Falcelinta Qodobadii ka soo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran (WARBIXIN)

Kadib markii uu soo baxay War-murtiyeedkii Madasha Wadatashiga Qaran ayaa siyaabo kala duwan loo kala fasirtay, iyadoo qoloba meel u jiidatay ama u fasiratay, balse waxaa caqiiqo ah in War-murtiyeedku uusan aheyn go’aan ee ay tahay oo kaliya qodobo asaas u ah geeddi socodka hanaanka Dowladnimo, ansaxinteedana waxaa iska leh Barlamaanada Dalka ka dhisan, sidaasi awgeed waxaa tafaasiilo dheeri ah ka bixiyay Masuuliyiinta Dalka ugu sarreeysa ee uu ugu horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr: Xasan Shiikh Maxamuud iyo Raiisul-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, haddaan soo qaadanno waxyaabihii uu ka yiri Raiisul-wasaruhu, isagoo aad u sii jilicinaya War-murtiyeedkaasi.

“Annaga ka Xukuumad ahaan waxaa waajib inagu ah xoreyntii dadka si ay u codeeyaan oo ay xuquuqdooda siyaasadeed fursad ugu helaan”. Ayuu yiri Ra’isul Wasaare Xamsa oo Wasaaradaha faray in ay qaataan doorka kaga aadan hirgelinta hannaanka doorashooyinka, iyadoo shacabka fasiraad buuxda laga siinayo ahmiyada uu heshiisku u leeyahay bulshada Soomaaliyeed.

“Dastuurkeenu waa inuu dhameystirmaa, waa in Deyn cafintu hirgashaa, Dalka waa in aan Kooxaha Argagixisada ah ka xoreynaa, marka anaa maqan iyo hebelaa maqan, hadaad maqan tahay Kaalay imow, cid miyaa kuu diidan, waliba waa lagu tuug tuugayaa, caqligaga la rabaa maskaxdada la rabaa waa lagu tanaasulayaa, soo fariiso hadaad soo fariisan weydo adiga shaqsiyan dadka waxaad rabtid ha u sheegin “ ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Feredaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre waxa uu hadaladaasi ka jeediyay mar uu shir- guddoominaayay shirka golaha Wasiiradda ee Todobaadkii la soo dhaafay ayaa intaasi ku daray in Xukuumadda looga fadhiyo dhaqangalinta heshiiskii Hannaanka doorashooyinka oo fursad qaaliya u ah shacabka Soomaaliyeed in ay ku go’aaminayaan hoggaankooda, wuxuuna Raiisul-wasaaruhu sii raaciyay “𝗦𝗵𝗮𝗰𝗮𝗯𝗸𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗲𝗲𝗱 𝗠𝗮𝗿𝘁𝗶 𝗞𝗮𝗺𝗮 𝘀𝗶𝗶 𝗮𝗵𝗮𝗮𝗻 𝗱𝗼𝗼𝗻𝗼 𝗺𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗱𝗮𝗹𝗸𝗼𝗼𝗱𝗮”.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in amnigu yahay ajande qaran oo u baahan in la dardargaliyo, dhawaanna Xukuumaddu ay bilaabi doonto wajiga labaad ee dib u xoreynta goobaha Khawaariijtu kaga sugan tahay dalka, isagoo faray Wasiiraddu inay hoggaan u noqdaan oo ay tagaan furimaha dagaalka, isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Hadafka Xukuumadda (DanQaran) waa in aynaan noqon Kacaan siyaasadeed oo cusub laakiin aynu noqono Kacaan amniga suga oo dalkan nabad ku soo celiya, dayn cafis keena, dastuurka dhamaystira, oo geedi rays leh iyo deegaan barwaaqo ah dalka geeya”.

Dhinaca kale waxaa kaloo jirta in ay Maasuuliyiin badan ka falcelisay War-murtiyeedkaasi, iyagoo siyaabo kala duwan u dhigay waxaana ka mid ah Xil. Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, islamarkaana ahaa Wasiir hore ayaa sidan ku qoray Bartiisa Baraha Bulshada.

