Ciidanka Amniga oo gacanta ku dhigay laba eedeysane iyo qalab kale oo ciidan

Ciidamada  Amniga oo maalmahaan howlgallo nabad sugid ah ka wada Magaalada Muqdisho, ayaa gacanta ku dhigeen nuucyo ka mid ah dharka ciidanka, Hub kale oo ay ku jiraan Qaraxyo iyo Rasaas badan.

Howlgalkaan oo ka dhacay  xaafada Tarabuunka ee degmada Hodan,ayaa warku intaa ku daray in lagu qabtay Hub iyo agab  kale oo lagu qariyay Guri ku yaala halkaasi waxaana ciidamadu ay gacanta ku haayaan laba eedeysane oo loo haysto arrinkaan.

Sida ay saraakiisha Ciidamada ammaanka u sheegeen Warbaahinta Qaranka waxaa jira shaqsiyaad lagu daba joogo kuwaas oo baxsad ah.

Xafiiska R/Wasaaraha XFS oo soo dhoweeyay taageerada dhaqaale ee ay ku yabooheen Midowga Turub

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa si diiran u soo dhaweeyay ansixinta lacago gaaraya € 20.5 milyan oo  Midowga Yurub ay ugu talagaleen taageeridda Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Lacagahaan ayaa qeyb ka ah barnaamijka dowlad dhiska iyo taageerada deyn cafinta Soomaaliya ,iyadoo Midowga Yurub ay doonayaan in dowladdu ay xoojiso isbeddelada socda iyo adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada.”

allaabadaan ay kusoo beegantay xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ay wadaan qorshe hawleed wadajir ah oo Midowga Yurub iyo Soomaaliya ay doonayaan in ay iska kaashadaan fulinta qorshayaasha horumarinta iyo xasilinta qaranka.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa ka mahadceliyay taageerada dhaqaale ee Midowga Yurub,waxayna rajeeyeen in lacagahaasi loo adeegsan doono socodsiintta howlaha dowladda iyo tan shacasbka.

Ciidamada Ammaanka oo howlgal qorsheysan ku soo qabtay saanad ciidan

Howlgal qorsheysan oo ciidamada ammaanku ka fuliyeen suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayay ku soo qabteen Qaraxyo, Gaadiid iyo dadkii waday.

Ciidamada ayaa soo bandhigay qeyb ka mid ah hubka lagu soo qabtay howlgalka qorsheysan, iyadoo gacanta lagu dhigay gaari, Gurigii hubkaan lagu diyaariyay iyo laba ruux oo lagu tuhunsan yahay in ay yihiin dhagar qabeyaal Khawaarijta ka tirsan.

Hay’adaha Ammaanka ayaa ku guulaystay inay fashiliyaan dhagarta aan muuqan ee khawaarijta, iyagoo dhawaan dekadda iyo garoonka Muqdisho ku qabatay saanad ciidan oo khawaarijta loo waday.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo warbixin looga dhageystay Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliska Xoogga Dalka

iMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey fadhiga Labaad ee Shirka Wadatashiga Qaranka oo ka socda Magaalada Muqdisho, kaas oo lagaga arrinsanayey wajiga Labaad ee howlgalka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab.

Fadhiga maanta oo laga soo qeyb-geliyey Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Taliska Ciidanka Xooga Dalka ayaa warbixin looga dhageystay Sarreeye Gaas Maxamed Cali Bariise oo hoggaamin doona howlgalka isku dhafka ah ee Ciidamada Soomaaliyeed iyo kuwa dalalka dariska ah oo qaadaya howlgal mideysan oo Soomaaliya lagaga sifeynayo argagixisada Alshabaab. Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Sareeye Guuto Odowaa Yuusuf Raage ayaa soo bandhigay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah khawaarijta, caqabadaha jira iyo qorshaha la xiriira ka miro-dhelinta wajiga 2-aad ee dhawaan ka bilaabanaya dowlad-goboleedyada Koonfur-galbeed iyo Jubbaland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay in dalkeennu uu maanta marayo marxalad taariikhi ah, loogana baahan yahay shacabka iyo hoggaanka Soomaaliyeed in ay gacmaha is-qabsadaan, si loo xaqiijiyo in ubadkeennu ay u helaan nolol wanaagsan, horumar iyo amni, taas oo ay aas-aas u tahay in la cirib taro argagixisada dhibaateysay shacabkeenna.

Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ayaa ku bogaadiyey Ciidamada Soomaaliyeed sida naf-hurnimada leh ee ay ku xoreeyeen deegaanno iyo degmooyin badan oo ka tirsan Hirshabeelle iyo Galmudug, waxayna ammaaneen doorka weyn ee ay qaateen bulshada deegannada la xoreeyey oo garab iyo gaashaanba u noqday Ciidamada Qalabka Sida.

