Saalax Jaamac “Xadaarad kasta oo ummadi gaadho waxay ku xiran tahay aqriska iyo qoraalka dadkooda”

Ra’iisul wsaare ku  xigeenka dalka ahna ku simaha ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa si rasmi ah u furay Bandhigga Buugaagta ee Muqdisho.

Bandhiggan oo ah midkii 7-aad ayaa waxaa kasoo qayb galay aqoonyahanno, macallimiin, arday, qorayaal iyo aqristayaal ka kala yimid guud ahaan dalalka caalamka iyo gobollada dalka.

Ku-simaha Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay muhiimadda aqriska iyo qoraalku u leeyihiin dalalka soo koraya, isaga oo sheegay in jidka kaliya ee horumar lagu gaari karo uu yahay aqoonta iyo aqriska oo la kobciyo.

Mudane Saalax ayaa tilmaamay in Xukuumadda Danqaran ay ahmiyad gaar ah siinayso dhiirri-gelinta aqriska iyo qoraalka, waxuuna si wayn ugu mahad celiyey masuuliyiinta iyo qaban-qaabiyayaasha bandhiggan buugaagta ee Muqdisho.

 

     

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta oo soo xiray kulanka Wadatashiga Istiraatijiyadda Qaran ee Warbaahinta

Ku-simaha wasiirka ahna wasiir ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala ayaa maanta oo Arbaco ah ku soo xiray magaalada Muqdisho kulanka Wadatashiga Istiraatijiyadda Qaran ee Warbaahinta iyo wada xiriirka.

Kulanka aqoon isweydaarsiga Wadatashiga istiraatijiyadda Qaran ee warbaahinta iyo wada xiriirka ( National Communication strategy ) oo socday muddo seddex maalmood ah ayaa waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, waxaana ka qeyb-galay madaxda qeybaha warfaafinta ee hay’adaha dowladdda Federaalka, gobolka Banaadir, Warbaahinta iyo qeybaha bulshada.

Kulanka ayaa intuu socday waxaa diiradda lagu saaray sidii loo dabooli lahaa baahida bulshada looguna gudbin lahaa farriimo wanaagsan oo mid ah , isku xirka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed iyo helidda istaraatiijiyad mideysan oo lagu wajahayo habka warbaahinta iyo wacyi-gelinta dadweynaha, iyada oo xoogga la saarayo la dagaallanka khawaarijta.

Hay’adda Sodma iyo hay’adaha samafalka oo ka wada hadlay xaaladda fatahaadda ee Baladweyne

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane, Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta Guddoomiyay shir deg-deg ahaa oo heerkiisu sarreeyo, kaas oo looga hadlaayay xaaladda adag ee ka jirta magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Kulankan oo uu goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Dr, Axmed Cabdi Aadan ayaa  waxaa ka qeybgalay dhammaan hay’addaha deeqaha bixiya ee dowladaha Islaamka,waxaana looga hadlay fatahaadda webiga Shabeelle, sida dadka ku barakacay gargaar loo gaarsiin karo iyo sida la iskugu duwi karo howlaha samafalka.

Guddoomiyaha Hay’adda ayaa dhamaan mas’uuliyiinta iyo wakiillada uu la kulmay kaga warbixiyey xaaladda magalada Baladweyne, maadaama uu booqasho maalmo qaatay uu ku tagay halkaasi .

SoDMA ayaa toddabaadkii hore waxa ay magaalada Muqdisho ka dirtay 50 gaari oo sida shixnad mucaawino ah looguna talagalay shacabka dhibatada ka soo gaartay fatahaadda Wabiga Shabeelle uu ka sameeyay Baladweyn iyo deegannada ku xeeran.

   

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dowladood

Kampala- Safiirka J. F. Soomaaliya ee Uganda Danjire, Cali Maxamed Maxamuud Cali Cagabaruur ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay safiirka dalka aan walaalalaha nahay ee Turkiya u fadhiya Uganda Amb. Fatih Ak.

Labada safiir ayaa ka wada hadlay xariirka labada dal ee walaalaha ah iyo sidii iskaashi labada dhinac u sameyn lahaayeen ee ku jirto danaha labada dowladood.

