WAA MAXAY MAAREYNTA WAQTIGA

Waa waxa ugu wayn ee uu Allaah aadanaha ugu nimceeyay, waana xili soo maro qof kasto oo nool aan dib ugu soo labanay inuu ka sheekeeyo maahane. Waqtiguna waa sida seefta oo haddii aanad wax ku jarin uu ku jarayaa.

sababtoo ah waqti aad ayuu muhiim u yahay nolosha bini’aadanku waa wakhti. sidaas darteed waa in qofku ogaado waxa uu wakhtigiisa ku qadanayo iyo inuu ka shaqeeyo sidii wakhtigiisa uga faa’idaysan lahaa.

waana in aad uga faa’iideysano waxyaabo waxtar leh oo aan iska fogeyno waxyaabaha wakhti dhumiska ah. sababtoo ah Wakhtigu waa wax qaali u ah nolosheena, waxaana jira waddamo badan oo ku tartamaya wakhti siday uga faa’iideysanaya.

Waa maxay maareynta wakhtiga?

Maareynta wakhtiga waa howl ku saabsan nidaaminta wakhtiga aad haysato adiga oo u qorsheynaya qaabka ugu haboon oo aad ku fullin karto howlahaaga guud. Sidoo kale wakhtiga waxbarashada waa mid ka mid ah qodobbada ugu muhiimsan ee laga rabo in aad maareyso.

Waana mid ka mid ah sababaha ugu muhiimsan ee dalalka qaara dhibaatoyin ay ula kulmaan ardadooda inta lagu jiro xiliga waxbarashada, taas oo sidoo kale ka mid ah siraha ugu muhiimsan ee sare u qaada in aad hormar gaarto.

Hirgelinta qorshaha wakhti gaar ah oo lagu abaabulayo wakhtiyada waxbarasho ee noocyo kala duwan ah, oo ka mid ah arimaha bulshada iyo nolosha qoyska, asxaabta iyo aqoonta.

Abaabul waqtigaag waxbarashada:

1 – Qoro hadafyada ugu muhiimsan ee aad doonayso in aad ku guuleysatid. kuna qor qalin gaduudan oo ku dhagso darbiga sariirtaada si had iyo jeer u soo xasuusto.

2 – diiradda saara shaqada ugu muhiimsan ee aad rabto si aad gaarto natiijadeed. shaqo aan muhiim ahayn ama shaqo yar oo laga rabin wakhti ha iskaga dhummin.

3 – Isku day in aad isticmaasho qoraallo badan oo ku saabsan dhamaystirida waxyaabaha aad doonayso in aad qabato si aad u xasuus naato, laki ogow hadii aad walwal iyo walaac ku hayo wax baddan xal kooda ma heli doontid sidaa dar teed hadaa walwal iyo walaaca dareemaysid Akhriso adkaarta Allah iyo Qur’aan.

Sidoo kale isku day in aad seexto wakhti kugu filan si ay maskaxdaada wax badan xal ugu hesho4 – Isticmaal waraaqda maalinlaha ah oo aad Ku qorayso hadafkaag si aad u guuleysato.

5 – Ha qorin qorshahaaga maalin laha ah ilaa aad aka ogaato shallay waxaad qabatay iyo waxaadan qaban si aad uga fakarto waxa yaalaha aadan hirgalin sabbabta aysan kugu hirgalin iyo in aad xal u hesho waxyaalah kaa hor istaagay

Helidda natijo Fiican

K guuleysiga iyo heerka ugu wanaagsan ee daraasadda ama nolol maalmeedka ma ku xirno saacadaha aad ku qaadatay shaqada iyo waxbarashada, laakiin waxay ku xiran tahay habka aad u abaabusho waqtiga waxbarashada ama shaqadaad.

 

waxaa jira dad wax bartay mudo dheer aan helin natiijooyin fiican, Halka qaar ka mid ah dad ay qaateen saacado yar oo waxbarasho ah oo helayaan natiijooyin wanaagsan, taasina waxay sabab u tahay wakhtiga firaaqada in aad si wanaagsan uga faa’idaysato si aad u hesho natiijo fiican.

sidaas awgeed si aad u hesho guul fiican. U sameyso wakhtigaga wakhti aad ku raadiso casharo cusub iyo kuwi horey aad soo dhigatid.

 

WD: C/salaam M. Yaasiin

 

Imtixaanka Dugsiyadda sare oo saaka dalka ka furmay

Wasaaradda waxbarashadda hiddaha iyo tacliinta sare XFS ayaa saaka gobollada iyo degmooyinka dalka ka daahfuraysa Imtixaanka Dugsiyadda sare ee fasalka 12-aad,sida uu ku dhawaaqay Wasiirka wasaaradda waxbarshadda Faarax Sheekh Cabdiqaadir.

