Putin”soo jeedinta Afrika waxay saldhig u noqon kartaa nabadda Ukraine”

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in hindise ay soo bandhigeen hogaamiyayaasha Afrika uu saldhig u noqon karo xalka dagaalka Moscow ee Ukraine .

Hoggaamiyaha Ruushka ayaa hadalkan ka sheegay magaalada Moscow sabtidii ka dib markii uu hoggaamiyeyaasha Afrika kula kulmay Saint Petersburg ee dalkiisa.

Soo jeedinta qodobada madaxda Afrika ee lagu qaboojinaayo colaadda waxaa kamid ah dib-u-celinta ciidamada Ruushka, ka saarista hubka Nukliyeerka ee Ruushka uu geeyay Belarus, hakinta amarka xarigga Maxkamadda Caalamiga ICC ee ka dhanka ah Putin iyo cunaqabataynta.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa diiday fikradda xabbad-joojinta ee xilligaan, waxa uuna sheegay in wadahadal nabadeed lagu saleeyo in marka hore Moscow ay ciidamadeeda kala baxdo dhulka Ukraine ee la haysto.

Hindisaha Afrika waxay noqon karaan aasaaska habab gaar ah oo ku wajahan xal nabadeed,

Horaantii sanadkan Shiinaha ayaa soo bandhigay hindise ama qoraal 12 bog ah oo ku baaqaya in la dejiyo xaaladda oo ugu dambeyntii xabbad-joojin laga sameeyo Ukraine.

 

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kormeeray qaar kamid ah Xerooyinka lagu tababaro ciidanka xoogga

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa kormeer shaqo ku tagay Xerooyinka General Daaud iyo Xerada tababarka Gen dhaga Badan ee Duleedka Magaalada Muqdisho

Taliyaha ayaa kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee Xerooyinka Ciidanka Xoogga Dalka oo ay ka Socdeen Howlo shaqo oo Muhiim ah.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeyo Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow ayaa Xerada General Dhaga Badan kula Hadlay Ciidamo cusub oo tababar kusoo qaatay dalka dibadiisa isagoona Ciidanka ku boorriyay inay ka feejignaadaan dhagarta cadwoga, wuxuuna kula dar daarmay inay gacan adag kula dagaallamaan khawaarijta.

Waxa uu sidoo kale Taliyaha ciidanka u sheegay in ay u diyaar garoobaan wajiga labaad ee dagaalka khawaarijta looga xoreynayo guud ahaan dalka.

Howlgalka Wajiga labaad ee ka dhanka ah khawaarijta oo ka billaabanaya Galmudug

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa degaanka ayaa Abaabulkii ugu dambeeyay ee dagaalka wajiga labaad kawada degaanno ka tirsan Galmudug oo uu ka billaabanayo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah khawaarijta.

Degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa lagu soo bandigay dhallinyaro degaanka ah oo hubeysan, kuwaas oo ka badan 3,000 oo loo diyaariyey inay ka qeyb noqdaan howlgalka Wajiga labaad ee Cadowga Khawaarijta ah looga xoreynayo deegaanada ay ka joogaan Galmudug

Dhawaan ayay ahayad markii degaanno katirsan Galmudug ay gaareen sarakiil kamid ah ciidanka xoogga, kuwaa oo booqday xarumaha ciidamada ay ku leeyihiin Galmudug, iyagoo u sheegay in ay isku diyaariyaan howlagalka wajiga labaad ee ka billaabanayo Galmudug.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay guddiga Qaran ee la dagaalanka lacagta sharci darrada iyo maalgalinta argagixisada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay Guddiga Qaran ee La-dagaallanka Lacag-dhaqidda iyo Ka-hortagga Maalgelinta Argagaxisada (AML/CFT) oo uu ka dhageystay warbixin ku saabsan miro-dhalka qorshaha qaran ee curyaaminta awoodda dhaqaale ee argagixisada Alshabaab.

