14 Sarkaal oo loo xiray Qaraxii ka dhacay Kuliyadda Jaalle Siyaad

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim ayaa maanta mar uu ka jawaabayey waydiimaha Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa uu xaqiijiyey in 14 Sarkaal loo xiray Qaraxii ka dhacay Xarunta Kuliyadda Jaalle Siyaad.

Wasiirka ayaa sheegay in uu Saraakiisha la xiray uu ku jiro Taliyihii haystay kuliyadda, sidoo kalena Baaris ku socoto xubnahan oo isugu jira Saraakiil Sare iyo Askar sharcigana la hor geyn doono cidii lagu helo ku lug lahaanshaha faldambiyeedkan.

Wasiirku waxa uu sidoo kale xusay in ay kiiskan Baarayaan Guddi ka kooban Haya’addaha Amniga sida NISA,Booliiska iyo Wasaaradda Gaashaandhiga.

Xarunta Kuliyadda jaalle Siyaad ayaa 24-kii bishan waxa ka dhacay Weerar ay geystay kooxda Khawaarijta kaas oo lagu beegsaday Guutadda Ciidanka 14-ka October oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Midowga Yurub oo hakiyay iskaashiga amni iyo kaalmadii la siin jiray Niger

Midowga Yurub ayaa hakiyay dhammaan wadashaqeyntii dhanka ammaanka ee ay la lahaayeen Niger ka dib markii ciidamada dalkaasi ay xukunka kula wareegeen afgambi.

Tallaabadaan ayaa soo baxday xilli Maeykanka uu taageero u fidiyay madaxweynihii la afgembiyay ee Mohamed Bazoum,kaas oo loo arkay xulufo muhiim u ah reer galbeedka oo dagaal kula jira kooxaha argagixisada ah.

Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell ayaa sheegay in iskaashiga amniga iyo kaalmada miisaaniyadda ee lasiin jiray Niger la hakiyay.

Midowga Afrika waxa uu ugu baaqay ciidamada Niger in ay ku laabtaan xarumahooda ama saldhigyada ciidan waxaana la siiyay muddo 15 oo ay ku soo celiyaan maamulkii ay afgambiyeen.

Shalay madaxa qaybta ilaalada madaxtooyada Gen Abdourahmane Tchiani ayaa ku dhawaaqay inuu yahay hogaamiyaha cusub ee Niger.

Waxa uu intaa ku daray in amni darro, dhaqaale xumo iyo musuq-maasuq ay u horseedeen inuu talada dalka la wareego.

Wasiirka difaaca XFS oo faahfaahiyay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay in ay ku biirto ciidanka heeganka bariga Afrika

Wasiirka Gaashandhigga XFS, Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac, oo Xildhibaannada Golaha Shacabka u akhriyay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay in ay ku biirto ciidanka heeganka Bariga Afrika, isagoo ka codsaday in ay meel mariyaan heshiishkan.

Mudane, Jaamac ayaa fulinta heshiiskan ka mid noqoshada ciidanka heeganka bariga Afrika iyo baahiyaha loo qabo ku tilmaamay mid daruuri ah maaddaama uu isbeddelka ku yimid hannaanka difaaca caalamka, sidaa awgeedna loo baahan yahay iskaashi, ka dib markii ay kordheen qataraha waaweyn ee dhanka amniga Adduunka, Afrika, kan gobolka iyo amniga Qaranka Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada ee XFS ayaa horay u ansixiyay heshiiska ku biirista ciidanka difaa bariga Afrika 26/1/2013, wuxuuna aqalka hoose ee baarlamaanka ka codsaday in ay meel marinaan.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegay in heshiiskani uu fududayn doono kaalmooyinka xagga difaaca ah ee looga baahdo waddamada gobolka, la dagaallanka argagixisada iyo fududeynta suuqa dhaqaale bariga Afrika ee ay haatan ku dedaalka ugu jirto in ay ku biirto Dowladda Soomaaliya.

