurta galiyey in dalku ka baxao marxaladii ku meel gaarka uuna dalku sameeyo xoogaa horumar ah oo dhinaca nabadda ah.

Tani waxay abuurtay rajo cusub waxaana Soomaaliya ka bilaabantay rajo dowladnimo oo keentay in ay xoogeystaan haykaladii dowladnimo uuna abuurmay jawi suura taglin kara in dalku sameyoo horumar lagu taami karo in Soomaaliya mar kale ay soo gaarto caalamkii ka tagay.

Waxaa dib loo yaqleelay rajadii mudada dheer ay qabeen dadka qurba joogga ah ee aheyd dib baa loo noqonayaa, dib ayeyna dalka ugu soo laabteen dad badan oo qurbajoog ah oo ay rajo galisay yididiilada cusub ee nabadda iyo horumarka.

Dad fara badan oo kolkii hore ka mid ahaa qurabajoogta ayaa hadda dalka dib ugu soo laabatay siiba shantii sano ee la soo dhaafay badankood waxay abaabuleen ganacsi iyagoo shaqo abuur u sameeyay dhallinyaro badan oo kolkii hore baagamuundo ku ahaa dalka

Waxaa la aaminsan yahay qurbajoogta in ay yihiin dad gacan ka geysana kara dib u dhiska dalka wax weyna beddeli kara.

Dhanka kale, “Qurbajoogtu waxay gacan ku leeyiin ganacsiga, siyaasadda iyo dib u dhiska kale ee dalka.

Qurbajoogga kaalimo waa weyn ayey ku leeyihin siyaasadda waxayna ku jiraan golayaasha kala duwan ee siyaasdda, dadka qurabajoogta ah ee dibadda ka yimid qaarkood waxay saraakiil sare ka yihiin ciidamada qaranka.

Wallow ay jiraan qaar lagu tilmaamo kuwo nolosha ka dhacay oo aan dalka waxba kusoo kordhin oo iyagiiba cel celis ah haddana boqokiiba sagaashan iyo shan way fiican yihiin 95%

In kastoo taasi jirto ayaa haddana dad kale oo dalka ku sugnaa goob joogna u ahaa wixii dalka ka dhacay waxay qabaan in qurbajoogga haatan dalka dib ugu soo laabtay ay la wareegeen fursadihii dadkii ku sugnaa gudaha dalka xilligii xasilloni la’aanta.

Dadka qaarkiis oo gudaha ku sugnaa isla markaana ahaa arday heysta shahaadada labaad ee jaamacadda ee Master ayaa qaba in dadkan qurbajoogga ah ay la wareegeen fursadihii shaqo iyo kuwii siyaasadeed ee ay heli lahaayeen

Qorrax joogta ama qolqol joogta marba sidaad u garaneysid ayaa waxay aaminsan yihiin in qofku haddii uu mar keliya tagay qurbaha ee uu sheegato wixii uu doono iyadoon cidna ku dabagalin uu helaayo jago uusan aqoonteeda laheyn, iyadoo waxa keliya ee laguu tixgalinayo ay tahay inuu qurbajoog yahay, luqad shisheeyana wax ka yaqaanno xitaa haddu garam garam ku yahay.

Si kastaba arrintu ha ahaatee ma ahan wax qarsoon kaalinta ay qurbajoogtu kaga jiraan horumarka iyo isbeddelka dalka.

WQ:Osman Dhiblaawe

 

HANUUNKA

Sawirka deeq darajo facebook

Dr. Mustafa Maxamuud, horaantiisii waxa uu ahaa Alle-kood in ka badan soddon sannadood Ilaaheey raadinayay; balse markii dambe soo helay.

In kastoo aanan doonayn in aan Sooyaalkiisa nololeed ka sheekeeyo, haddana waa muhiim in aan sheego: dhaqtar iyo qoraa wayn labadaba in uu ahaa; isla markaasna buugaagtiisu boqol in  ku dhow cagacagaynayaan, si waynna loo yaqaanno.

Dhacdooyin badan, oo hab-nololeedkiisa beddelay ayaa jira—kuwaasoo aanan hadda wada sheegayn,  mid se aan ka soo qaato.

