Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo War ka soo saartay dhimista ciidanka ATMIS

Wasaaradda Difaaca Soomaaliya  ayaa war cad ka soo saartay dhimista ciidanka ATMIS ee ka howlgala dalka,kadib markii ciidamada xoogga dalka ay awood  buuxdo u yeesheen la wareegidda amniga guud ee dalka.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu caddeeyay Wasaaradu in ay ka go’an tahay sidii Ciidanka Qalabka sida ay u qaadi lahaayeen mas’uuliyadda ah in amniga dalka kala wareegaan ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu xusay in illaa iyo dhamaadka bishan June aynu ku jirno ay dalka ka baxayaan 2000 oo ka mid ah ciidamada ATMIS, taasi oo qeyb ka ah qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu ahaa 2628 iyo 2670.

Qaramada Midoobay oo war-murtiyeed ka soo saaray xaaladda soomaaliya.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa markale xaqiijiyey ixtiraamkooda ay u hayaan siyaadada, wadajirka dhuleed, madaxbannaanida siyaasadeed iyo midnimada Dalka Soomaaliya.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa walaac ka muujiyey colaadda ka taagan magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool ee dhaca Woqooyiga Soomaaliya, kaas oo sababay waxyeellooyin soo gaaray shacab badan iyo barakaca in ka badan 150,000 qof. Waxay muujiyen in ay tiiraanyadana la qaysanayaan , oo ay tacsi u dirayaan qoysaska dhibbaneyaasha, waxa ayna caafimaad taam ah oo degdeg ah u rajeeyeen dadkii ku dhaawacmay dagaalada.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa soo dhaweeyey dadaalada iyo isku-dayga ay wadaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowladda Itoobiya iyo odayaal dhaqameedka  ee ku aaddan xaqiijinta xabad-joojin, oo sidoo kalena dhiirrigelinaya wadaxaajood qaran oo loo dhan yahay oo ay Soomaalidu leedahay.

Waxay dhammaan dhinacyada ugu baaqeen inay gaaraan heshiis xabad-joojin degdeg ah, waxayna ku dhiirrigeliyeen inay galaan wadahadal loo dhanyahay iyo in khilaafka lagu xaliyo si nabad ah, iyagoona ugu baaqay Halwgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (UNSOM) inay taageero dheeraad ah u fidiyaan si waafaqsan waaibaadka hawlgalka, oo ay ka mid tahay la xiriiridda dhammaan dhinacyada haddii ay lagama maarmaan noqoto.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa walaac weyn ka muujiyey dhamashadii iyo dhaawacyadii ka dhashay dagaalka Laascaanood bishii Disembar 2022, kadib markii ay Ciidamada Ammaanka Somaliland awood u isticmaaleen bannaabaxyo, sida ku xusan warbixinta Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ee 16 Febraayo 2023 ee summadeedu tahay (S/2023/109). Goluhu wuxuu cambaareeyey isku dhacyada rabshadaha leh ee u dhaxeeya Ciidamada Ammaanka Somaliland iyo maleeshiyo beeleedyo. Waxay cambaareeyeen dhammaan falalka guracan ee lagula kaco dadka rayidka ah, iyagoo sida ugu kulul u dhaleeceeyay waxyeellooyinka rayidka iyo burburkii loo geystay kaabayaashii adeegga bulshada ee uu dagaalka sababay.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa ugu baaqay in Ciidamada Ammaanka Somaliland si degdeg ah looga saaro goobaha lagu dagaalamay, uguna baaqay dhammaan dhinacyada inay isxakameeyaan, kana fogaadaan ficillada daandaansiga iyo waxyaabaha kicin kara iyo hadallada hurinaya colaadda si xaaladda dagaalka loo qaboojiyo, si loo hirgeliyo is-aaminaad iyo in la abuuro jawi nabadeed.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa dhammaan dhinacyada xasuusiyey waajibaadka ka saaran xeerka caalamiga ah, ee uu ka mid yahay Xeerka Caalamiga ee Bani’aadannimada ee xaaladahan oo kale quseeya. Waxayna dhammaan dhinacyada ku boorriyeen inay la xisaabtamaan kuwa mas’uulka ka ah xadgudubyada Xeerka Caalamiga ee Bani’aadannimada iyo xadgudubyada iyo tacadiyada xuquuqda aadanaha.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa muujiyey walaacooda ku aaddan saamaynta dagaalku ku yeeshay xaaladda bani’aadinnimo ee magaalada Laascaanood iyo guud ahaan Gobolka Sool, iyadoo ay kasii dartay barakaca iyo dhibta ay sababtey abaarta 2022-kii. Goluhu wuxuu dhammaan dhinacyada ugu baaqey inay oggolaadaan, ayna fududeeyaan

Qaar kamid ah xujeyda Soomaalida oo gaaray Magaalada Maka Al-Mukarama

Xujeyda Soomaaliyeed ee maalmahaan ku sugnaa Magaalada  Madiinah Al Munawarah ayaa bilaabay in ay u baqoolaan magaalada Makkah Al Mukkarama ee Dalka Sacuudi Carabiya.

Illaa Kun iyo shan boqol qof oo ka mid aheyd xujeyda ayaa loo daabulay Magaalada Maka,halka 1634 qof ay weli ku sugan yihiin Madiiba Al-munawara.

Guddoomiyaha bicsada soomaalida ee u xilsaaran soo dhoweynta xujeyda Dr.Ibraahim Yuusuf Cabdi ayaa sheegay in illaa hadda ay soo dhoweeyeen tiro dad ah oo gaaraya 3193 ruux oo Soomaali ah,isla markaana ay u sameeyeen adeegyo hufan oo wax ku ool ah.

Duulmaadyadii xujeyda ayaa weli socda,waxaana la filayaa in dad gaaraya 8 kun oo xujeey ay sanadkaan gaaraan Dalka Sacuudi Carabiya

Ukrain oo sheegtay in ay burburiyeen 4 gantaal iyo 10 Drone

Milateriga Ukraine ayaa sheegay inay soo rideen afar gantaal oo nooca loo yaqaan Cruise missiles iyo 10 diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah intii lagu guda jiray weerar cirka ah oo Ruushku qaaday habeen hore.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa bogaadiyay waxa uu ku tilmaamay natiijooyinka dagaal culus oo ka dhacay gobolka Donetsk ee bariga Ukraine.

Dhanka kale,Mareykanka ayaa ku dhawaaqi doona maanta oo jimco ah $2bn oo cusub oo hub ah oo loogu talagalay Ukraine, sida laga soo xigtay Bloomberg News oo soo xiganeysa saraakiisha maamulka.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Washington DC  laga daahfuray  xarun cilmi-baaris oo la socon doonta dagaalka ka jira Dalka Ukraine

Sacuudiga oo martigalinaya shirka ganacsatada Dalalka Carabta iyo Shiinaha

Dalka Sacuudi Carabiya ayaa lagu wadaa in 11-ka June  ee Axadda soo socota uu martigaliyo kalfadhiga tobnaad ee shirweynaha ganacsatada Dalalka Carabta iyo Shiinaha .

Shirkaan oa ka furmi doona Magaalada Riyaad,waxaa soo qabanqaabiyay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, ahna Ra’iisul Wasaaraha Sacuudiga, Amiir Maxamed Bin Salmaan Bin C/casiis.

Shirkaan oo ah kii ugu ballaarnaa ee noociisa ah ayaa socon doona muddo labo maalmood ah,iyadoo looga hadli doono ganacsiga iyo iskaashiga dhaqaale ee ka dhexeeya bulshooyinka ganacsiga Carabta iyo Shiinaha.

Barnaamijka shirka ayaa waxaa ka mid ah kulamo wada-tashi ah iyo kulamo laba geesood ah oo looga hadlayo sidii barwaaqo iyo horumar waara loogu sameyn lahaa dalalka Carabta iyo Shiinaha.

Kalfadhiga tobnaad ee Shirka Ganacsatada Carabta iyo Shiinaha waa shirkii ugu weynaa ee dhanka ganacsiga iyo maalgashiga,waxaana la filayaa in ay ka qeybgalaan madax ka kala socota carabta Shiinaha,shirkado ,ururo ganacsi iyo kuwo kale.

Booliiska oo xiray agaasimaha guud ee wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS

Taliska Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir, ayaa maanta soo xiray agaasimaha guud ee wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya eedeysane Cabdulaahi Maxamed Cali.

Taliska Ciiddanka booliiska gobolka Banaadir qoraal ka soobaxay ayaa lagu yiri ” iyada oo la dhowrayo Sareynta Sharciga, Waaran maxkamadeed ku soo xirnay Edeysane Cabdulaahi Maxamed Cali, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, kaas oo Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranku ku soo eedeeyay Musuq, si loo horkeeno Maxkamadda Gobolka Banaadir”.

Shirka golaha wasiiradda oo lagu ansixiyay jiheynta hannaanka doorashooyinka dalka

Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada oo uu  shir guddoominayey ra’iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyay Jiheynta Hannaanka Doorashooyinka dalka, dib-u-eegista ku talagalka Miisaaniyadda Dowladda 2023.

Golaha wasiiradda ayaa sidoo kale ansixiyey magacaabista Maamulka Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha iyo magacaabista maamulka Hey’adda Qaxoootiga iyo Barakacayaasha Qaranka.

Afhayeenka Xukuumadda Mudane Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa shirka golaha kadib la hadlay Warbaahinta, isagoo faahfaahiyay qodobbada ka soo baxay kulan khamiis laha ee golaha wasiiradda.

Halkaan Hoose ka daawo faahfaahinta.

Video Player

Madaxweynaha Jubbaland oo xariga ka jaray xaruunta labaad ee Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadda

Kismaayo:- Madaxweynaha dowlada  gobolkeedka  Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa munaasabad kooban oo ka dhacday Xarunta labaad ee Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadda xariga kaga jaray Xaruntan Cusub oo ah mida labaad ee meel ka baxsan Muqdisho ay hay’adu ku leedahay gaar ahaan Jubbaland.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay ahmiyada Xaruntan Cusub ay u leedahay shacabka reer Jubbaland inay tahay mid weyn loona baahan yahay inay ka faa’iidaystaan maadaama xuduud dheer aan la leenahay dalalka Kenya iyo Itoobiya isla markana isku socdka bulshada ay qeyb weyn ka qaadanayso.
Waxaa kale oo u inta ku daray in dhawaan la furi doono xuduudka aan la leenahay Kenya taas oo shaqada Hay’adan wax badan kusoo kordhinaysa muhiimna u ah isku socodka bulshooyinka labada dhinac,madaxweynaha ayaa sheegay in masuuliyiinta hay’ada looga baahan yahay inay adeegyada ay bixinayaan ay shacabka u fududeeyaan iyadoo la raacayo sharciyada iyo hanaanka shaqada ee saxda ah.
               

Xubin ka tirsan Khawaajirta oo isku soo dhiibay NISA

Saciid Moogaw Maday oo ka tirsanaa Maleeshiyada Khawaajirta Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidanka nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ee ku sugan magaalada Xuddur, Ninkaan ayaa ah gacan yaraha horjooge Cabdiraxmaan garweyne oo u qaabilsana maleeshiyada gobolka Hiiraan.
Dagaalka ka dhanka ah Maleeshiyada Al-shabaab ayaa sababay in ay maleeshiyaad badan  oo u dagaalamay Khawaajirta ay isku soo dhiibaan ciidamada xoogga dalka ee doonaya in ay ka sifeyaan maleeshiyada deegaannada faro ku tiriska ah ee ay ku dhumaaliyesanayaan.
Halkaan Hoose ka dhageeyso  Gacan yaraha Horjooge Cabdiraxmaan garweyne oo ka sheekaynaya sababta ku qasabtay in u isku soo dhiibo Ciidanka nabad sugida Qaranka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS oo ka qeyb galaya shir madaxeedka 22-aad ee COMESA

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo oo shalay gaaray magaalada Lusaka ee caasimadda dalka Zambia ayaa maanta ka qeyb-galaya shir-madaxeedka 22aad ee COMESA.

COMESA oo ah suuq ballaadhan ahna midka guud ee Bariga iyo Koonfurta Afrika ayaa madashiisan 22aad lagu lafa-guri doonaa is-dhexgalka dhaqaale iyo kor uqaadidda ganacsiga gobolka iyo guud ahaan qaaradda.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa uga mahadceliyey soo dhawaynta diirran ee isaga iyo weftigiisu loo sameeyeen shacabka iyo dawladda Zambia.