Guddigan Qaran ayaa soo bandhigay baraarugga shacabka Soomaaliyeed ee ka dhanka ah argagixisada, waxa ayna sheegeen in la daciifiyey awooddii khawaarijtu ay u lahaayeen urursiga baadda iyo boobka ay ku hayeen ganacsatada Soomaaliyeed, taas oo aas-aas u ah ciribtirka iyo dabargoynta arxanlaaweyaashan ku naaxay dhiigga dadkeenna.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab uu leeyahay saddex furimood oo isbarbar socda kuwaas oo kala ah;  furinta dhaqaalaha, tan fikirka iyo dhanka milatariga, waxa uuna sheegay in aan laga xoreyn karin dalka haddii aan guul wadajir ah laga keenin furimahaas isku sidkan.

Dhanka kaale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Ra’iisul XFS mudane Xamse Cabdi Barre  ayaa kormeeray xarunta hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaran, iyaga oo u kuur galay howla shaqo ee ay hay’adda u hayso dalka.

     

Dowladda Soomaaliya oo dowladda Talyaaniga kala wareegtay gargaar loogu talagalay dadka ku barakacay dagaalada laasacaanood.

Wasiir ku xigeen wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Isaaq Maxamuud Mursal ayaa safiirka ku xigeenka safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya kala wareegay gargaar bini’aadanimo oo dowladda Talyaaniga ugu talagashay dadkii ku barakacay dagaalada laasacaanood.

Diyaarad siday gergaarkaan bini’aadanimada ee Dowladda Talyaanigu ay ugu talo gashay dhinaca samafalka ayaa maanta laga soo dajiyay garoonka Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Wasiirka wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Jaamac Xasan Khaliif ayaa uga mahadceliyay dowladda Talyaaniga gargaar bini’aadanimo gargaar bini’aadanimo ee loogu talagalay dadka ku barakacay dagaalada magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

Xildhibaanno ka tirsan Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ku sugnaa munaasabada gergaaran lagu wareejinayay ayaa sheegay in gurmaadkaan ku soo aaday xilli loo baahna, dowladda Talyaanigana ay kaga mahadcelinayaan taageeerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya.

       

Duqa Muqdisho oo guddoomiyay shir looga hadlayay amniga caasimadda

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shir guddoomiyay kulan gaar ah oo ku saabsan dardargalinta amniga caasimadda kaas oo ka dhacay xarunta Aqalka Dowladda Hoose Xamar.

Kulankan amniga la xariira ayaa waxaa goob ka ahaa guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada ee maamulka Gobolka Banaadir, Taliyaasha qeybta guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo ciidanka nabad sugida iyo sirdoonka qaranka iyo sidoo kale saraakiisha ciidanka Military police.

Duqa magaalada Muqdisho Mudane Madaale ayaa warbixina Amniga quseeya ka dhageestay saraakiishii kulanka ku sugneed, isaga oo kula dardaarmay in la xoojiyo howlaha kor loogu qaadayo sugida amniga iyo la dagaalankan Maandooriyaha.

14 Sarkaal oo loo xiray Qaraxii ka dhacay Kuliyadda Jaalle Siyaad

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim ayaa maanta mar uu ka jawaabayey waydiimaha Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa uu xaqiijiyey in 14 Sarkaal loo xiray Qaraxii ka dhacay Xarunta Kuliyadda Jaalle Siyaad.

Wasiirka ayaa sheegay in uu Saraakiisha la xiray uu ku jiro Taliyihii haystay kuliyadda, sidoo kalena Baaris ku socoto xubnahan oo isugu jira Saraakiil Sare iyo Askar sharcigana la hor geyn doono cidii lagu helo ku lug lahaanshaha faldambiyeedkan.

Wasiirku waxa uu sidoo kale xusay in ay kiiskan Baarayaan Guddi ka kooban Haya’addaha Amniga sida NISA,Booliiska iyo Wasaaradda Gaashaandhiga.

