Ra’iisul Wasaaraha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u ambabaxay maanta dalka Masar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar oo uu kaga qaybgalayo shir madaxeed looga hadlayo Isku dubaridka Ganacsiga gaarka loo leeyahay si ay door uga qaataan dadaallada wax looga qabanayo saameynta isbeddelka Cimillada.

Kulanka oo ah midka sanadlaha ee Bangiga Horumarinta Afrika ayaa sidoo kale madaxdu uga doodi doontaa caqabadaha heysta dhaqaalaha adduunka iyo doorka bangiyada horumarinta ee caalamiga ah.

Ciidanka amniga oo fashiliyay qarax Miino oo la dhigay degmada Wadajir

Ciidamada Boliiska degmada Wadajir oo kaashanayo dadka degaanka ayaa fashiliyay qarax argagixisada ay dhigtay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir,kaa oo ay doonayeen in dadka shacabka ah ay ku dhibateeyaan.

Qaraxa oo ahaa miino ayay ciidamada amniga shegeen in la dhigay daaqadda guri ku yaal dagmada Wadajir,waxana qoraal ka soo baxay taliska Boliiska lagu sheegay in laga hortegay qaraxa, isla-markaana si nabad ah loo qarxiyay, isaga oo aan geysan wax khasaare ah.

“Abaaro 09:20am Ciidanka Boliiska degmada Wadajir oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa ka war helay miino ay khawaarijtu dhigeen guri daaqadiis, waxaana lagu guuleystay in laga hor tago isla markaana si nabad ah lagu qarxiyo ayadoon cidna waxyeelo kasoo gaarin” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay Taliska Booliska.

Sidoo kale Booliska ayaa farriin u diray shacabka ku dhaqan gudaha caasimada, wuxuuna ka dalbaday inay kala shaqeeyaan sugidda amniga degmooyinka gobolka Banaadir.

“Muwaadin haddii aad aragto fal amniga liddi ku ah warbixin gaarsii saldhiga kuugu dhow ama wac numberka gaaban ee 991.” ayaa markale lagu yiri warka Booliska Soomaaliya.

Ciidamada amniga ayaa muqdisho degaanada u dhow kawada howlgallo ka dhan ah falalka liddi ku ah amniga caasimadda oo ay qeyb ka yihiin maandooriyaha oo dhibaata xooggan ku haya dhalinta Soomaaliyeed,iyadoo ay xusid mudantahay in laamaha amniga ay ku guuleysteen sugida amniga magaalada muqdisho

Wasiirka Maaliyadda XFS oo magaalada Sharma Shiikh uga qeybgalay shir looga hadlayo horumarinta dhaqaalaha Bariga Afrika

Wasiirka wasaaradda maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo ku sugan Magaalada Sharma Shiikh ee dalka Masar ayaa maanta ka qayb galay shir gaar ah oo ay isugu yimaadeen wasiirada maaliyadda iyo madaxda Bangiyada Dowliga ah ee Dalalka bariga Afrika oo Soomaaliya ay xubin muhiim ah ka tahay.

Waasiirka maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in kulanka looga hadlay arrimaha horumarinta dhaqaalaha dalalka bariga Afrika iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha ku hor gudban dhaqaalaha.

Sidoo kale shirka ayaa looga dooday sidii dal waliba uu maalgalin u gaar ah uga heli lahaa Bangiga Horumarinta Afrika.

Dhawaan waxaa si rasmi ah uga furmidoona magaalada Sharma Shiikh ee dalka Masar shirka sanad laha ah ee Bangiga horumarinta Afrika.

Shirweynaha 14-aad ee ururka Warbaahinta Midowga Afrika oo lagu soo gaba gaɓeeyay Nigeria

Shirkan oo socday intii u dhaxaysay 16-20 May waxaa ka qeyb agaasimayaasha Warbaahinta dadweynaha ee dowladaha Afrika, ururada taageerada Warbaahinta iyo wafuud ka kala socotay Warbaahinta caalamiga ah, Soomaaliya waxaa ku matalayay shirka Agaasimaha Warbaahinta Cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska JFS.

Waxaa shirka diiradda lagu saaray caqabadaha iyo fursadaha Warbaahinta casriga ( Digital Media Transformation ) iyo saameynta ay ku leedahay Warbaahinta rasmiga (Traditional/Official Media)

Waxaa kale oo lagaga hadlay doorka Warbaahinta horumarinta wadaaga Ganacsiga, xal u helidda cudurka Kansarka ee Afrika iyo habka wax is dhaafsiga Warbaahinta.

Shirka waxaa sidookale Goobjoog ka ahaa wasiirka Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Nigeria, Wasiirka Warfaafinta iyo xiriirka ee Algeria, qubaro iyo aqoonyahamo

Gabogabada shirka waxaa lagu soo bandhigay showgii ugu horeeyay ee u qaban qaabiyay ururka AUB kaasoo ay ka qeyb galeen fanaaniin iyo kooxo ciyaaraha fanka oo laga kala keenay dalalka Afrika, waxaana abaal marino lagu guddoon siiyay wariyayaasha qaaradda ee dalalkooda ka sameeyay Barnaamijyo iyo Warbixino saameyn ku reebay dadkooda.