1968-dii—isaga oo ku sugan waddanka Marooko; gaar ahaanna magaalada caasimadda ah ee Rabbaat—ayuu la kulmay islaan gabowday oo reer Faransa ah. Waxa ay uga sheekaysay sheeko amakaag badan, oo noloshiisa raad ku reebtay. Waxa ay u sheegtay, soddon sannadood ka hor in ay timid Marooko, iyada iyo dalxiisayaal kale; si ay halkaas ugu qaataan inta ka harsan fasaxooda.

Waxa ay u sheegtay in ay degeen hoteel, dabadeedna ay habeen riyootay. Nin aad u qurux badan oo maryo cadcad xiran, ayay aragtay.

Isla markiiba waxaa maskaxdeeda ku soo degdegay, in uu yahay nabi Muxammed—NNKH.

Kitaab yar oo Qur’aan ah, ayuu jeebkiisa ka soo saaray, dabadeedna wuu siiyay—sida ay iyaduba soo werisay.

Hurdadii ayay ka soo boodday, jirkeedii oo dhanna waa uu gariiray, ilaa ay dib ugu noqon wayday. Waxa ay u sheegtay, in ay riyaadaasi argagax gelisay.

Sidaas oo kale waxa ay weydiisay: sababta ay nabi Muxammed ugu riyootay?

Dr. Mustafa Maxammuud, saaxiibbadiisii kale ayuu arrinkii la wadaagay. Waxa ay kula taliyeen, in uusan aad uga fikir arrinkaas, oo uusan sii furfurin; hase yeeshee kama uusan hoos-qaadin.

Waxa uu kala sii sheekaystay dadkii uu aqoonta diineed ku tuhmayay, iyo saaxiibbadiisii kale ee reer Marooko.

Si kastaba ha ahaatee waxa uu garwaaqsaday, in ay riyadaasi ahayd farriin isaga ku socota— taas oo u sheegaysa in uu diinta Islaamka u barto; si hufan oo haqab-tiran.

Maalmihii fasixa ayaa dhammaday; dabadeedna waxaa u yimid saaxiibbadiisii reer Faransa, si ay ugu laabtaan Faransiiska.

Si walbaba ha noqotee, arrinkaas wuu ka diiday, waxa uuna u sheegay, in uu diinta baranayo.

Waa ay ku buuqeen, waxa ayna isku dayeen in ay wax uun ka dhaadhiciyaan, wuuse ka dhaartay.  Sidaas aawadeed, nin waalan ayay ku tilmaameen, waana ay ka sii tageen.

Intaas ka dib, waxa uu si wanaagsan u daraaseeyay diinta Islaamka iyo Af-Carabiga; dhab ahaantiina si la yaqaan ayuu meel u saaray, uguna raaxaystay, sida uu isaga qudhiisuba marar badan iyo meelo badan ka  sheegay —taasna waxa ay keentay, in uu dib u muslimo oo dacwadda dhankiisa ka galo.

Waxa uu sii daayay barnaamij afar boqol oo xalqadood ah, oo la yiraahdo Al-cilmu wal-Iimaan—kaas oo runtii dad badan ku soo riday, dhabbaha hanuunka iyo dhab-u-noolaanshiyaha—inta uusan geeriyoonna,  masaajid wayn oo markii dambe isaga loogu magac-daray, ayuu ka dhisay magaalada Giza loo yaqaanno, kaas oo si wayn caan uga noqday gudaha Masar oo dhan.

WQ: Cabdisalaan-Ceeryaamo

 

WAA MAXAY MAAREYNTA WAQTIGA

Waa waxa ugu wayn ee uu Allaah aadanaha ugu nimceeyay, waana xili soo maro qof kasto oo nool aan dib ugu soo labanay inuu ka sheekeeyo maahane. Waqtiguna waa sida seefta oo haddii aanad wax ku jarin uu ku jarayaa.

sababtoo ah waqti aad ayuu muhiim u yahay nolosha bini’aadanku waa wakhti. sidaas darteed waa in qofku ogaado waxa uu wakhtigiisa ku qadanayo iyo inuu ka shaqeeyo sidii wakhtigiisa uga faa’idaysan lahaa.

waana in aad uga faa’iideysano waxyaabo waxtar leh oo aan iska fogeyno waxyaabaha wakhti dhumiska ah. sababtoo ah Wakhtigu waa wax qaali u ah nolosheena, waxaana jira waddamo badan oo ku tartamaya wakhti siday uga faa’iideysanaya.

