Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga oo hawlgal ka dhacay Jilib ku dhaawacay Horjooge Sare

Mid ka mid ah Horjoogayaasha Khawaarijta ayaa lagu dhaawacay hawlgal wadajir ah oo ay fuliyeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah.

Horjoogaha la dhaawacay waxaa lagu magacaabaa Cusmaan Maxamed Cabdi, wuxuuna Khawaarijta u qaabilsan yahay arrimaha dibadda.

Hawlgalku waxa uu ka dhacay degmada Jilib oo Gobalka Jubbada Dhexe, waxaana lagu beegsaday Guri uu isku qarinayay.

Horjoogahaan waa denbiile mas’uul ka ah in uu dalka soo galiyo Khawaarijta ajaanibta ah, sidaas si la mid ah wuxuu fududeeyaa kala gudbinta fikradaha Khawaarijta.

Dawladda Soomaaliyeed waxa ka go’an in cadaaladda la marsiiyo danbiilayaasha Khawaarijta ah ee doortay in ay daadiyaan dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

Beegsiga horjoogeyaasha Khawaarijtu waa fariin ku socota kooxaha Khawaarijta ah taas oo ah in aanay Soomaaliya ku heli doonin gabbaad ay ku dhuuntaan isla markaana si joogto ah ay u daba socdaan Ciidamada Amnigu si cadaaladda loo marsiiyo.

Wasiirka arrimaha gudaha oo soo xiray madasha maayarada Soomaaliya

Wasiirka arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa soo xiray madasha maayarada Soomaaliya, kaas oo wasaaraddu ay Muqdisho ugu qabatay maayarada Soomaaliya.

Mudane Axmed Macalim Fiqi ayaa sheegay in war-murtiyeedkii ka soo baxay madasha maayarada Soomaaliyeed wasaaradu dhinaceeda fulin doonto la iskulana xisaabtami doono. “Shaqooyinka dhaqangelintooda hey’ad walba shaqo ayaa ku soo aadday, degmooyinka, dowlad goboleedyada, dowladda federaalka ah iyo hey’adaha caawiya, qolo walba waxaa la hubin doonaa qeybta ay qaadatay, qorshaeaasha”. ayuu yiri wasiir Fiqi.

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane xhmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in magaalada Baladweyn ay ka jirto xaalad adag, oo daadad noocani ah ay ugu dambeysay 1981-dii, iyada oo hadda ay biyaha barakiyeen 90% dadkii magaalada, waxaa uu soo qaatay in wasaaradda iyo hey’adda maareynta musiibooyinka ay bixiyeen gargaar degdeg ah, waxaa uuna shacabka Soomaaliyeed iyo hey’adaha kala duwan ugu baaqay in gacan loo fidiyo reer Baladweyne.

Ugu dambeyntii, wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Fiqi waxaa uu degmooyinka dalka ugu baaqay in ay qeyb ka noqdaan ololaha xoreynta dalka iyo degmooyinka ay inta badan ukumo dhigteen Khawaarijta, waxaa uuna hoosta ka xariiqay in dhowaan la bilaabayo howlgalka Libaaxa Madow ee careysan, oo cuni doona Khawaarijta.

  

Wasiirka arrimaha dibadda oo gaaray New York, halkaas oo uu shir caalami ah uga qayb galayo

New York: Wasiirka arrimaha dibadda dowladda FS mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa gaaray magaalada New York ee dalka Maraykanka, halkaas oo uu ka furmayo shir caalami ah oo dhaqaale yabooh loogu samaynayo dalalka bariga Afrika ee la dhibaatoonaya saamaynta abaarihii isxigxigay ee soo maray.

“In kasta oo dalkeenna inta badan roobkii Gu’gu ka curtay hadana waxaa weli taagan saamaynta ay reebeen shantii xilli roobaad ee ina dhaafay oo aan si wanaagsan u da’in” ayuu yiri wasiir Abshir.

Wasiirka ayaa khubad ka jeedin doona shirka, si uu madaxda ula wadaago xaaladda Soomaaliya iyo soo kabashada ay ka samaynayso abaarihii soo maray, kuwaas oo boqolaal kun oo Qoys oo xoolo dhaqato iyo beeraley isugu jira ay ku barakaceen.