“Labadii cisho ee la soo dhaafay waxaan fiirinayay micnaha ay ku fadhiyaan dareemada falcelinta ah ee laga sameeyey go’aankii Golaha Wadatashiga Qaran ay soo saareen 27-kii bishii May 2023-ka., waxaan arkay aqoonyahano kooban iyo masuuliyiin xilal kala duwan ka soo qabtay Dawlada Federaalka ah oo diidan ama dhaliilaya go’aanka Golaha laakiin ma jirin cid la timid aragti ama proposal siyaasadeed oo lagu bedelo, marka laga reebo Professor Afyare oo nidaamyo la kala dooran karo isbarbardhigay.

Hadaan soo koobo guuxa ka dhashay go’aankii GWQ waxaa iiga soo baxay laba arimood oo aan aad u qariibsaday ama ula yaabay, qodobka koowaad: Siyaasiyiin badan ayaa ku dooday waxaa lagu xadgudbay awood qaybsigii beelaha Soomaaliyeed ku heshiiyeen, waxaan isweydiiyey tolow beelaha Soomaaliyeed goormay miis wax ku qaybsadeen oo awoodaha dalka intay kala qaybsadeen ku heshiiyeen, Tusaale ahaan ma waxaa dhacay Shir Digil & Mirifle fadhiyey oo lagu heshiiyey in ay qaataan Gudoomiyaha Barlamaanka oo aanay weligood kursi executive ah ku fadhiisan mise maxay sugayeen in maanta oo kale la gaadho oo ay tirada iyo tayada dadkooda Soomali kula saami qaybsadaan!!!. Qodobka labaad: waxaan arkay Puntland oo dhahaysa GWQ xaqdaro ayuu ku dhisan yahay ee waa in go’aamada ay qaadanayaan ka soo bilowdaan Wasaaradaha iyo Hay’adaha ku shaqada leh, kadibna Barlamaanka soo maraan oo sidaas ugu gudbaan Madaxweynaha iyo GWQ, waan rumeysan waayey waayo ilaa 2005-tii Puntland ayay ahayd cida ugu adag ee diidi jirtay in shaqooyinku ka soo bilowdaan Golayaasha Qaranka oo dhihi jirtay arrimaha Masiiriga ah waa in GWQ ka doodaan ka dibna wixii ay isla qaataan loo gudbiyaa Golayaasha Dawladda si ay u ansixiyaan.

Waxaan ku soo xidhayaa waynu soo aragnay Qaran dulmi iyo xaqdaro ku dhisan inta uu socon karo iyo waxa ka dhalan kara. qofkii caqli lihina maanta wuu fahmayaa in aan 60 sano ka dib Soomaaliya aanay ka dhismi karin, Dastuurna ku gudbi karin Dawlad been iyo xaqdaro ku dhisan ee laba inoo kala doora (1) in aynu sida Mareykanka labadaa Xisbi ku kala faylno oo qabiil la waayo oo nin waliba Xiniinyihiisa fuulo oo Soomaali isu dhan cod ka raadsado iyo in aynu ku sii jirno circle-ka Qabiilka oo sidii 1967 furano 150 Xisbi oo jufooyin ah, kuraastana ilaa Agaasime waaxeed qabiil iyo tirada beelaha ku qaybsano oo Dastuurka ku qorano, Canshuurta iyo dhaqaalahana reer waliba wixiisa urursado, labadaas inoo kala doora ka hor intaan Dastuurka la keenin golayaasha Dawladda”, ayuu ku soo gabgabeeyay Qoraalkiisa Xil. Maxmed Cabdi Xayir Maareeye.

Haddaba Soomaaliyeey yaynaan fiirin siyaasi dan wata oo uusan idin ku fuulin jaran-jarada sida aan hore u soo aragnay aanna iska himlinno Wararka la isla dhexmarayo, balse aan taageerno waxa ay danta guud ee Ummadda Soomaaliyeed ku jirto, Dalkuna ku gaari karo Nabad, horumar iyoBarwaaqo.

Saaxiibbada Soomaaliya oo soo saaray warsaxaafadeed wadajirka ah oo ku saabsan xaaladda dalka

Wakiillo ka kala socda Soomaaliya, Qatar, Imaaraat-ka carabta, Turkiga, Britain iyo Mareykanka ayaa kulankoodii seddexaad ku qaatay magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qadar, waxayna ka wada hadleen  xaaladda Soomaaliya, si gaar arrimaha amniga, siyaasadda iyo bani’aadminimada

Saaxibbaadan kulmay waxa ay hoosta ka xarriiqeen in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku taageerayaan horumarka amniga iyo xasilloonida.

