Dagaallo iyo Duqeymo culus oo dib uga qarxay dalka Suudaan

Inkastoo heshiis xabad joojin ah uu dhex maray dhinacyada ku dagaalmaya Suudaan, haddana waxaa magaalada Khartuum ee caasimada Suudaan laga maqlayaa deryanka Madaafiicda culus.

Wararka ayaa sheegaya in la maqlayo dhawaqa Rasaasta iyo duqeymo dhanka cirka ah oo ka dhacaya koonfurta iyo waqooyi bari ee magaalada Khartuum, kuwaasi oo u dhaxeeya ciidamada milatariga iyo kuwa RSF.

Dagaalada iyo duqeymahan dib ugu bilowday magaalada Khartuum ayaa meesha ka saaray rajadii iyo deganaanshiyahii yareyd ee ka jiray magaalada, xilli uu si rasmi ah u dhaqan galay heshiis xabad joojin ah oo ay wada gaareen labada dhinac.

Howlgal lagu beegsaday Khawaarijta oo laga fuliyey degmada Jilib

Ciidanka Qalabka sida oo kaashanaya saaxiibbada caalamiga ah ayaa weerar ka fuliyay magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe, halkaasi oo xarun u aheyd Khawaarijta Al-Shabaab.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayay ciidanku khasaare xooggan ugu geysteen Khawaarijta kaas oo isugu jirta dhimasho, dhaawac iyo qalab la burburiyay.

Wasaaradda warfaafinta oo Muqdisho ka furtay wadatashi ku aadan istiraatijiyadda Qaran ee warfaafinta

Shirkan oo ay ka qaybgaleen mas’uuliyiin ka kala socday warbaahinta dowladda, xafiisyada warfaafinta ee wasaaraha dalka, gobolka Banaadir iyo warbaahinta madaxa banaan ayaa waxaa furay agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta mudane Cabdulaahi Xayir Ducaale.

Ka qaybgalayaasha ayaa ka doodi doona mudada uu shirku socdo oo sadex cisho ah sidii loo abuuri lahaa istiraatiijiyad lagu hago warfaafinta dalka, taas oo ku salaysan baahida bulshada Soomaaliyeed.

Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta mudane Cabdullaahi Xayi Ducaale ayaa xusay inay wasaaraddu hore u samaysay xafiis mideeya farriimaha dowladda, kaas oo wax wayn ka qabtay in la helo akhbaar sax ah oo mida, kana tarjumaysa xogta rasmiga ah ee dowladdu shacabka u gudbinayso.

   

Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka oo soo xiray shirweynaha Qaran ee dhallinyarada

Ku simaha Ra’iisul wasaaraha ahna ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka ayaa maanta soo xiray shirweynaha Qaran ee dhallinyarada Soomaaliyeed, kaas oo Muqdisho ka socday maalmuhii u dambeeyey.

Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in xukuumadda Danqaran ay dhallinyarada siinayso ahmiyad gaar ah, isaga oo xusay in siyaasadda Qaran ee dhallinyaradu ay tahay mid qeexaysa doorkooda muhiimka ah.

Sidoo kale ra’iisal wasaare ku xigeenka ayaa xusay in ay ku hawlan yihiin siyaasado iyo barnaamijyo shaqo abuur u ah dhallinyarada Soomaaliyeed.

Shirweynaha dhallinyarada oo muddo saddex maalmood ah ka socday Muqdisho ayaa waxaa ka soo qayb galay dhallinyaro Soomaaliyeed oo ka kala yimid gudaha iyo dibedda, iyada oo lagu lafa-guray, lagana dooday caqabadaha haysta dhallinyarada iyo sidii looga gudbi lahaa.

    

Saraakiil ka tirsan wasaaradda maaliyadda oo musuqmaasuq loo soo xiray

Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa soo xiray saraakiil ka tirsan wasaaradda Maaliyadda kuwaas oo ku eedeysan xatooyo xoolo dadweyne.

