Shacabka caasimadda oo ciidanka kala shaqeynayo xaqiijinta amniga

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay qorshe lagu xakameynayo hubka Magaalada Muqdisho, oo loogu yeeray (Xeerka Xakameynta Hubka Caasimadda), kaasi oo ka kooban 14 qodob.

Xeerka Xakameynta Hubka Caasimadda, iyadoo laga ambaqaadayo go’aankii Golaha Wasiirada ee soo baxay 6-dii bishii April 2023-ka ee Xeerka Xakameynta Hubka Caasimadda, waxaa Dowladda Federaalka Somaliya ay shacabka la wadaagtay faah faahin ku saabsan xeerkan muhiimka ah.

Ujeedada laga leeyahay xeerkan ayaa ah in la is waafajiyo xaqa dastuuriga ah ee bulshada caasimaddu u leedahay xasillooni iyo nabad ay u helaan naftooda. Sidaa daraadeed waxaan halkan idin kula wadaagaynaa nuxurka xeerkan oo u dhigan, sida tan soo socota:-

-Waxaa reeban oo la mamnucay in magaalada lagu dhex wato hubka culus, sida a) Gaadiidka Ciidanka oo qori ku xiran yahay b) Qoriga Sabanka ama baasuukaka (RPG). c) Qoriga Dabajeexa (PKM).

-Waxaa la mamnuucay in cid aan dowladda ahayn ay keensato hub iyo gaadiid ciidan, siiba gaadiidka loo yaqaano Cabdi Bilaha iyo dareyska ciidanka.

-Gaadiidkan iyo hubkan la mamnuucay waxaa magaalada lagu dhex wadan karaa oo keliya marka ay adeegsanayaan ciidan hawlgal idman ku jira.

-Dhammaan hubka iyo gaadiidka ciidan ee la qabto, iyadoo aan ruqsad loo haysan ama xadgudub ku ah xeerkan, waa la la wareegayaa, waxaana uu noqonayaa hanti dowladeed.

-Diiwaangelinta iyo bixinta rukhsadda ilaalada waxaa u xilsaaran Wasaaradda Amniga Gudaha.

-Waxaa reebban cid aan ahayn ciidammada u xilsaaran sugidda amniga caasimadda in hub aan rukhsad lahayn ay magaalada ku dhex wadato.

-Ciidammada ilaalada ah ee haysta ruqsadda, marka ay shaqada ku jiraan waa in ay wataan labiska ciidanka ay ka tirsan yihiin.

-Ciidamada sugaya amniga bara-ilaaleedka (checkpoints-yada), waa in ay u turaan bulshada adeegsanaya waddooyinka, si wanaagsanna ula dhaqmaan, sidoo kalena, ay mas’uuliyiinta waddooyinka adeegsanaya siiyaan tixgelintooda iyo mudnaantooda.

-Masuuliyiinta iyo dhammaan bulshada qeybaheeda kala duwan ee waddooyinka adeegsanaya, waa in ay u hoggaansamaan ayna dhowraan farriimaha iyo tilmaamaha ciidammada sugaya amniga caasimadda, isla markaana ay u fududeeyaan gudashada waajibaadkooda shaqo, iyo kuwa kale, Xeerkan waxaa uu dhaqangalay 6-dii bisha April 2023-kii, markii ay ansixiyeen Golaha Wasiirada.

Haddaba waxaa laga jooga muddo Bil iyo dhowr maalmood, markii uu soo baxay xeerkaasi, su’aashu waxay tahay maxaa ku soo kordhay Caasimadda Dalka ee Muqdisho? Jawaabta meel dheer lagama doonaayo u fakarna uma baahna, waa caddahay in wax weyn ay ka qabteen Ciidanka cusub ee lagu soo tababar Dalka keenya, islamarkaana aaday dardaarankii uu ku siiyay Xerada Tababarka ee Hiilweyne Madaxeynaha JFS Mudane Dr: Xasan Shiikh Maxamuud, waxayna durba howl weyn ka qabteen, islmarkaana gacan bir ah ku qabteen wax alle iyo wixii khatar ku ah amniga guud ee Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo isagu jira Maleeshiyaadka Kooxda Argagaxisada ee Alshabaab, Ciyaal weero ama Gaangiska, kuwa ka ganacsada Mukhaadaraadka qeybihiisa kala duwan iyo hubka sharci darrada ah, waxayna ku soo afjareen muddaasi gaaban, iyadoo Magaalada laga dareemayo xasilooni iyo nabad ballaaran, gaar ahaa Maalmihii lagu gudajiray bishii Barakeysneyd ee Ramadaan iyo maalmiihii Ciidul Fidriga.

