Howlgal gaar ah oo lagu bur-buriyay Gaadiid ay saarnaayeen hub iyo maleeshiyaad Khawaarij ah (Warbixin).

– Khasaaro xoog leh ayaa maleeshiyaadka Al-shabaab ka soo gaaray howlgallo gaar ah oo ciidanka qaranku ay ka sameeyeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Howlgalkii ugu horeeyay oo ah mid gaar ah ayaa ka dhacay deegaanka Jaamacadaha oo hoostaga degmada Kuntuwaareey ee gobolka Shabeellada hoose, halkaas oo lagu bartilmaameedsaday gaari weyn oo ay saarnaayeen maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta Al-shabaab.

Dhinaca kale, howlgal kale, oo isagana qorsheynaa ayay ciidanka qaranku waxay ka sameeyeen tuullada cambaareey oo u dhaxeeyso Buula-mareer iyo Maryan Gubaa,bartilmaameedka howlgalkaas ayaa ahaa afar gaari oo mid ka mid ah uu ahaa gaari weyn oo hub saarnaa, halka saddexda kalena ay saarnaayeen maleeshiyaad, waxaana halkaas lagu khaarijiyay dhammaan maleeshiyaadkii saarnaa, waxaana sidoo kale, la gubay gaarigii hubka waday.

Marka la isku daray, labadan howlgal ee ciidanku qaranka ka sameeyeen gobolka Shabeellada hoose waxaa lagu dilay maleeshiyaad kor u dhaafaya 60,waxaa kale oo howlgalka lagu gubay shan gaari oo labo ka mid ah ay ahaayeen noocyada waa weyn.

Maleeshiyaadka lagu bartilmaameedsaday howlgalladan ayaa loo diyaarinayay in ay qaadaan weeraro ay ku dhibaateyn rabeen shacabka Soomaaliyeed.

Muddooyinkan, waxaa sii kordhayay khasaaraha khawaarijta ka soo gaarayay howlgallada gaarka ah ee ciidanka qaranku ku bartilmaameed-sanayaan xarumaha iyo deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan horjoogayaasha sar sarre ee Khawaarijta Al-shabaab iyo maleeshiyaadka loogu talagalay in ay dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Dalka Turkiye

:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalaya caleema-saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogan ayaa xalay gaaray Maagalada Ankara.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxa ka dhexeeye xiriir soo jireen ah oo ku dhisan iskaashi dhinacyada horumarka, ammaanka iyo dhaqaalaha.

    

Horjoogihii Khawaarijta u qaabilsanaa baada ganacsatada Muqdisho oo la toogtay

Ciidanka Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA ayaa toogtay Horjoogihii Khawaarijta u qaabilsanaa baada iyo qalqal galinta ganacsatada iyo shacabka Muqdisho
Ninkaas ayaa lagu toogtay duleedka degmada Afgooye ee Gobalka Shabeellaha Hoose.
Horjoogahaan oo lagu magacaabi jiray Cali Raaxo ayaa Khawaarijta wakiil uga ahaa inuu si dhuumaaleysi ah ganacsatada iyo shacabka Muqdisho lacago baad ah uga qaado, isagoo telfoon ugu soo hanjabaya dadka magaalada.
Meelaha uu dadka ugu yeeri jiray sida dhuumaalysiga ah waxaa ka mid ah deegaannada Garas-gawaan, Gandarshe, Ceelasha Biyaha Lafoole ilaa Galka Saalimow.
Ciidanka ammaanka oo mudo dheer uruurinayey xogta dhagar-qabahaan ayaa ku raadjoogay, waxaana ugu danbayn shartiisa la dhaafiyay dadka Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda Muqdisho, kuwaas oo khatar weyn uu ku ahaa hantidooda iyo naftooda.
Danbiile Cali Raaxo wuxuu Khawaarijta ka mid noqday sanadkii 2014-kii, wuxuuna ilaa markaas uu khawaarijta u qaabilsanaa baada hantida muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo basaasida dadka macnaha u leh bulshada, si ay u bartilmaameedsadaan Khawaarijta.

Maxay ka Faa’iidi Doonaan ka mid Noqoshada Suuqa Bariga Afrika Ganacsatada Soomaaliyeed ?

Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo jeediyay khudbadda Salaadda Jumcaha ayaa soo dhaweeyay go’aankii taariikhiga ahaa ee Madaxda Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC) ay ku aqbalaeen codsigii Soomaaliya ee ka mid noqoshada Suuqa bariga Afrika.
“Waxaan rabaa in aan dadka Soomaaliyeed u sheego waa la aqbalay codsigeenni ka mid noqoshada Suuqa bariga Afrika”.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo dul istaagay faa’iidooyinka dhaqan-dhaqaale, amni iyo siyaasadeed ee dalkeennu uu ka dhaxlayo ka mid noqoshada Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa sheegay in haataan ay dowladdu bilowday wada-xaajoodyada danwadaagga labada dhinac iyo qeybaha la iska kaashanayo, si uu isugu dheelli-tirnaado wax-wadaqabsigu.
Halkaan Hoose Ka Daawo Khudbadda Salaadda Jumcaha oo u madaxweynaha uga hadalay  go’aankii taariikhiga ahaa ee Madaxda Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC)  ay ku aqbaleen Codsigii ay ku dooneysay Soomaaliya  ka mid noqoshada Suuqa Bariga Afrika iyo Faa’iidooyinka ay ka dhaxli karaan Ganacsatada.
Video Player

00:00

Ciidanka Xoogga oo weerar qorsheysan ku dilay dhowr qof oo khawaarij ah

Ciidanka Kumandoosta Danab oo kaashanaya saaxiibadda caalamiga ah ayaa weerar qorsheysa la beegsaday kooxda Khawaarijta Alshabaab oo ku sugnaa duleedka magaalada Kismaayo.

Howlgalkaasi oo ka dhacay deegaan 60-Km koofurgalbeed kaga beeegan Kismaayo , waxaa lagu dilay Saddex xubnood oo ka tirsan Khawaarijta.

Howlgalkaan ayaa sidoo kale lagu jabiyay cadowga khawaarijta oo halkaasi ku maleegaayay waxyeeleynta Shacabka Soomaaliyeed.

Wixii faahfaahin ah dib ayaan ka soo sheegi doonaa

Hannaanka dhameystirka xubinnimada soomaaliya ee urur goboleedka bariga afrika (eac)

Maalin kale oo farxadeed iyo guul u soo hoyatey Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo cagta saartey tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee ku biirista Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ee East African Community (EAC).

Madaxda dowladaha xubnaha ka ah ururkan ayaa kulankoodii 21aad OO ka dhacay magaalada Bujumbura ee caasimadda Jamhuuriyadda Burundi, waxay si rasmi ah ugu ansixiyeen warbixinta Guddigii Gaarka ee loo xilsaarey hubinta codsiga Soomaaliya ee ku biiritaanka ururka. Ansixintaasi kadib waxaa madaxda ay fareen xoghaynta ururka inay bilaabaan habraacii farsamo ee Somalia ay rasmi ahaan ugu biiri lahayd ururka.

Sida aad la wada socotaan tan iyo markii sannad ka hor la doortay Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa muhiimad uu siiyay xoojinta xiriirka gobolka iyo kan caalamiga ah.

Bishii July Madaxweynaha waxaa uu si xubin sharafeed ahaan uga qeybgaley Shir Madaxeedkii EAC ee lagu qabtey magaalada Arusha ee dalka Tanzania. Waxaan wax lagu faano ah in wax sannad ka yar ay Soomaaliya kasbatey kalsoonida waddamada xubnaha ka ah ururka oo isla qaatey in Soomaaliya ay xubin buuxda ka noqoto Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

Ku biiritaanka Soomaaliya ee ururkan mas’uuliyadaha la socda ka sokow, waxay keeni doontaa faa’iidooyin dhanka diblomaasiyadda, is dhexgalka bulshada, isku socodka, ganacsiga iyo dhaqaalaha, waxbarashada iyo iskaashi dhinacyo kala duwan leh. Ganacsatada Soomaalida ayaa fursad u heli doona inay ka hawlgalaan dhammaan 8-da dal ee ururku ka kooban yahay.

Waxaa Iyana faa’iidooyinkaasi la socda in baasaboorka Soomaaliga uu ka mid noqonayo Midowga Baasaboorada Bariga Afrika oo sahlaya isku socodka iyo degaanka muwaadiniinta dalalka xubnaha ka ah ururka.

SOOMAALIYA GUUL, SOOMAALIYA HA NOOLAATO.

URUR GOBOLEEDKA ISKAASHIGA DHAQAALAHA BARIGA AFRIKA HA WAARO

Wasiirka Warfaafinta  Dhaqanka iyo Dalxiiska  XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac

 

R/Wasaare Xamsa ku baaqay in la dardar galiyo howlaha ku aadan la dagaalanka khawaarijta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Somaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ku baaqay in la  dardargaliyo howlaha ku aadan la dagaalanka kooxaha khawaarijta ee weli ku sugan deegaanno kamid ah dalka.