Safiirka Turkiya ayaa ka mahadceliyay sida diirran ee safaaradda Soomaaliya ee Uganda loogu soo dhaweeyay, taasoo muujinaysa xariirka wanaagsan ee labada dowladood ee walaalaha ah ka dhaxeeya.

Dhankiisa Safiir Cali oo ka mahad celiyey booqashada uu safaaradda ugu tagay, sidoo kalena ka mahad celiyay taageerada aan kala-go’a lahayn ee dowladda Turkiya la garab taagan tahay dowladdeena Soomaaliya, wuxuuna sheegay in si dhaw safiir ahaan ula shaqeyn doono walaalkiis safiirka Turkiya.

 

Shirka Golaha wadatashiga Qaran oo Muqdisho ka furmaya

Meertadii 6-aad ee Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Dowlada Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir oo uu guddoominayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamud, ayaa manta ka furmay magaalada Muqdisho.

Waxaana shirkan looga hadlayaa xaaladda amniga dalka, gaar ahaan wajiga labaad ee howlgallada lagu cirib tiraya maleeshiyaadka Khawaarijta, dhameystirka Arrimaha deyn cafinta iyo dhaqangelinta heshiisyadii horey ay u gaareen Golaha Wadatashiga Qaran.

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda

Warbixinta Toddobaadlaha ee
Dowladda Federaalka Soomaaliya
Muqdisho, Arbaco, 24 May, 2023

1- Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo maanta Muqdisho ka furmaya, loogana hadli doono qorsheyaal muhiim u ah dalka.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Shir Madaxeedka Jaamacadda Carabta uga waramey horumarka Soomaaliya ay ka sameysay dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta Al Shabab, qorshaha ciidammada Soomaaliya kula wareegayso amnigeeda, deyn cafinta iyo xasilinta dalka.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu sidoo kale Shir Madaxeedka Jaamacadda Carabta ka sheegay inuu soo dhoweynayo dib ugu soo noqoshada ururka ee Jamhuuriyadda Carabta ee Suuriya, isagoo dhanka kalena ku celiyay baaqii ahaa in dhinacyada isku haya Suudaan ay colaadda joojiyaan, wadahadalna ku xaliyaan khilaafkooda.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Jeddah kulamo kula yeeshay qaar ka mid ah madaxda ka qeybgashey Shir Madaxeedka Jaamacadda Carabta.

5- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Dooxa kulan miradhal ah kula yeeshay Amiirka Qatar Tamiim Binu Xamad Al Thaani.

6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Rugta Ganacsiga iyo ganacsatada Qatar uga waramey fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya.

7- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dooxa kula kulmey saraakiil ciidan Soomaaliyeed oo tababar uga socdo Qatar, isagoo ku booriyay inay isku diyaariyaan ka qeyb ahaanshaha hawlgalada dalka looga xoreynayo Khawaarijta Al Shabab.

8- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa daah-furay dhaqan gelinta shuruucda Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo la jaan qaadaysa heerarka caalaamiga ah ee hay’adaha duulimaadyada.

9- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga ayaa sheegay in lagu guuleystey sugidda amniga caasimadda Muqdisho, taas oo sare u qaadday kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan dowladdooda.

10- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar kaga qaybgalaya shir Madaxeedka sandadlaha ee Bangiga Horumarinta Afrika.

11- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo daah furay Shirweynaha Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed oo lagu dhaqangelinayo siyaasadda qaran ee dhallinyarada.

12- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan la yeeshay Golaha Dhaqaalaha Qaranka, kaas oo looga hadlay qodobada mudnaanta u leh horumarinta dhaqaalaha dalka iyo barnaamijka dayn cafinta.

13- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa agaasimeyaasha guud iyo maareeyeyaasha haya’adaha dowladda farey kor u qaadista hufnaanta, isla xisaabtanka iyo la dagaalanka musuqmaasuqa, una sheegay in xukuumaddu muhiimad gaar ah siinayso hufnaanta adeegyada bulshada.

14- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeybgaley munaasabad si rasmi ah loogu shaacinaayey macalimiinta kuy guuleysatey barnaamijka shaqaaleynta macalimiinta cusub ee dugsiyada dowladda.

15- Hay’adda Lacagta Aduunka ayaa shaacisay in Dowladda Soomaaliya ay ka gudubtay hannaanka dib-u-eegista 5-aad ee barnaamijka (ECF) ee deyn Cafinta Soomaaliya.

16- Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa gaaray magaalada New York halkaas oo uu ka dhacayo shir caalami ah oo dhaqaale yabooh loogu samaynayo dalalka Bariga Afrika ee abaaraha ay saameeyeen.

17- Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa Muqdisho ka furtay qeybta koowaad ee kulanka wadatashiga diyaarinta istiraatiijiyadda qaran ee warbaahinta iyo wada xiriirka.

18- Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ayaa Dekadda Muqdisho iyo Garoonka Aadan Cadde ku qabtay shixnad ciidan oo ku socotey Khawaarijta Al-Shabaab.

19- Ciidamada Booliiska Degmada Wadajir oo kaashanayo dadka degaanka ayaa fashiliyay qarax argagixisada ay doonayeen inay shacabka ku dhibaateeyaan.

20- Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukunno ku ridday askartii ka dameeysay weerarkii ka dhacay isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho, 27-kii Bishii Febraayo ee sanadkaan.

21- Wasiirka wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa furay kulan farsamo oo looga arrinsanayo hawl-gelinta hannaanka caddaaladda iyo asluubta ee ay dhawaan Golaha Wadashiga Qaran heshiis ka gaareen.

22- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa Muqdisho ka daah-furay kulanka 2-aad ee madasha maayarada Soomaaliya.

23- Shir ay isugu yimaadeen dalalka Safka hore ee hoggaaminaya hawlgalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ayaa ka dhacay Muqdisho.

24- Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabduqaadir Maxamed Nuur oo tababar dalka Uganda ugu soo xirey urur gaar ah (special force ) oo ka tirsan Xoogga Dalka, kuwaas oo dhameystey tababar heerkiisa aad u sareeyo.

25- Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Faarax Cabdulqaadir Sheekh ayaa kula kulmay magaalada Dooxa ee Dalka Qadar kula kulmay Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Qatar Mudane Khaliifa bin Jassim Al Kuwari.

Dhammaad.

Wasiirka Caafimaadka oo Geneva kaga qeyb galay madasha 76-aad ee golaha Caafimaadka Adduunka

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Dr, Cali Xaaji Aaden iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalay madasha 76-aad ee Golaha Caafimaadka Adduunka (76th World Health Assembly) oo ka dhacaya magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Halku dhigga madasha ee sanadkan ayaa ah “Badbaadinta Nolosha iyo sii wadidda horumarinta Caafimaadka dadka oo dhan, iyadoo madaxda iyo wufuuddii ka qeybgashay kulanka ay ku lafa gurtay go’aannada siyaasadaha qaabayn doona mustaqbalka Daryeelka Caafimaadka Adduunka oo dhan.

Ajendaha kalfadhigu waxa uu ka kooban yahay mawduucyo aad u muhiim ah oo ay kamid yihiin  soo jeedinta miisaaniyadda barnaamijka 2024-2025, Istaraatiijiyadda Caalamiga ah ee Caafimaadka Haweenka, Carruurta iyo Dhallinyarada ee (2016-2030), qorshaha yoolka Caafimaadka loo dhan yahay ee Caalamiga ah (UHC), habraacyada  jaangooynta magacyada aaladaha caafimaadka iyo guud ahaan u diyaar garowga xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka dadweynaha.

Golaha Caafimaadka Adduunka waa madasha  go’aamisa hanaanka caafimaadka dunida, waxaana isku dubarida agaasinkeeda Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO).

Madasha ayaa kulmisa sanad walba madaxda Caafimaadka Dowladaha Adduunka iyo Hay’adaha arrimaha Caafimaadka, si ay u go’aamiyaan ajendaha, siyaasadda, farsamooyinka iyo xeeladaha sida ugu wanaagsan, si loo hubiyo nidaam caafimaad oo caalami ah oo mideysan kaas oo lagu wada gaari karo  yoolka Caafimaadka loo dhanyahay ( Universal Health Coverag (UHC) .