Imtixaankan ayaa sanadkan waxa u fariisanaya Arday tiradooda gaarayso 33,700 oo ku ka kala sugan gobolada iyo degmooyinka dalka.

Haya’addaha Amaanka oo uu ugu horeeyo Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa ka shaqaynaya sugida Amniga goobaha lagu gelayo Imtixaanka shahaadiga ah.

GOOBAHA LAGU NASTO EE CAASIMADDA DALKA

Magaalada muqdisho waa caasimadda dalka waa magaalo kulmisay ku dhawaad afar malyan oo shacab ah waa magaalo dadkeeda ay laba heer ku kala nool yihiin oo kala ah dadka qaar dabaqaddoodu waa mid sareyso qaarka kalena dabaqaddoodu waa mid hooseysa.

Caasimadda oo dadkaas kala duwan oo ka kala yimid gobollada dalka, iyo dibaddiisa iyo qaar caasimadda dalka ku dhashay ayaa wada dadaallo ay ganacsiyadooda ku horumarinayaan ayaga oo la yimaada fikrado kala duwan oo wax ku ool ah oo guuleystay, taasina waxa ay noloshooda Ka badaleeysa iyagoo hamuun u sii qabta hormarinta fikradaha iyo hal abuurrada ganacsi ay la yimaadeen isla markaana ay noloshooda ku horumarinayaan.

Haddii aan u imaado fikradaha ama hal abuurrada ganacsi ee guuleystay ee caasimada dalka ku yaalo aad bay u tiro beel yihiin waxaana laga dheehan karaa caasimadda dalka oo isbaddal xooggan ku yimid dhan kasta haddii ay ahaan laheed bilicda caasimadda oo noqotay mid la tartameysaa waddamada Afrika iyo kuwa dariska, kaabayaashii oo hormaray iyo ganacsiyadii oo guuleystay ayaa sabab u ah wax walba ay guuleystaan.

Haddaba, haddii aan u soo noqdo mowduuceenii ahaa goobaha lagu nasto ee caasimadda dalka.

Goobaha lagu nasto ee caasimadda dalka ku yaalo waa horumar muhiim ah waqtigii loo baahnaa yimid waana fikridaha iyo afkaaraha guuleystay oo horseeday in qofkii ku fikiraayey in uu sameeyo goobo lagu nasto ku guuleystay maantana joogo guushii oo najaxday.

Beeraha nasiinada waa goobo muhiim u ah shacabka Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda dalka waana goob qof kasta oo doonaayo uu ku nasan karo, runtii waa goobo muhiim u ah bulshada siiba kuwa qaba istareeska oo nafis ku qaata islamarkaana madaxa ku dagsadaan sidoo kalena waa goobo ku wanaagsan masawirrada iyo bilicdaba.

Beerahan ama goobahaan lagu nasto ayaa caasimadda soo buux dhaafiyay waxaana degmooyinka gobolka banaadir badankood laga sameeyey goobaha lagunasto islamarkaana ay yimaadaan dhallinyarada isku buuqa, kuwa murugada dareema iyo kuwo waxyaalo kale ay heystaan.

Goobaha lagu nasto ee caasimada dalka ku yaalo waxa ay qeyb lixaad leh Ka qaadanayaan bilicda caasimada islamarkaana ay qeyb ka yihiin horumarrada xooggan ee ka socda caasimada dalka islamarkaana ay bulshada aad ugu riyaaqsan yihiin horumarka caasimada oo dadaal xooggan ugu jirta la tartanka caasimadaha Afrika.

Ugu danbeyn goobaha lagu nasto ee caasimada dalka wax weyn ayey nolasha bulshada Soomaaliyeed kabadaleen waxaana ay bulshada ay u baahan yihiin in loo sii badiyo goobahaas qurxoon islamarkaana laga sii dhigo meel dadka iyo dalka u aayaan.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan

Horjoogayaal Ajaaniib ah oo Xabsi lagu abaal-mariyay (Warbixin)

Wararka aynu ka heleyno deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in Khawaarijta Al-shabaab ay xir xireen horjoogayaal iyo maleeshiyaad ajaaniib ah oo ku sugnaa Soomaaliya kana barbar dagaallamaya argagixisada.

Horjoogayaasha ajaaniibta ah ee la xiray waxay kala yihiin Fu’aad Baajuuni oo ka soo jeeda Dalka Tanzaaniya iyo Qudaama Kenyaati oo ka soo jeeda Kenya.

Horjoogayaashan la xiray ayaa ka qeyb qaatay dhowr dagaal oo ay Khawaarijtu galeen,marka laga tago labadan horjooge, waxa kale oo la xir xiray in ka badan labaatan ajaaniib ah oo iyagana lagu eedeeyay in ay ku aragti yihiin horjoogayaasha aan magacyadooda soo sheegnay. Horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka la xiray waxaa laga soo kala qabtay magaalada Bu’aale oo caasimad u ah gobolka Jubbada dhexe iyo magaalada Jilib oo ah magaalada ugu weyn oo ay ku dhuumaaleystaan horjoogayaasha sar sare ee Khawaarijta Al-shabaab.

Raggan Ajaaniib ah ee la xiray ayaa la sheegay in ay ka biyo diideen ka qeyb qaadashada dagaalka ay kooxdu ka wajeyso Dowladda Federaalka iyo in ay doonayeen in ay ku laabtaan dalalkii ay ka yimaadeen.

Muddooyinkan waxaa soo badanayay horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka ajaaniib ah ee ka hor imaanaya horjoogayaasha Soomaalida ah, kuwaas oo qaarkood si cad u sheegay in aysan ka mid ahaan karin maleeshiyaadka Khawaarijta Al-shabaab, taas oo keentay in la khaarijyo ajaaniibta qaarkood oo awood ku dhex lahaa argagixisada halka kuwo kale xabsiga loo taxaabay.

Tallaabadan ay qaadeen horjoogayaasha Soomaalida ah ayaa keentay in ajaaniib badan si dhuumaleysi ah uga baxaan Soomaaliya.

Todobaadkii tagay ayay ahayd, markii maleeshiyaad iyo ajaaniib isugu jira baxsadna ka ahaa khwaarijta Al-shabaab ay isku tuureen wabiga Jubba ka dib markii ay ka war heleen in ay ku daba jiraan maleeshiyaad kale oo lagu amray in ay soo dilaan.

CUDURKA DAACUUNKA IYO SIDA LOO DAWEEYO

Daacuunka waa cudur halis ah, oo si fudud ugu fida meelaha ay ku jiraan xaaladaha nadaafad darro iyo faayo dhowr la’aanta, isla markaana biyaha la cabbo ay wasakh yihiin.

Daacuunka waxaa keena Bakteeriyada Febriyo Koleera, marka ay saameyn ku yeelato Mindhicirka caloosha qofka.

Inta badan Daacuunku waa cudur soo raaca biyahawasakheysan, bakteeriyada Daacuunka waxaa laga helaa saxaro ku dhacday biyo aan la daaweyn, qof kasta oo caba biyaha wasakheysan, waxay u badan yihiin inuu qaado cudurka daacuun caloolaha.

Duqsiga guryaha, waxa uu fidiyaa daacuunka marka uu ku fariisto saxarada kaddibna uu dul fuulo cuntada uu qofka cunayo.

Sidaa darteed, duqsiga, wuxuu bakteeriyada daacuunka ka soo qaadaa saxarada una gudbiyaa cuntada qofka cunayo.

 Astaamaha Cudurka Daacuunka waa

– Shuban biyood u eg Biyaha Bariiska.

– Matag

– Addimaha oo soo kaga.

– Fuuq bax keena maqaarka oo qallala.

Haddii aan deg deg loo daweyn bukaanka fuuqbaxaya wuxuu ku keeni karaa geeri saacado gudohood.

 Habka iyo sida loo daweyn karo Cuduka Daacuunka

1- in bukaanka la karan tiimeeyo.

2- In saxarada iyo mataga daawo lagu shubo in aan la qubin ka hor.

3- In lagu jiifiyo sariir meesha daba ku beegan ka duleesho lana hoos dhigo baaldi ama sakeel.

4- In si fiican loo nadiifiyo mar kasta oo la daweeyo Bukaanka.

5- In Bukaanka la siiyo biyaha ORS-ta oo la yiraahdo milanka fuux celinta ee afka laga qaato.

Sida loo diyaariyo biya ORS-ta waa in biyaha lagu daro cusbo iyo sonkor, dabadeedna la isku kar kariyo marka uu qaboobana la siiyo.

Ilmaha Yar, waxaa la siinayaa malqacad muggeed daqiiqad kasta qof weynina 3 malqacadood.

Dhinaca kalana, waxaa la siinayaa antibiyood, si uu bakteeriyada cudurka keentay meesha looga saaro.

WQ: Osman Dhiblaawe

 

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay 30 ka tirsan Khawaarijta Al-shabaab

Howlgal qorshaysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamiga ah oo isugu jiray Cirka iyo Dhulka ayaa laga sameeyay ilaa iyo Afar deegaan oo hoos taga degmada Kuntuwaaray ee Gobalka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka waxaa lagu laayay in ka badan 30 ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab waxaana lagu bur-buriyay Gaadiid waday Saanad Ciidan oo kala duwan iyo qoryo culus oo ah kuwa dagaalka ee duqaymaha loo isticmaalo.