Xarunta Kuliyadda jaalle Siyaad ayaa 24-kii bishan waxa ka dhacay Weerar ay geystay kooxda Khawaarijta kaas oo lagu beegsaday Guutadda Ciidanka 14-ka October oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Midowga Yurub oo hakiyay iskaashiga amni iyo kaalmadii la siin jiray Niger

Midowga Yurub ayaa hakiyay dhammaan wadashaqeyntii dhanka ammaanka ee ay la lahaayeen Niger ka dib markii ciidamada dalkaasi ay xukunka kula wareegeen afgambi.

Tallaabadaan ayaa soo baxday xilli Maeykanka uu taageero u fidiyay madaxweynihii la afgembiyay ee Mohamed Bazoum,kaas oo loo arkay xulufo muhiim u ah reer galbeedka oo dagaal kula jira kooxaha argagixisada ah.

Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell ayaa sheegay in iskaashiga amniga iyo kaalmada miisaaniyadda ee lasiin jiray Niger la hakiyay.

Midowga Afrika waxa uu ugu baaqay ciidamada Niger in ay ku laabtaan xarumahooda ama saldhigyada ciidan waxaana la siiyay muddo 15 oo ay ku soo celiyaan maamulkii ay afgambiyeen.

Shalay madaxa qaybta ilaalada madaxtooyada Gen Abdourahmane Tchiani ayaa ku dhawaaqay inuu yahay hogaamiyaha cusub ee Niger.

Waxa uu intaa ku daray in amni darro, dhaqaale xumo iyo musuq-maasuq ay u horseedeen inuu talada dalka la wareego.

Wasiirka difaaca XFS oo faahfaahiyay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay in ay ku biirto ciidanka heeganka bariga Afrika

Wasiirka Gaashandhigga XFS, Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac, oo Xildhibaannada Golaha Shacabka u akhriyay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay in ay ku biirto ciidanka heeganka Bariga Afrika, isagoo ka codsaday in ay meel mariyaan heshiishkan.

Mudane, Jaamac ayaa fulinta heshiiskan ka mid noqoshada ciidanka heeganka bariga Afrika iyo baahiyaha loo qabo ku tilmaamay mid daruuri ah maaddaama uu isbeddelka ku yimid hannaanka difaaca caalamka, sidaa awgeedna loo baahan yahay iskaashi, ka dib markii ay kordheen qataraha waaweyn ee dhanka amniga Adduunka, Afrika, kan gobolka iyo amniga Qaranka Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada ee XFS ayaa horay u ansixiyay heshiiska ku biirista ciidanka difaa bariga Afrika 26/1/2013, wuxuuna aqalka hoose ee baarlamaanka ka codsaday in ay meel marinaan.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegay in heshiiskani uu fududayn doono kaalmooyinka xagga difaaca ah ee looga baahdo waddamada gobolka, la dagaallanka argagixisada iyo fududeynta suuqa dhaqaale bariga Afrika ee ay haatan ku dedaalka ugu jirto in ay ku biirto Dowladda Soomaaliya.

Ciidanka heeganka bariga Afrika EASF waxaa ku mideysan toban dal oo kala ah Burundi, Jabuuti, Ethiopia, Kenya, Rwanda, Seychelles, Soomaaliya, Sudan iyo Uganda.

Soomaaliya iyo Maraykanka oo iska kaashanaya la dagaalanka Al-shabaab (WARBIXIN)