Waxaa kale oo kulanka looga  dooday sida kor loogu qaadi karo kalsooni dhiska, xoojinta hay’adaha dowliga iyo isku xirka dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta argagixisada ah iyo kaalmada caalamiga ah ee dhinaca amniga.

Waxa ay soo dhoweeyeen ka go’naanka dowladda Soomaaliya in ay xoojiso hay’adaheeda amniga, u diyaar garowga in ciidanka Qaranka ay amniga si buuxda ugala wareegeen hawlgalka Midowga Afrika marka la gaaro bisha December 2024.

Si loo gaaro dhameystirka hawlahahan waxa ay isku raaceen waddamada kulmay wafuuddooda in ay xoojiyaan isku-duwidda dedaaalkooda, sidoo kalena la shaqeeyaan dowladaha iyo hay’adaha kala ee caalamiga ah ee saaxiibka la ah Soomaaliya.

Waxa ay sidoo kale ka doodeen  muhimadda ay leedahay in dhammaadka sanadka ay isugu yimaaddaan shir lagu dejinayo qorshe amni oo la xiriira sida loo joogteynayo amniga kadib sanadka 2024.

Saaxiibbada waxa ay falanqeeyeen ahmiyadda ay leedahay hubinta xasillooni waarta iyo dowlad wanaag laga hirgeliyo deegaannadii dhowaan laga xoreeyay kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab iyo sida ay uga go’an tahay saaxiibbada caalamiga ah isku- duwidda kaalmo lagu xasilinayo deegannadaasi oo ah mid ay dowladda Soomaaliya hoggaamin doonto.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ballan qaadday in ay sameynayso lana wadaagayso saaxiibbada taageera hannaanka isku duwidda dedaallada xasilinta Soomaaliya.

Dowladaha kulmay ayaa sidoo kale ballan qaaday in ay sii wadayaan taageerada siyaasadeed ee ay siinayaan dedaalka Dowladda Soomaaliya ay ku bixinayso buuxinta shuruudaha farsamo ee maamulka iyo isticmaalidda hubka , si Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ay uga qaadaan cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Saaxiibbada waxa ay taageereen in uu Golaha wada-tashiga Qaranka kordhiyo dedaallada dib u heshiisiinta siyaasadda iyo in la kala xadeeyo mas’uuliyaadka hay’adaha dowladda si loo hubiyo xasiloonida Soomaaliya .

Saaxiibada waxa sidoo kale taageereen dedaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku bixinayso xal u helista colaadda magaalada Laas Caanood, waxayna ,  dhinacyada ugu baaqeen in la joojiyo dagaalka lana gaaro heshiis xabbad joojin ah iyo in wadahadal iyo hannaan nabadeed lagu xaliyo khilaafaadka jira.

Waxa Sidoo kale isku raaceen  horumarka laga sameeyay dhinaca  dhaqaalaha Soomaaliya iyo dib u habeynta hay’adaha maaliyadda, waxayna qireen in dhabbaha lagu socdo Soomaaliya uu gaarsiin karo in laga cafiyo daymaha iyo in la helo qorshe dhaqaale oo lagu horumariyo dalka, dayn cafinta kadib.

Saaxiibada waxa ay baaq u direen beesha caalamka in kaalmo bani aadamnimo oo deg deg ah la siiyo dadka Soomaaliyeed, sidoo kalena waxa ay adkeeyeen sida lagama maarmaanka ay u tahay in aan la hor istaagin gaarsiinta iyo helista gargaarka bani’aadminimada xilligan iyo taageeridda u adkeysiga isbeddelka cimilada.

Saaxiibbadu waxay isku raaceen sii wadidda ka wada shaqeynta hawlahan iyo ku soo biiradda Turkiga doodahan si loo joogteeyo horumarka socda.  

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo furay tartanka cayaaraha degmooyinka Galmudug

Cadaado- Madaxweye ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa galabta Cadaado ka furay tartanka cayaaraha degmooyinka Galmudug oo ay ka qaybgalayaan 10-degmo, waxaana munaasabadda furitaanka goob-joog ka ahaa wasiirro ka tirsan Galmudug, madax ka tirsan xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed, xiriirka kubadda cagta Galmudug iyo daawadayaal aad u badan.

