Wasiir ku xigeenka wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha diinta XFS oo gaaray magaalada Kismaayo

Kismaayo- Wefdi uu hoggaaminayo Wasiir ku xigeenka wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Xukuumada Federalka Soomaaliya Saalax Shariif Sayid Cali ayaa lagu soo dhaweeyey Garoonka diyaaradaha xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Kismaanyo.

Wasiirka iyo Wefdigiisa ayaa waxaa si diiran halkaasi ugu soo dhaweeyey wasiirka Caddaalada, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Jubbaland Maxamed Yuusuf Cumar, Wasiir kuxigeedkiisa, Odoyaasha Dhaqanka, Culimada iyo waxgaradka magaalada Kismaayo.

Wefdigan ayaa ujeedadiisu tahay sidii uu uga qeyb geli lahaa shir weynenaha wadatashi oo ay ka qeyb galayaan dhammaan madaxda Dowlad Goboleedyada Dalka kaasoo lagu wado in goordhow uu ka furmo magaalada Kismaanyo.

 

Wasiirka Caddaalada XFS oo furay kulan farsamo oo looga hadlayo howlgalinta hannaanka caddaaladda iyo Asluubta

Wasiirka wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa maanta ka furay magaaladda Muqdisho kulan farsamo oo looga arrinsanayo hawl-gelinta hannaanka Caddaaladda iyo Asluubta ee ay dhawaan Golaha wadashiga qaran hashiis ka gaareen.

Kulanka oo socon doona muddo afar maalin ah ayaa waxa ka soo qayb-galay xeeldheerayaal dhinaca sharciga ah kuwaas oo ka kala socda Xafiiska ra’iisul Wasaaraha, wasaaradaha cadaaladda ee Dowlada xubnaha ka Dowlada Fadaraalka, Gobolka banaadir, bahda Garsoorka, Xeer ilaalinta, Garyaqaan guud , ururka qareenada, Hay’ado kale  iyo howlwadeenada wasaaradda caddaaladda Fadaraalka ah.

Ujeedka kulanka loo qabtay ayaa ah in laga doodo sida ugu wanaagsan ee lagu hirgalin karo hannaanka caddaaladda iyo Asluubta kaas oo la jaan qaadi kara hannaanka Fadaraalka ee uu dalku u guuray maadama uu hannaankii hore ee caddaaladda iyo Asluubta uu aha mid hal meel laga maamulo.

  

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo daahfuray kulanka 2-aad ee madasha maayarada Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Ahmed Macllim Fiqi ayaa maanta muqdisho daahfuray kulanka 2-aad ee madasha maayarada Soomaaliya,waxana ka qeyb galayaan 19 Maayir oo ka kala socda gobolada dalka ayaa lagu soo badhigi doonaa horumarka, caqbadaha iyo arrimo kale.

Madasha Maayarada Soomaaliyeed ee Muqdisho ka socoda ayaa waxaa hadallo kooban ka jeediyey Guddoomiyayasha  degmooyinka ee kala duwan ee dowlad goboleedyada iyo qaar ka tirsan guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir iyaga oo soo bandhigay dooda la xariira horumarka iyo caqbadaha jira iyo sida loo xalin karo.

    

Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Somaliland oo kulamo wadatashi ah la qaatay Madaxweynaha Jubbaland

Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Somaliland Cabdikarim Xussein Guuleed ayaa kulan Muhiim ah oo horudhac u ah Qorshaha Talo Wadaagga Madaxda iyo Bulshada Dowladd Goboleedyada la qaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) kaas oo ay si qoto dheer isaga wareysteyn Socdaal uu dhawaan Ergeyga ku tagi doono deegaanada Jubbaland si uu u soo dhageysto tallooyinka iyo Aragtiyada Masuulliyiinta iyo Shacabka Maamulkaasi ay ka qabaan hanaanka loo wajahayo Wadahadallada DFS iyo Somaliland.

Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyay dedaalka Xafiiska Ergeyga, waxaana uu u muujiyay garab istaag buuxa, Mudane  Cabdikarim Xussein Guuleed ayaa Madaxweynaha uga Mahadceliyay tallooyinkiisa wanaagsan iyo aqbalaada qorshaha Xafiiskiisa.

Shirweynaha Qaran ee dhallinyarada Soomaaliyeed oo Maalintii labaad galay

Shirweynaha Qaran ee dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa galay maalintiisii labaad kaa uu shalay muqdisho ka daahfuray Raa’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, waxaana ka soo qeyb galay boqolaal dhallinyaro oo isaga kala yimid gudaha iyo dibedda, iyadoo lagu soo bandhigayo Siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada oo ka tarjumeyso baahidooda.