Sidoo kale wasiir Abshir ayaa kulamo gaar ah la qaadanaya madaxda iyo hay’adaha ka qaybgalaya shirkaas, si looga wada xaajoodo in Soomaaliya lagu caawiyo mashaariic bulshada gaarsiin kara u adkaysiga abaaraha.

Ra’iisal wasaare Xamse oo hadal ka jeediyey shirka Bangiga Horumarinta Afrika oo dalka Masar ka socda

Sharmalsheekh; Ra’iisul wasaaraha xukuumadda FS mudane Xamsa Cabdi Barre oo khudbad ka jeediyey madasha shirka Sharma Al-sheekh ayaa si qoto dheer kaga hadlay ahmiyadda ay leedahay in Bangiyada horumarintu ay noqdaan kuwo ka jawaaba caqabadaha la soo gudboonaada dal.
Ra’iisul wasaaraha oo dood-cilmiyeed kala qaybgalay Ra’iisul wasaareyaasha Masar, Rwanda, Burundi, Madaxweynayaaha Comoros iyo Madaxweyne ku xigeenka Tanzania ayaa sheegay in xukuumadiisu ay xoogga saartay hirgelinta lix tiir oo ka mira dhalintooda ay u horseedi karto Soomaaliya horumar iyo barwaaqo.
Mudane Xamsa oo madaxda kala duwan ee madasha ka soo qaybgashay la wadaagay sida ay dowladdiisu guulo la taaban karo uga soo hoysay horumarinta dhaqaalaha iyo wax ka qabashada isbeddelka cimillada, si looga baaqsado fatahaadaha soo noqnoqda iyo abaaraha dabadheeraaday.
Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in wadammada ka soo kabanaya colaadaha ee ku jira dowlad dhiska sida Soomaaliya oo kale ay dhibaatooyin badan kala kulmaan sidii ay dib ula soo qabsan lahaayeen nidaamka dhaqaalaha adduunka.
   

Wasiirka Waxbarashada iyo taliska Booliska oo ka wada hadlay amniga Imtixaanka ardayda dugsiyada dalka

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada XFS, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa maanta kulan la yeeshay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Saraakiisha loo diyaariyay in ay ka shaqeeyaan Amniga iyo Amaanada Imtixaanka.

Wasiir Faarax iyo S.Guuto Sulub Axmed Firin ayaa Saraakiisha kula dar daarmay in ay masuul ka yihiin bad qabka ardayda iyo amaanada Imtixaanka, iyaga oo sidoo kale faray in ay ardayda ula dhaqmaan sida ugu wanaagsan oo aysan khal khal galinin .

Saraakiishan ayaa ka shaqeyn doono 114 xarumood oo loo diyaariyay in ay Imtixaan ku galaan 34,000 oo arday, kuwaas oo ku kala yaalla Caasimadda iyo Gobollada dalka.

    

Ra’iisul Wasaare Xamse oo dalka Masar kaga qayb galaya shir Madaxeedka Bangiga horumarinta Afrika

Qaahira- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar kaga qaybgalaya shir Madaxeedka sanadlaha ee Bangiga Horumarinta Afrika oo maanta ka furmay magaaladaasi.

Shirka oo ay ka qaybgalayaan madax ka socota Qaaradda Afrika ayaa waxaa sanadkan diiradda lagu saarayaa Isku dubaridka maalgelinta Ganacsiga gaarka loo leeyahay si ay door muhiim ah uga qaataan dadaallada wax looga qabanayo saameynta isbeddelka Cimillada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa madaxda Afrika kala qaybgalaya dood-cilmiyeed ku saabsan caqabadaha qaaradda Afrika ka heysta qaab dhismeedka dhaqaalaha adduunka iyo doorka bangiyada horumarinta ee caalamiga ah ay qayb uga noqon karaan xal waara oo loo helo dhibaatooyinka soo wajahaya Afrika.