Ciidanka heeganka bariga Afrika EASF waxaa ku mideysan toban dal oo kala ah Burundi, Jabuuti, Ethiopia, Kenya, Rwanda, Seychelles, Soomaaliya, Sudan iyo Uganda.

Soomaaliya iyo Maraykanka oo iska kaashanaya la dagaalanka Al-shabaab (WARBIXIN)

Maalinti Khamiista aheyd waxaa Magaalada Muqdisho Safar shaqo ku yimid Ku xigeenka Xoghayaha Maaliyadda Maraykanka ee Arrimaha Argagixisada iyo ka hortagga maalgelintooda Mr: Brian Nelson, waxa uuna kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr: Xasan Sheekh Maxamuud oo u soo bandhigay tallaabooyinka dowladda Soomaaliya ay ku wiiqday dakhliga iyo dhaqaalaha Argagixisada Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xeerarka iyo shuruucda  loo jideeyey cunaqabateynta maaliyadeed ee Argagixisada iyo tallaabooyinka sirdoon ee lagu burburiyay Ilaha-dhaqaale ee ay ku tiirsanaayeen Argagixisadu ay soo dadejisay guulaha laga gaaray furimaha dagaalka iyo xoreynta deegaannada ay ku dhibaateynayeen Shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna  kala hadlay Ku xigeenka Xoghayaha Maaliyada Maraykanka ee Arrimaha Argagixisada iyo ka hortagga maalgelintooda Mr: Brian Nelson iskaashiga Soomaaliya iyo Mareykanka ee cunaqabateynta maaliyadeed ee Argagixisada, doorka ay ka qaadanayaan Wejiga Labaad ee howlgalka dalka lagaga xoreynayo Khawaarijta iyo horumarka laga sameeyay barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya.

Dhankiisa, Mr: Brian Nelson ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha soo dhaweynta iyo kulanka ay yeesheen, waxa uuna sheegay in nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya ay aas-aas u tahay nabadda Gobolka iyo Adduunka, sidaas daradeedna ay ka go’antahay dalkiisa in ay ku gacan siiyaan dowladda Soomaaliya ka hortaga lacagaha sharic darada iyo la dagaallanka Argagixisada, iyadoo uu Kaaliyaha Xoghayaha waaxda maaliyadda oo soo gaaray magaalada Muqdisho, waana safarkiisii labaad ee uu ku yimaado qaaradda Afrika, isagoo kulamo la qaatay Masuulliyinta dalalka Soomaaliya iyo Kenya oo ay ka wada hadleen dhinacyada iskaashiga, si loo ballaariyo, islmarkaana looga gudbo caqabadaha iyo in loo tilaabsado fursadaha jira, safarkiisuna waxa uu  ku qotomaa adkeynta xiriirka maaliyadeed ee Mareykanka la leeyahay qaaradda Afrika.

Kadib Shir jiraa’id oo uu qabtay ayuu ku faah faahiyay ujeedka safarkiisa Muqdisho iyo guud ahaan qaaradda Afrika, “aad baan ugu faraxsanahay in aan idinla joogno Muqdisho maanta dhammaantiin. Wa safarkeyga labaad ee aan ku imaado qaaradda Afrika, waxaana la kulmay dhiggeyga Soomaaliya iyo Kenya si aan uga wada hadalno dhinacyada iskaashiga, annagoo ballaarinayno iskaashiyadaasi si aan uga gudubno caqabadaha iyo in aan u tilaabsano fursadaha ina horyaalla”, ayuu yiri Mr: Nelson.

