Taliyaha ciidanka booliska oo booqday taliska booliska dowlad deegaanka Soomaalida

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin iyo Wafdi Saraakiil ah oo uu hoggaaminayo oo howlo safar shaqo ku joogay Magaalada caasimadda Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida ayaa booqday Kulliyadda Tababarada Boliiska Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Taliyaha ayaa halkaas loogu soo bandhigay tababarada iyo xirfadaha kala duwan ay bixiso Kulliyadda guud ahaan, Hoggaanka ka hortaga Dembiyada, Xarunta Caafimaadka, Hoggaanka Maaliyadda, Saldhigga Boliiska Jigjiga iyo Taliska Guud ee Ciidanka Boliiska Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Booqashada taliyaha ayaa aheyd sidii uu ugu kuurgeli lahaa habka shaqo ee Boliiska dowlad deegaanka Soomaalida, Islamarkaana, loo adkeyn lahaa nabadgelyada iyo iskaashiga Amniga iyo Xasiloonida xaduudda, la dagaalanka Argagixisada, Dembiyada Xaduudaha isaga gudba iyo Tababarada.

๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฎ โ€œ๐—ฆ๐—ต๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ๐—ฏ๐—ธ๐—ฎ ๐—ฆ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜†๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ ๐— ๐—ฎ๐—ฟ๐˜๐—ถ ๐—ž๐—ฎ๐—บ๐—ฎ ๐˜€๐—ถ๐—ถ ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐—ฑ๐—ผ๐—ผ๐—ป๐—ผ ๐—บ๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ฑ๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ผ๐—ผ๐—ฑ๐—ฎโ€.

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo guddoomiyey shirka golaha wasiiradda ayaa sheegay in Xukuumadda looga fadhiyo dhaqangalinta heshiiskii Hannaanka doorashooyinka oo fursad qaaliya u ah shacabka Soomaaliyeed in ay ku goโ€™aaminayaan hoggaankooda.

โ€œAnnaga ka Xukuumad ahaan waxaa waajib inagu ah xoreyntii dadka si ay u codeeyaan oo ay xuquuqdooda siyaasadeed fursad ugu helaanโ€. Ayuu yiri Raโ€™isul Wasaare Xamsa oo Wasaaradaha faray in ay qaataan doorka kaga aadan hirgelinta hannaanka doorashooyinka, iyadoo shacabka fasiraad buuxda laga siinayo ahmiyada uu heshiisku u leeyahay bulshada Soomaaliyeed.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in amnigu yahay ajande qaran oo u baahan in la dardargaliyo, dhawaanna Xukuumaddu ay bilaabi doonto wajiga labaad ee dib u xoreynta goobaha Khawaariijtu kaga sugan tahay dalka, isagoo faray wasiiraddu inay hoggaan u noqdaan oo ay tagaan furimaha dagaalka.

Raโ€™iisul Wasaaraha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri โ€œHadafka Xukuumadda DanQaran waa in aynaan noqon Kacaan siyaasadeed oo cusub laakiin aynu noqono Kacaan amniga suga oo dalkan nabad kusoo celiya, dayn cafis keena, dastuurka dhamaystira, oo geedi rays leh iyo deegaan barwaaqo ah dalka geeyaโ€.

ย ย ย ย ย ย 

Qaramada Midoobay oo walaac ka muujisay soo kabasho laโ€™aanta dhanka shaqada ee Afrika iyo Bariga Dhexe

Waddamada dhaqaalahoodu hooseeyo ee Afrika iyo Bariga Dhexe ayaa la sheegay in ay ka ka maqnaan doonaan booska soo kabashada caalamiga ah ee heerarka shaqo laโ€™aanta sanadkaan,sidaasi waxaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Ururkaย  Shaqaalaha dunida ee Qaramada Midoobay ILO.

Shaqo laโ€™aanta ka jirta Waqooyiga Afrika iyo dalalka Carabta ayaa la saadaalinayaa inay noqon doonto 11.2 iyo 9.3 boqolkiiba sanadkaan ,taasoo ka sii dari karta heerarkii hore ee masiibada.

Shaqo laโ€™aanta adduunka ayaa la filayaa inay hoos ugu dhacdo 5.3 boqolkiiba sanadkaan,halka sanadihii 2022 iyo 2019 uu hoos u dhacu gaaray 5.4 boqolkiiba iyo 5.5 boqolkiiba, iyadoo suuqyada shaqadu ay ka soo kabanayaan naxdinta cudurkii COVID-19 .

inta badan soo kabashada waxay ku dhici doontaa wadamada dakhligoodu sarreeyo ee caddeeyey inay si la yaab leh ugu adkeysteen jahawareerka dhaqaale, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Ururka Shaqaalaha Adduunka (ILO) Arbacadii.