     

Kulanka wadatashiga istiraatiijiyadda Qaran ee Warbaahinta iyo wada xiriirka oo maalintii 2-aad galay

Kulanka aqoon isweydaarsiga Wadatashiga istiraatijiyadda Qaran ee warbaahinta iyo wada xiriirka ( National Communication strategy ) ayaa maalintii labaad galay kaas oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, waxaana ka qeyb galaya madaxda qeybaha warfaafinta ee hay’adaha dowladdda Federaalka, gobolka Banaadir, Warbaahinta iyo qeybaha bulshada.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-caddaala ayaa maanta ka qeyb-galay, isaga oo khubarada ka qeyb galaysa ku boorriyay in si wanaagsan loo qaadaa dhigo baahida bulshada ee la xiriirta farriimo wanaagsan , kuwaas oo ah kuwo mideysan oo sare u qaada isku xirka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta XFS Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa dhankiisa sheegay in aqoon is-weydaarsigan muhiimaddiisu tahay helidda istaraatiijiyad mideysan oo lagu wajaho habka warbaahinta iyo wacyi-gelinta dadweynaha, iyada oo xoogga la saarayo la dagaallanka khawaarijta, kor u qaadista isku soo dhoweynta dowladda iyo dadweynaha, kor u qaadista wacyiga iyo fahamka bulshada dowlad dhiska, mideynta farriimaha dowladda.

Kulanka oo shalay Muqdisho ka furmay ayay ka qeyb galayaashu kaga doodayaan muddada uu socdo sidii loo abuuri lahaa istiraatiijiyad lagu hago warfaafinta dalka, taas oo ku salaysan baahida bulshada Soomaaliyeed.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa xusay in ay wasaaraddu hore u samaysay xafiis mideeya farriimaha dowladda, kaas oo wax wayn ka qabtay in la helo akhbaar sax oo mideysan, kana tarjumaysa xogta rasmiga ah ee dowladdu ay la wadaageyso shacabka.

Wada tashigan qoridda istaraatiijiyadda ee shalay furmay waxaa xigaya wadatashiyo lala sameyn doono dowlad goboleedyada iyo hay’adaha kale ee muhiimka u ah dhismaha istaraatiijiyadda Qaranka ee Warbaahinta iyo wada xiriirka.

  

Saanad ciidan oo lagu wax yeeleyn lahaa amniga muwaadiniinta oo la qabtay (WARBIXIN)

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaanahaanba soo saareysay sharciyo lagu sugaayo Ammaanka Dalka iyo xasiloonida Caasimadda Dalka ee Muqdisho, kuwaasi oo dhammaantood u muuqday inay dhaqangaleen, waxaana ka mid ah sharciga nuxurka xakameynta Hubka, kaasi oo qeyb weyn ka qaatay ammaanka iyo xasiloonida Magaalada Muqdisho,iyadoo ay aad u mahdiyeen shucuubta ku nool Caasimadda Dalka ee Muqdisho, waxaana bar-bar socda nidaanka kale oo lagu xakameynayo qul-qulka Hubka sharci-darrada ah.

Hubka sharci darrada ah intii uu dalka ku soo qul-qulaayay hub fara badan kaasi oo waxyeello baahsan loogu geystay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo aan waxaba galabsan, sidaasi awgeed Xarunta Daraasaadka Istiraatiijiyadeed ee Afrika ayaa dhawaan soo bandhigtay tirakoobka dadka ku dhintay weerarada kooxaha Argagixisada oo ay ka geysteen Soomaaliya Sanadihii 2021-kii iyo 2022-kii, Xaruntaan ayaa Warbixinteeda sal uga dhigtay daraasad iyo uruurin Macluumaadka la xiriira falalka Kooxda Argagaxisada ah ee Shababka, waxayna Africa Center for Strategic Studies ay sheegtay in sanadkii hore ee 2022-kii ay kooxda Argagixisada Shabaabka weeraro ay geysteen ay ku naf waayeen 2,606 Qof, walow ay ka badneyd tirada dadka kooxdaasi ay nolosha dhaafisay sanadkii ka sii horeeyay ee 2021 oo eheyd 6,225 Qof.

Sanadkaan ee 2023-ka ee loo dhaw yahay bartamihiisa aad bay u yar yihiin weerarada kooxda marka loo eego sanadihii hore, waxaana taasi ugu wacan culeyska kooxda la saaray, maadaama duulaan culus oo kooxdan lagu qaaday looga qabsaday dhul ballaaran oo ku yaala degaanada Hirshabelle iyo Galmudug.