Furihii xaqiijinta Amniga caasimadda (Warbixin)

Muddo dheer magaalada Muqdisho waxay dhibane u ahayd dambiilayaasha Khawaarijta oo si kasta ugu qubeystay dhiigga shacabka Soomaaliyeed. Muqdisho waxay astaan u noqotay qaraxyo, dilal iyo weeraro toos iyo nooc kasta oo Khawaarijta ableyda ugu dooxaan shacabka Soomaaliyeed.

Iyada oo laga duulaayo muhiimadda ay madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka u leedahay tayeynta amniga iyo howlgallada lagu tirtirayo khawaarijta ayaa waxaa dib u habeyn lagu sameeyay hay’adaha ammaanka.

” Amniga magaalada Muqdisho muhiim waaye,meesha dhabta ah ee dalka amni-daridiisa laga qiimeynayo Xamar waaye,waana sababtaas sababata ay Al-shabaab( argagixisada) ugu mashquuleen, furin la kala xoreysto Xamar Kuma taalo,kama dagaallamaan aag, dhul iyo xaafado ma qabsadaan,Soomaaliyeey caqliga hanoo soo noqdo oo miirka hanoo soo noqdo,”, ayuu yiri madaxweyaha JFS.

Markii ugu horeysay ayaa amniga Muqdisho loo sameeyay qorshe mideysan oo ay ku wada shaqeeyaan ciidanka Nabad-sugidda iyo Sordoonka Qaranka oo isugu jira labo nooc oo kala ah ciidanka muuqda iyo kuwa aan muuqan, ciidamada Booliska iyo ciidanka kale ee Boolis-Militaro.

” Guusha aan caawa ku naalooneyno waxaa keennay dhowr shey, ilaah baa keennay marka hore, hayeeshee, waxaa keennay oo Ilaahey sabab uga dhigay, horta marka koowaad siyaasad cad, annaga oo ka duuleyno aragtida madaxweynaha in ay  xukuumaddu dejiso siyaasad cad  oo amniga caasimadda lagu sugayo, siyaasad ficil ( action) ayaa loo beddelay waxaana hirgeliyay ciidamada amniga”, ayuu yiri RW Xamsa.

Qorshaha wadajirka ee amniga caasimadda, qeybsiga shaqada amniga,kullamada joogtada ah iyo wada shaqeynta dhow ee saraakiisha ciidamada iyo hoggaannada ciidanka ka dhaxeeyo ayaa saldhig u noqotay isbeddelka amniga caasimadda.

Inaan la isku haleyn shaqada amniga iyo in ciidanka kala duwan ay u shaqeeyaan sida hal ciidan oo leh hal taliye ma ahayn wax sahlan. Haddaba sidee ayay ku suurta gashay arrintan?.

” Runtii mar walba waa la wada shaqeyn jiray oo ciidamada wa wada shaqeyn jireen, laakiin hadafku unbaa kala duwana, sida aad la socotaan dalku dagaal ayuu ku jiraa,maaddaama dalku dagaal ku jiro Khawaarij lala dagaallamayo, meel ciidamadu qaranku kala tagaan oo kala duuntaan ma jirto, sidaas daraateed, waxaa la isku tolay in ciidamadu wada shaqeeyaan hal hadafna ay leeyihiin, hadafka la leeyahay waa in ay magaaladan noqoto amni, ay amni ka noqoto argagixisada ay amni ka noqoto maandooriyaha ay amni ka noqoto masuq maasuqa ay amni ka noqoto burcadda,” sidaas waxaa yiri taliyaha Booliska gobolka Banaadir.

Wada shaqeynta hay’adaha amniga kalsooni buuxda gelisay shacabka, kuwaas oo ku dhiiraday in ay laamaha amniga kala shaqeeyaan sidii dhagarta Al-shabaab looga hortagi lahaa.

” Anigoo ilmaheyga iyo gurigeyga iska dhex fadhiya oo gurigey la igu soo galo oo dhacdo meesha lagu fuliyo ciidan gurigeyg gadaashiisa uu fadhiyo, waxaan go’aan ku gaaray in ciidanka amniga waxba aysan gaarin oo aniga iyo ilmaheyg isku dhigno oo dhaawac uu na soo gaaro,” ayay tiri mid ka mid ah hooyooyinka Soomaaliyeed oo u bareertay in ay si cad uga hortimaado nabad-diidka Al-shabaab.