Waa maxay maareynta wakhtiga?

Maareynta wakhtiga waa howl ku saabsan nidaaminta wakhtiga aad haysato adiga oo u qorsheynaya qaabka ugu haboon oo aad ku fullin karto howlahaaga guud. Sidoo kale wakhtiga waxbarashada waa mid ka mid ah qodobbada ugu muhiimsan ee laga rabo in aad maareyso.

Waana mid ka mid ah sababaha ugu muhiimsan ee dalalka qaara dhibaatoyin ay ula kulmaan ardadooda inta lagu jiro xiliga waxbarashada, taas oo sidoo kale ka mid ah siraha ugu muhiimsan ee sare u qaada in aad hormar gaarto.

Hirgelinta qorshaha wakhti gaar ah oo lagu abaabulayo wakhtiyada waxbarasho ee noocyo kala duwan ah, oo ka mid ah arimaha bulshada iyo nolosha qoyska, asxaabta iyo aqoonta.

Abaabul waqtigaag waxbarashada:

1 – Qoro hadafyada ugu muhiimsan ee aad doonayso in aad ku guuleysatid. kuna qor qalin gaduudan oo ku dhagso darbiga sariirtaada si had iyo jeer u soo xasuusto.

2 – diiradda saara shaqada ugu muhiimsan ee aad rabto si aad gaarto natiijadeed. shaqo aan muhiim ahayn ama shaqo yar oo laga rabin wakhti ha iskaga dhummin.

3 – Isku day in aad isticmaasho qoraallo badan oo ku saabsan dhamaystirida waxyaabaha aad doonayso in aad qabato si aad u xasuus naato, laki ogow hadii aad walwal iyo walaac ku hayo wax baddan xal kooda ma heli doontid sidaa dar teed hadaa walwal iyo walaaca dareemaysid Akhriso adkaarta Allah iyo Qur’aan.

Sidoo kale isku day in aad seexto wakhti kugu filan si ay maskaxdaada wax badan xal ugu hesho4 – Isticmaal waraaqda maalinlaha ah oo aad Ku qorayso hadafkaag si aad u guuleysato.

5 – Ha qorin qorshahaaga maalin laha ah ilaa aad aka ogaato shallay waxaad qabatay iyo waxaadan qaban si aad uga fakarto waxa yaalaha aadan hirgalin sabbabta aysan kugu hirgalin iyo in aad xal u hesho waxyaalah kaa hor istaagay

Helidda natijo Fiican

K guuleysiga iyo heerka ugu wanaagsan ee daraasadda ama nolol maalmeedka ma ku xirno saacadaha aad ku qaadatay shaqada iyo waxbarashada, laakiin waxay ku xiran tahay habka aad u abaabusho waqtiga waxbarashada ama shaqadaad.

 

waxaa jira dad wax bartay mudo dheer aan helin natiijooyin fiican, Halka qaar ka mid ah dad ay qaateen saacado yar oo waxbarasho ah oo helayaan natiijooyin wanaagsan, taasina waxay sabab u tahay wakhtiga firaaqada in aad si wanaagsan uga faa’idaysato si aad u hesho natiijo fiican.

sidaas awgeed si aad u hesho guul fiican. U sameyso wakhtigaga wakhti aad ku raadiso casharo cusub iyo kuwi horey aad soo dhigatid.

 

WD: C/salaam M. Yaasiin

 

Imtixaanka Dugsiyadda sare oo saaka dalka ka furmay

Wasaaradda waxbarashadda hiddaha iyo tacliinta sare XFS ayaa saaka gobollada iyo degmooyinka dalka ka daahfuraysa Imtixaanka Dugsiyadda sare ee fasalka 12-aad,sida uu ku dhawaaqay Wasiirka wasaaradda waxbarshadda Faarax Sheekh Cabdiqaadir.

Imtixaankan ayaa sanadkan waxa u fariisanaya Arday tiradooda gaarayso 33,700 oo ku ka kala sugan gobolada iyo degmooyinka dalka.

Haya’addaha Amaanka oo uu ugu horeeyo Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa ka shaqaynaya sugida Amniga goobaha lagu gelayo Imtixaanka shahaadiga ah.