Warbixinta waxqabadkaToddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyey ansixinta warbixinta dalabka Soomaaliya ay ku dooneyso ku biirista Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ee EAC.

2- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo u hambalyeeya Madaxweyna Turkiga ee dib loo doortey, kana qeybgaley caleema saarka Madaxweyne Erdogan oo ka dhacay magaalada Ankara.

3- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa Muqdisho ka furay shirweyne looga doodayey xakamaynta wararka been abuurka ah iyo saameynta ay bulshada ku leeyihiin.

4- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ku baaqay in la dardar-geliyo howlaha ku aadan la dagaalanka kooxaha khawaarijta ee weli ku sugan deegaanno kamid ah dalka.

5- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa bilaabay kormeerka wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda oo uu ugu kuurgelayo dardar-gelinta adeegyada loo fidinayo bulshada iyo horumarinta dalka.

6- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Golaha Wasiirrada u sheegay in xukuumadda looga fadhiyo inay door ku yeeshaan dhaqan-gelinta soo jeedintii hannaanka doorashada ee ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka.

7- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Shirka Hirgelinta Hannaanka Federaalaynta Caddaaladda iyo Asluubta oo dhiirri gelinaya sarreynta sharciga iyo in shacabku ay helaan garsoor caddaalad ah, oo loo dhanyahay, laguna kalsoon yahay.

8- Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa guddoomiyey kulanka guddi hoosaadka golaha Wasiiradda ee tiirka Caddaaladda iyo Garsoor Madax-Bannaan.

9- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Muqdisho kula kulmey Wasiiru Dowlaha Horumarinta iyo Iskaashiga Dhaqaalaha ee dalka Jarmalka, Jochwn Flasbarth, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

10- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabey Guddiga Qabanqaabada Xuska Sannad Guurada 63aad ee xoriyadda dalka.

11- Imtixaankii heer qaran ee sugsiyada sare ee dalka oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyay, kaas oo socday intii u dhaxeysay 27ka ilaa 31-ka bisha Maajo, 2023.

12- Wakiillo ka kala socda Soomaaliya, Qatar, Imaaraat-ka Carabta, Turkiga, Britain iyo Mareykanka ayaa kulan looga hadlayo xaaladda Soomaaliya ee dhinacyada amniga, siyaasadda iyo bani’aadminimada ku yeeshay magaalada Dooxa.

13- Ergeyga cusub ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa UNSOM Marwo Catriona Laing ayaa soo gaartey magaalada Muqdisho si ula wareegto xafiiska.

14- Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa magaalada Oslo kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Norway Anniken Huitfeldt. iyagoo ka wada hadlay xiriirka labada dal.

15- Wasiirka Maaliyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa kulan muhiim ah la yeeshay madaxda bangiyada gaarka loo leeyahay ee dalka ka hawlgala.

16- Wasiirka Maaliyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furay kulan ay yeelanayaan wasaaradaha maaliyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada.

17- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya Mudane Daud Aweis Jama iyo Safiirka Ethiopia u fadhiya Soomaalida Mukhtar Mohamed Ware oo ka wadahadley iskaashiga labada dal.

18- Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Soomaaliya oo ku wargelisay shirkadaha iyo ganacsatada shidaalka inay iska diiwaan geliyaan wasaaradda.

19- Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dibedda Mudane Isaaq Mursal oo magaalada Lusaka kaga qeybaley shirka Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Ururka Iskaashiga Bariga iyo Afrikada Koonfureed ee COMESA.

20- Ciidamada amniga ayaa Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay ku soo bandhigay 10 xubnnood oo ka tirsanaa Khawaarijta.Xarigga xubnahan ayaa dhirbaaxo ku ah Khawaarijta oo qorsheynayay weeraro lagu waxyeeleeyo shacabka.

21- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo 15 sanno oo xabsi ah ku xukuntey Warsame Cabdi Xasan Aadan oo ka tirsanaa argagixisada Daacish.

22- Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa xukun ku ridday 36 dembiile ajaanib ah oo lagu helay inay si sharci darro ah uga kaluumeysanayeen biyaha Soomaaliya. Dembiileyaashan u kala dhashay Iran iyo Pakistan ayaa midkiiba lagu xukumey inuu bixiyo ganaax dhan 11 kun oo dollar midkiiba.

