Shirka Madasha arrimaha gargaarka oo maanta ka furmay Kismaayo

Waxaa Maanta Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Jubbaland ka furmay Shirka Madasha Xiriirka Arrimaha bin’aadamnimada.

Shirkaan waxaa si wada jir ah u daahfuray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo Wasiirka Qorsheynta XFS Cabdiraxmaan Beenebeene.

Waxaa ka qeybgalaya shirkaan Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle, Wasiirada Gargaarka dowlad Goboledyada, Agaasimaha Gargaarka Gobolka Banaadir ,wakiilo iyo safiiro ka socda Beesha Caalamka.

Shirkaan waxa lagu faaqidayaa
Jihaynta gargaarka iyo taakulada dadka Soomaaliyeed ee la kulma musiibooyinka dabiiciga ah gaar ahaan fatahaadaha iyo abaaraha.

Qaabka loo Xakameyn karo faafinta Wararka Been Abuurka ah (WARBIXIN)

Waayahaan waxaa ku soo badanayay in Baraha Bushada lagu baahiyo Warar been abuur ah oo loo geysanayo Masuuliyiin, Aqoonyahanno, Culumaa’udiin iyo dad kaleba, kuwaasi oo loo gafayo Shaqsigiisa, sharaftiisa iyo Cirdigiisaba, waxaana loo baahan yahay in la abuuro sharciyad lagu xakameynayo baahinta Wararka Been Abuurka ah, sidaasi awgeed ayay Dowladda Soomaaliyeed waxa ay qabatay Shirweyne looga arinsanayo islamarkaana la isla wadaagayo aragti-wadaagga iyo Xakameynta Faafinta Wararka Been Abuurka ah.

Shirweynahaasi oo looga hadlaayay aragti-wadaagga iyo xakameynta faafinta Wararka been abuurka ah oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, laguna qabtay Magaalada Muqdisho, kaasi oo socday muddo laba cisho ah, intii uu barnaamijkaasi socdayna waxaa la isku weydaarsaday doodo cilmiyaysan oo ay ka qaybqaadanayeen hawlwadeenno ka kala socday hey’adaha dowladda, Warbaahinta dalka, Ururada Saxaafadda, bulshada Rayidka, Culumada iyo khuburo ku xeel dheer arrimaha Warbaahinta, iyadoo uu furitaankiisi ka qeybgalay Ra’iisul-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo munaasabadaasi ka hadlay  Aragti-wadaagga Xakameynta Faafinta Wararka Been abuurka ah iyo Saameynta taban ee ay bulshada ku dhex leeyihiin  ayaa tilmaamay in faafinta wararka aan sugneyn ay khatar weyn ku yihiin amniga Qaranka, nabadgelyada iyo wadajirka Ummadda, gaar ahaan marka ay faafiyaan Argagixisada iyo kuwa la mid ka ah ay noqon karto hub wax burburiya..

Madaashaasi waaa kaloo ka qeybgalay hadalana ka jeediyay doodaha shirka waxaa mid ahaa Wasiiro, Xildhibaanno, Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, Guddoomiyihii hore Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Culumaa’udiin,Odoyaasha  Dhaqan, xubno ka socday Booliiska Soomaaliya, Khubaro Saxaafadeed oo ka kala socotay Warbaahinta gaarka ah iyo Ururada Saxaafadda, waxaana si qoto dheer looga dooday saameynta Wararka been abuurka ah ku leeyihiin nolosha bulshada iyo sida ugu macquulsan oo lagu xakameyn karo si waafqsan sharciga dalka.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac  ayaa sheegay in ujeedada  shirkan uu ahaa aragti-isweydaarsiga dowladda iyo dadkeeda, si xal loogu helo dhibaatada faafinta Wararka been abuurka ah. Ajandayaasha shirwaynahaasi looga dooday waxaa  ka mid ahaa:- 1. Baahinta wararka aan la hubin, ama been abuurka ah iyo Warbaahinta casriga ah 2.  Saameynta Wararka abuurka ku leeyihiin kicinta xasaradaha bulshada iyo colaadaha sokeeya, 3. Muxuu sharcigu ka qabaa faafinta wararka been abuurka ah iyo saameyn intee la eg ayayse ku leedahay dowlad dhiska.4.  Waa maxay tallaabooyinka loo baahan yahay si loo xakameeyo wararka been abuurka?. 5. Sidoo kale waxaa khubarada ka qeybgalaysay shirka soo jeediyeen mowduucyo ay ka mid yihiin.:-  Diinta Islaamka waxa ay ka qabto been abuurka, 6. Booliska iyo dhibaatooyinka ay kala kulmaan wararka been abuurka iyo habka hubinta Wararka been abuurka ah. 7.  iyo wadiiqada loo maro xaqiiqo raadinta Wararka.