Mar uu ka hadlaayay kulamadii uu ku qabtay Dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayuu Kaaliyuhu yiri “Muhiimadda ugu weyn ee kulamadii aan ku qabtay Muqdisho iyo Nairobi ayaa ahaa mid aan kaga wada hadlaynay sidii aan u xoojin laheyn iskaashigeena ee ka hortagga maalgelinta Argagixisada gobolka. Si taas loo gaaro, galinka dambe ee maanta, xafiiskayaga ee Xakamaynta Hantida Dibadda (OFAC) ayaa magacaabi doonta shaqsi caan ah oo ah maalgeliyaha Argagixisada, magacaabidtiisna waxay taageero u tahay dadaaladda Soomaaliya iyo Kenya ee lagu dhabar jibinaayo maalgelinta Argagixisada. Maanta waxaan kala hadlay Madaxda Soomaaliya sidii aan isaga kaashan lahenyn sii kordhinta saameynta arrintan ee lagu beegsanayo argagixisada ku dhaqan Soomaaliya”

“Saameynta ugu badan ee cunaqabataynta aan soo rogno waxaa la helaa markii aan la shaqeyno saaxiibadayada. Waxaan kala hadlay maamulada Soomaaliyeed ee heerka ugu sarreeya in ay muhim tahay in aan goor hore xogta wadaagno iyo in la fududeeyo baaritaanada, lana fuliyo tilaabooyinka ka dhanka ah maalgeliyayaasha iyo kuwa fududeeya falalka argagixisada”, ayuu sii raaciyay.,

Kaaliyuhu Kulankii uu la yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Masuuliyiin kale, waxay ka wada hadleen dhowr arrimood oo ay ugu waaweynaayeen,  1: horumarka laga gaarayo dhisidda awoodda lagula dagaalamayo lacagaha la dhaqo iyo maalgelinta argagixisada, tan 2-aad  horumarka lagu horumarinayo dib-u-habeynta muhiimka ah ee u oggolaanaysa Soomaaliya in ay dakhligeeda u isticmaasho horumarinta dhaqaalaheeda halkii ay ku bixin lahayd deymaha. Iyo 3-aad: istaraatiijiyad cusub oo ka timid waaxda Maaliyadda Maraykanka oo ku saabsan wax ka qabashada khatarta dhaqaale, si aan u fududeyno howlaha xawaaladaha iyo gargaarka bini’aadantinimo ee jaaliyadaha qurba-joogta ah ee ku dhaqan Maraykanka. Hagaajinta kontaroolada Soomaaliya u leedahay la dagaalanka lacagaha la dhaqo, maalgelinta Argagixisada, fidinta maalgelinta, iyo khataraha ka timaada ka dhuumashada cunaqabataynta waxay kalsooni ku beereeysa waaxda Bangiyada Maraykanka, taasoo tuseysa in waaxda maaliyadda ee Soomaaliya la kormeero laguna nidaamiyo si waafaqsan heerarka caalamiga ah iyo kuwa gudaha.

“Laakiin safarkaygu kuma koobnayn kaliya ah shirarka dawladda. Waxaan la kulmey wakiilo ka socota qeybaha adeegyada Bangiyada iyo Xawaladaha Soomaaliya. Shirkadahan sida gaarka ah loo leeyahay ee safka hore ku jira waxay door muhiim ah ka ciyaaraan la dagaalanka lacagaha la dhaqo iyo maalgelinta Argagixisada, iyaga oo la shaqaynaya maamulada maxalliga ah. Waaxda Maaliyadda waxay si dhow ula shaqeysaa hey’adaha maaliyadeed si aan u wadaagno macluumaadka ku saabsan dhaqdhaqaaqyada sharci darrada ah iyo in la hirgeliyo xeerarka AML/CFT”, ayuu yiri Kaaliyaha.

Dhinaca kale Mareykanka ayaa ogaaday in Cabdiweli Maxamed Yuusuf inuu yahay madaxa maaliyadda ee Daacish-Soomaaliya iyo xubin ka tirsan Daacish-ta Afrika oo dakhli ka soo saarta ISIS qeybinta qaaradda. ISIS- ama Daacishta Soomaaliya waxay ku howlan tahay baadda hey’adaha maaliyadeed, ganacsiyada maxalliga ah, iyo bixiyeyaasha adeegga lacagta Mobilada, iyagoo ka faa’iidaysanaya dayacanka hey’adaha Soomaaliya, si ay u maalgeliyaan hawlahooda, oo ay ku jiraan lacagaha Mobilada iyo Xawaaladaha.