Kala qaybsanaanta shaqada ee sii kordheysa ayaa timid iyadoo dhaqaalaha adduunka la filayo inuu koro 2.8 boqolkiiba sanadkaan,halka sanadkii hore uu hoos uga dhacay 3.4 boqolkiiba.

Taliyaha Ciidanka Lugta oo gaaray Deegaan xeebeedka Mareeg

Taliyaha ciidanka Lugta ee xoogga dalka General Maxamed Tahliil Biixi ayaa kormeer waxaa u ku tagay deegaan xeebeedka Mareeg ooย  hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud qiyaastiina u jira 28 kiilo Miter oo khawaajirta Al-shabaab ay u isticmali jireen in ay kala soo dagaan hubka iyo walxaha qarxa.

Deegaankaan ayaa qayb ka ah goobaha Khawaajirta lagala wareegay,halkaas oo ay ku sugan yihiin hatan ciidamada qaybahooda kala duwaan oo ay ugu horeyaan kuwa ilaalida xeebaha,kadiba markii gacanta ay ku dhigeen CXD.

Khawaarijta ayaa horay uga mabnuucday in dadka ay u dalxiis tagaan xeebtan,taas oo ay sabab u ahayd in ay halkaas kala soo dagi jireen hubka iyo walxaha qarxa oo ay ku dhibaateyaan dadka Shacabka ah.

Deegaankaan ayaa haatan ay u dalxiis tagaan shacab ka kala yimid deegaanno hoostaga degmada Ceeldheer iyo qaar ka mid ah goboladda dalka.

Kadib guulo muhiim ah oo laga gaaray dagaalka lagula jiro Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ย dabayaaqadii sanadkii tagay ee 2022-kii ayaa deegaan xeebeedka Mareeg waxaa ay nasiib u yeeltay in ay qayb ka noqto deegaanadda laga dulqaaday heeryada xagjiriinta Khawaarijta Al-shabaab waxaana laga dareemay horumar dhanka dalxiiska iyo soo kabasho dhanka bilicda ah.

ย 

Zimbabwe oo u yeertay sii hayahii u fadhiyay safaaradda Mareykanka

Wasaaradda Arriamaha Dibadda ee Zimbabwe ayaa Arbacadii u yeeray sii hayaha safaaradda Mareykanka u fadhiyay Elaine French ka dib markii ay ku Eedaysay in ay faragalin ku hayaan wakiilkeeda diblomaasiyiinta ee dowladda Mareykanka doorashada dalka Zimbabwe

Tallaabadan ayaa la qaaday Isniintii ka dib markii safaaradda Mareykanka ay soo dhigtay Twitter-ka Twitter-ka ay ku boorineyso dadka Zimbabwe inay โ€œisku diwaangeliyaan si ay u codeeyaan, ayna xaqiijiyaan in codkooda la maqloโ€ doorashooyinka soo socda ee madaxweynaha iyo kan guud.

Dowladda Zimbabwe ayaa dalbatay in la tirtiro qoraalka lagu daabacay Twitter-ka Twitter-ka ย safaaradda Mareykanka,Ergo dublamaasiyadeed oo ka soctay dowladda Mareykanka ayaa la kulmay wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Zimbabwe, Rufina Chekava iyagoo ka wadda hadlayay qilaafka dublamaasiyadeed Ee soo kala dhexgalay labadda.

Madaxweynaha Zimbabwe Emmerson Mnangagwa oo xilka hayay tan iyo 2017 ayaa sheegay in dalkiisa uu qaban doono doorashooyinka madaxtinimo 23ka Agoosto,doorashada madaxweynaha ka sokow, codbixiyayaashu waxay sidoo kale dhiiban doonaan codkooda si ay u doortaan 80 xubnood oo Guurtida ah iyo 270 xubnood oo Golaha Qaranka ah.

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Turkiga oo khadka Teleefoonka ku wada xiriiray

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogan ayaa ugu hambalyeeyey guushii taariikhiga ah ee uu ka gaaray doorashadii ka qabsoomtay dalka Turkiga.

Labada Madaxweyne ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyadda xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Turkiga iyo sidii loo sii dardargelin lahaa iskaashiyadii hore uga dhaxeeyay labada dal.

Wasiir Fiqi oo qaabilay wafdi ka socda wasaaradda arrimaha gudaha Finland.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta dowladda FS mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa kulan la qaatay wafdi ka socda Wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda Finland oo uu hogaaminayeyย  Eero Koskenniemi.

Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Finland, gaar ahaan wasaaradaha Arrimaha gudaha labada dal iyo sida loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada Wasaaradood. Sidoo kale kulanka waxaa qayb ka ahayd marwo Tuula Svinhufud oo ka socota Wasaaradda arrimaha dibadda ee Finland iyo xubno kale oo ka socday Safaaradda Finland ay ku leedahay Soomaaliya.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiintaย  dowladda FS mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa ugu mahadceliyey dowladda Finland taagerada joogtada oo ay la garab taaganyihiin guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan mashaariicda ay ka taageeraan wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS. Wasiir Fiqi ayaa hoosta ka xarriiqay ahmiyadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga labada ee muddada soo jiray.

ย ย ย 

Wasaaradda Waxbarashada oo war ka soo saartay xiritaanka Imtixaanka Dugsiyada sare

WAR-SAXAAFADEED

XIRITAANKA IMTIXAANKA FASALKA 12AAD EE SANNAD-DUGSIYEEDKA 2022/2023

Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha yo Taclinta Sare waxaa guul weyn u ah in uu si nabad galyo ah ku soo dhammaaday Imrtixaanka Qaranka ee fasalka 12aad ee sanad dugsiyeedka 2022/2023, kaas oo socday inta u dhaxeysay 27ka ilaa 31-ka bisha Maajo, 2023.

Imtixaankan waxaa u fariistay 33,300 oo arday, waxa uuna ka dhacay 114 xarumood oo ku kala yaalla Muqdisho iyo Gobollada dalka, waxaana dhammaantood ay shaqada uga socotay sidii loo qorsheeyey.

Waxaan u mahad celinaynaa ALLAAH subxaanuhu watacaalaa oo noo suura galiyey qabsoomidda imtixaanka, sidoo kale waxaan u mahad naqeynaa Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Saraakiishooda iyo Askartoodaba oo xil weyn iska saaray amniga iyo amaanada imtixaanka oo laโ€™aantood aysan howshan qabsoomi laheyn.

Waxaan sidoo kale u mahad celineynaa wasiirrada waxbarashada heer maamul goboleed oo iyagana kaalin weyn ka geystay in deegaannadoodu uu si wanaagsan uga dhaco imtixaanka, sidoo kale waxaan u mahad celineynaa waalidiinta iyo ardayda Soomaaliyeed oo si wanaagsan ula shaqeeyey howl wadeennada intii uu socday Imtixaanka.

Ugu dambeyn waxaan u mahad celineynaa Xafiiska imtixaanaadka, Guddiga imtixaanka Qaranka, kor-meerayaasha, ilaaliyeyaasha imtixaanka, shaqaalaha Wasaaradda iyo guud ahaan bahda waxbarashada sidii ay uga qeyb qaateen qabsoomidda iyo habsami u socodka imtixaanka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulan la qaatay saraakiisha ciidanka xasilinta Caasimadda

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula qaatay saraakiisha ciidanka xasilinta Caasimada ee Military Police.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Xoghaya Guud ee Gobolka Banaadir Mudane Faysal Caraale Afrax, ayaa waxaa warbixino loogu dhageystay Saraakiisha Amniga, iyagoo ka warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee amniga caasimada iyo guulaha laga gaaray howlgalada laga fuliyay Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ku bogaadiyay ciidanka Xasilinta Caasimadda ee Military Police sida ay had iyo jeer heeganka ugu yihiin sugida amniga iyo ka hortaga falalka lidiga ku ah amniga, asigoona ku amaanay sida wanaagsan oo ay ula falgalaan bulshada, inta ay kujiraan howlaha sugida amniga Caasimadda.

 

ย ย 

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BJFS oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada Aqalka Sare oo lagu ansixiyay qorshe hawleedyada guddiyada Golaha Aqalka Sare.

Kulanka oo ay goobjoog ahaayeen Guddoomiye ku xigeenka koowaad Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) ayaa ugu horrayn xoghayaha guud ee Aqalka Sare, Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed, waxa uu xubnaha guddiga joogtada u soo bandhigay una faahfaahiyay dhammaan qorshe hawleedyada guddiyada Aqalka Sare ay soo diyaariyeen si ay ugu hawlgalaan kalfadhiga saddexaad ee Baarlamaanka 11-aad.

Dood iyo falanqayn dheer oo xubnaha guddiga joogtadu ay ku sameeyeen qorshe hawleedyada guddiyada Aqalka Sare ay soo bandhigeen ayay ku ansixiyeen dhaqanlgalkiisa.

 

ย ย ย ย