Shirweynaha Xakameynta Faafinta Wararka Been Abuurka oo maalintii labaad galay

Shirweynaha Xakameynta Faafinta Wararka Been Abuurka iyo Saameynta Bulshada ay ku leeyihiin oo galay Maalinkii labaad.

Shirkaan ayaa shalay waxaa daahfuray Ra’iisul wasaare Xamze Cabdi Barre, iyadoo diirada lagu saarayo sidii loo xakameyn lahaa wararka Been Abuurka oo sameeyn Taban ku leh Bulshada iyo guud ahaan dalka.

Shirka oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ayaa waxa ka qeyb galaya mas’uliyeen ka socda,wasaaradda,wariyayaal ka socda warbaahinta Madax banaan iyo khuburo dhanka Saxaafadda oo dooda adag ka yeelanayo sid ugu fudud ee loo xakameyn karo wararka been abuurka iyo buunbuunintooda.

waxaa maanta lagu wadaa in shirka looga doodo arrimo ay kamid yihiin Saamaynta wararka been abuurka ahi bulshada ku leeyihiin iyo siday khatarta ugu yihiin deganaanshiiyaha dalka

Shirka ayaan lagu wadaa in maanta la soo gabagabeeyo,oo war murtiyeed laga soo saaro.

Madaxweynaha Jubbaland oo kulan la qaatay wafdi ka socda dowladda Soomaaliya

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Xarunta Madaxtooyada Kismaayo ku qaabilay Gudoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macalim Cabdulle iyo Wasiirada Wasaaradaha Maareeynta Musiibooyinka ee Dowladaha Xubnaha ka ah JFS oo ka qeybgalaya shirka Madasha arimaha Gargaarka oo lagu qabanayo Magaalada Kismaayo.

Masuuliyiintan kala duwan waxaa ay Madaxweynaha Jubbaland Warbixin ka siiyeen howlaha shaqo ee u qabsoomay intii ay joogeen Magaalada Kismaayo iyadoo dhawaanna Kismaayo laga daah furi doono Shirka Madasha arimaha Gargaarka oo looga hadli doonno jihaynta Gargaarka iyo taakulada Dadka Soomaaliyeed ee la kulma Musiibooyinka dabiiciga ah gaar ahaan Fatahaadaha iyo Abaaraha.

Madaxweynaha Jubbaland oo kulan la qaatay wafdi ka socda dowladda Soomaaliya

-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa  Xarunta Madaxtooyada Kismaayo ku qaabilay Gudoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macalim Cabdulle iyo Wasiirada Wasaaradaha Maareeynta Musiibooyinka ee Dowladaha Xubnaha ka ah JFS oo ka qeybgalaya shirka Madasha arimaha Gargaarka oo lagu qabanayo Magaalada Kismaayo.

Masuuliyiintan kala duwan waxaa ay Madaxweynaha Jubbaland Warbixin ka siiyeen howlaha shaqo ee u qabsoomay inta ay joogeen Magaalada Kismaayo iyadoo dhawaanna Kismaayo laga daah furi doono Shirka Madasha arimaha Gargaarka oo looga hadli doonno jihaynta Gargaarka iyo taakulada Dadka Soomaaliyeed ee la kulma Musiibooyinka dabiiciga ah gaar ahaan Fatahaadaha iyo Abaaraha.

 

   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogan oo dib loo doortay.

Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyey Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan, Xisbiga iyo isbahaysigiisa siyaasadeed, guusha taariikhiga ah ee ay ka soo hoyeen doorashooyinka dalkaas, waxa uuna soo bandhigay sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ugu faraxsan yihiin hannaanka iyo xasilloonidii ay ku soo idlaadeen doorashooyinka Turkigu.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyay shacabka iyo dowladda Turkiga horumarka muuqda ee ay ku tallaabsadeen intii uu hoggaaminayey Madaxweyne Ordogan, isaga oo u rajeeyay in ay sii amba-qaadaan qorsheyaashooda horumarineed ee heer Qaran iyo garab istaagga xasilloonida iyo horumarka dalalka walaalahood ah.

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo gabagabeysay dhageysiga dacwad loo heysto kalluumeysato ajaanib ah

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa soo gabagabeysay dhageysiga dacwad loo heysto ajaanib si sharci darro ah uga kalluumeysaneysay badda Soomaaliya 10kii April 2023 kuwaas oo intooda badan u dhashay Jamhuuriyadda Iiraan.