“Waxaa naga go’an inaan u isticmaalno Maamulkeena si aan u taageerno Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dadaallada ay kaga hortagayso dhaq-dhaqaaqyada maalgelinta argagixisada ee wax u dhimaya amniga qaranka Soomaaliya khatarna ku ah xasilloonida gobolka”, sidaasi waxaa yiri masuul ka tirsan waaxda maaliyadda Maraykanka. “Tallaabadan waxaa loo qaaday si waafaqsan Amarka Fulinta ee 13224, ee wax laga beddelay, kaas oo bartilmaameedsada kooxaha argagixisada iyo taageerayaashooda”, ayuu sii raaciyay MATTHEW MILLER, Afhayeenka Waaxda Maaliyadda Maraykanka.

Hawlgalo ka dhacay goboladda Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe oo khawaarijta looga dilay tiro ka badan 100

-Howlgal qorshaysan oo ay iska kaashadeen ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamiga ah oo ka dhacay soohdinta gobolada Shabeellha Dhexe iyo Galgaduud ayaa khasaaro xoog leh loogu gaystay Khawaarijta Al-shabaab Sida uu Warbaahinta u xaqiijiyey Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaalla,Wasiirka ayaa sheegay in hawlgalkan Khawaarijta looga dilay 100 xubnood oo ay ku jiraan horjoogayaal Sar sare.

Ku dhowaad 10 gaari oo ay ku jireen labo BG, gaari UD, iyo afar Cabdi bille oo ay saarnaayeen maleeshiyaad Khawaarij ah ayaa lagu bur-buriyay howlgalkan.

Sidoo kale saldhig ay ku sugnaayeen maleeshiyaadkha Khawaarijta ah ayaa howlgal bur-burin ah lagu sameeyay waxaana halkaasi khawaarijta ku gaaray jab kale.

Mas’uuliyiin ka socday hay’adda duulista reyidka oo gaaray magaalada Af barwaaqo

Mas’uuliyiin ka socday hay’adda Duulista rayidkaa ee Soomaaliya ayaa gaaray magaaladda Afbarwaaqo ee gobalka Mudug halkaas oo ay ka socoto dhismaha Garoon Diyaaradeed Oo ay Bulshada baahi weyn u qabtay.

Waa markii u horeeysay oo ay injineero ka socday hay’adda Duulista rayidkaa ee Soomaaliyeed kormeer ku tageen garoonkaa waxaana socdaalka injineerada qeyb ka ahaa la taliyaha dhanka arimaha bulshada madaxweynaha Galmudug Axmed Shire Falagle iyo Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Galmudug.

Masuuliyiintii ka socday hay’adda Duulista rayidkaa ee Soomaaliyeed ayaa ka warbixiyay ujeedka socdaalka ay kusoo gaareen Afbarwaaqo iyo Hanaanka uu u socda dhismaha garoonka in uu yahay mid waafaqsan sharciga dhismaha garoomada.

           

Safiirka JFS ee Ethiopia oo Safaaradda Kusoo dhoweeyey dhigiisa Czech Republic.

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa xafiiskiisa safaaradda Addis Ababa kusoo dhoweeyey Safiirka Dawladda Czech Republic ee Ethiopia Ambassador Miroslav Kosek.

Kulankaasi waxaa ka hadlay danjire Warfaa,oo sheegay in qorshayaasha u degsan maamulka safaaradda  uu yahay in kor loo qaado iskaashiga caalamiga ah ee  Jamhuuriyadda Soomaaliya ay la leedahay dunida inteeda kale.