Sacuudi iyo Mareykanka oo xabad joojin ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya Suudaan

Wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga ayaa sheegtay, in Boqortooyada Sacuudiga iyo Mareykanka ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xabbad joojin rasmi ah oo dhexmarta dhinacyada ku dagaalamaya Suudaan.

Bayaankan wada jirka ah ayaa lagu sheegay, in labada dhinac ee uu u dhaxeeya dagaalka ka socda Suudaan aysan isku xilqaamin ka mira dhalinta heshiisyadii horay loo gaaray ee ku saabsanaa in labada dhinac ay joojiyaan Xabadda.

War saxaafadeedkan wada jirka ah ee ka soo baxay Riyaadiyo Washington ayaa lagu yiri: “Boqortooyada Sucuudiga iyo Maraykanku waxay ku baaqayaan in la xoojiyo heshiiskii xabbad-joojinta ee ay kala saxeexdeen ciidammada qalabka sida ee Suudaan iyo kuwa Taageerada Degdegga ah, si wax looga qabto xaaladda bini’aadannimo ee ka jirta Suudaan”.

Dalka Suudaan ayaa Shan toddobaad ee la soo dhaafay waxaa ka socday dagaallo sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac, sidokale intii ay socdeen dagaaladan ayaa waxaa ka dhashay xaalado bini’aadannimo oo kala duwan.

Soomaaliya iyo Canada oo ka wada hadlay dhameystirka arrimaha deyn-cafinta Soomaaliya

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa Magaalada Sharmal Sheekh ee Dalka Masar waxa uu kulan miro-dhal ah kula yeeshay Wasiirka horumarinta Caalamiga ah ee Dowladda Canada Mr. Harjit Sajjan iyo mas’uuliyiintii la socotay.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray hannaanka Isbeddalka dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya iyo dhameystirka arrimaha deyn-cafinta.

Sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in uu kala hadlay taageerada ay ka geysan karaan saameynta dhaqaale ee isbeddalka cimillada oo Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka uu saameynta xooggan ku yeeshay.

Shirka madasha 2-aad ee Maayarrada dalka oo lagu soo xiray Muqdisho

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xalay casho sharaf sagootin ah u sameeyey Maayarrada Magaalooyinka dalka iyo Wasiirrada arrimaha gudaha dowlad goboleedyada, kuwaas oo uu u soo idlaaday shirka madasha 2-aad ee Maayarrada Soomaaliyeed oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS.

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda iyo Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir oo martigeliyay munaasabaddan ayaa halkaasi ka jeediyay khudbado ay kusoo dhaweenayeen kuna sagootinayeen Maayarrada iyo Wasiirrada ka kala yimid dowlad goboleedyada dalka ayaa sheegay in ay sharaf u tahay in Muqdisho lagu qabto shirka Madasha 2-aad ee Maayarada dalka.

Xubno ka socday Maayarrada Magaalooyinka dalka iyo Wasiirradda Arrimaha gudaha ee dowlad goboleedyada dalka oo dhankooda ka hadlay munaasabadda ayaa ugu mahadceliyay maamulka gobolka Banaadir marti-soorka iyo soo dhaweynta ay Muqdisho ugu sameeyeen wafdiga ka kala yimid gobollada dalka, iyagoo ku amaanay Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS marti gelinta shirka Madasha Maayarrada.

Gaba-gabadii munaasabadda waxaa ka hadlay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha XFS, Mudane Axmed Macalin Fiqi oo ka mahadceliyay munaasabadda sagootinta ee uu maamulka gobolka Banaadir u sameeyay wufuudda ka kala yimid Gobolada dalka , kuwaasi oo muddo 3 cisho Magaalada Muqdisho ugu socday shirka Madasha Maayarrada oo la isku dhaafsanayay aqoonta, Waayo-aragnimada, wada shaqeynta maamullada iyo horumarinta dowladdaha hoose.