Guddoomiyaha degmada Cadaado Faarax Diiriye Warsame ayaa dhammaan martida u timid ka qaybgalka koobkan ku soo dhaweeyey Cadaado, isagoo kooxaha ka qaybgalayana kula dardaarmay inay xoojiyaan isdhexgalka bulshada iyo ilbaxnimada cayaaraha.

Wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha dowlad goboleedka Galmudug Shaacir Sheegow ayaa xusay wasaaraddu dhawr bilood tartankan ay qabanqaabinaysay, si sare loogu qaado tayada cayaaraha iyo nabadda Galmudug.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa isna xusay in tartankan uu sare u qaadi doono xirfadda cayaartoyda Galmudug, islamarkaana laga xulan doono cayaaryoyda xulka Galmudug.

Degmooyinka sanadkan ka qaybgalaya tartanka ayaa kala ah Dhuusamareeb, Cabudwaaq, Balanballe, Gaalkacyo, Guriceel, Xeraale, Wisil, Baxdo, Hobyo iyo Cadaado oo tartanka martigalinaysa.

    

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo Nairobi uga qayb galay shirka golaha deegaanka QM

Wasiir dowlaha wasaaradda hawlaha guud iyo dib-udhiska dowladda FS mudane Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) iyo Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Kenya Ambassador Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya kaga qeybgalay furitaanka shir-weyne ay qabaneyso UN- Habitat.

Shirkaan ayaa oo ah Kalfadhiga 2-aad ee golaha deegaanka Qaramada Midoobe (UN Habitat) ayayaa sanadkan lagu gorfeyn doonaa Mustaqbal Magaalo waarta, iyada oo loo marayo is-dhex-gal dhinacyo badan leh, si loo gaaro yoolalka horumarineed ee joogtada ah waqtiyada xasaradaha caalamiga ah ay jiraan.

Ra’iisal wasaare Xamse oo guddoomiyey kulanka guddi hoosaadka wasiiradda ee tiirka Caddaaladda iyo Garsoorka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa guddoomiyey kulanka guddi hoosaadka golaha Wasiiradda ee tiirka Caddaaladda iyo Garsoor Madax-bannaan.

Kulanka ayaa warbixinno looga dhageystay hay’adaha ka wada tirsan tiirka Caddaaladda oo soo bandhigay howlaha ka fulay ajandayashi horutabinta u lahaa tiirka iyo howlaha hadda horyaala.

Wasaaradda Caddaaladda iyo arrimaha Dastuurka ayaa soo bandhigtay sharciga caddaaladda da’yarta Soomaaliyeed oo muhiim u ah dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddi hoosaadka ku adkeeyey fulinta qorshaha Xukuumadda #DanQaran ee la xiriira kor u qaadidda hannaanka Caddaaladda dalka iyo in deegaannadii dhowaan cadowga laga saaray laga hirgeliyo adeeg garsoor oo bulshada kala haga.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya oo shir muhiim ah la yeeshay madaxda Bangiyada ka hawlgala dalka

Wasiirka maaliyadda dowladda FS Dr. Cilmi Maxamed Nuur ayaa maanta kulan muhiim ah kula yeeshay xarunta wasaaradda Maaliyadda madaxda Bangiyada gaarka loo leeyahay ee dalka ka hawlgala dalka.

Kulanka ayaa diirada lagu saaray arrimaha horumarinta dhaqaalaha dalka, sare u qaadista dakhliga gudaha, hannaanka maaliyadda Soomaaliya  iyo hab-raacyada loo dajiyey Bangiyada si looga hortago lacagaha sharci darada la isugu gudbiyo.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa shirka ka sheegay in ganacsatada iyo Bangiyada Soomaaliyeed ay lafdhabar u yihiin horumarinta dhaqaalaha dalka iyo sare u qaadida dakhliga gudaha, ayna soo shaqeeyeen waqti adag.