Ambassador Miroslav oo ka hadlay kulankaasi labada dhinac ah ayaa ballanqaaday in Dawladda Czech Republic ay garab istaag buuxa u muujinayso Jamhuuriyadda Soomaaliya,ayna kala shaqayn doonto arrimaha saldhiga u ah dowlad wanaaga.

Howlgal lagu burburiyay Gaadiid iyo Saldhig Khawaarijtu lahayd

Howlgal qorshaysan oo ay iska kaashadeen ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka oo ka dhacay soohdinta goballada Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud ayaa khasaaro xoog leh loogu gaystay Khawaarijta.

Ku dhowaad 10 gaari oo ay ku jireen labo BG, gaari UD, ah iyo afar Cabdi bille oo ay saarnaayeen maleeshiyaad Khawaarij ah ayaa lagu burburiyay howlgalka.

Sidoo kale, saldhig ay ku sugnaayeen maleeshiyaada Khawaarijta ayaa howlgal burburin ah lagu sameeyay waxaana halkaasi khawaarijta ku gaaray jab kale.

Tirada rasmiga ah ee Khasaaraha Khawaarijta gaaray wali waxaa lagu wadaa arruurin iyo xaqiijin.

Maalinta ka hortagga Cagaarshowga oo laga xusay dunida

Dowladaha caalamka iyo shucuubta kale eek u hoos nool ayaa maanta u istaagay dabbaaldegga xuska 28-ka Julay ee maalinta caalamiga ah ee la dagaallanka Cudurka Cagaashowga.

Xuska Maalinta Cagaarshowga dunida, oo la qabto sannad kasta, ayaa ujeedkeedu yahay in kor loo qaado wacyiga bulshada ee dhinaca ka hortagga cudurka cagaarshowga.

Cudurkaan waxa uu kamid yahay cudurada faafa ee dilaaga ah,waxaana keena feyras qatar ah oo saameeya unugyada beerka,iyadoo nuucyada cagaarshowga lagu tilmaamo kuwo u kala baxa sidatan A, B, C, D, iyo E.

Prof Cismaan Maxamuud Dufle oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa farriimo digniin ah la wadaagay Bulshada Soomaaliyeed,wuxuuna ku taliyay in lagu dadaallo nadaafadda deegaanka.

Madaxda Sacuudiga oo qoraal la xiriiray gubidda Qur’aanka u diray Denmark

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa   Diblomaasi Danmark ah u dhiibay qoraal lagu dalbanayo in la jooojiyo falalka foosha xun ee ka hor imaanaya caqiidada diinta Islaamka, sharciyada iyo xeerarka caalamiga ah ee dunida.

Boqortooyada oo u yeertay dibolomaasigaasi ayaa kala hadashay arrimo ku saabsan kutubka Qur’aanka ee dhawaan lagu gubay magaalada Copenhagen ee Denmark.

Hadal ay manta soo saareen wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Dalalka Khaliijka ayaa lagu  sheegtay mowqifka dalalkaasi ay ka taagan yihiin xadgudubka lagu sameeyay Qir’aanka iyo sida ay lagama maarmaanka y tahay in dalalka Iskaandaneefiyanka ay u howlgalaan wax ka qabashada naceybka diimaha,gaar ahaan Islaamka.

Cabashada boqortooyada ayaa timid ka dib markii dadka u ololeeya midigta fog ee Denmark ay todobaadkii la soo dhaafay bannaanka safaaradaha Ciraaq, Masar iyo Turkiga ay ku gubeen kitaabka barakeysan ee Islamka .

Isniintii, laba xubnood oo ka tirsan xisbiga Patriots Danish ultra-nationalist ayaa ku tuntay nuqul ka mid ah qur’aanka kariimka ah .

Sacuudi Carabiya ayaa todobaadkii hore DowladdaSweden kala hadashay arrimmo ku saabsaanaa joojinta gubidda kitaabka Qur’aanka.