Maalinti Khamiista aheyd waxaa Magaalada Muqdisho Safar shaqo ku yimid Ku xigeenka Xoghayaha Maaliyadda Maraykanka ee Arrimaha Argagixisada iyo ka hortagga maalgelintooda Mr: Brian Nelson, waxa uuna kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr: Xasan Sheekh Maxamuud oo u soo bandhigay tallaabooyinka dowladda Soomaaliya ay ku wiiqday dakhliga iyo dhaqaalaha Argagixisada Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xeerarka iyo shuruucda  loo jideeyey cunaqabateynta maaliyadeed ee Argagixisada iyo tallaabooyinka sirdoon ee lagu burburiyay Ilaha-dhaqaale ee ay ku tiirsanaayeen Argagixisadu ay soo dadejisay guulaha laga gaaray furimaha dagaalka iyo xoreynta deegaannada ay ku dhibaateynayeen Shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna  kala hadlay Ku xigeenka Xoghayaha Maaliyada Maraykanka ee Arrimaha Argagixisada iyo ka hortagga maalgelintooda Mr: Brian Nelson iskaashiga Soomaaliya iyo Mareykanka ee cunaqabateynta maaliyadeed ee Argagixisada, doorka ay ka qaadanayaan Wejiga Labaad ee howlgalka dalka lagaga xoreynayo Khawaarijta iyo horumarka laga sameeyay barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya.

Dhankiisa, Mr: Brian Nelson ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha soo dhaweynta iyo kulanka ay yeesheen, waxa uuna sheegay in nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya ay aas-aas u tahay nabadda Gobolka iyo Adduunka, sidaas daradeedna ay ka go’antahay dalkiisa in ay ku gacan siiyaan dowladda Soomaaliya ka hortaga lacagaha sharic darada iyo la dagaallanka Argagixisada, iyadoo uu Kaaliyaha Xoghayaha waaxda maaliyadda oo soo gaaray magaalada Muqdisho, waana safarkiisii labaad ee uu ku yimaado qaaradda Afrika, isagoo kulamo la qaatay Masuulliyinta dalalka Soomaaliya iyo Kenya oo ay ka wada hadleen dhinacyada iskaashiga, si loo ballaariyo, islmarkaana looga gudbo caqabadaha iyo in loo tilaabsado fursadaha jira, safarkiisuna waxa uu  ku qotomaa adkeynta xiriirka maaliyadeed ee Mareykanka la leeyahay qaaradda Afrika.

Kadib Shir jiraa’id oo uu qabtay ayuu ku faah faahiyay ujeedka safarkiisa Muqdisho iyo guud ahaan qaaradda Afrika, “aad baan ugu faraxsanahay in aan idinla joogno Muqdisho maanta dhammaantiin. Wa safarkeyga labaad ee aan ku imaado qaaradda Afrika, waxaana la kulmay dhiggeyga Soomaaliya iyo Kenya si aan uga wada hadalno dhinacyada iskaashiga, annagoo ballaarinayno iskaashiyadaasi si aan uga gudubno caqabadaha iyo in aan u tilaabsano fursadaha ina horyaalla”, ayuu yiri Mr: Nelson.

Mar uu ka hadlaayay kulamadii uu ku qabtay Dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayuu Kaaliyuhu yiri “Muhiimadda ugu weyn ee kulamadii aan ku qabtay Muqdisho iyo Nairobi ayaa ahaa mid aan kaga wada hadlaynay sidii aan u xoojin laheyn iskaashigeena ee ka hortagga maalgelinta Argagixisada gobolka. Si taas loo gaaro, galinka dambe ee maanta, xafiiskayaga ee Xakamaynta Hantida Dibadda (OFAC) ayaa magacaabi doonta shaqsi caan ah oo ah maalgeliyaha Argagixisada, magacaabidtiisna waxay taageero u tahay dadaaladda Soomaaliya iyo Kenya ee lagu dhabar jibinaayo maalgelinta Argagixisada. Maanta waxaan kala hadlay Madaxda Soomaaliya sidii aan isaga kaashan lahenyn sii kordhinta saameynta arrintan ee lagu beegsanayo argagixisada ku dhaqan Soomaaliya”

“Saameynta ugu badan ee cunaqabataynta aan soo rogno waxaa la helaa markii aan la shaqeyno saaxiibadayada. Waxaan kala hadlay maamulada Soomaaliyeed ee heerka ugu sarreeya in ay muhim tahay in aan goor hore xogta wadaagno iyo in la fududeeyo baaritaanada, lana fuliyo tilaabooyinka ka dhanka ah maalgeliyayaasha iyo kuwa fududeeya falalka argagixisada”, ayuu sii raaciyay.,