Madaxweynaha Jubbaland oo Muqdisho kula kulmay mas’uuliyiin kale duwan

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa hoyga uu ka daganyahay Magaalada Muqdisho ku qaabilay mas’uuliyiin kale duwan.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa qaabilay guddoomiye ku xigeenka koobaad ee Barlamaanka Soomaaliya Marwo Sacdiya Yaasiin Samatar oo ay kawada hadleen xaaladda dalka iyo siyaasadda, waxaana sidoo kale uu Madaxweynaha Jubbaland kulan la qaatay Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Soomaaliya Maxamud Macallin Cabdulle iyo ku-xigeenkiisa Dr Axmed Cabdi Aadan oo uu kala hadlay xaaladda fatahaadaha ka dhacay qaar kamid ah deegaannada Jubbaland iyo xanuunada ka dhalan kara, qorshaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka ayuu sheegay guddoomiyaha in ay tahay sidii wax muuqda looga qaban lahaa deegaannada Jubbaland arimaha Gargaarka iyo sidii xal waara loogu heli lahaa musiibooyinka dabiiciga ah.

Ugu dambeynta Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa qaabilay Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya Ganaral Sulub Axmed Firin, Kulanka ayaa lagaga hadlay wada shaqaynta Ciidamada Booliska heer Federaal iyo heer Jubbaland sidii la iskaga kaashan lahaa arimaha amniga iyo horumarinta Ciidamada Booliska.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo magaalada Sharma Shiikh uga qeyb galay shir looga hadlayo horumarinta dhaqaalaha Bariga Afrika

Sharma Shiikh- Wasiirka wasaaradda maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo ku sugan Magaalada Sharma Shiikh ee dalka Masar ayaa maanta ka qayb galay shir gaar ah oo ay isugu yimaadeen wasiirada maaliyadda iyo madaxda Bangiyada Dowliga ah ee Dalalka bariga Afrika oo Soomaaliya ay xubin muhiim ah ka tahay.

Waasiirka maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in kulanka looga hadlay arrimaha horumarinta dhaqaalaha dalalka bariga Afrika iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha ku hor gudban dhaqaalaha.

Sidoo kale shirka ayaa looga dooday sidii dal waliba uu maalgalin u gaar ah uga heli lahaa Bangiga Horumarinta Afrika.

Dhawaan waxaa si rasmi ah uga furmidoona magaalada Sharma Shiikh ee dalka Masar shirka sanad laha ah ee Bangiga horumarinta Afrika.

     

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Somaliland oo kulan la yeeshay safiirka cusub ee dowladda UK ee Soomaaliya

Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Soomaaliya mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa kulan gaar ah la yeeshay safiirka cusub ee dowladda UK u qaabilsan Soomaaliya Michael Stephen Nithavrianakis.

Labada mas’uul ayaa kulankooda uga wada hadlay xoojinta wadahadalllada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, Safiirka ayaana soo dhaweeyay dedaalada uu wado xafiiska Ergaygu.

Ergayga gaar ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Somaliland mudane Cabdikariim Guuleed ayaa uga mahadceliyay dowladda UK taageerada ay mar walba la garab taagan tahay Soomaaliya.

    

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha diinta XFS oo gaaray magaalada Kismaayo

Kismaayo- Wefdi uu hoggaaminayo Wasiir ku xigeenka wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Xukuumada Federalka Soomaaliya Saalax Shariif Sayid Cali ayaa lagu soo dhaweeyey Garoonka diyaaradaha xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Kismaanyo.

Wasiirka iyo Wefdigiisa ayaa waxaa si diiran halkaasi ugu soo dhaweeyey wasiirka Caddaalada, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Jubbaland Maxamed Yuusuf Cumar, Wasiir kuxigeedkiisa, Odoyaasha Dhaqanka, Culimada iyo waxgaradka magaalada Kismaayo.

Wefdigan ayaa ujeedadiisu tahay sidii uu uga qeyb geli lahaa shir weynenaha wadatashi oo ay ka qeyb galayaan dhammaan madaxda Dowlad Goboleedyada Dalka kaasoo lagu wado in goordhow uu ka furmo magaalada Kismaanyo.

 

Wasiirka Caddaalada XFS oo furay kulan farsamo oo looga hadlayo howlgalinta hannaanka caddaaladda iyo Asluubta

Wasiirka wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa maanta ka furay magaaladda Muqdisho kulan farsamo oo looga arrinsanayo hawl-gelinta hannaanka Caddaaladda iyo Asluubta ee ay dhawaan Golaha wadashiga qaran hashiis ka gaareen.

Kulanka oo socon doona muddo afar maalin ah ayaa waxa ka soo qayb-galay xeeldheerayaal dhinaca sharciga ah kuwaas oo ka kala socda Xafiiska ra’iisul Wasaaraha, wasaaradaha cadaaladda ee Dowlada xubnaha ka Dowlada Fadaraalka, Gobolka banaadir, bahda Garsoorka, Xeer ilaalinta, Garyaqaan guud , ururka qareenada, Hay’ado kale  iyo howlwadeenada wasaaradda caddaaladda Fadaraalka ah.

Ujeedka kulanka loo qabtay ayaa ah in laga doodo sida ugu wanaagsan ee lagu hirgalin karo hannaanka caddaaladda iyo Asluubta kaas oo la jaan qaadi kara hannaanka Fadaraalka ee uu dalku u guuray maadama uu hannaankii hore ee caddaaladda iyo Asluubta uu aha mid hal meel laga maamulo.

  

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo daahfuray kulanka 2-aad ee madasha maayarada Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Ahmed Macllim Fiqi ayaa maanta muqdisho daahfuray kulanka 2-aad ee madasha maayarada Soomaaliya,waxana ka qeyb galayaan 19 Maayir oo ka kala socda gobolada dalka ayaa lagu soo badhigi doonaa horumarka, caqbadaha iyo arrimo kale.

Madasha Maayarada Soomaaliyeed ee Muqdisho ka socoda ayaa waxaa hadallo kooban ka jeediyey Guddoomiyayasha  degmooyinka ee kala duwan ee dowlad goboleedyada iyo qaar ka tirsan guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir iyaga oo soo bandhigay dooda la xariira horumarka iyo caqbadaha jira iyo sida loo xalin karo.