Mako Maxamuud Muuse oo dhawaan loo magacaabay la taliysha Madaxweynaha ee qulqulks hubka sharci darrada ah ayaa waxaa jirta in Saanad Ciidan iyo Ganacsatadii keentay la qabto, iyadoo ay Sirdoonka Qaranka ay ku guulaysteen in ay gacanta ku dhigaan  Qalab aad u badan oo ay lahayd Khawaarijta, kaasi oo ahaa Saanad kala duwan oo ay doonayeen in ay u adeegsadaan Weerarada ka dhanka ah Masuuliyiinta iyo Shacabka Soomaaliyeed. Sirdoonka Qaranku, wuxuu sidoo kale ee uu soo xir xiray Shabakad ballaaran oo ka koobnayd Toban Qof,  kuwaasi oo ahaa kuwii qaabilsanaa kala gudbinta iyo sidoo kale Gaadiidkii la doonayay in lagu qaado Sanaaddaan Khawaarijtu laheyd.

Hawlgalka lagu fashiliyay wuxuu ahaa Mid aad loo agaasimay oo tixnaa ilaa halkii laga soo iibiyay, halka loo waday, meelaha laga kala gudbinayay iyo cid kasta oo ku lug lahayd, waxaana lagu soo kala qabtay dekedda weyn ee Magalada Muqdisho, Garoonka Diyaaradaha ee Aaden Cadde ee Magaalada Muaqdisho iyo Koonteenar kale oo isna lagu soo qabtay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada Hoose.

Tani waxa ay muujinaysaa in hadda ay Hay’adaha Amnigu si wanaagsan gudaha ugu galeen xayndaabka Khawaarijta,  isla markaana awood u yeesheen in ay dhex galaan kana gutaan waajibaadkooda, waxaana Shaki la’aan talaabadaan waxay badbaadisay Nolosha Dad aad u fara badan, sidoo kale waxeey fashilisay Dhagar sare iyo halis wayn oo ku wajahnayd Bulshadeenna iyo mas’uuliyiinteenna, waxaa kale oo  xusid mudan in kuwa ku lugta lahaa fal danbiyeedkaan ay ahaayeen Ganacsato haysatay Shatiyo Sharci ah,  balse isku dayay in ay ugu adeegaan Khawaarijta, taasi oo dhamaanteen nagu waajibinaysa in aan la nimaadno feejignaan dheeri ah.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan yuusuf Cadaala oo ka hadlaayay arintaasi aya yiri, “ Marka hore Mahad oo dhan Allaah ayaa iska leh, marka labaadna Sirdoonka Qaranka iyo cid kasta oo gacan ku siisay waajib gudashadaan wayn, oo suurtogalisay in lagu guuleysto in la qabto sanaad intaasi la eg oo la doomayaya in la dhibaateeyo Dadkeenna”

“Shacabkeenna Sharafta badanoow, waad aragtaan jabka iyo liidashada dhinac kasta ka haysta Khawaarijta, sidaas awgeed waxaa la joogaa waqtigii aan dhamaanteen u bareeri laheyn, kuna dhiiran lahayn in aan toos u wajahno Khawaarijta iyo cid kasta oo xiriir la leh, kana suulin laheyn Dalkeenna” ayuu yiri Wasiir ku xigeenku.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane  Dr: Xasan Shiikh Maxamuud ayaa goor sii horreysay ka hadlay qul-qulka Hubka sharci darrada ah, isagoo xusay in ay jiraan Ganacsato Soomaaliyeed oo ku guda jirta keenista qalabka iyo Saanadda Ciidan, isagoo caddeeyay inay mamnuuc tahay in la keeno dalka qalabka Militari nooc kasta ha ahaadeene, una soo jeediayay inay ka waantoobaan, hadii kale sharciga lala tiigsan doono.

Waxaa la yaab noqotay in Dekeddi Dalka laga soo dajiyo waxyaabo u adeegaaya Khawaarijta, mana loo dulqaadan karo inay taasi mar kale ka dhacdo, Haddaba dadweynaha Soomaaliyeed waxay ka dhur sugaynaa in cadaaladda la marsiiyo Ganacsatadii ku dhiiratay inay qalabkaasi Militari keenaan Dalka iyo cid kasta oo gacan ka geysatay falkaasi amniga lagu waxyeeleynayay, islamarkaana shacriga la marsiiyo, Maxkameydntoodana ay ahaato mid daah furan oo lagala wada socdo qalasbka Warbaahinta Dalka.