Khubaro badan ayaa Madashaasi ka hadlay waxayna dul istaageen, islamarkaana qireen in jiraan khaladaad badan ee ka dhex jira Baraha Bulshada, sida Af-lagaado Madaxeed iyo qoysaskooda, been abuur laga sameeyo dadaalada ka socda Dalka, laguna abuuro Bulshada khal-khal iyo Walaahoow, waxayna soo jeediyeen in Dowladdu ay siyaasad dhab ka qaadato xamaeynteeda, islamarkaana laga soo saaro sharci gaar ah oo ku aadan wararka been abuurka ah, iyadoo dadkii ka hadlay ka mid ahaa Dr. Maxamed Cusmaan Jawaari, kaasi oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya,ayaa qiray inay isaga qudhiisa ay ku dhacday falalka  Wararka beern abuurka, isagoo tilmaamay in marka Warar la qoraayo waxaa jira qaab asluubeysan oo loo qoro, balse toos ayay qof loo weeraraa.

“ Geeridu waa xaq, laakiin markii la yiri Jawaari waa geeriyooday waan qiirooday, waxaana is weydiiyay maxay kaa rabaan  oo ay kuu dilaayaan? Maxaad ka sameysay? waxaase jira Intii is laheyd Qaran ayuu wax u taraa way ka naxeen, ilaa markii dambe aan anigu soo hadlay oo aan iri waan noolahay, waxaase ka sii yaab badan kuwii waxaasi sameeyay xitaa ilama soo xariirin, raaligalin ma bixin waa yaab” ayuu yiri.  Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari oo ah rug caddaa siyaasadeed, wuxuuna sii raaciyay gabood -faladaasi ayaa weli ka sii socda Baraha Bulshada ayuu sii raaciyay, “ Madaxweyne Xasan Shiikh mar uu tegay Imaaraatka Carabta waxaa lagu sheegay inuu dhintay, sidii teydii oo kale ”.

Dood iyo Falanqeyn dheer kadib ka qeybgalayaasha ayaa soo jeediyay talooyin wax ku ool ah oo la xiriira Xakameynta faafinta Wararka been abuurka ah iyo saameynta ay ku leeyihiin bulshada waxaana ay badankood soo jeediyeen:-

1- In Dowladda, ururada Saxaafadda Wadajir uga shaqeeyaa sameynta wacyi gain xooggan oo la xiriirta ka hortagga sameynta iyo faafinta wararka been abuurka.

  1. In Dowladda dhaqan galiso shuruucda degsan ee la xiriirta xakameynta faafinta been abuurka, si loo maareeyo qataraha ka yimaada been abuurka, marin habaabinta iyo hubin la’aanta wararka.

3- In sidoo kale la sameeyo xeerar la jaan qaadi kara Warbaahinta casriga ah, laguna xakameyn karo dambiya iyo faafinta been abuurka ah ee lagu sameeyo baraha dadku ku xariiraan iyo qodob kale oo muhiim u ah bad-qabka iyo xasiloonida Dalka.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo soo xiray shirweynaha ayaa sheegay in shirkani uu muhiim u ahaa hey’adaha dowladda, qeybaha bulshada, culimada iyo khubarada kale in ay ku wadaagaan aragtidooda si furan, si xal looga helo wararka aan la hubin, marin habaabinta ku dhisan ama hubinti la’aanta loo baahiyo, kuwaas oo saameyn taban ku leh bulshada.

Wasiir Daa’uud ayaa tilmaamay in Wasaaraddu ka shaqeynayso hirgalinta aragtiyaha iyo xogaha ka qeyb galayaashu ku wadaageen shirkani oo dhammaantood taabanaya dhibaatada dalkeena iyo dadkeena ay ku hayaan wararka been abuurka ah.

Ugu dambeyntiina  Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaa laga dhur sugayaa in ay soo saari doontaa warbixin dhameystiran oo la xiriirta natiijada doodihii wax ku oolka ahaa ee shirweynaha Aragti wadaagga Xakameynta faafinta Wararka been abuurka ah iyo saameynta ay bulshada ku leeyihiin.