“Waxaan la iska indha tiri karin in caasimadda dalka xasishay, lana helay albaabadii ay sharuhu ka soo gudbi jireen, waxeyna tani ku timid ciidamada Boliis Militar ee la dul dhigay saraakiishii iyo askartii hore uga shaqeyn jirtay amniga caasimadda. Waxey shacabku arkaan askar asluubeysan, baaritaan mooyee aan kala wareeg dhaheen, ID haddaadan wadan iga laabo ku laheyn, hadal dabacsanna kula hadla marka ay waajibaadkooda ka gudanayaan” sidaasi waxaa yiri Axmed Macallin Fiqi oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirku waxa uu sii raaciyay “Hay’addii Sirdoonka fadhigii waa ka kacday oo waa taas magaalada iyo duurkana howlo adag ka wada, dabagalna ku heysa dhaqdhaqaaqa Khawaarijta, haddey ahaan laheyd dhaqaale, Militery iyo baraha ay uga gudbaan saanadda Militery”.

Shacabka waa kuwaas aaminay ciidankooda, soo qaqabanaayo khawaarijta, luuq walba ay ku arkaana soo sheegaya, gobolkada dalkana kula dagaalamaya, taas oo ka dhigan in argagaxisadu uu waqtigoodii dhammaaday. Ciidamadii xoogga waa kuwaa duurka ku eryanaya haraadiga howdka ku haray, si ay gacantooda ugu keenaan Soomaaliya oo Khawaarij la’aan nool, adduunka kalena la tartanta.

Muqdisho oo hal sano nabad ahaato, ganacsatadu u baaqato baadda ay khawaarijta ka qaadaan, canshuurta ku waajibtayna ay siiyaan dowladda waxa ay u ekaan doontaa caasimad nabad ah muddo yar kadib, waxaana saaka Magaalada Muqdisho ku cusub in la aruuriyay Ciyaal Dabi Jiifyadii iyo kuwii derbiyada ku dhuuqi jiray Koolda iyo waxyaabaha Maanka dooriya, waxaana filaayaa in loo sameey doono  goobo lagu dhaqan celinayo.

Waxaa kaloo jira oo hore loo waayay in lagu dhiirado soo qabashada iyo la dagaalanka Kooxaha Khawaarijta iyo Ciyaal weerada, waxaana tusaale u soo qaadaneynaa 3-dan Muwaadin oo deggan Magaalada Muqdisho waana Geesinimo ku dayasho mudan:- 3 degmo oo cirifyada Muqdisho ku kala yaalla ayay ka kala dhaceen qisooyinkan ugubka ah!.

1-Gabar ay Khawaarijtu gurigeeda isku dayeen in ay ka weeraraan ciidamada amniga oo halkaas ka ag-dhowaa ayaa iyada iyo qoyskeedii oo isku duuban ay u cuntami weysay arrinkaas, taasna ay sababtay in walaasheed ay ku dhimato, caruurtii iyo ninkeediina ay ku dhaawacmeen si ay u badbaadiyaan ciidanka, Degmadduna Waa Kaxda.

2- Wiil dhallinyaro xoogsato ah ayaa hortiisa lagu dilay Askari Booliis ah, markaas ayuu  raacdeystay labadii Khawaarij ee dilka geysatay illaa uu ku  guulaysto isaga iyo ciidamo booliis ah oo uu wacday in ay qabtaan labadii Khawaarij iyo hubkoodii, taasina waxay ka dhacday Demada Kaaraan.

