Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda

Muqdisho, Arbaco, 31 May, 2023

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo faahfaahinayey heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa baarlamanka u sheegay heshiis kasta oo siyaasadeed, sharci dejin iyo wax ka beddel dastuur oo aan baarlamanka soo marin inaau sharci ahayn, dalkana ka shaqeyn karin.

2- Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay ayaa madaxda dalka waxay xuseen in dalka uu ka guurayo nidaamkii hore ee siyaasadeed, loona guurayo nidaam ay shacabka talada leeyihiin oo doorasho qof iyo cod ah.

3- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah u furay Kal-fadhiga 3aad ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

4- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo isimada dhaqanka gobollada Sool iyo Sanaag mar kale u jeediyay in dhinacyada dagaalka ka jira Sool u dhexeyso in xal wadaxaajood ah loo raadiyo colaadda taagan, dowladduna door ka qaadeneyso nabadeynta iyo fududeynta wadaxaajoodka.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hambalyo u diray Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo mar kale loo doortay inuu xafiiska sii joogo.

6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira fulinya siyaasadda dib u heshiisiinta ayaa madaxda Dowlad Goboleedka Jubbaland kala hadlay dhismaha maamulka Gedo iyo dib u heshiisiinta.

7- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgaley tukashada salaadda janaasada ee Alle ha u naxariistee Marxuum G/le Sare Cismaan Maxamed Jeelle oo ka mid ahaa Xubinihii Golaha Sare ee Kacaanka ee dowladdii milateriga Soomaaliya.

8- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan sagootin ah la qaatay safiirka Maraykanka Lary Andre oo muddo uu dalka ka hawlgalayey ay dhammaatey.

9- Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo warbixin looga dhageystay Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya

10- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Shirka Dhaqaalaha Soomaaliya oo lagu soo bandhigay fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee la xiriira wax-soosaarka dalka ee dhinacyada Beeraha, Kalluumeysiga, Warshadaha iyo Tamarta.

11- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aaden Maxamed Nuur oo dhagax dhigay dhismaha dekedda magaalada Dekadda Baraawe oo ah caasimadda Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed.

12- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa madasha shirka Bankiga Horumarinta Afrika ee Sharm el Sheikh kula kulmay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika Akinwumi Adesina, waxayna ka wadahadleen barnaamijyada horumarinta dhaqaalaha iyo dayn cafinta Soomaaliya.

13- Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa ku bogaadiyay shacabka iyo maamulka Puntland doorashadii golaha degaanka , iyago dhanka kalena ku baaqey in deegaannada aanay weli ka dhicin doorashada ay si nabad ah uga dhacdo.

14-  Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo si rasmi ah u soo xiray Bandhigga Buugaagta ee Muqdisho.

15- Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa si diiran u soo dhaweeyay ansixinta lacago gaaraya 20.5 milyan oo Euro oo Midowga Yurub ay ugu talagaleen taageeridda Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

16- Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa magaalada Moscow kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ruushka Sergey Lavrov.

17- Dowladda Federaalka Soomaaliya oo cambaareysay weerarkii fuleynimada ahaa ee Khawaarijta ku soo qaadeen Saldhigga Ciidanka Midowga Afrika (ATMIS) ee Buulo Mareer. Waxaa sidoo kale Dowladda Soomaaliya ay bogaadisay weerarkii rogaal celinta ahaa ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ay ku burburiyeen Khawaarijtii weerarka soo qaaddey iyo hubkii ay siteenba.

18- Dowladaha Qatar, Mareykanka iyo Britain oo ku dhawaaqay in 10.5 milyan oo doollar ku taageerayaan Soomaaliya

19- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa  fashiliyay isku day weerar oo ay Khawaarijtu ku soo qaadeen magaalada Masagawaay ee Gobalka Galguduud, waxaana Khawaarijta laga dilay 30 xubnood iyo qaar kale oo badan oo laga dhaawacay.

20- Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo Itoobiya uga qeybgalay shirka taliyeyaasha ciidanka booliska ee Bariga Afrika (Eapcco).

21- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa Degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ka soo qabtey horjoogeyaal ka tirsan Khawaarijta  kuwaas oo ay ka mid yihiin Mukhtaar Maxamad Maxamuud, magaca afgarashadiisu tahay  Aw Maxamuud, Caseyr Maxamad Maxamuud (Ayatullah).

22- Taliyaha Ciidanka Booliska oo kulan lagu dardar galinayo amniga caasimada la yeeshay saraakiisha howlgalka Ciiltire.

23- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kormeer ku tagay qaar ka mid ah degmooyinkii laga xorreeyay Khawaarijta.

24- Wasiiru dowlaha Caafimaadka XFS oo daah-furtay barnaaamijka dardar gelinta dadaallada ciribtirka cudurka dabaysha.

25- Ciidamada  Amniga oo maalmahaan howlgallo nabad sugid ah ka wada magaalada Muqdisho, ayaa gacanta ku dhigay laba ruux oo haystey dharka ciidanka, hub kale iyo waxyaabaha qarxa.

26- Shirkii Madasha Maayarada Soomaaliya oo magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay.

27- Howlgal qorshaysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa laga sameeyay ilaa iyo Afar deegaan oo hoos taga degmada Kurtun Waarey ee Gobalka Shabeellaha Hoose, waxaana lagu dilay in ka badan 30 maliishiyaad oo ka tirsan Khawaarijta.

28- Howlgal qorsheysan oo ciidamada ammaanku ka fuliyeen suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayay ku soo qabteen qaraxyo, gaadiid iyo dadkii waday.

=========DHAMMAAD=========