Ciidamada amniga oo howlgal ku soo qabtay maandooriye iyo dadkii ka ganacsanaye

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kormeeray howlgal ay ciidanka Amniga kusoo bandhigeen Maandooriye iyo dadkii ka ganacsanaye, kadib howlgal laga fuliyay degmada Kaaraan.

Goobta lagu soo bandhigay Maandooriyahan waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Taliyaha qeybta guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed G/le Sare Macalin Mahdi, Maamulka Degmada Kaaraan iyo saraakiil kale.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Madaale ayaa ku bogaadiyay Ciidanka Amniga sida ay had iyo jeer ugu taagan yihiin ka hortaga waxyaabaha halista ku ah xasiloonida Caasimadda iyo mustaqbalka ummadeena, isaga oo Sidoo kale uga digay cid kaste oo ku howlan isticmaalka iyo ka ganacsiga Maandooriyaha in sharciga lala tiigsan doono.

 

     

Ciidamada amniga oo soo bandhigay xubnno katirsan khawaarijta

Ciidamada ammaanka ayaa Magaalada Baydhabo ee gobolka Baay kusoo bandhigay 10 xubnnood oo ka tirsanaa Khawaarijta.

Maleeshiyaadka isi soo dhiibay ayaa si gaar ah uga tirsanaa kooxda Jabhadaha ay ku sheegaan, iyagoo noqonaya tiradii ugu badneed ee hal mar iska soo dhiiba kooxda, iyadoo dhawaanahaanba ay aad usii kordhayeen Maleyahiyaadka iyo horjoogeyaasha ka soo baxaya garabka cadowga.

Shalay ayay ahayd markii uu degmada Xarardheere iska soo dhiibay Maxamed Amiin oo Khawaarijta ka soo goostay, waxaana ay sheegeen in ay ka faaideysanayaan Cafiska Madaxweynaha Qaranka.

 

      

 

Guddoomiyaha golaha shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Sacuudiga

Riyaadh:- Guddoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta magaalada Riyaadh ee dalka Boqortooyadda Sucuudi Carabiya kula kulmay dhigiisa dalkaas Mudane Dr. Cabdullahi binu Maxamed bin Ibraahim Aala Sheekh.

Gudoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo dhiggiisa dalka Sucuudiga ayaa ka wada hadlay xiriirka labada Baarlamaan ee Soomaaliya & Sacuudiga, iskaashiga iyo xiriirka soo jireenka ah ee labada Wadan. Waxaa sidoo kale qayb ka ahaa kulanka Ku-xigeenka Golaha Shuurada iyo Xildhibaanno ka tirsan labada Baarlamaan.

Gunnaanadkii kulanka ayaa labada Guddoomiye isku af garteen in laga shaqeeyo lana xoojiyo xiriirka labada Baarlamaan, waxaana lagu balamay in la dhiso guddi saaxiibtinimo ah oo ka shaqeeya dhaqan gelinta arrimahan iyo xiriirka labada Baarlamaan ee Sucuudiga iyo Soomaaliya.

 

 

   

Madaxweyne Laftagareen oo kulan looga arrinsanayo wajiga 2-aad ee dagaalka khawaarijta la yeeshay saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda

Xudur- Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa qaabilay saraakiisha guutada 9-aad qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo uu kala hadlay u diyaar garowga bilaabashada wajiga 2-aad ee dagaalla Dalka lagaga xoreynayo Khawaarijta.

Kulanka ayaa ka dhacay degmada Xuddur ee gobolka Bakool oo uu labadii maalin ee la soo dhaafay ku sugnaa Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

diyaar garow dagaalka looga xorreynayo deegaanada ay ku harsan yihiin kooxda khawaarijta ayaa ka socda dowlad goboleedyada, iyadoo go’aanaddii lagu gaaray madasha wadatashiga Qaran ay kamid ahayd dardargalinta dagaalka dalka looga saarayo kooxda cadowga ah ee khawaarijta Shabaab. dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaana guda galay wajiga  labaad ee dagaalka, iyadoo wajiga koowad ee dagaalka kooxda argagixisada looga saaray magaalooyiin ay ku sugnaayeen in ka badan 10 sano.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabilay Wasiiru dowlaha Horumarinta iyo Iskaashiga Dhaqaalaha ee dalka Jarmalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiiru dowlaha Horumarinta iyo Iskaashiga Dhaqaalaha ee dalka Jarmalka, Jochwn Flasbarth, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka kala dhaxeeya Jarmalka, isagoo uga mahad celiyey taageerada dhinacyada badan ee ay siiyaan Soomaaliya ,sida horumarinta dhaqaalaha, arrimaha bani’aadanimada dimiquraadiyadda, xasillinta deegaanada la xoreeyey iyo tababarka ciidanka booliska.