Kaaliyuhu Kulankii uu la yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Masuuliyiin kale, waxay ka wada hadleen dhowr arrimood oo ay ugu waaweynaayeen,  1: horumarka laga gaarayo dhisidda awoodda lagula dagaalamayo lacagaha la dhaqo iyo maalgelinta argagixisada, tan 2-aad  horumarka lagu horumarinayo dib-u-habeynta muhiimka ah ee u oggolaanaysa Soomaaliya in ay dakhligeeda u isticmaasho horumarinta dhaqaalaheeda halkii ay ku bixin lahayd deymaha. Iyo 3-aad: istaraatiijiyad cusub oo ka timid waaxda Maaliyadda Maraykanka oo ku saabsan wax ka qabashada khatarta dhaqaale, si aan u fududeyno howlaha xawaaladaha iyo gargaarka bini’aadantinimo ee jaaliyadaha qurba-joogta ah ee ku dhaqan Maraykanka. Hagaajinta kontaroolada Soomaaliya u leedahay la dagaalanka lacagaha la dhaqo, maalgelinta Argagixisada, fidinta maalgelinta, iyo khataraha ka timaada ka dhuumashada cunaqabataynta waxay kalsooni ku beereeysa waaxda Bangiyada Maraykanka, taasoo tuseysa in waaxda maaliyadda ee Soomaaliya la kormeero laguna nidaamiyo si waafaqsan heerarka caalamiga ah iyo kuwa gudaha.

“Laakiin safarkaygu kuma koobnayn kaliya ah shirarka dawladda. Waxaan la kulmey wakiilo ka socota qeybaha adeegyada Bangiyada iyo Xawaladaha Soomaaliya. Shirkadahan sida gaarka ah loo leeyahay ee safka hore ku jira waxay door muhiim ah ka ciyaaraan la dagaalanka lacagaha la dhaqo iyo maalgelinta Argagixisada, iyaga oo la shaqaynaya maamulada maxalliga ah. Waaxda Maaliyadda waxay si dhow ula shaqeysaa hey’adaha maaliyadeed si aan u wadaagno macluumaadka ku saabsan dhaqdhaqaaqyada sharci darrada ah iyo in la hirgeliyo xeerarka AML/CFT”, ayuu yiri Kaaliyaha.

Dhinaca kale Mareykanka ayaa ogaaday in Cabdiweli Maxamed Yuusuf inuu yahay madaxa maaliyadda ee Daacish-Soomaaliya iyo xubin ka tirsan Daacish-ta Afrika oo dakhli ka soo saarta ISIS qeybinta qaaradda. ISIS- ama Daacishta Soomaaliya waxay ku howlan tahay baadda hey’adaha maaliyadeed, ganacsiyada maxalliga ah, iyo bixiyeyaasha adeegga lacagta Mobilada, iyagoo ka faa’iidaysanaya dayacanka hey’adaha Soomaaliya, si ay u maalgeliyaan hawlahooda, oo ay ku jiraan lacagaha Mobilada iyo Xawaaladaha.

“Waxaa naga go’an inaan u isticmaalno Maamulkeena si aan u taageerno Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dadaallada ay kaga hortagayso dhaq-dhaqaaqyada maalgelinta argagixisada ee wax u dhimaya amniga qaranka Soomaaliya khatarna ku ah xasilloonida gobolka”, sidaasi waxaa yiri masuul ka tirsan waaxda maaliyadda Maraykanka. “Tallaabadan waxaa loo qaaday si waafaqsan Amarka Fulinta ee 13224, ee wax laga beddelay, kaas oo bartilmaameedsada kooxaha argagixisada iyo taageerayaashooda”, ayuu sii raaciyay MATTHEW MILLER, Afhayeenka Waaxda Maaliyadda Maraykanka.