3- Nin kale oo da’ dhexaad ah ayaa isaga iyo saaxiibkiis ay arkeen khawaarij jawaanno ku wata hub iyo bambooyin oo ay u bareereen in ay qabtaan khawaarijtii iyo hubkoodii!, tanina waxay ka dhacday Degmada Dayniile

Saddexda dhacdo inkasta oo ay meelo kale duwan ka dhaceen haddana waxay wadaagaan hal dareen oo ah shacab dhiiraday oo qeyb ka ah sugashada amnigooda, waana meesha muddada dheer lala rabay shacabka MUQDISHO inuu gaaro, iyadoo Dhammaantood dawladdu waa abaalmarisay.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Sacuudiga

Riyadh:-Wasiirka Gaashaan dhigga xauumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan la qaatay dhiggiisa dalka Sacuudiga Amiir Khalid bin Salmaan Bin Salmaan Cabdulcasiis  xilli uu booqasho rasmi ah u ku joogo Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Intii uu socday kulanka ayaa waxaa looga hadlay xiriirka labada dal ee walaalaha ah,sidii sare loogu qaadi lahaa iskaashiga,isku xirka dhinacyada difaaca,ciidamada iyo arrimo kale oo quseeya labada dal.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Taliye ku-xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Guuto Cabaas Amiin Cali,La-taliyaha Ra’iisul Wasaaraha ee Arrimaha Amniga Kamaal Guutaale,La-taliyaha Wasiirka Gaashaandhigga Dr Cabdullaah Cabdiraxmaan Maxamuud iyo u qeybsanaha Ciidanka Milatariga Soomaaliya ee Boqortooyada Sacuudiga Sarreeye Guuto Bille Ibraahim Adam, iyadoo dhanka Sacuudiga uu goobjoog ka ahaa Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka Fayyad bin Hamed Al-Ruwaili, Kaaliyaha Wasiirka Difaaca Injineer Talal bin Abdullah Al-Otaibi, iyo Kaaliyaha Wasiirka Difaaca ee Arrimaha Fulinta Dr Khaled bin Xuseen Al-Bayari.

   

Madaxweyne Xasan Sheekh oo casho sharaf ku Maamuusay isimada Dhaqanka Gobollada Sool iyo Sanaag

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa casho Sharaf ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka waxa uu ku maamuusay Isimada Dhaqanka Gobollada Sool iyo Sanaag ee maalmahan ku sugnaa Muqdisho, si ay xaaladda deegaanka ula wadaagaan Madaxda heer Federaal.

Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyey go’aammada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ka soo saareen xaaladda ka taagan magaalada Laascaanood, waxa uuna ku baaqay in fursad loo siiyo gurmadka iyo gargaarka degdegga ah ee ay u baahan yihiin dadka deegaanku, loona abuuro jawi ku habboon waan-waanta iyo xalka nabadda.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyey baaqii dowladda ee ku wajahnaa dhinacyada xiisadda Gobolka, kaas oo salku ku hayey in xal aan xabbad ahayn lagu wajaho, dowladda Federaalka Soomaaliyana ay ka go’an tahay in ay qaadato doorkeeda nabadeynta iyo fududeynta wada-xaajoodka, si loo joojiyo colaada.

   

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay ergay ka socda madaxweynaha Uganda

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Janaraal Muhoozi Kainerugaba oo ah La taliyaha sare ee hawlgalada gaarka ah ee madaxweynaha Uganda Mudane Yoweri Museveni.
Madaxweynaha ayaa ka guddoomay Janaraal Muhoozi dhambaal uu ka siday Madaxweynaha dalka Uganda Mudane Yoweri Kaguta Museveni oo ku saabsan xiriirka labada dal iyo Iskaashiga dagaalka ka dhanka ah argagixisada oo khatar ku ah xasilloonida iyo horumarka Gobolka.
Dhankiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga warramey wafdiga Uganda sida ay u socdaan hawlgallada dalka ka dhanka ah argagixisada, caqabadaha jira iyo dhinacyada ay dananeyso dowladda Soomaaliya in laga kaabo, si ay ugu guuleysto halgankan, waxa uuna uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Uganda garab istaagga xasilloonida Soomaaliya iyo sida ay dhiig iyo hantiba ugu hureen dagaalka ka dhanka ah argagixisda Alshabaab.
  