Shirkaa ayaa maanta waxa looga hadli doonaa Doodo iyo dhageysiga fikradaha kala duwan ee dhalinyarada ka qeyb galeyso shirka si loo saxo aqabada iyo fursadaha horyaal dhalinta soomaaliyeed.

Ra’iisul oo shirkaa furay  ayaa ammaanay doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ay kaga jiraan difaaca dalka, gaar ahaan kuwooda aqoon yahanka ah oo kaalin mugleh ka qaadanaya amniga dalka, dowlad-dhiska iyo dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah.

Shirweynaha Dhallinyarada oo ah kii 9-aad ayaa muddada saddexda maalin uu socdo diiradda lagu saari doonaa caqabadaha dhalinta ku horgudboon sidoo waxaa lagu soo bandhigi doonaa Siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada oo ka tarjumeyso baahidooda.

Go’aankii la mahdiyay ee joojinta qul-qulka hubka caasimadda (Warbixin).

Muqdisho oo muddo badan maaro u la’ayd argagixiso iyo maleeshiyaad magac dila ayaa hadda u muuqata mid ka soo kabaneysa wixii maalmo hore tegay soo maray. Ka dib markii ay maanta u kaceen madax iyo ciidamo qaranku u gaar yeelay magaaladan si loo xaqiijiyo amnigeeda.

” Xukuumaddu qaraar waxay gaartay Baladka hubka lagu dhex wato in la xakameeyo, amni-darada aragtida ka mid ah, qofka inta uu arkaayo baabuur Dhashiiko ah oo toban wiil saaran tahay oo qoriga Dhashiikaha ku dhegan oo waddada Maka Al-mukarama dhex cararaayo,qofna laguma qancin karo magaaladan ammaan waaye,” ayuu yiri madaxweyne Xasan sheekh Maxamuud.

Ciidamada amniga oo fulinaya amarka madaxweynaha ayaa qaaday tallaabooyin lagu yareynayo hubka waa-weyn ee magaalada dhex yaaci jiray ka hor amarkaas, waxayna ciidamada xasillinta ee loo gaar yeelay magaaladan si joogta ah u hubiyaan dhaqan galka  go’aankaas.

Taliyaha Booliska gobolka Banaadir ayaa wax weyn ku tilmaamay meel marinta sharciga xakameynta hubka, isagoo uga mahadceliyay madaxweynaha JFS iyo golaha wasiirada, wuxuuna ku tilmaamay mid xal loogu helay sugida amniga Muqdisho.

” Marka hore, waxaan u mahadcelinayaa madaxweynaha qaranka iyo golaha xukuumadda oo runtii xakameynta hubka meel mariyay uu madaxweynuhuna ku dhawaaqay naguna garabsiiyay, mushkilo ma jirin ilaa hub ayay ahayd, kantaroolada waa lagu marayay, shacabka Soomaaliyeed waddo gaari lagu furanayay lagu dilayay,  hubkaas in la soo saaro oo sharcigaas la meel mariyo wax weyn ayay inoo ahayd,”.

” Waxaa reeban in la qaato qoriga ama la isticmaalo gaadiidka uu ku rakiban yahay qoriga Dhashiikaha iyo qoryaha ka sii waa weyn, waxaa reeban in la isticmaalo qoryaha Baasuukaha dheh ama RBJ-ga in magaalada lagula dhex socdo oo lagula dhex laaf-yoodo oo madaxaa lagu ilaalinaa la dhaho ayaa reeban,waxaa kale oo reeban qoryaha daran-dooriga u dhaco oo BKM-ka ka mid yahay iyo wixii lanmid ah ayaa reeban,” ayuu yiri guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Col. Shuute.

Maamulka gobolka Banaadir oo uu ugu horeeyo guddoomiyaha gobolka ahna Duqa Muqdisho ayaa ka mahadceliyay xeerka xakameynta hubka iyo sida looga dareemay amniga caasimadda, wuxuuna si gaar ah u ammaanay ciidanka gaarkanah ee juhdiga ku bixiyay in caasimadda laga tir-tiro falalkii argagixisadu ka geysan jirtay iyo kooxihii kale ee qaswadayaasha ahaa.

Sidoo kale, shacabka magaalada Muqdisho ayaa dareemay neecowda nabadda,iyagoo ku bogaadiyay hay’adaha ammaanka sida hagar la’aanta ah ee mas’uuliyad isaga saareen sugida amniga.