23- Ciidanka Kumandoosta Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibadda caalamiga ah ayaa weerar ay ka fuliyeen duleedka magaalada Kismaayo waxa ay ku dileen 3 xubnood oo muhiim u ahaa Khawaarijta.

24- Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa Guddiga Arrimaha Gudaha ee Aqalka Sare uga waramey qorshaha arrimaha dib u heshiisiinta iyo federaalka.

25- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan la qaatey Taliyaha Ciidamada Boqortooyada Sacuudi Caraabiya General Fayyad Al Ruwaili oo ay ka wadahadleen iskaashiga dhinaca la dagaalanka argagixisada.

26- Ciidanka Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA ayaa degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay horjoogihii Khawaarijta u qaabilsanaa baadda iyo qalqal galinta ganacsatada iyo shacabka Muqdisho oo lagu magacaabi jiray Cali Raaxo.

27- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho ka dhagax-dhigay waddo laami ah oo loogu magac-daray Allaha u naxriisto Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed.

28- Shirka Madasha Xiriirka Arrimaha Bani’aadamnimada iyo Gargaarka ee dalka ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Kismaayo ee Dowlad Goboleedka Jubaland.

29- Imtixaanaadka dugsiyada dhexe ee Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyay. Waxaana sannadkan u fariistay arday tiradoodu gaareyso 31,688.

30- Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Cali {Abuu-Mansuur} ayaa sheegay in si rasmi ah ay bilowdeen duulimaadyada xujeyda Soomaaliyeed ku tegayaan xajka sannadkan.

31- Ciidanka Booliska Soomaaliya oo yeelanaya xarun cusub oo loogu talagaley farsamada doomaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha, kaas oo hirgelintiisa ay iska kaashadeen Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

32- Hay’adda Maareynta Masiibooyinka iyo Hay’adda Gargaarka Aadmiga ee Boqor Salmaan ayaa gargaar u fidiyey qaar ka mid ah dadka ay Khawaarijta ka soo barakiciyeen degaannadooda.

33- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya General General Odowaa Yusuf Raage ayaa magaalada Djibouti kaga qeybgaley sannadguuradii 46-aad ee asaaska Ciidanka Djibouti.

Wasiirka Warfaafinta oo sheegay in 20 ka mid ahaa khawaarijta lagu dilay Shabeellada hoose

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee JFS, Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay in Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya saaxiibbada Caalamka ay dileen 20 xubnood oo ka tirsanaa khawaarijta Al-shabaab xilli ay isku abaabulayeen duleedka deegaanka Baladdul Amiin ee Gobalka Shabeellada hoose.

Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo ay xarunta Wasaaradda Warfaafinta si wada jir ah ugu qabteen Ergeyga midowga Afrika ee Soomaaliya , Mohamed El-Amine Souef, isagoo intaa ku daray in ay sii socon doonaan howlgallada ka dhanka ah khawaarijta.

Howlgalkan lagu beegsaday maleeshiyaadka Khawaarijta ayaa dhacay xilli ay kooxdu si qarsoodi ah isugu aruursanayeen beer ku taalla duleedka deegaanka Baladudul Amiin ee gobolka Shabeellada hoose.

Kuuriyada Koonfureed oo walaac ka muujisay dhoola tus militari ee Shiinaha iyo Ruushka

Ciidamada Shiinaha iyo Ruushka ayaa si wadajir ah u dhoola tus ugu sameeyay qeybo ka mid ah Bariga Aasiya, taasi oo keentay in Kuuriyada Koonfureed ay gasho diyaar garow dagaal.

” Labada ciidan waxay si wada jir ah u sameyeen dhoola tuskoodii lixaad oo wadajir ah, si waafaqsan qorshaha sanadlaha ah ee iskaashiga milatariga ee u dhexeeya Beijing iyo Moscow, ayay tiri Wakaaladda Wararka Shiinaha ee Xinhua.

Wakaaladda ma bixin macluumaad dheeri ah oo ku saabsan tirade ciidamada iyo nooca diyaarada ka qeyb qaadanaya dhoola tuska, inkastoo ay sheegtay in ubucda dhoola tuska uu yahay dhulkan u dhaxeeya gacanka u dhaxeeya Kuuriya, Japan, Shiinaha iyo Jasiirada Taiwan.