Dowladda Soomaaliya oo aaminsan ahmiyadda ay leedahay wada shaqeynta shacabka iyo laamaha amniga ayaa maamadan hor istaagtay dhagarta Khawaarijta iyo dad kale oo badan waxay siisay abaalmarin lacageed si loo dhiira geliyo tallaabadan wanaagsan ay qaadeen.

” waxaana halkan runtii uga mahadcelinayaa walaashey Farxiyo oo Mujaahida ah oo diiday in Khawaarij ka tallaabo gurigeeda iyada oo dhowreysa walaalo amnigeeda sugaya in loo tallaabo Bambo la dhex dhigo ee meeshaas ku dhintaan waa ay diiday waxay ka doorbiday in ay ayada dhimayo oo walaashees Khadiijo oo mujaahidad ah meeshaas ku geeriyooto oo carruurteeda ku dhaawacmaan, waxaan leeyahay Farxiyo qarankaada taas waa kuu ogyahay, adiga, carruurtaada iyo ehelkaadaba waa daryeeleynaa, waanna idin ognahay kaalin qiimo iyo taariikh leh ayaad ka gashay xoreynta iyo soo celinta nabad galyada dalkaada”. ayuu yiri RW Xamsa.

Amniga caasimadda Muqdisho laga dareemay waxa uu ku yimid iskaashi amni oo dhexmaray hay’adaha amniga iyo shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo u dulqaadan waayay gunaadka iyo dhagarta argagixisada oo aanay jirin cid ay u aaba-yeelayaan.

 

Madaxweynaha Hir-shabeelle oo Muqdisho kula kulmay safiirka Kenya

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay safiirka dowladda Kenya u fadhiya Soomaaliya Danjire Thomas K. Chepkuto.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wadahadlay xaaladaha amni ee dalka gaar ahaan howlgalada lagu ciribtirayo kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab, kaas oo ka socda deegaanada Hirshabeelle, guulaha muhiimka ee laga gaaray dagaalada cadowga iyo u diyaar garowga wajiga 2-aad ee hawlgalka.

Madaxweynaha oo kulankan ay ku wehliyeen wasiirada maaliyada iyo haweenka ee dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa sidoo kale looga hadlay sidii loo caawin lahaa dadka ay saamaysay fatahaadaha baahsan ee uu wabiga Shabeelle ka geystay magaalada Beledweyne, taas oo sababay barakaca bulshada magaalada.

Kenya oo ka mid ah dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayaa kaalin firfircoon uga jirta la dagaalanka kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab.

Wasaaradda isgaarsiinta oo ku wargalisay dadka dagan dhulkeeda Siinka-dheer inay ka guuraan

War rasmi ah oo ka soo baxay wasaaradda isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda dowladda FS ayaa wargalin lagu siiyey dadka dagan dhulka wasaaradda ee ku yaal Siinka-dheer, kaas oo saaran wadada Afgooye, inay ka guuraan sida ugu dhaqsiyaha badan.

Wasaaradda ayaa ku wargalisay dadka Soomaaliyeed ee daggan gobolka Banaadir iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed in dhulkaas uu yahay hanti Qaran, uusana beec ahayn, sidoo kale aysana jirin cid loo wakiishay inay iibiso, kirayso ama ay ku manaafacaadsato.

Xildhibaan Axmed Cismaan Diiriye wasiir dowlaha wasaaradda dowlaha wasaaradda isgaarsiinta iyo Tiknoljiyadda dowladda FS oo wargalintan ay xafiiskiisa ka soo baxday ayaa caddeeyey in dhulkaas wasaaraddu ku leedahay Siin-kadheer aysan jirin wax cadayn ah oo muujnaya in laga maarmay, sidaa darteed wasaaraddu waxay u jeedisay hay’adaha amniga dowladda inay dhulkaas hantida Qaran ah ilaaliyaan, kana shaqeeyaan in fulinta sharciyada dalka.