Wuxuu daba socday Howlgalkaan weerar nafla caarinimo ah oo ay saaka Khawaarijta ku qaadeen xero ciidanka ATMIS ku leeyihiin magaalada Buulamareer ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Uruurinta xogta howlgalkaan oo wali socota awgeed, waxaan dib ka soo gudbin doonaa faah-faahinka howlgalka oo dhamaytiran.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Moscow kula kulmay Dhiggiisa Ruushka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac oo booqasho rasmi ah ku gaaray magaalada Moscow ee dalka Ruusha ayaa maanta kulan la qaatay dhiggiisa dalkaasi Mudane Sergey Lavrov.

Mudane Abshir Cumar Huruuse iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Ruushka ayaa ka wada hadlay xiriirka soo jireenka ah ee labada dal iyo sidii loo sii horumarin lahaa.

“Waxaan ka wada hadalnay wasiirka xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo sii horumarin lahaa una ahaan lahaa mid mar walba ku dhisan Iskaashi, is-qadarin iyo wax wada qabsi” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Abshir Cumar Jaamac.

Soomaaliya iyo Ruushka ayaa leh xiriir saaxibtinimo oo qota dheer, iyada oo dalka Ruushka uu kamid ahaa dalalka Soomaaliya ka caawin jiray dhanka Militariga.

Xaflad lagu maamuusaayey daahfurka xajka sanadkaan oo lagu qabtay Muqdisho

Masuuliyiinta Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS iyo madax kale oo ka socday Shirkadaha diyaaradaha ayaa ka qeybgalay xaflad lagu soo bandhigayey daahfurka shirkadda Daallo oo sanadkaan loo xilsaaray in ay daabusho Xujeyda Sanadkaan.

Xafladdaan oo ka dhacday Hoteel jasiira,waxaa looga hadlay sidii loo horumarin lahaa adeegyada lama huraanka ah ee ay u naahan yihiin xujeyda sanadkaan.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Aw-qaafta iyo Arrimaha Diinta XFS Maxaed Xaaji Ibraahim oo ka hadlay xafladdaasi ayaa kula dardaarmay maamulka shirkadda Daallo in ay waajibkooda u gutaansi daacadnimo ah oo ay ku dheehan tahay Soomaalinimo.

Sidoo kale waxaa xafladdaasi ka hadlay madaxa howlaha duulimaadka Shirkadda Daallo Maxamed Sheekh Yuusuf,isagoo ballanqaaday in dad gaaraya 11500 oo qof ay u sameyn doonaan adeeg hufan.

War-murtiyeed laga soo saaray shirka madasha Maayarada Soomaaliya

Warmurtiyeed dhowr bog ah ayaa ka soo baxay gabagabadii Shir Magaalada Muqdisho loogu qabtay xubno ka socday Madasha  Maayarada Soomaaliya ee dalka.

Shirkaan oo ay soo qabanqaabiyeen wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta XFS,waxa uu socday mudadii u dhaxeysay 21-23 kii bishaan.

Haddaba,warmurtiyeedkaan waxa uu u qornaa sidatan:-

 

Saraaiisha Xoogga oo dhiirigaliyay ciidanka ku howlan ciribtirka khawaarijta

Taliyaha Guutada 5-aad Qeybta 27-aad ee Ciidanka dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Col. Maxamuud Xasan Ibrahim (Baakaay)  ayaa kormeer howled ku tagay fariisimaha ciidamada howlgalka ciribtirka khawaarijta ay ku leeyihiin Degmada Halgan iyo Deegaanada Hoostaga.

Kormeerka ayaa ujeedkiisu ahaa dardar gelinta Howlgallada Sifeynta haraadiga khawarijta,waxaana taliyaha  uu mid mid u booqday dhamaan Xarumaha Ciidan ee halkaasi ku yaala.

Gashaanle Dhaxe Maxamud Ibraahim Baakaay ayaa Warbixin ka dhageystay saraakisha  ururka 39-aad ee Guutada 5-aad,isagooku amaanay sida naf hurnimada leh ee ay mar walba u difaacaan Halgan  iyo Deegaanada ku teedsan.

Taliska Guutada 5 aad Qeybta 27 aad Ciidanka dhulka ee xoogga ayaa mudooyinkan waday Howgallo Sifeyn ah iyo Xaqiijinta Amniga Deegaanada laga eryay khawaarita, waxaana hada la filaya in la dar dar gelin doono howlaha,iyadoo la fulinayo Amarka Taliska Ciidanka Xoogga Dalka