Kuuriyada Koonfureed oo walaac ka muujisay arrinkan ayaa ku baaqday in la xoojiyo xasiloonida gobalka iyo in la xaq dhowra derisnimada.

Ciidanka xoogga dalka oo jab culus gaarsiiyay Khawaarijta Al-shabaab

Howlgal qorshaysan oo lagu baacsanayo Khawaarijta Al-shabaab ayaa ka socda duleedka deegaanka Baladdul Amiin ee Gobalka Shabeellada hoose.

Howlgalkan ayaa waxaa lagu beegsanayaa maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta oo si qarsoodi ah isugu aruursanayay beer ku taalla deegaanka Baladudul Amiin.

Jab xoog leh ayaa lagu gaarsiiyay khawaarijta howlgalka qorsheysan oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Qaranka iyo Saaxiibbada Caalamka, sida ay warbaahinta Qaranka u sheegeen saraakiisha hoggaamineysa.

Wasiirka Arrimaha dibedda oo QM kala hadlay xaaladda Carruurta Soomaaliyeed

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Abshir Cumar Jaamac ( Huruuse) ayaa kulan gaar ah kula yeeshay magaalada Oslo ee xarunta dalka Norway Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan Arrimaha Carruurta goobaha colaaduhu ka jiraan Virginia Gamba,  iyagoo ka wada hadlay xaaladda dhallaanka Soomaaliyeed.

Wasiir Huruuse oo magaalada Oslo ee dalka Norway kaga qeyb galaya shir looga hadlayo arrimaha Carruurta ayaa kulan doceed uu la qaatay Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan Arrimaha Carruurta waxay ku faaqideen xaaladda carruurta Soomaaliyeed maaddaama ay ku nool yihiin dal ay ragaadiyeen dagaallo kala duwan.

Labada mas’uul ayaa si qoto dheer ugu wada hadlay arrimo badan oo khuseeya ilaalinta Caruurta Soomaaliyeed gaar ahaan xilliyada ay colaaduhu jiraan, wuxuuna wasiirku la wadaagay Wakiilka gaarka ee xoghayaha QM u qaabbilsan arrimaha Carruurta qorshaha dowladda Soomaaliya ee  ilaalinta xuquuqda Carruurta.

Shirka Wasiirrada maaliyadda XFS iyo maamul Goboleedyada oo ka furmay Muqdisho

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shirka Wasiirada Maaliyadda Dowladda Federal Soomaaliya, Maamul Goboleedyada Dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Shirkan oo uu si ramsi ah u furay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cillmi Maxamuud Nuur oo ay wahliyaan Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Marwo, Raxo Janaqow iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Mudane , Cabdulqafaar Xaange ayaa diiradda lagu saarayaa arrimaha horumarinta hannaanka Maaliyadda dalka, dakhliga gudaha, Deyn Cafinta iyo qeybsiga Deeqaha Maaliyadeed ee laga helo saaxibada caalamka.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr, Cilmi oo furitaanka Shirka ka hadlay ayaa sheegay in shirkaan ay xoogga ku saari doonaan arrimaha Mideynta canshuuraha iyo xoojinta wadashaqeynta ka dhexeysa Hey’addaha Maaliyadda heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Shirkaan ayaa inta uu socdo sidoo kale looga hadli doonaa mashaariicda horumarineed ee Bangjga Adduunka iyo Hey’addaha kale ee taageera Soomaaliya ay dalka ka waddaan.

Gebagebada Shirkaan oo socon doono mundo 3 maalmood ah ayaa la filayaa in laga soo saaro War-Murtiyeed wadajir ah.

   

Aqoon is-weydaarsi ku saabsan dembi barista oo ka furmay Muqdisho

Hantidhawraha Guud ee Qaranka, Abuukaate Axmed Ciise Guutaale ayaa Muqdisho ka furay kulan aqoon-iswaydaarsi muddo toddobaad ah socon doona.

Kulanka ayaa ku saabsan baarista foreensikada (forensic audits,) kaasi oo ay marti ku yihiin khubaro ka socota Xafiiska Hantidhawrka Guud ee dalka Uganda.