Dowladaha Qatar, Mareykanka iyo Ingiriiska oo ku dhawaaqay in 10.5 milyan oo doollar ku taageerayaan Soomaaliya

Dowladda Mareykanka (iyadoo u sii marinaysa Hay’adda Mareykanka ee Horumarinta Caalamiga (USAID), Safaaradda Dowladda Ingiriiska ee Muqdisho iyo Sanduuqa Horumarinta ee Qatar (QFFD) ayaa maanta Muqdisho ku soo bandhigay heshiis iskaashi horumarineed si ay u daahfuraan barnaamijka gargaarka abaaraha iyo adkeysiga oo ay ku baxeyso $10.5 milyan oo uu dhaqan-galinayo barnaamijka Dhisidda Adkeysiga Bulshooyinka ee Soomaaliya (BRCiS).

Iskaashigan saddex geesoodka ah ayaa lagu sheegay in uu xoojinaya maalgashiga ka-hortagga macluusha iyo dhisidda adkeysiga ee ay horaan u sameeyeen USAID, UKAID, iyo QFFD sanadihii 2021/22 wuxuuna awood u siin doonaa BRCiS inay joogteyso bixinta adeegyada naf-badbaadinta ah iyadoo la dardargelinayo dadaallada soo kabashada lixda bilood ee soo socota.

Mike Nithavrianakis, Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa yiri: “Xaaladda Soomaaliya weli waa halis. Waxaan bogaadinaynaa bixinta gargaarka bini’aadannimo ee joogtada ah ee ay bahwadaagteena ku bixiyeen ka hortagga macluusha dalka oo dhan sanadkan. Tani waa mid muhiim ah, laakiin gargaarka bini’aadannimo oo keliya ma xallin karto dhibaatada. Taasi waa sababta UK ay u xoojineyso ka jawaabidda BRciS ee abaaraha iyadoo loo marayo wadashaqeynta Mareykanka iyo Qatar.”

Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Mudane Dr. Abdullah bin Salim Al-Naciimi, ayaa yiri: “Dhibaatada abaaruhu waxay mugdi gelisay xaaladda bini’aadannimo ee Soomaaliya oo markii horeba ka sii dareysay sababo la xiriira cudurka safmarka ah ee Coronavirus, taasi waxay saameysay malaayiin qof, waxayna kordhisay khatarta macluusha, barakaca, cunto yarida, iyo nafaqo-xumada ba’an ee soo wajahda carruurta.

Mudane Dr. Abdullah bin Salim Al-Naciimi ayaa sheegay in bixinta taageerada bini’aadannimo iyo gargaarka ay yaraynayso malaayiinta ay saameeyeen xaaladaha bini’aadannimo, isagoo tilmaamay inay ka shaqayneyso ka hortagga xaaladaha abaaraha ee ka jira Soomaaliya.

Wasiirada Maaliyadda Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis lagu dhisayo wado isku xiraysa labada dal

Wasiirada Maaliyadda Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis lagu dhisayo wado isku xiraysa labada dal si loo kobciyo dhaqaalaha iyo horumarka bulsho ee labada dal.

Waxa Magaalada Sharma Sheekh ee Dalka Masar ku qabsoomay Shirka 17-aad ee Wasiirada Maaliyadda Dalalka Geeska Afrika.

Shirkaan oo looga hadlay qoddobo dhowr ah oo xambaarsanaa Horumarinta Dalalka Geeska Afrika ayaa markaan waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray isku xirka dalalka Soomaaliya, Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya oo loo sameynayo Waddooyin waaweyn oo isku xira si loo hormariyo ganacsiga dalalka Geeska.

Mashqruuca isku xirka Dalalka Geeska Afrika wajigiisa 1-aad waxaa nasiib u helay in lagu bilaabo Soomaaliya iyo Jabuuti, iyadoo fulinta mashuuraacan uu masuul ka yahay Bangiga Horumarinta Afrika.

Waxa si wada jir ah u saxiixay Mashruuca dhismaha Wadada isku xiri doonta Jabuuti iyo Soomaaliya Wasiirada maaliyadda labada dal Dr Cilmi Maxamuud Nuur iyo Ilyaas Muuse Dawaare.

Dhismaha wadadan ayaa wax badan ka tari doonta isku xirka bulshada iyo horumarinta dhaqaalaha gobolka Geeska Afrika, waxaana wajiga labaad ee mashruucan lagu dhisi doonaa wado kale oo isku xiri doonta Soomaaliya iyo Kenya.