Wasiirka ayaa dhankiisa ka mahad-naqay qaabillaadda loo sameeyey isagoo tilmaamay in dowladda Jarmalka ay si dhaw ula shaqayso Dowladda Soomaaliya isla markaana xiriir qoto dheer ay wadaagan labada dowladood, ayna sii wadayaan tageerada ay gacanta ugu geysanayaan dib u dhiska iyo kaabayaasha dhaqaale ee dalka.

Madaxweynaha Galmudug oo kulan muhiim ah la qaatay qaybo ka mid ah hay’adaha dowladda

Madaxweynaha Dowladda goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa kulan muhiim ah oo uu goobjoog ka ahaa madaxweyne ku xigeenka Dowladda Galmudugu mudane Cali Daahir Ciid la qaatay wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Amniga iyo Caddaaladda.

Waxaa goobjoog ka ahaa kulanka wasiirka arrimaha gudaha Dowladda goboleedka Galmudug, wasiirka amniga, hay’adda, saraakiisha iyo taliyayaasha ciidanka iyo guddoomiyayaasha gobollada iyo degmooyinka Dowladda Galmudug.

Kulanka ayaa looga hadlay dardargelinta wajiga labaad dagaalka ka dhanka argagaxisada, amniga iyo garsoorka, sidoo kale waxaa kulanka aad loogu lafaguray arrimaha doorashaooyinka ee kusoo fool leh deegaannada Dowladda goboleedka Galmudug.

   

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax dhigay dhismaha waddo dhaxmarta degmada Cabdicasiis

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Degmada Cabdicasiis ee Magaalada Muqdisho ka dhagax-dhigay Waddo Laami ah oo loogu magac-daray Allaha u naxriisto Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed.

Wadadaan oo isku xerta Laamiga weyn ee Gaadiidka iyo Laamiga Liido, ayaa waxa ay dhex marta Suuq-yaraha Degmada Cabdicasiis.iyadoona munaasabadda dhagax-dhiga ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiyaha Degmada Cabdicasiis Marwo Ubax Roda, qaar ka mid ah Agaasimeyaasha Guud iyo Agaasime waaxeedyada Gobolka Banaadir, Odayaasha deegaanka iyo Bulshada qeybahooda kala duwan.

Guddoomiyaha Degmada Cabdicasiis Marwo RodaCabdi Cali (Ubax Roda) ayaa sheegtay in dhismaha wadadaan ay baahi weyn u qabeen bulshada Soomaaliyeed, maadaama Degmada Cabdicasiis ay tahay Degmo dalxiis oo ay isugu yimaadaan dhamaan bulshada qeybahooda kala gedisan, waxa ayna wadadaan hal-bowlo u tahay isku socodka bulshadana iyo isku xerka Xeebta Liido iyo Magaalada inteeda kale.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ku amaanay Bulshada iyo Maamulka Degmada Cabdicasiis sida ay isaga kaashanayaan dhismaha wadadaan, asigoona dhinaca kale ugu digay shirkada gacanta ku heysa dhismaha wadadaan in lagula xisaabtami doonno tayada wadadaan, si loo helo Laami tayadiisu ay sareyso.

    

 

Guddoomiye Sheekh aadan madoobe oo gaaray magaalada Riyaad ee caasimadda boqortooyada sacuudiga

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Adan Maxamed Nur Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo gaaray magaalada Riyaad ee caasimada Boqortooyadda Sacuudi Carabiya ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Riyaad ku soo dhaweeyay Madax ka socotay Baarlamaanka Sacuudiga, Sii-hayaha Safaarada Soomaaliya ee Sacuudiga iyo saraakiil ka tirsan safaarada.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo booqasho rasmi ah Ku tagay Boqortooyadda Sacuudiga ayaa kulamo miradhal ah la qaadan doona dhigiisa dalkaas Mudane Dr Cabdullaahi bin Maxamed bin Ibraahim Aala Sheekh, iyaga oo wada hadaladooda diirada ku saari doona wadashaqeynta labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Sacuudiga.