Caddeymo muujinaya dhaqdhaqaaqa ay sameynayeen kalluumeysatadaan ayaa loo gudbiyay Maxkamadda Gobolka Banaadir, iyada oo xafiiska xeer ilaalintu uu baaris ku sameeyay kiiskaan iyo caddeymaha is wata.

Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, ayaa maxkamadda u soo bandhigay baarayaasha dacwadeeb iyo sido kale qalabka socodka Maraakiibta xeebaha dalkeena, waxaana uu sidoo xafiiska xeer ilaaliyaha  guud ee Qaranka uu maxkamadda u soo gudbiyay galal cadeymaha eeda loo heysto kalluumeysatadaan ajaanibta ah.

Madaxa la socodka Maraakiibta ee wasaaradda Kalluumeysiga ayaa Maxkamadda u sharaxay qaabka loola socday dhaqdhaqaaqa doomahaan iyo sida loo helay xogtooda.

Xeer illaaliye ku xigeenka Qaranka Yaxye Maxamuud Saciid ayaa maxkamadda Gobolka Banaadir u soo bandhigay eeda ay ku soo oogeyn kalluumeysatadaan ajaanibta ah iyo qaabka ay ugu so xad-gudbeen biyaha Soomaaliya, waxaana uu tilmaamay inay jabiyeen eedeysanayaashan sharciga kalluumeysiga Soomaaliya.

“Eedeysanayaashan waxaa ay sameynayeen kalluumeysi sharci daro ah, waxaana ay ku xad gudbeen sharciga kalluumeysiga iyo sharcigii hore ee horumarinta iyo maareeynta kalluumeysiga, gaar ahaan qodobadiisa 54-aad oo dhigaya howlwadeen Markab kalluumeysi oo gali kara biyaha Soomaaliya ma jiro haddii uusam heysan ogolaansho” ayuu yiri Xeer illaaliye Yaxye.

Qareennada difaacaya eedeysanayaasha ayaa soo bandhigay nuqullada ay ku difaacayaan, iyaga oo sheegay inay heystaan warqado u fasaxaya oo laga diiwaangeliyay DG Galmudug sida ay hadalka u dhigeen.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud ayaa gabagabada kiiskaan sheegay in saddex jeer uu maray dhageysiga eedeynta loo heysto kalluumeysatada Ajaanibta, go’aanka Maxkamadda ayuu tilmaamay in dib laga soo shaacin doonno.

 

Ra’iisul Wasaare Xamse ” Xukuumadda waxaa ka go’an in ka hortagto wararka been abuurka ah”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Shirweynaha Aragti-wadaagga Xakameynta Faafinta Wararka Been abuurka ah iyo Saameynta Taban ee ay Bulshada ku Leeyihiin.

Shirkan oo socon doona muddo Labo maalmood ah, ayaa waxaa si weyn loogu falanqeyn doonaa Saamaynta wararka been-abuurka ay ku yeelan karaan nabadda, xasilloonida, sumcadda dalka, dhaqanka wanaagsan iyo sida loo xakameyn karo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in faafinta wararka aan sugneyn ay khatar weyn ku yihiin amniga qaranka, nabadgelyada iyo wadajirka ummadda, gaar ahaan marka ay faafiyaan argagixisada iyo kuwa lamidka ah ay noqon karto hub wax burburiya.

Xukuumadda DanQaran ayuu xusay Ra’iisul Wasaaruhu in ay qaadi doonto tallaabooyin sharci ah oo lagula xisaabtamayo kooxaha lagu helo in ay si ula kac ah u faafiyaan wararka been abuur ah, gaar ahaanna kuwa la xiriira amniga qaranka iyo kala qeybinta bulshada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ku booriyay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinyarada in ay si xilkasnimo leh u isticmalaan baraha bulshada, ilaaliyaan anshaxa, halbeegyada saxaafadda iyo hubinta macluumaadka ka hor inta aysan daabicin, dowladduna aysan kaligeed ku guuleysan karin, haddii aan wadajir looga hortagin wararka been abuurka ah.

Shirweynahan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, waxaa inta uu socdo la isku waydaarsan doonaa doodo cilmiyaysan oo ay ka qaybqaadanayaan hawlwadeenno ka kala socda hay’adaha dowladda, warbaahinta dalka, bulshada rayidka ,culimada ah ah iyo khuburo caalami ah oo gacan siinaya.