Shirka golaha wasiiradda oo looga hadlay fatahaadda Wabiga Shabeelle ka sameeyey gobolka Hiiraan

Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada XFS oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa looga hadlay warbixinno la xiriira Fatahaadda Wabiga Shabeelle uu ka sameeyey Gobolka Hiiraan, diyaar garowga imtixaanka qaranka ee dugsiga sare iyo dhaqan-gelinta nidaaminta bajaajka caasimadda ka howlgala.

Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa golaha warbixin ka siiyey amniga guud iyo xasillinta dalka, gaar ahaan dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee ka soconaya qaar kamid ah gobollada dalka.

Golaha ayaa bogaadiyey guulaha ay ciidammadu ka gaareen dagaalka looga sifeynayo dalka kooxaha Khawaarijta iyo hirgelinta qaraarkii Golaha Wasiirrada ee nidaaminta Bajaajta caasimadda oo dhaqan galay maanta oo khamiis ah.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, ayaa Golaha Wasiirrada u soo bandhigtay warbixin la xiriirta Fatahaadda Wabiga Shabeelle uu ka sameeyey Gobolka Hiiraan, taas oo saameyn xoog leh ku yeelatay nolosha dadka iyo duunyada ku nool deegaannada uu wabigu ku fatahay.

Sidoo kale, Golaha ayaa Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ka dhageystay warbixin ku aaddan u diyaar garowga imtixaanka qaran ee dugsiga sare, gaar ahaan fasalka 4aad ee sannad dugsiyeedka 2022-2023.

   

Hay’adaha amniga oo ku guuleystay in ay fashiliyaan Dhagarta aan muuqan ee Khawaarijta (Warbixin)

18-kii May, Sanadkan 2023, todobaadkii hore Al-shabaab waxay lumiyeen Kunteenar hub iyo walxaha qarxa isugu jira oo ay doonayeen in ay ku gumaadaan Dalka iyo dadka, balse waxaa gacanta ku dhigay hay’adda Sirdoonka Qaranka NISA.

” Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa Dekada Muqdisho ku qabatay allaabo ay ciidamada isticmaalaan oo ay ku jiraan saanad ciidan, kuwaas oo loo waday Khawaarijta Al-shabaab, sirdoonka Soomaaliya ayaa si dhow ula socday saanadan ciidan ee loogu soo dhex qariyay Badeeco ganacsi ahaan Dalka loo soo gelinayay, ilaa iyo wadanka laga soo qaaday iyo muddadii laga shaqeynayay intaba, NISA ayaa sidoo kale la socotay dhaq-dhaqaaqa iyo xiriirka Shabakadda ballaaran oo kala joogay dibadda, Muqdisho iyo gobollada,kuwaas oo ka wada shaqeynayay soo iibinta, soo rarista soo dejinta Dekada ila gaarsiinta gacanta Khawaarijta,” ayuu yiri wasiirka ku-xigeenka amniga gudaha Soomaaliya.

Labo maalin ka dib, 20-kii May 2023, isla sanadkan, 11-kii barqanimo kunteernarkii labaad ayaa galay gacanta NISA, waa qalab ku fadhiyay qiimo sare, bale waa guuldaro kale oo Al-shabaab ay la kulmayaan maalmo is-xig-xiga oo xanuun badan.

” Maanta halkan waxaa yaallo kunteenarkii labaad ee la qabtay, runtiina howlgal wali socda oo aad iyo aad u ballaaran weeye, waxaa runtii hambalyo, bogaadin iyo duco mudan ciidanka qaranka Soomaaliyeed gaar ahaan ciidanka NISA oo shaqadan aadka iyo aadka u weyn qabtay, dadka Soomaaliyeedna ka badbaadiyay dhagarta weyn ee Khawaarijta soo maleegtay, sidoo kalena, ku guuleystya in wixii ugu weynaa ee Khawaarijtu ku faani jirtay ee ahayd inaan xogtooda la heli karin beeniyay,” ayuu yiri wasiir ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta XFS Mudane Al-caddaala.

Isla labaatankii May, kumaandooska Gor Gor ayaa gacanta ku soo dhigay afar dhagar qabe oo ka tirsan Khawaarijta, halka Mahad Caga-duub oo ahaa madaxii Khawaarijta u qaabilsanaa Sakawaadka deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud uu wadno istaag u dhintay ka dib markii uu isku dayay inuu orod kaga baxsado Kumaandooska Gor Gor.