Waxa ugu dambeyn, wasaaradda maaliyadda iyo Madaxda Bangiyada isku afgarteen in la xoojiyo ka hortaga lacagaha aan marin habraacyada dirista iyo kala qaadashada, iyadoo si gaar ah loo hubinayo hannaanka lacag ka wareejinta Bangiyada iyo Xawaalahada dalka.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo la kulmay dhigiisa dalka Norway

Oslo:- Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa kulan kula qaatay magaalada Oslo wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Norway H.E Anniken Huitfeldt. iyagoo ka wada hadlay xiriirka labada dal sidii loo sii horumarin lahaa loona xoojin lahaa calaaqaadka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya labada dal.

Labada wasiir ayaa kulankooda si gaar ah uga hadlay sidii Norway ay Soomaaliya uga garab siin lahayd dib u kabashada dhaqaalaha, nabadaynta iyo dib u heshiisiinta, waxaana Anniken Huitfeldt ay bogaadisay dadaalka ay dowladda Soomaaliya ugu jirto dayn cafinta iyo inay dib ula fal-gasho hay’adaha dhaqaalaha dunida.

Akhriso: Qodobbada looga dooday shirweynahii aragti wadaagga xakamaynta faafinta wararka been abuurka

Shirweynahan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, intii uu socday waxaa la isku waydaarsaday doodo cilmiyaysan oo ay ka qaybqaadaneen hawlwadeenno ka kala socday hay’adaha dowladda, warbaahinta dalka, ururada saxaafadda, bulshada rayidka ,culimada ah ah iyo khuburo ku xeeldheer arrimaha Warbaahinta.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo furay Shirweynaha Aragti-wadaagga Xakameynta Faafinta Wararka Been abuurka ah iyo Saameynta taban ee ay bulshada ku Leeyihiin ayaa tilmaamay in faafinta wararka aan sugneyn ay khatar weyn ku yihiin amniga qaranka, nabadgelyada iyo wadajirka ummadda, gaar ahaan marka ay faafiyaan argagixisada iyo kuwa lamidka ah ay noqon karto hub wax burburiya.

Xukuumadda DanQaran ayuu xusay Ra’iisul Wasaaruhu in ay qaadi doonto tallaabooyin sharci ah oo lagula xisaabtamayo kooxaha lagu helo in ay si ula kac ah u faafiyaan wararka been abuur ah, gaar ahaanna kuwa la xiriira amniga qaranka iyo kala qeybinta bulshada.

Ka qeyb galayaasha hadalada ka jeediyay doodaha shirka waxaa mid ahaa Wasiiro, Xildhibaano, Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, Guddoomiyihii hore Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan jawaari, Culimo, Dhaqan, Booliiska Soomaaliya, Khuburo saxaafadeed oo ka kala socotay Warbaahinta gaarka ah, iyo ururada Saxaafadda

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daud Aweis Jaamac ayaa sheegay in ujeedka shirkan yahay aragti Isweydaarsiga dowladda iyo dadkeeda si xal loogu helo dhibaatada faafinta wararka been abuurka ah.

Ka qeyb galayaasha ayaa sidookale, si qoto dheer uga dooday saameynta wararka been abuurka ah ku leeyihiin nolosha bulshada iyo sida ugu macquulsan oo lagu xakameyn karo si waafqsan sharciga dalka.

Ajandayaasha laga dooday waxaa ka mid ahaa

Baahinta wararka aan la hubin, ama been abuurka ah iyo Warbaahinta casriga ah.

Saameynta wararka abuurka ku leeyihiin kicinta xasaradaha bulshada iyo colaadaha sukeeya.

Muxuu sharcigu ka qabaa faafinta wararka been abuurka ah iyo saameyn intee la eg ayayse ku leedahay dowlad dhiska.

Waa maxay tallaabooyinka loo baahan si loo xakameeyo wararka been abuurka?

Sidookale waxaa khubarada ka qeyb galaysay shirka soo jeediyeen mowduucyo ay ka mid yihiin.

Diinta Islaamka waxa ay ka qabto been abuurka.

Booliiska iyo dhibaatooyinka ay kala kulmaan wararka been abuurka.

Habka hubinta wararka been abuurka ah iyo wadiiqada loo maro xaqiiqo raadinta wararka.

Dood Falanqeyn dheer kadib Ka qeyb galayaashaasha ayaa soo jeediyay talooyin wax ku ool ah oo la xiriira xakameynta faafinta wararka been abuurka ah iyo saameynta ay ku leeyihiin bulshada waxaana ay badan kood soo jeediyeen.