Horay wasaaraddu xaaladda dhulkan uga soo saartay digniin, taas oo soo baxday 12/03/2023.

La taliyaha Madaxweynaha JFS ee Xakameynta Qulqulka Hubka Sharci-Darrada oo bogaadisay howlgallada ka dhanka ah hubka sharci darrada

La taliyaha Madaxweynaha JFS ee Xakameynta Qulqulka Hubka Sharci-Darrada Ah ee Soomaaliya Marwo Mako Maxamuud Muuse ayaa bogadisay howlgallada ay ciidamada amaanka kula dagaalamayaan hubka sharci darrada ah ee lagu wato magaalada Muqdisho.

Lataliyaha ayaa Sidoo kale soo dhaweysay howlgalka ciidamada hay’adda Nabad Sugidda ay ku qabteen Laba Konteenar oo Khawaarijta ku soo daabushay saanad ciidan oo ay doonayeen in shacabka Soomaaliyeed ay ku dhibaateeyaan.

“Dowladda waxey wadaa baaritaano la xariira shaqsiyaadka ka shaqeynayo dhibateenta Umadda Soomaaliyeed ee la fashiliyay iyagoo saanad Militeri u soo dejinaya Khawaarijta waxaana la hor geyn doonaa cadaaladda” ayey tiri Lataliye Marwo Mako.

Maxkamada ciidamada oo xukunno kala duwan ku riday Askar ka tirsan dowladda

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta xukunno kala duwan ku riday askartii ka dameeysay weerarkii ka dhacay isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho, 27-kii Bishii Febaraayo ee sanadkaan kaa oo  lagula beegsaday Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Saleemaan Maxamuud fargax, iyo askar ilaala u ahaayd.

Weerarkaas ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray, askar kamid aheyd ilaalada Guddoomiyaha oo isna uu dhaawac ka soo gaaray iyo dad Shacab ah oo Isgoyska ku sugnaa.

Askariga Koowaad oo lagu Magacaabo Cabduqaadir Xasan Cabdulle Sheelaro ayaa lagu xukumay dil toogasho ah, isaga oo loo heysto in uu Qoray dhashiiko ah ku dilay lix Ruux oo ay kamid ahayeen Ilhaan Cabdi jamaal Maki oo aheyd Hooyo Uur laba Bilood leh, cabdullaahi Cabdi Maxamuud oo ahaa Darawal Gaari, Ilyaas Axmed Nuur, Ayuub Daa’uud Xuseen, Cabdikhadar Maxamed Xuseen  iyo Isaaq Xuseen Maxamuud oo ahaa darawaliinta ku Shaqeysta Mootooyinka Bajaajta.

Axmed Mire Cismaan fiidow, Maxamuud Cabdi Maxamed, Cabdullaahi Cismaan Isaaq Ibraahim oo loo heysto inay dileen Cabdullaahi Maxamuud Huubleey iyo Daahir Xuseen Axmed Dooli oo katirsanaa Ciidamada ilaalada Guddoomiyaha degmada Yaaqshii, waxaana  lagu xukumay dil toogasho ah.

Ayaanle Maxamed Diiriye Warsame iyo Sayid Cali Cabdullaahi Abshir oo loo heysto in mid uu riday xabadii ugu horreysay midna uu isku dayay marin habaabinta Garsoorka ayaa lagu xukumay min Shan sano oo xabsi ciidan ah.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa sidoo kale min Saddex Sano oo xabsi ciidan ah ku riday Cabdikariin Shaafici Cismaan, Cabdullaahi Cali Isxaaq, Cabdikariin Maxamed Siyaad, Cabdullaahi Xersi Geedi, Maxamed Cali Cabdullaahi oo lagu helay falal ay kamid yihiin, Handadaad, Ammar diido Ciidan iyo inay u dhaqmeen sida Maleeshiyaad oo kale.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa sidoo kale siideysay Axmed Cali Axmed Maxamuud ( Macalinka) oo wax dambi ah lagu waayay sida uu Warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute.