Wasaaradda isgaarsiinta oo ku wargalisay dadka dagan dhulkeeda Siinka-dheer inay ka guuraan

War rasmi ah oo ka soo baxay wasaaradda isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda dowladda FS ayaa wargalin lagu siiyey dadka dagan dhulka wasaaradda ee ku yaal Siinka-dheer, kaas oo saaran wadada Afgooye, inay ka guuraan sida ugu dhaqsiyaha badan.

Wasaaradda ayaa ku wargalisay dadka Soomaaliyeed ee daggan gobolka Banaadir iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed in dhulkaas uu yahay hanti Qaran, uusana beec ahayn, sidoo kale aysana jirin cid loo wakiishay inay iibiso, kirayso ama ay ku manaafacaadsato.

Xildhibaan Axmed Cismaan Diiriye wasiir dowlaha wasaaradda dowlaha wasaaradda isgaarsiinta iyo Tiknoljiyadda dowladda FS oo wargalintan ay xafiiskiisa ka soo baxday ayaa caddeeyey in dhulkaas wasaaraddu ku leedahay Siin-kadheer aysan jirin wax cadayn ah oo muujnaya in laga maarmay, sidaa darteed wasaaraddu waxay u jeedisay hay’adaha amniga dowladda inay dhulkaas hantida Qaran ah ilaaliyaan, kana shaqeeyaan in fulinta sharciyada dalka.

Horay wasaaraddu xaaladda dhulkan uga soo saartay digniin, taas oo soo baxday 12/03/2023.

La taliyaha Madaxweynaha JFS ee Xakameynta Qulqulka Hubka Sharci-Darrada oo bogaadisay howlgallada ka dhanka ah hubka sharci darrada

La taliyaha Madaxweynaha JFS ee Xakameynta Qulqulka Hubka Sharci-Darrada Ah ee Soomaaliya Marwo Mako Maxamuud Muuse ayaa bogadisay howlgallada ay ciidamada amaanka kula dagaalamayaan hubka sharci darrada ah ee lagu wato magaalada Muqdisho.

Lataliyaha ayaa Sidoo kale soo dhaweysay howlgalka ciidamada hay’adda Nabad Sugidda ay ku qabteen Laba Konteenar oo Khawaarijta ku soo daabushay saanad ciidan oo ay doonayeen in shacabka Soomaaliyeed ay ku dhibaateeyaan.

“Dowladda waxey wadaa baaritaano la xariira shaqsiyaadka ka shaqeynayo dhibateenta Umadda Soomaaliyeed ee la fashiliyay iyagoo saanad Militeri u soo dejinaya Khawaarijta waxaana la hor geyn doonaa cadaaladda” ayey tiri Lataliye Marwo Mako.

Maxkamada ciidamada oo xukunno kala duwan ku riday Askar ka tirsan dowladda

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta xukunno kala duwan ku riday askartii ka dameeysay weerarkii ka dhacay isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho, 27-kii Bishii Febaraayo ee sanadkaan kaa oo  lagula beegsaday Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Saleemaan Maxamuud fargax, iyo askar ilaala u ahaayd.

Weerarkaas ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray, askar kamid aheyd ilaalada Guddoomiyaha oo isna uu dhaawac ka soo gaaray iyo dad Shacab ah oo Isgoyska ku sugnaa.

Askariga Koowaad oo lagu Magacaabo Cabduqaadir Xasan Cabdulle Sheelaro ayaa lagu xukumay dil toogasho ah, isaga oo loo heysto in uu Qoray dhashiiko ah ku dilay lix Ruux oo ay kamid ahayeen Ilhaan Cabdi jamaal Maki oo aheyd Hooyo Uur laba Bilood leh, cabdullaahi Cabdi Maxamuud oo ahaa Darawal Gaari, Ilyaas Axmed Nuur, Ayuub Daa’uud Xuseen, Cabdikhadar Maxamed Xuseen  iyo Isaaq Xuseen Maxamuud oo ahaa darawaliinta ku Shaqeysta Mootooyinka Bajaajta.

Axmed Mire Cismaan fiidow, Maxamuud Cabdi Maxamed, Cabdullaahi Cismaan Isaaq Ibraahim oo loo heysto inay dileen Cabdullaahi Maxamuud Huubleey iyo Daahir Xuseen Axmed Dooli oo katirsanaa Ciidamada ilaalada Guddoomiyaha degmada Yaaqshii, waxaana  lagu xukumay dil toogasho ah.