In Dowladda, ururada Saxaafadda Wadajir uga shaqeeyaa sameynta wacyi gain xooggan oo la xiriirta ka hortaga sameynta iyo faafinta wararka been abuurka.

In Dowladda dhaqan galiso shuruucda degsan ee la xiriirta xakameynta faafinta been abuurka si loo maareeyo qataraha ka yimaada been abuurka, marin habaabinta iyo hubin la’aanta wararka.

In sidookale la sameeyo xeerar la jaan qaadi kara Warbaahinta casriga ah laguna xakameyn karo dambiya iyo faafinta been abuurka ah ee lagu sameeyo baraha dadku ku xiriiraan.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo soo xiray shirweynaha ayaa sheegay in shirkani muhiim u ahaa hey’adaha dowladda, qeybaha bulshada, culimada iyo khubarada kale in ay ku wadaagaan aragtidooda si furan, si xal looga helo wararka aan la hubin, marin habaabinta ku dhisan ama hubinti la’aanta loo baahiyo, kuwaas oo saameyn taban ku leh bulshada.

Wasiir Daa’uud ayaa tilmaamay in wasaaraddu ka shaqeynayo hirgalinta aragtiyaha iyo xogaha ka qeyb galayaashu ku wadaageen shirkani oo dhammaantood taabanaya dhibaatada dalkeena iyo dadkeena ay ku hayaan wararka been abuurka ah.

Ugu dambeyn Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska jamhuuriyadda Soomaaliya waxa ay soo saari doontaa warbixin dhameystiran oo la xiriirta natiijada doodihii wax ku oolka ahaa ee shirweynaha aragti wadaagga xakameynta faafinta wararka been abuurka ah iyo saameynta ay bulshada ku leeyihiin.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo bilaabay kulamo muhiim ah oo uu la yeelanayo Wasaaradaha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta bilaabay kulamo muhiim ah oo uu la yeelanayo Wasaaradaha, si uu ugula xisaabtamo waxyaabihii ka qabsoomay ballanqaadkii ay horey u kala saxiixdeen.

Kulamada isla-xisaabtanka oo lagu furay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, ayaa Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu mas’uuliyiinta Wasaaradda wax ka weydiiyey waxyaabaha ka qabsoomay balanqaadkii ay horey u kala saxiixdaan ee la xiriiray waajibaadka wasaaradda.

Masuuliyiinta mashaariicda Wasaaradda gacanta ku haya ayaa soo bandhigay waxyaabaha u qabsoomay, waxa aan u fulin iyo caqabadaha siyaasadeed iyo farsamo ee heysta, iyada oo Ra’iisul Wasaaruhu mid mid su’aalo uga weydiiyay masuuliyiinta mashaariicdaasi maamula.

Ra’iisul Wasaaraha XJFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa faray Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada in ay noqoto mid ka hufan musuq maasuq, bulshadana loogu adeego si daacad ah, isla markaana wax la taaban karo ka qabta sameynta isbitaallo, keyd daawo, qalab iyo wacyigelin bulsho, iyada oo la raacayo balanqaadkii ay horey u kala saxiideen. Waxaana uu si gaar ah u faray Wasiirka in uu xaqiijiyo in hawl kasta ay ku fusho xilligii loogu talagalay.

 

 

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Ergayga cusub ee QM u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo mas’uuliyiin kale oo dowladda ka tirsan ayaa garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Ergayga cusub ee Qaramada Midoobay u soo magacaawday dalkeena Marwo Catriona Laing oo maanta dalka soo gaartay.

Sidoo kale soo dhaweynta waxaa qeyb ka ahaa Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda JFS, ku xigeenka Wakiilka QM iyo saraakiil kale, kulan soo dhaweyn ayuu wasiirku kula qaatay qeybta VIP ee Garoonka.

Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa horaantii bishii hore May ee sanadkaan u soo magacaabay Catriona Laing oo u dhalatay dalka Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska inay noqoto Ergeygiisa Gaarka ee u qaabilsan Soomaaliya isla markaana ah Madaxa Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), iyadoo badayshay xoghayahii hore ee James Swan oo u dhashay dalka Maraykanka.