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay ergayga cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uu u soo magacaabay dalkeenna Marwo Catriona Laing.
Madaxweyne Dr Xasan Sheekh iyo Danjire Catriona Laing ayaa ka wadahadlay dardargelinta howlaha muhiimka ah ee Xafiiska Qaramada Midoobay uu ka taageero dowladda Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa la wadaagay dadaallada dowladdu ku bixinayso dhinacyada la dagaallanka argagixisada, kobcinta dhaqaalaha, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay si wax looga qabto caqabadaha bini’aadannimo ee ka jira goobaha laga saaray argagixisada.
Dhankeeda, Ambasadoor Catriona Laing ayaa Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadcelisay soo dhaweynta diirran ay kala kulantay, iyadoo bogaadisay guulaha laga gaaray dagaalka qawaarijta looga xoreynayo dalkeenna, waxa ayna tilmaantay in howlgalkeeda cusub uu xoogga saari-doono adkeynta wada-shaqeynta, sare u qaadidda taaageerada amniga, siyaasadda iyo gargaarka bini’aadannimo.
   

Wasiirada maaliyadda XFS iyo Dowlad Goboleedyada oo heshiis cusub gaaray

Waxa maanta la soo gebagabeeyay shir muddo 2 maalin ah uga socday magaalada Muqdisho, wasiirada maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir.

Shirkaan ayaa intii uu socday waxa lagu gorfeeyay arrimaha hannaanka Maaliyadda dalka, dakhliga gudaha, arrimaha Deyn Cafinta iyo qeybsiga Deeqaha Maaliyadeed ee Soomaaliya siiyo adduunku siiyo.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi oo xiritaanka shirka ka hadlay ayaa sheegay in shirkaan Wasiirada Maaliyadda Dowladda Federaal,Dowlad Goboleedyadda iyo Maamulka gobolka Banaadir diirada lagu saaray arrimaha Federaaleynta, maamul wanaagga iyo wadashaqeynta ka dhexeysa Wasaaradaha Hey’addaha Maaliyadda heer Federaal iyo heer dowlad Goboleed.

Shirkaan ayaa inta uu socday sidoo kale looga hadlay arrimaha dib u habeynta Maaliyadda, horumarinta dhaqaalaha ,Mideynta Siyaasadda Canshuuraha dalka,mashaariicda horumarineed ee Bangjga Adduunka iyo Hey’addaha kale ee taageera Soomaaliya ay ka waddaan gudaha dalka.

Shirka ayaa waxa laga soo saaro War-murtiyeed ay si wadda jir ah u saxiixeen Wasiiradda Maaliyadda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyadda iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

  

Ciidanka Itoobiya oo fashiliyay weerar argagixisanimo

Dooloow- Ciidanka Itoobiya ee aan ka tirsanayn howlgalka midowga Afrika ATMIS ee saldhiggoodu yahay magaalada Dooloow Soomaaliya ayaa ka hor tagay weerar naftii hallignimo ah oo ay khawaarijtu damacsanaayeen in ay ka geystaan saldhig ay halkaasi ku leeyihiin Ciidanka.

Sarkaal sare ka tirsan Ciidanka xoogga dalka oo la hadlay SONNA ayaa sheegay in Khawaarijta Al-shabaab ay saldhigga Ciidanka Itoobiya ku weerareen laba gaari oo uu midkood ahaa Surf kuna qarxay afaafka hore ee saldhigga, kaas oo sababay dhaawaca afar Askari oo ka tirsan ciidanka Itoobiya.

Ciidanka ayaa sidoo kale toogasho ku dilay wadihii gaariga labaad, kaas oo ku qarxay meel ka durugsan saldhigga, mana geysan wax qasaara ah sida uu sheegay sarkaalka la hadlay SONNA.

Ciidankan la weeraray ee Itoobiyaanka ah ayaa dowladda Soomaaliya ka taageeraya cirib tirka kooxaha khawaarijta, iyagoo qeyb ka ah wejiga labaad ee dalka loogu xoreynayo kooxaha argagixisada.