Weerar ay dad ku geeriyodeen oo ka dhacay goob laga soo saaro Shidaal oo ku taalla Pakistan

Ciidamada Booliska Pakistan ayaa sheegay in kooxa mintidiin Islaami ah ay galinkii danbe ee shalay ay weerar ku qadeen goob laga soo saaro Shidaalka oo ku taalla waqooyi galbeed ee dalkaasi, halkaas oo ay ku dileen afar xubnood oo ka tirsan Boolis Pakistan iyo laba ka mid ah Shaqaalaha Shidaalka.

Irfan Khan, oo ah sargaal ka tirsan booliska Pakistan ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in weerarkan uu ka dhacay xarun ay maamusho shirkada Pakistan Oil and Gas oo ku taalla degmada Hangu, una dhow xadka ay la wadagaan Afghanistan.

Sargaalkan ayaa intaa ku daray in weerarkan ay fuliyeen maleeshiyaad ka tirsan kooxaha mintidiinta ee ka dagaalama qeybo ka mid ah dalka Pakistan.

Dhowr kooxood oo mintidiin ah, oo ay ka midyahiin faraca Taalibaan ee Pakistan, ayaa muddo sanado ah ka dagaalamaya dhaca waqooyi-galbeed ee dalkaasi Pakistan, kuwaasi oo si joogta ah weerarro ugu qaada ciidamada ammaanka iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee Dowladda.

Kordhinta tirada iyo tayada ciidanka xasillinta Caasimadda (Warbixin).

Kordhinta tirada iyo tayada ciidanka sugaya amniga caasimadda waxay ahayd howl ay Dowladdu gelisay dadaal iyo juhdi xoog leh, iyadoo kaashaneysa saaxiibadeeda si ay magaaladan u hesho ciidan xoog leh oo ku filan amniga caasimadda.

” Dhammaanteen anigoo madaxweynaha Jamhuuriyadda aan ugu sareeyo iyo islaanta Yaanyada jidka ku gadeysa iyo wiilka yar ee iskuulka Elementariga dhigta ee u kalahaya dhammaan adinkey idin soo eegayaan, maxay idinka soo eegayaan?, sharaf iyo karaamo in ay ku noolaadaan ayay idinka soo eegayaan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlayay ciidamada xasillinta ee loo qorhseeyay sugida amniga caasimadda.

Ciidanka xasillinta oo dhowr kun loo qorsheeyay xasillinta magaalada ayaa ka sokow tababarada iyo qalabeynta casriga ah waxaa u dheeraa habka la dhaqanka bulshada oo laga diyaariyay si meesha looga saaro kalsooni darada ay bulshada ka muujin jireen ciidamada qaar.

“Waayeelka, carruurta iyo dadka qaar ee qaba baahiyaha gaarka ah in aad mar walba gacanta qabataan, isku soo cel-celiyoo warkeyga wuxuu ku dhan yahay dadkeenu u naxariista, cadowgana ku dhiira-naada”.

Waa ciidamo si gaar ah loogu soo xulay dhaqan iyo akhlaaq wanaagsan sida ka muuqata shaqada ay ka qabanayaan magaalada oo dadka si wanaagsan oo ixtiraam leh ay ula dhaqmayaan, taas oo meesha ka saareysa cabsidii laga qabay ciidamada qaar.

Ciidamada Baraha kontaroolada taagan ee sugaya amniga caasimadda ayaa shacabka si naxariis iyo cabsi la’aan ku jirto u weydiinaya xaaladda ugana gudanaya waajibaadkooda qaran, iyagoo si gaar ah ugu turaya waayeelada, carruurta iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba oo waddada si nabdoon ku gudbinaya.

“Annaga adinkaa wax idinku nahay, adinkana annagaa wax nagu tihiin, fadlan aan wada shaqeyno,”. waa oraahda qalbi taabkadka ah ee saraakiisha ciidamada xasillinta caasimadda dadka Kula macaamilayaan.

Waxaa guud ahaan magaalada laga dareemay amni iyo deganaasho la isku haleyn karo, qof walbana wuxuu bilaabay inuu booqdo xaafado muddo dheer ugu dambeysay, taas oo noqotay xilligan hadal haynta ugu badan oo dadka Muqdisho isla dhexmaraan, ka dib dhowr iyo toban sano oo nabadda magaaladan geed dheer ku laalneyd.