Dhinacyada isku haya Suudaan oo ku heshiiyay xabad-joojin todobaad ah

Dhinacyada isku haya dalka Suudaan ayaa ku heshiiyey xabbad joojin toddoba ad ah, ka dib wadahadallo ka dhacay magaalada Jeddah ee dalka Sucuudiga.

Heshiiskaan  ayaa la saxiixay goor dambe oo sabti ah,waxaana lagu wadaa in 24 ka saac ee soo socda ay dhaqangasho xabad-joojinta,sida lagu sheegay war ka soo baxay Washington iyo Riyaad.

Tallaabadaan, waxaa dhaqangalintiisa kormeeri doona Mareykanka , Sacuudiga iyo dalal caalami ah sida kagu xusay bayaan kooban oo aan faahfaahin laga bixin.

Heshiisku waxa kale oo uu dhigayaa in la qaybiyo gargaarka bini’aadantinimo, soo celinta adeegyada muhiimka ah iyo in ciidamada laga saaro isbitaallada iyo xarumaha muhiimka ah ee bulshada.

Dagaalada ka socda Suudaan todobaadkii lixaad,waxa ku  dhintay  boqollaal qofhalka dad ka badan hal milyan oo ruux ay ku barakaceen

Share this Article

Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa  kulan la qaatay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Marwo Tiina Intelmann.

Kulanka ayaa looga hadlay tageerada ay Midowga Yurub ku bixiso dib u dhiska Dalka iyo mashariicyada kale duwan ee ay ka fuliyaan deegaannada Jubbaland, kuwaa oo ay ugu horeeyaan Arimaha ammaanka iyo horumarinta deegaanka

 

.  

 

Ergayga Gaarka ah ee arrimaha Somaliland oo kulan la qaatay Madaxweynaha Galmudug

-Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Somaliland Mudane Abdikarim Hussein Guled ayaa maanta kullan horudhac u ah Qorshaha Talo Wagaada Madaxda iyo Bulshada Dowladdaha Xubnaha ka ah DFS la qaatay Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Galmudug Mudane  Ahmed Abdi Kaarie  (Qoor-Qoor), kaas oo ay isla qaadaadhigeyn Socdaal uu dhawaan Ergayga ku tagi doono deegaanada DOWLADD GOBOLEEDKASI, si uu u soo dhageysto tallooyinka iyo Aragtiyada Masuulliyiinta iyo Shacabka Maamulkaasi ay ka qabaan hanaanka loo wajahayo Wadahadallada DFS iyo Somaliland.

Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa soo dhaweeyay dedaalada Xafiiska Ergayga, waxaana uu u muujiyay garab istaag buuxa, Ergayga ayaa Madaxweynaha uga Mahadceliyay tallooyinkiisa wanaagsan iyo aqbalaada qorshahiisa.

 

  

R/wasaare Xamse ” Hadda waxaynu jeexnay wado cusub oo si daah-furan loogu tartami doono boosaska shaqo ee dowladda”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qayb galay munaasabadda shaacinta natiijada saddexdii kun ee macallin dowladdu qaadatay oo maanta si toos ah u soo gabagabeysay Wasaaradda Waxbarshada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare.

Xukuumadda DanQaran oo xoojinaysa qorshaheeda mudnaanta u leh ee la xiriira kor u qaadida waxbarashada ayaa imtixaan daah furan u fariisisay macallimiin gaaraya ilaa siddeed kun oo macallin taasi si rasmi ah loogu dhawaaqay intii guulaysatay

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in hadafka Xukuumadda DanQaran yahay horumarinta waxbarashada iyo la dagaalanka jahliga, sidaas awgeed Dowladdu go’aansatay in saddex kun oo macallin ay qaadato kuwaasi oo ka hawlgeli doona gobollada dalka, isagoo intaa ku daray in xukuumadda ka go’an tahay in kor loo qaado tirada ubadka Soomaaliyeed ee waxbarasho u dareerta.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare Mudane Faarax CabdulQaadir ayaa ka warbixiyey heerarkii qaadasho ee ay soo mareen saddexda kun ee macallin ee ku guuleystay imtixaannaadkii la qaaday.

Mudane Xamsa ayaa bogaadiyey wasaaradda waxbarshada iyo dhammaan macalimiintii imtixaanka qaadaysay sida daah furnaanta leh ee ay u maamuleen, taasi oo muujinaysa in hadda aynu ka sii gudbayno nidaamkii 4.5 ahaa ee wax lagu qaybsansan jiray, balse hadda aynu furnay wado cusub.