Ayaanle Maxamed Diiriye Warsame iyo Sayid Cali Cabdullaahi Abshir oo loo heysto in mid uu riday xabadii ugu horreysay midna uu isku dayay marin habaabinta Garsoorka ayaa lagu xukumay min Shan sano oo xabsi ciidan ah.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa sidoo kale min Saddex Sano oo xabsi ciidan ah ku riday Cabdikariin Shaafici Cismaan, Cabdullaahi Cali Isxaaq, Cabdikariin Maxamed Siyaad, Cabdullaahi Xersi Geedi, Maxamed Cali Cabdullaahi oo lagu helay falal ay kamid yihiin, Handadaad, Ammar diido Ciidan iyo inay u dhaqmeen sida Maleeshiyaad oo kale.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa sidoo kale siideysay Axmed Cali Axmed Maxamuud ( Macalinka) oo wax dambi ah lagu waayay sida uu Warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute.

Ra’iisul Wasaaraha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u ambabaxay maanta dalka Masar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar oo uu kaga qaybgalayo shir madaxeed looga hadlayo Isku dubaridka Ganacsiga gaarka loo leeyahay si ay door uga qaataan dadaallada wax looga qabanayo saameynta isbeddelka Cimillada.

Kulanka oo ah midka sanadlaha ee Bangiga Horumarinta Afrika ayaa sidoo kale madaxdu uga doodi doontaa caqabadaha heysta dhaqaalaha adduunka iyo doorka bangiyada horumarinta ee caalamiga ah.

Ciidanka amniga oo fashiliyay qarax Miino oo la dhigay degmada Wadajir

Ciidamada Boliiska degmada Wadajir oo kaashanayo dadka degaanka ayaa fashiliyay qarax argagixisada ay dhigtay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir,kaa oo ay doonayeen in dadka shacabka ah ay ku dhibateeyaan.

Qaraxa oo ahaa miino ayay ciidamada amniga shegeen in la dhigay daaqadda guri ku yaal dagmada Wadajir,waxana qoraal ka soo baxay taliska Boliiska lagu sheegay in laga hortegay qaraxa, isla-markaana si nabad ah loo qarxiyay, isaga oo aan geysan wax khasaare ah.

“Abaaro 09:20am Ciidanka Boliiska degmada Wadajir oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa ka war helay miino ay khawaarijtu dhigeen guri daaqadiis, waxaana lagu guuleystay in laga hor tago isla markaana si nabad ah lagu qarxiyo ayadoon cidna waxyeelo kasoo gaarin” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay Taliska Booliska.

Sidoo kale Booliska ayaa farriin u diray shacabka ku dhaqan gudaha caasimada, wuxuuna ka dalbaday inay kala shaqeeyaan sugidda amniga degmooyinka gobolka Banaadir.

“Muwaadin haddii aad aragto fal amniga liddi ku ah warbixin gaarsii saldhiga kuugu dhow ama wac numberka gaaban ee 991.” ayaa markale lagu yiri warka Booliska Soomaaliya.

Ciidamada amniga ayaa muqdisho degaanada u dhow kawada howlgallo ka dhan ah falalka liddi ku ah amniga caasimadda oo ay qeyb ka yihiin maandooriyaha oo dhibaata xooggan ku haya dhalinta Soomaaliyeed,iyadoo ay xusid mudantahay in laamaha amniga ay ku guuleysteen sugida amniga magaalada muqdisho

Wasiirka Maaliyadda XFS oo magaalada Sharma Shiikh uga qeybgalay shir looga hadlayo horumarinta dhaqaalaha Bariga Afrika

Wasiirka wasaaradda maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo ku sugan Magaalada Sharma Shiikh ee dalka Masar ayaa maanta ka qayb galay shir gaar ah oo ay isugu yimaadeen wasiirada maaliyadda iyo madaxda Bangiyada Dowliga ah ee Dalalka bariga Afrika oo Soomaaliya ay xubin muhiim ah ka tahay.

Waasiirka maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in kulanka looga hadlay arrimaha horumarinta dhaqaalaha dalalka bariga Afrika iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha ku hor gudban dhaqaalaha.

Sidoo kale shirka ayaa looga dooday sidii dal waliba uu maalgalin u gaar ah uga heli lahaa Bangiga Horumarinta Afrika.

Dhawaan waxaa si rasmi ah uga furmidoona magaalada Sharma Shiikh ee dalka Masar shirka sanad laha ah ee Bangiga horumarinta Afrika.