Aqoon-iswaydaarsiga ayaa waxaa la isku dhaafsan doonaa xog muhiim ah oo ku aaddan hannaanka la isku waafaqsan yahay ee samaynta baarista foreensikada, habka caddaymaha iyo ka warbixinta natiijooyinka.

  

Taliye ku xigeenka Booliska Soomaaliyeed oo soo dhaweeyay ciidan Boolis ah oo tababar kusoo qaatay Dalka Jabuuti

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jeneraal,  Cismaan Cabdullaahi Maxamed “Kaniif”ayaa soo dhoweeyay dufcaddii 18-aad ee Ciidanka Daraawiishta Booliska Soomaaliyeed oo tababar kusoo qaatay taliska Ciidanka Talyaaniga ee dalka Jabuuti.

Taliyaha oo ka hadlayay munaasabad soo dhoweyn kooban loogu sameeyay ciidanka gudaha garoonka Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho ayaa Ciidanka faray in ay u gutaan waajibaadka saaran si hufan, isagoo ku ammaanay dulqaadkii ay muujiyeen muddadii uu tababarka u socday.

Safiirka Talyaaniga u jooga Soomaaliya, Roberto Vicchi ayaa sheegay in Dowladdiisu ay ka shaqeyneyso horumarinta xiriirka labada dal iyo tababaridda ciidamada Soomaaliyeed, iyadoo la fulinayo codsiga madaxweynaha JFS, Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa in ay dowladda Talyaaniga ka taageerto dhismaha Ciidamada, ka dib kulan uu kalhore kula yeeshay magaalada Rome Madaxda sare ee dalka Talyaaniga.

DFS oo kaashaneysa  dalalka ay saaxiibbada dhow yihiin ayaa si joogto ah ugu howlan tababarrada noocyada kala duwan ee ciidanka Soomaaliya, gaar ahaan xagga xirfadda iyo aqoonta dhinaca maamulka si loo sii horumariyo nabadgelyada iyo xasilinta amniga guud ee dalkeenna Soomaaliya

    

Ra’iisul Wasaare Xamse oo magacaabay guddiga qaban-qaabada xuska maalmaha xorriyadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo garowsan qiimaha iyo mudnaanta ay leedahay sanad guurada 63—aad ee Gobannimada, Midnimada iyo dhalashadii Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa waxa uu magacaabay Guddiga qaban-qaabada Xuska Sanad guurada 63-aad ee maalmaha xorriyadda oo ka kooban siddeed Wasiir iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Guddigan oo ka kooban sagaal xubnood ayaa waxaa guddoomiye ka ah Wasiirka arrimaha gudaha , federaalka iyo dib u heshiisiinta, Axmed Macallin Fiqi, waxaana xubno ka ah, Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska, Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiirka Amniga gudaha, Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe), Wasiirka Maaliyadda, Dr; Cilmi Maxamed Nuur, Wasiirka dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Maxamed Maxamuud Barre, Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Khadiija Maxamed Diiriye, Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada, Biixi Iimaan Cige, Wasiirka Xannaanada Xoolaha , dhirta iyo daaqa, Xasan Xuseen Maxamed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho,  Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).

Maxkamadda gobolka Banaadir oo xukuntay ajaaniib si sharci darro ah kaga kalluumeysanayay xeebaha dalka

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa 36 dambiile oo ajaanib ah lagana soo qabtay xeebaha dalka Soomaaliya ayagoo si sharci darro ah uga kalluumeysanaya ku ridday xukunnadii ay muteysteen.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Saalax Cali Maxamuud ayaa ku dhowaaqay xukunka kiiska loo heystay raggan ajaaniibta ah oo muddo si sharci darro ah kaga Kalluumeysanayay badaha Soomaaliya.

Dambiilayaashan oo kasoo kala jeeda dalalka Yemen iyo Iiraan ayay Maxkamaddu ku xukuntay inay bixiyaan midkiiba lacag 11 kun oo dollar oo ganaax ah, 30 kun oo dollar oo magdhow kalluunkii ay Soomaaliya ka qaateen ah, doomahii iyo qalabkii kalluumeysi ee saarnaa iyo sidoo kale kalluuunkii lagu soo qabtay.