Ra’iisul wasaare Xamsa oo qaabbilay Ergayga cusub ee xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga cusub ee Xogyaha Guud ee Qaramada Midoobay u soo magacaabay Soomaaliya, Catriona Laing, waxayna, ka wada hadleen xoojinta wada-shaqeynta iyo taageerada ay hay’adaha QM siiyaan Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa Qaramada Midoobay uga mahadceliyey taageerada dhinacyada badan ee ay u fidiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dadaalka ay geliyaan dhinaca arrimaha bini’aadanimada, isagoo muujiyey sida ay Xukuumadda Dan Qaran uga go’an tahay in ay si dhow ula shaqeyso QM, iyada oo xoogga la saarayo arrimaha ahmiyadda u leh Xukuumadda si loo xaqiijiyo guulaha la hiigsanayo.

Ergayga cusub ee Xogyaha Guud ee Qaramada Midoobay u soo magacaabay Soomaaliya Catriona Laing, ayaa dhankeeda ka mahadnaqday soo dhaweynta ay kala kulantay dowladda Soomaaliya, waxayna tilmaantay in howlgalkeeda cusub uu sii adkayn doono wada-shaqeynta, taageerada iyo isgarab taagga ay QM siiso Soomaaliya ee dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo horumarka.

    

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka oo la kulmay dhaxal-sugaha BoqortooyadaSacuudi Carabiya

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Dalka Maraykanka Antony Blinken iyo dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya Amiir Maxamed Bin Salmaan ayaa yeeshay wadahadallo la xiriiray dardargalinta xiriirka labada dal ee soo ireenka ah.

Kulanka labada dhinac ayaa looga hadlay xal u helidda arrimaha ka taagan yemen, horumarinta xiriirka labada dal iyo ka qeybqaadashada xasiloonida iyo amniga gobolka, sida uu ka dhawaajiyay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka Matthew Miller, kadib kulankaasi.

Waa safarkii labaad oo madax ka socota Washington ku tago boqortooyada Sacuudiga, waxaana lagu wadaa Blinken inuu la kulmo madaxda kale ee ugu sareysa Sacuudiga inta lagu guda jiro booqashadiisa saddexda maalmood ah.

Booqashadaan ayaa timid xilli muddo sannado ah ay jireen is afgaranwaa la xiriiray arrimaha xuquuqda aadanaha kuwa khuseeyey Iran iyo amniga gobolka.

Soomaaliya oo ka qeyb galaysa Madasha Caalamiga ah ee Hay’adaha Isgaarsiinta Adduunka

Wafdi ka socda Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa ka qeybgalaya Madasha Caalamiga ah ee Hay’adaha Isgaarsiinta Adduunka (GSR-23) oo uu soo qabanqaabiyay Midowga Isgaarsiinta Adduunka.

Madashan oo ka dhacaysa magaalada Sharma El-Sheekh ee dalka Masar ayaa waxaa isugu yimid madaxda hay’adaha isgaarsiinta adduunka, iyagoo isku dhaafsanaya waayo-aragnimadooda la xiriirta horumarradii ugu dambeeyay ee nidaaminta qeybaha Isgaarsiinta iyo teknolojiyadda.

Maalintii ugu horreysay ee Shirweynaha ayaa Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane, Mustafa Yaasin Sheekh waxa uu ka qeybgalay dood-cilmiyeed loogu talagalay madaxda hay’adaha isgaarsiinta adduunka, halkaas oo uu kaga hadlay istaraatiijiyadda qaranka iyo hababka lagu kobcin karo iskaashi dhexmara qeybaha kala duwan ee ka shaqeeya adeegyada dhijitaalka.

Maareeyuha ayaa ka warbixiyay muhiimadda ay leedahay in la yeesho siyaasad iyo xeer-nidaamin kor u qaadaysa hal-abuurka, tartanka suuqa iyo ilaalinta macaamiisha.

Maareeyuhu wuxuu xusay wax-wada qabsiga dowladda iyo ganacsatada (PPPs) iyo iskudubaridka Hay’adaha dowladda in ay yihiin labo tusaale oo muhiim u ah wada-shaqeyn dhexmarta qeybaha kala duwan ee ka shaqeeya adeegyada dhigitaalka ah.