R/wasaaraha ayaa xusay in amnigu uu yahay ajeende qaran oo u baahan in dowladda iyo shacabku ay iska kaashadaan  ciribtirka iyo ka hortagga kooxaha khawaarijta.

Mudane Xamsa,waxa uu ka dhawaajiyay  Xukuumaddu ay bilaabi doonto wajiga labaad ee dib u xoreynta goobaha Khawaariijtu kaga sugan yihiin gudaha dalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Somaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ,waxa uu faray golaha wasiirada in ay la yimaadaan qorshe cad,isla markaana wasiiraddu ay hogggaan u noqdaan oo ay tagaan furimaha dagaalka.

Sagaal qof oo ku dhintay mudaaharaadyo ruxay Dalka Senegal

Ugu yaraan sagaal qof ayaa lagu dilay dalka Senegal isku dhacyo dhexmaray booliska rabshadaha ka hortaga iyo taageerayaasha hoggaamiyaha mucaaradka ninka lagu magacaabo Ousmane Sonko, ka dib markii maxkamad ay ku xukuntay labo sano oo xarig ah.

Baabuur iyo basas ayaa lagu gubay magaalada caasimadda ah ee Dakar, waxaana rabshado  laga soo sheegay magaalada Ziguinchor oo uu duqa magaalada ka ahaa Sonko tan iyo 2022-kii,sida uu ku waramay Wasiirka Arrimaha Gudaha Antoine Diome.

Xarigga hogaamiyaha mucaaradka ayaa yimid xilli uu u diyaargaroobaayey doorahada madaxtino ee sanadka soo socda,taas oo la filaayey in uu la tartamo Mmdaxweyne Macky Sall.

Sonko oo 48 jir ah ayaan ka qaybgalin dhegeysiga dacwadda lagu soo oogay oo ahayd uu kufsaday haweenay 20 jir ah, balse wuxuuna horay u sheegay in eedeymahaasi ay yihiin kuwo siyaasadeysan.

Xafladda caleemo saarka Guddiga labada gole ee Ururka dhaqaatiirta oo lagu qabtay Muqdisho

Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan labada gole ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu caleemo saaraayey Guddiga labada gole ee Ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed.

Munaasabaddaan oo sidoo kale ay ka qeybgaleen xubno ka socday bahda dhaqaatiirta,gobolka Banaadir iyo marti sharaf kale,waxaa ka hadlay Wasiirka Caafimaadka XFS Cali Xaaji Aadan , Wasiirka Dhallinyarada iyo Sportiga maxamed Barre Maxamuud iyo guddoomiyaha arrimaha bulshada ee Aqalka Sare Prof. Cisnaam Maxamuud Dufle.

Guddoomiyaha ururka Dhaqaatiirta Luul Maxamuud Maxamed oo ka hadashay munaasabaddaasi ayaa ka warbixisay howlaha culus ee hortaalla ururka,gaar ajaan mudada labada sano ah ee soo socota.

Ururka Dhaqaatiirta oo la magacaabay dhowaan,waxaa kamid noqon doona shaqadooda tayeynta adeegga guud ee caafimaad dalka,ilaalinta xuquuqda dhaqaatiirta iyo kor u qaadidda aqoonta dhaqaatiirta

 

Madaxweynaha JFS oo soo dhaweyay aqbaaladda codsiga Soomaaliya ee ka mid noqoshada EAC

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyey aqbaaladda codsiga rasmiga ah ee dowladda Soomaaliya ay ku dooneysay ka mid noqoshada Urur goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC), taas oo ay qalinka ku duugeen Madaxda dalalka ku mideysan dalladan.

Madaxweynaha ayaa oo ugu hambalyeeyey shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ansixinta codsigooda ku aaddanaa ku biiridda EAC ayaa ku tilmaamay arrinkan tallaabo wanaagsan oo ka tarjumeysa hor u socodka dowladnimada Soomaaliyeed iyo mira-dhalka qorsheyaasha qaran ee ku aaddan soocelinta doorka dalkeennu uu ku lahaa gobolka iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo dul istaagay faa’iidooyinka dhaqan-dhaqaale, amni iyo siyaasadeed ee dalkeennu uu ka dhaxlayo ka mid noqoshada EAC ayaa sheegay in haataan ay dowladdu bilowday wada-xaajoodyada danwadaagga labada dhinac iyo qeybaha la iska kaashanayo, si uu isugu dheelli-tirnaado wax-wadaqabsigu.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Madaxda dalalka Ururka Bariga Afrika iyo guddiyada farsamo ee ka shaqeyna ka mid noqosahda Soomaaliya ee Ururka, fursadda ay u siiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed in ay la midoobaan walaalahooda dalalka ku bahoobay dalladan.