Madaxweynaha Galmudug oo dhagax dhigay xarunta Qaramada Midoobay ee Dhuusamareeb

Madaxweynaha Dowladda goboleedka  Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo ku xigeenka erygeyga gaarka ah ee Qarammada Midoobe ee Soomaaliya Anita Kiki Gbeho ayaa si wadajir ah u dhagax dhigay dhismaha xarunta Qarammada Midoobe ee Dhuusamarreeb.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in kaddib dadaal dheer oo ay Dowladdu bixisay maanta ay tahay maalin u wanaagsan dhammaan reer Galmudug.

 

  

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo furay shirweynaha aragti wadaagga xakamaynta wararka been abuurka ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa Muqdisho ka furay shirweynaha aragti wadaagga xakamaynta wararka been abuurka ah iyo saameynta ay bulshada ku leeyihiin, kaas oo labada maalin ee uu socdo looga doodi doono sida uga wanaagsan ee looga hortagi karo fariimo been abuurka.

Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in shirweynahan uu qeybta ka yahay dadaallada Xukuumadda ku dooneyso sidii loo xakamayn lahaa wararka been abuurka ah, kuwaas oo bulshada dhib wayn ku haya, isagoo tilmaamay in dadaal xoogan la galin doono sidii looga hortagi lahaa, loona xakamayn lahaa dhaqanka xun ee faahfaahinta beenta ah.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in kooxaha argagixisada oo had iyo jeer fariimo been abuur ah sameeyo kana fog xaqiida laga fogaado marin-habaabintood, isagoo dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in kaalintooda ka qaataan sidii looga hortagi lahaa wararka been abuurka ah.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ku booriyay xirfadleyda Warbaahinta in ay xaqiijiyaan wararka inta aysan baahin oo dhinacyada uu quseeyo la xiriiraan si loo xakameeyo faahfaahinta wararka been abuurka ah, isagoo tilmaamay in dhanka dowladda ay qaadeyso talaabooyin xooggan oo looga hortagayo hanaan lagu xakameynayo been abuurkaas.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa dhankiisa sheegay in wararka been abuurka ah ay dalka ku hayaan dhibaato xooggan, isagoo tilmaamay in Warbaahinta Qaranka ay door wanaagsan ka qaadatay ka hortagga fariimaha been abuurka ee khawaarijta ku faahfaahiyaan baraha bulshada.

Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa warbaahinta iyo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in kaalin xooggan ka qaataan sidii looga hortagi lahaa fariimaha been abuurka ee khawaarijta ku dhax faafiyaan dadka Soomaaliyeed.

Furitaanka shirweynahan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa, wasiir ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala, agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta, Bahda Warbaahinta iyo qeybaha kale ee bulshada Soomaaliyeed.

     

Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta oo ku dhawaaqay in Xujeydii ugu horaysa maanta dalka ka dhoofayaan

Wasiirka wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta XFS Mukhtaar Roobow Cali {Abuu-Mansuur} ayaa ku dhawaaqay in si rasmi ah uu maanta u bilowday duulimaadka Xujeyda Soomaaliyeed ku tegayaan xajka sanadkan.

Wasiirka ayaa sheegay in Muqdisho ay maanta ka baxayaan 422 xujey ah, halka Hargeysa ay ka baxayso diyaarad sidda 165 Xujey ah taas oo tirada guud dadka maanta baxaya ka dhigeysa 587 muwaadin.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo daahfuray imtixaanka Dugsiyada Dhaxe

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa si rasmi ah u daahfuray qaadista imtixaanaadka Dugsiyada dhaxe ee gobolka Banaadir oo ay  maanta u fariisteen 31,688-Arday oo ka kala socda 76-xarumood iyo 1,592 fasal oo dhamaantood ka mid ah dugsiyada Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Madaale ayaa mid mid u xog wareestay qaar kamid ah ardayda maanta u fadhiistay qaadista imtixaanadka Dugsiyada Dhaxe isaga oo u rajeeyay in uu Alla SWT u fududeeyo imtixaanka islamarkaana ay natiija wax ku’ool ah ka keenaan.

Aggaasimaha guud ee Waxbarashada Gobolka Banaadir Dr Cabdifataax Barre ayaa faahfaahiyay howlaha la xariira qaadista Dugsiyada Dhaxe ee Gobolka Banaadir, isagoo sheegay in sanadkii 4aad uu gobolku qaadayo imtixaanka oo ay maanta u fadhiisteen 31,688-arday oo isugu jira 17,751-Lab iyo 13,937-Dheddig kuwaas oo ka kala socday 76 xarumood iyo 1,592 fasal kuwaas oo dhamaantood katirsan Degmooyinka Gobalka Banaadir.