Kooxdan ka tirsan argagixisada naflacaariga ah ee Al-shabaab ayaa u yimid deegaannadaas in lacago baad ah ka qaadaan, balse dadka deegaanka oo la soo xiriiray ciidanka xoogga Dalka ayaa u suurta gashay in ay gacanta ku dhigaan afar ka mid ah Khawaarijta, halka horjooge Mahad Caga-duub uu isku dayay inuu ka baxsado ciidanka, balse ugu yaraan markii uu 3km ordayay ayuu istaagay wadnaha, sidaas meesha ugu quur baxay.

Mahad oo ahaa madaxii Sakawaadka deegaannada Meexaan, Towfiiq, Cali Afrax iyo Budbud ayaa hadda wax Sakawaad dambe ah ka uruurin doonin shacabka  dhammaan deegaannadaas.

Haatan, waxaa xiran oo xukun sugayaal ah  khwaarijta kala ah Cantoob Xiise waa xubin ka tirsan Khawaarijta una qaabilsanaa muddo afar sano Maaliyadda,Jaajuusnimada khaarijinta shacabka Muslimka ah, Yaasiin Cabdulle Cadde asna waa xubin ka tirsan Khawaarijta, wuxuuna muddo 7-sano ah ka tirsanaa kuwa qaada Badda , Siciid Naxar Maxamuud waa xubin ka tirsan khawaarijta wuxuu la shaqeynayay muddo 2-sano ah, kaas oo u qaabilsanaa dabagalka iyo gudbinta xogta muwaadiniinta Soomaaliyeed, dhammaan hadda waa kuwo xiran oo xukun sugayaal ah.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa shalay galinkii dambe madasha shirka Sharm el Sheikh kula kulmay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika Akinwumi Adesina.

Waxay si gaar ah uga wada hadleen xoojinta mashaariicda Bagiga uu ka fuliyo Soomaaliya iyo sidii uu gacan uga geysan lahaa barnaamijka hormarinta dhaqaalaha ee dowladda Soomaaliya ay waddo.

Dr Adesina ayaa ku ammaanay dowladda Soomaaliya horumarka ay ka sameysay barnaamijka deyn cafinta, isaga oo sheegay in bangigu kor u qaadi doono taageerada uu siiyo mashaariicda ay ka wadaan Soomaaliya.

Wasiirka caafimaadka oo shir caalami ah uga qaybgalaya Switzerland

Geneva: Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cali Xaaji Aadan ayaa ka qayb galay munaasabad heer keedu sareeyo oo uu soo agaasimay Bangiga Aduunka (World Bank) kaas oo looga hadlayey ka hortagga cudurada faafa, kaas oo lagu qabtay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Mashruuca ka hortagga cudurada faafa ee Pandemic Fund waa mashruuc muhiim, kaas oo xoojiya ka-hortagga masiibooyinka, u diyaargarowga iyo awoodaha wax ka qabashada ee heer Qaran, heer gobol iyo heer caalami, iyadoo diiradda la saarayo wadamada dakhligoodu hooseeyo iyo kuwa dhexdhexaadka ah.

Kulanka waxaa kasoo qeyb galey madaxda caafimaadka dalalka caalamka, waxaana hadal ka jeediyey qaar ka mid ah wasiirada caafmaadka dalalka sida USA, Italy, Argentin, Filibin, Pakistan, iyo dalal kaloo badan kuwaas oo si wadajir ah uga hadlay ka hortagga Cudurada Faafa oo dunida fara ba’an ku haya.

Wasiirka Caafimaadka Mareykanka ayaa sheegay in wadankiisa uu maalgelin doono ka hortagga cudurada faafa si bulshada dunida oo dhan ay u hellaan caafimaad dhamaystiran iyadoo laga le eegayo caqabadihii lagala kulmay tallaabooyinkii horey loo qaadey ee looga hortagaayey Cudurada faafa ee ka dillaacay dunida.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr Ali Haji Aden ayaa shirka ka jeediyey warbixin ku saabsan sida Soomaaliya ula falgashey ka hortagga Caabuqa COVID-19 oo dunidoo dhanba saamayn xoogle ku yeeshey.

Wasiirka ayaa faahfaahin buuxda ka bixiyey sida Dowladda Soomaaliya ula tacaashey COVID-19 iyo sidoo kale goobhii loogu talagaley in looga hortago Caabuqaasi sida dhowr xarumood oo laga hirgeliyey guud ahaan dalka iyo shaybaarka Qaranka oo loo tayeeyey si heer sare ah taas oo wax badan ka taridoonta ka hortagga cudur kasta oo safmar ah.

Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in ay wax la qeybsato Wasaaradaha Caafimaadka ee dalalka kale ee dunida si loo hello Caafimaad tayo leh oo muwaadinka Soomaaliyeed ku gaaro goobta uu joogo iyo halka uu degan yahay.