Shirweynaha 14-aad ee ururka Warbaahinta Midowga Afrika oo lagu soo gaba gaɓeeyay Nigeria

Shirkan oo socday intii u dhaxaysay 16-20 May waxaa ka qeyb agaasimayaasha Warbaahinta dadweynaha ee dowladaha Afrika, ururada taageerada Warbaahinta iyo wafuud ka kala socotay Warbaahinta caalamiga ah, Soomaaliya waxaa ku matalayay shirka Agaasimaha Warbaahinta Cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska JFS.

Waxaa shirka diiradda lagu saaray caqabadaha iyo fursadaha Warbaahinta casriga ( Digital Media Transformation ) iyo saameynta ay ku leedahay Warbaahinta rasmiga (Traditional/Official Media)

Waxaa kale oo lagaga hadlay doorka Warbaahinta horumarinta wadaaga Ganacsiga, xal u helidda cudurka Kansarka ee Afrika iyo habka wax is dhaafsiga Warbaahinta.

Shirka waxaa sidookale Goobjoog ka ahaa wasiirka Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Nigeria, Wasiirka Warfaafinta iyo xiriirka ee Algeria, qubaro iyo aqoonyahamo

Gabogabada shirka waxaa lagu soo bandhigay showgii ugu horeeyay ee u qaban qaabiyay ururka AUB kaasoo ay ka qeyb galeen fanaaniin iyo kooxo ciyaaraha fanka oo laga kala keenay dalalka Afrika, waxaana abaal marino lagu guddoon siiyay wariyayaasha qaaradda ee dalalkooda ka sameeyay Barnaamijyo iyo Warbixino saameyn ku reebay dadkooda.

Madaxweynaha Jubbaland oo Muqdisho kula kulmay mas’uuliyiin kale duwan

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa hoyga uu ka daganyahay Magaalada Muqdisho ku qaabilay mas’uuliyiin kale duwan.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa qaabilay guddoomiye ku xigeenka koobaad ee Barlamaanka Soomaaliya Marwo Sacdiya Yaasiin Samatar oo ay kawada hadleen xaaladda dalka iyo siyaasadda, waxaana sidoo kale uu Madaxweynaha Jubbaland kulan la qaatay Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Soomaaliya Maxamud Macallin Cabdulle iyo ku-xigeenkiisa Dr Axmed Cabdi Aadan oo uu kala hadlay xaaladda fatahaadaha ka dhacay qaar kamid ah deegaannada Jubbaland iyo xanuunada ka dhalan kara, qorshaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka ayuu sheegay guddoomiyaha in ay tahay sidii wax muuqda looga qaban lahaa deegaannada Jubbaland arimaha Gargaarka iyo sidii xal waara loogu heli lahaa musiibooyinka dabiiciga ah.

Ugu dambeynta Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa qaabilay Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya Ganaral Sulub Axmed Firin, Kulanka ayaa lagaga hadlay wada shaqaynta Ciidamada Booliska heer Federaal iyo heer Jubbaland sidii la iskaga kaashan lahaa arimaha amniga iyo horumarinta Ciidamada Booliska.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo magaalada Sharma Shiikh uga qeyb galay shir looga hadlayo horumarinta dhaqaalaha Bariga Afrika

Sharma Shiikh- Wasiirka wasaaradda maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo ku sugan Magaalada Sharma Shiikh ee dalka Masar ayaa maanta ka qayb galay shir gaar ah oo ay isugu yimaadeen wasiirada maaliyadda iyo madaxda Bangiyada Dowliga ah ee Dalalka bariga Afrika oo Soomaaliya ay xubin muhiim ah ka tahay.

Waasiirka maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in kulanka looga hadlay arrimaha horumarinta dhaqaalaha dalalka bariga Afrika iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha ku hor gudban dhaqaalaha.

Sidoo kale shirka ayaa looga dooday sidii dal waliba uu maalgalin u gaar ah uga heli lahaa Bangiga Horumarinta Afrika.

Dhawaan waxaa si rasmi ah uga furmidoona magaalada Sharma Shiikh ee dalka Masar shirka sanad laha ah ee Bangiga horumarinta Afrika.

     

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Somaliland oo kulan la yeeshay safiirka cusub ee dowladda UK ee Soomaaliya

Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Soomaaliya mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa kulan gaar ah la yeeshay safiirka cusub ee dowladda UK u qaabilsan Soomaaliya Michael Stephen Nithavrianakis.

Labada mas’uul ayaa kulankooda uga wada hadlay xoojinta wadahadalllada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, Safiirka ayaana soo dhaweeyay dedaalada uu wado xafiiska Ergaygu.

Ergayga gaar ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Somaliland mudane Cabdikariim Guuleed ayaa uga mahadceliyay dowladda UK taageerada ay mar walba la garab taagan tahay Soomaaliya.